Garawo waa tuulo ku taal meel 15km dhanka galbeed ka xigta magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Tuuladaasi ayaa loogu magac daray hal caan ka ahayd deegaankaasi oo la oran jiray Garawo.
Garawo oo sida la sheegay Ilaahay uu caano ku manneystay ayaa waxaa lahaa nin la oran jiray Shiil Cismaan oo ku noolaa deegaankaasi billowgii qarnigii 20-aad ee aynu soo dhaafnay.
Muuse Cabdilaahi oo Shiil Cismaan ay qaraabo ahaayeen isla markaana soo raacay qaar ka mid ah geelii ka faracmay hashaasi la oran jiray Garawo ayaa BBC-da u sheegay in Garawo ay ammaantaasi ku muteysatay caanaha uu Eebe ku manneystay, waxaana sida uu sheegaya mararka qaar dhici jirtay in marka qosyka Shiil Cismaan iyo deriskuba ay ka dhargaan god lagu shubi jiray caanaha hashaasi.
Sida la sheegay Shiil Cismaan hashaasi aad ayuu u jeclaa oo xitaa waxaa mar dhacday in uu mar ku xila furay, taa oo ka turjumeysa qiimaha ay agtiisa ka lahayd.
“Garawo waxay ahayd neef adduunyo ah neefka ugu qaalisan. Waxay ahayd dadka adduunka jooga ee xoola dhaqatada ah, reer toban qoys ah, reerkaa waa ay ku filnayd. Sida lagu jeclaa waxa ay ahayd wanaagga caanaha lagaga maalayo. Kolkii caanaha dadku ka maalo ninkii Garawo dhaqanayay wuxuu u jeclaa aad iyo aad,” ayuu yiri Muuse Cabdilaahi.
Marka Garawo dhaleyso
Sida qoyska Shiil iyo qoyskiisuba u jeclaayeen hashaasi waxa ay sababtay in marka ay foolaneyso la isugu yimaado oo dad badan ay shinsadaan.
Sida uu sheegaya Muuse Cabdilaahi, marka ay hashaasi dhaleyso waxaa loola dhaqmi jiray sida dumarka marka ay foolanayaan.
“Kolka Garawo ay dhalayso, dadku wuxuu u dhaqaaqi jiday sida haweenku marka ay foolanayaan ayaa culeys la saari jiray, baallaha ayaa laga fariisan jiray, sida haweenka oo kale ayaa looga umulin jiray,” ayuu yiri Muuse.
“Kolkii Garawo laga dhaliyo, dadkaa meeshaa fadhiya ee isugu soo uruura, dhiilkii soo qaada hashii Idiimbacaso ayaa irmaanaataye dhiilasha soo qaata oo soo gurta ayaa lagu oran jiray dadka. Dadkaasi meeshaa isugu yimid ayay Garawo kolkaa deeqi jirtay sidii Idiimbacaso looga sheekeyn jiray oo kale.“
Inkastoo xilligaasi ahayd billowgii qarnigi 20-aa d ee la soo dhaafay, haddana ilaa maanta taariikhda hashaasi waa mid ku weyn dadka deggan Dhagaxbuur, gaar ahaan tuulada Garawo.
Markii Garawo Dhimatay
“Hashii Garowo waxay aasan tahay 192 sano, xiliga geela waxaa ku dhacay cudur la yidhaahdo Gorod -duuf, hashana cudurkaa baa ku dhacay oo dilay, in la gowracana ninkiii lahaa waaa diiday, Garowo abaalkeeda gowrac maaha buu yidhi.“
“Markii ay dhimatey wuxuuu yidhi Garowe halayla aaso, waxaana lagu kanfay kabdo wax la yidhaahdo, oo haweenku sameyn jireen waagii hore, ayaa midna hoosta laga mariyay midna dusha laga saaray, waxaa loo aasay sidii bani aadanka oo qabri iil leh baa loo qoday, awr gool ahna waa lagu dul qalay, oo ragii aasayay baa cunay“
“Marka ay foolato way dhaqaaqi jirtey lama soo celin jirin, rag qoryo wataa daba socon jirey, marka ay dhasho neefka lama soo qaadin jirin, ilaa uu ka socdo halkaasaa lagu ilaalin jirey “