Xakamee cadhadaada, yay cadhadu ku gaadhsiinin heer aad maamuli kari waydo ficilkaaga, ama heer aad qaadan kari weydo go’aan haboon oo maskaxda ka yimid, baro sidii aad u xakamayn lahayd naftaada marka lagaa xanaajiyo, yacni kolka aad cadhooto yay xubnaha jidhkaagu is-maamulin, oo aanay ka xidhiidh furanin maskaxda, ka feejignay in aad noqoto dadka marka ay cadhoodaan is-garanwaagu ku dhaco, ee hadhaw ku calaacala “miyaan is-ogaa… warba isku maan hayn…”
Waa talo badbaado u ah noloshaada’e fadlan qaado…
Ma og-tahay akhristoow; in qof kasta oo dadka ka mid ah (Muslim iyo Gaal), uu abuur ahaan Irmaan yahay, oo uu Lismi karo, hadii la Godlo.
Ma og-tahay in dadka dareenkooda la maali karo, oo qof kasta marka la xoodaamiyo, ee uu godlado, waxa ka lisma loo adeegsan karo in lagu abuuro Barwaaqo ama Balaayo.




Iyada oo weliba heerka barwaaqada ama balaayada lagu abuurayaa, ay ku sii kala xeel-dheer tahay, nooca liska ka dhiijisma qofka, marka la maalo.
Kolkaa qofka ama dadka dareenkooda laga lisay Gadhoodh, waxa la adeegsan karaa in ka badan inta la adeegsan karo, qofka ama dadka dareenkooda laga lisay Dhay.
Akhristoow; hadii ay kugu adkaato inaad fahamto ujeedadayda, oo afkaa xoola-maalka ee aan ereyadiisa adeegsaday sabab u yahay, ha iga degdegin anaa si fiican kuu fahamsiine.
Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye markii uu dadka abuurayay, waxa uu qof kasta u sameeyay, oo uu ku abuuray Dareenno kala duwan, oo qofku inta uu nool yahay aan ka dhamaanayn, yacni qofku wuu Irmaan yahay oo way buuxdaa mar kasta kashiisu, laakiin caadiyan dareenadaasi maaha kuwo mar kasta Active ah, oo qofka ka muuqda, waxa jira waxyaabo kala duwan oo cariya ama sababa soo bixitaanka dareenadaasi.

Hadaba dareeenadaasi weeyi halka uu qof kastaa ka irmaan yahay, marka dareennadaasi ay qofka ka soo baxaan, waxa lagu gartaa oo qofka inooga muuqda, calaamado iyo astaamo jidhkiisa ku sameysma, oo af iyo addinba ka muuqda, astaamahaasi ayaa sheega soo-bixitaankooda iyo noocadda ay yihiin ba, waxaanay kala leeyihiin magacyo loo garan-og-yahay, oo lagu sunto nooca ka soo muuqday qofka.
Dareenadaa irmaan ee qofka ku abuurani, marka ay qofka ka soo baxaan, waxa ay noqdaan labadan nooc midkood:
- Farxad iyo Badhaadhe,
- ama Cadho iyo Ciil,
Dareenka farxaddu kolka uu Dhay yahay, yacni farxad dhex-dhexaad ah oo aan badnayn, waxa uu qofka uga soo baxaa hab loo yaqaano Dhoolacadeyn, marka se dareenka farxadu uu soo baxo isaga oo Gadhood ah, yacni farxad badan oo qayrul-xad ah, waxa uu qofka kaga soo baxaa Qosol aanu qofku xakamayn karaynin, oo xataa hadii uu isku celi is-yidhaa, aanu karaynne kolba ka baxsada.
Dareenka cadhadu marka uu qofka ka yimaado, hadii uu yahay Dhay, waxa uu qofka uga soo baxaa hab loo yaqaano Xanaaq, oo dadku ay ku soo bandhigaan siyaabo kala duwan, sida (Wejiga oo qofku ururiyo ama afka oo uu buuro, iwm…) marka se dareenkaa cadhada ah ee qofka ka lismay uu Gadhood yahay, waxa uu qofka uga soo baxaa hab loo yaqaano Oohin.
Dadka yaqaan hababka loo cariyo dareenadaasi, ee dibada loogu soo saaraa, waxay awood u leeyihiin inay dadka lisaan, oo ay maallaan dareenadoodaasi.
Kadibna farxadaasi ama cadhadaasi qofka dareenkiisa ay ka liseen, ayay u adeegsan karaan danahooda, iyo in si guud loogu abuuro barwaaqo ama balaayo, iyada oo weliba heerka adeegsiga liska dadku, ku sii kala xeel-dheer yahay xaraaradda dareenkoodu heerka ay gaadhay ama la gaadhsiiyay.
Ma ogtahay akhristoow; adigu inaad abuur ahaan nugushahay, oo aad ka mid noqon karto dadka la liso, ee dareenkooda laga faa’iideysan karo.


Hadaba hadii aad yar qariibsatay nugeylkaasi, oo aad isu qabto akhristoow inaad tahay qof aan la lisi karin, bal ila dhugo warkan inooga yimid caalamka sare.

Xadiiskaa sare waxa uu ku qoran yahay kitaabka Saxiixu Muslim, macnaha guud ee warkaa af-carabiga inagu soo gaadhay oo koobani waxa weeyi:
Ibliis oo shayaadiinta jinka ka ugu weyn, ee ugu horeeyay ah, ayaa intii aan laga soo eryin caalamka sare, waxa uu isa soo dul taagay jidhkii Nebi Aadan cs, oo abuuritaankii weli ku socdo, oo yaala janada dhexdeeda, kadibna ibliis inta uu kolba gees ka maray, ayuu aad ugu fiir-fiirsaday qaabka uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu u abuuray Nebi Aadan cs, kadibna wuxu arkay in Nebi Aadan cs uu abuur ahaan gol-jilic leeyahay ama nugul yahay, oo halkaasi hadii laga soo weeraro laga guuleysan karo, Cajiib! xikmad ayaa se ku jirta, in Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu u ogolaaday Ibliis, inuu xogtaasi ka helo Nebi Aadan cs iyo abuurkiisii, gol-jilicdaasi uu Nebi Aadan cs abuur ahaan lahaa, wuxuu Ibliis ku sheegay, in Nebi Aadan cs uu yahay mid aan xakamayn karaynin dareenada naftiisa…
Hadaba akhristoow ogow; is-xakamayn-la’aantaasi inaguna dhamaanteen waynu ka dhaxalnay awawgeed Nebi Aadan cs, waxa se Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu inoogu kabay gol-jilicdaasi, oo difaac iyo gaashaan aynu ku illaalino inoogaga dhigay, discipline-ka diineed ee Rabbi weynaa oo wanaagsanaaye uu rususha inoogu soo dhiibay, oo leh ka-hortagyo badan, oo aynu kaga badbaadayno, weerarada ay shayaadiintu ku soo qaadaan gol-jilicdeenaasi.
Ma og-tahay sababta uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye rususha iyo anbiyada ugu soo diri jiray dadka, ee xeerarka iyo axkaamta Muslimnimo uu kolba ugu cusbooneysiin jiray, inay tahay Raxmaanku si uu dadka uga badbaadiyo, shayaadiinta dadka lisa, ee dareenkooda maala, ee kadibna dhaydii iyo gadhoodhkii ay dadka ka listeen, u adeegsata danahooda gaarka ah iyo fasahaadka dunida, taasi oo qofkii la lisayna u horseedi karta, inuu guuldaraysto adduunyada ama aakhiro ama se labadaba (Illaahay ayaynu ka magan galnay guuldaro)
Akhristoow; maxaad ka ogtahay shaqada shayaadiinta ee la yidhaahdo CADHO-MAAL ama CIIL-MAAL
SHAQADA SHAYAADIINTA (Cadho-Maal & Ciil-Maal)
Cadhada ama xanaaqa marka si cilmi ah loo sharaxayo, waxa lagu tafsiiraa “Cadhadu waa xaalad, ay xubnaha jidhka oo dhan ama xubnaha qaarkood, ay ka xidhiidh furtaan amarka maskaxda, oo xubnuhu ay sameeyaan ficil ama dhaqdhaqaaq aan maskaxda soo marin, oo aanay soo amrin…“
Waana sababta; qofku marku xanaaqsan yahay ama cadheysan yahay, waxyaabuhu sameeyo uu hadhaw uga qoomamoodo, cudur-daar na uga dhigto inuu yidhaa: ”Is ma ba aan ogeyn…” almacnaa; wixii aan idhi ama aan sameeyay markii aan cadhaysnaa, may ahayn wax maskaxdaydu ka fikirtay, kadibna igu amartay.
Akhristoow; hadii aad ogeyd in la maalo xoolaha, oo laga liso caano la cabo, ma ogtahay inay jiraan dad maala dadka, oo cadho ka lisa, kadibna cadhadaasi adeegsada, oo ku hagaajista noloshooda iyo arrimahooda, ama ku fasahaadiya nolosha dunida.
Ma ogtahay; in dadka oo la cadho-maalaa, aanay ahayn wax cusub, se ay tahay xeelad weligeedba soo jiraysay, oo ay adeegsadaan shayaadiinta dadka ah iyo kuwa jinka ahiba, waana mid ka mid ah sababaha Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu inoogu sameeyay jadwalka nolosha, ee ka kooban amarrada xaga samada inooga yimid, sida waajibaadka oo aynu gudanno iyo xaaraamaha oo aynu ka fogaanno, si jadwal-nololeedkaasi dadka uga badbaadiyo shayaadiinta dadka ka lista cadhada.
TUSAALE:
Markii iigu horeysay ee aan anigu ogaaday, in qofka looga faa’iideysan karo cadhadiisa, waxay ahayd:
Beri ayaa waxa ku dagaalamay goob waxbarasho laba caruur ah, wax weyn ismay yeelin, laakiin maamulihii ayaa labadii caruur ahaa ka soo eryay iskuulkii, waxaanu ku yidhi: “Waalidkiin iigu yeedha beri subaxa...”
Labadan caruur ah mid baa qalqaali ah, oo waa ka isagu marka hore bilaabay dagaalka, inanka kale waa miskiin caano ma daadshe ah, laakiin markii dagaalka uu ku bilaabay shaydaankaa yar ee kale, ayuu is-difaacid galay oo isna la dagaalamay, sidaasi ayuu dagaalkaa labada inamood ku dhacay.
Subixii ayaa labadii inan oo mid waliba waalidkii wato ay yimaadeen iskuulkii.
Inankii qalqaaliga ahaa waxa la socday Hooyadii oo iyaduna shaw kaba sii qalqaalisan inankeeda, oo shaydaamad weyn ah, iyada oo ganbada gacanta ku sidata, oo shalmadiina dhexda ku xidhatay ayay soo raacday inankeeda, waxaanay ku tiraabaysay “yaa dilay inankeyga… farta ha la iigu fiiqo H***… “
Inankii miskiinka ahaa isaga waxa la socday Aabihii, oo ahaa nin masuul ah, oo ixtiraamkiisu qayrul-xad ahaa.
Maamulihii iyo labadii waalid oo mid waliba inankiisii wato, ayaa isku raacay xafiiskii maamulaha, markay in muddo ah ku jireen xafiiskii, way ka soo baxeen waxay isa soo yidhaahdeenba.
Kadibna inankii miskiinka ahaa iyo aabihii ayaa soo hor baxay, markay in woxogaa ah socdeen barxadii iskuulka, ayay gabadhii qalqaaliga ahayd iyo inankeediina soo baxeen.
Bal itixaanka dhacay; inankii qalqaaliga ahaa, inta uu ka soo muruxsaday hooyadii, oo uu orod isa soo daayay, ayuu meel dhexda ah dhagax ka qaatay, kadibna inankii miskiinka ahaa oo iska baraad la’a, oo aabihii waaninayoo wax u sheeg-sheegayo, ayuu dhagaxii kaga dhuftay dhabarka, kadibna orod ayuu isa sii daayay, oo xagii dadka badani joogay ayuu u cararay, dadku waxay isku lahaayeen gabadhan hooyadii ah, ayaa ku soo dirtay, oo ku tidhi “Dhagax qaado oo ku dhufo H*** dadkaa kaa qabane…“
Inankii miskiinka ahaa waxa u cuntami waayay, aabihii oo lagu ag bahdilay, si aan dadku ugu caayin, waa taa cadho intay madax martay, uu isna dhagax meel halkeer ah ka qaatay, kadibna orod ayuu iska sii daba daayay shaydaankii yaraa ee dhagaxa ku dhuftay, cadhada haysay heerkeeda xataa aabihii ayaa qaban kari waayay, oo si kasta oo uu isugu dayay inuu ku dhago, wuu kari waayay.
Wuxuu dhagaxii la daba cararo ba, ciilkii iyo cadhadiina ay kolba kor ugu sii kacdaba “Yuu kaa dhuuman’e ka gooso… intaan laydin kala dhex galin ku dhufo… ka gaadhsii yuu libin kaala tegine…“,
Markii uu gaadhay, ee uu is-yidhi ku dhufo, waa kaa shaydaankii yaraa ku daba dhuuntay inan labadoodaba ka yar roonaa, oo isagu meel halkaas ah iska marayay, xaga dambe intuu ka maray ayuu suunka ku dhagay, oo kolba xaga uu dhagaxu kaga beegan yahay ku qariyaa dhabarkii inankan weyn.
Inankii lagu daba dhuuntay wuu iska furfuri kari waayay shaydaankan ku daba jira, ee suunka ku dhagan, si kasta oo uu yidhi ka soo saari kari waa dhabarkiisii.
Inankii miskiinka ahaa ee dhagaxa sitayna, cadhadii ayaa dedejinaysa oo ku leh “Ka gaadhsiiyoo ka gooso…” dhagaxii ayuu la hortaagan yahay inankii weynaa ee shaydaanka yari ku daba jiray, oo kolba gees ayuu kala marayaa si uu ula helo shaydaankii yaraa.
Inankii weynaa ee lagu daba dhuuntay, talo ayaa ku ciirtay, ma dhagaxan ku soo maqan ayuu ka gaban, mise kan ku daba dhuuntay ee sidii xanjada ugu dhegen ayuu iska furfuri, oo uu dhabarkiisa ka soo saari.
Nasiib xumo; inankii ay cadhadu dedejinaysay markii uu dhowr goor kolba gees uga wareegay, isla markaana aabihii oo soo daba-cararayayna uu arkay inuu u soo dhawaaday, dad kalena ay ka daa iyo ha ku dhufan meelahaa kaga soo leeyihiin, cadhadii iyo ciilkii uu ka qaaday dhagaxii ku dhacay, ayaa taladii kaga baahday, kadibna dhagaxii ayuu ku sii daayay inankii weynaa oo shaydaankii ku daba naban yahay, inankii weynaa ee isagu qaafilka iska ahaa, ayaa dhagaxii meel xun kaga dhacay, oo xanuunkii oohin qabsaday.
Kadibna xanuunkii dhagaxa ku dhacay, ayuu cadhadii kula dhacay inankii miskiinka ahaa ee dhagaxa ku dhuftay, si aad ah ayuu u garaacay, oo bilaa naxariis ah, gawda ayuu ka saaray miskiinkii.
Odeygii aabaha u ahaa, oo intaa ba daba ordayay inankiisa, oo kolna kufayay kolna kacayay, ayaa aad u muraaqooday, oo dirqi kaga qabtay inankii weynaa, kadibna inankii oo weli xanuunkii la ilmaynaya, oo inuu sii dilo ka yar doonaya, ayuu raaligeliyay oo madaxa u salaaxay, oo dhowr goor kolba meeshii dhaguxu kaga dhacay la eegay, oo weydiiyay inuu dhagaxu gaadhsiiyay dhaawac u baahan dhakhtar in la geeyo, inankiina markii xanuunkii ka ba’ay, kacsanaantii iyo is-xariifintii way ka ba’day, oo raaligelintii wuu ka aqbalay odeygii.
Odeygii inankii ka soo baxsaday, oo dilan, oo jug iyo xanuun badan qaba, ayuu kor u laalaadiyay oo dhulka ka kiciyay, oo isna cadhadii kula dhacay, hanjabaad iyo handadaad ayuu ugu daray “Maxaad ii maqli la’a dahay, bal intaan ku daba ordayo eeg…“
Odeygan aabaha u ah inanka miskiinka ahi, qaabkii uu u hadlayay markaad eegto, wuu fahamsanaa siyaasada uu shaydaankaa yari u degay inankiisa, se muxuu samayni, saw kaa inankii maqli waayay, hadaladii hanjabaada ahaa ee uu inankiisa wax ugu sheegayay, waxa ka mid ahaa “Imagine… hadii aad qori haysan lahayd! kolba qofka uu kaaga daba dhuunto ayaad toogan lahayd saw maaha? Ah… Cadhadaadii ayuu ka faa’iideystay shaydaankaasi… bal eeg imika! dhagaxna wuu kugu dhacay, hadana waxa kuu raacay dilmo kale iyo in cadhadii kugu kaliftay inaad khasaare gasho, oo aad qof kale oo aan cadaw kuu ahayn dhaawacdo, oo uu isna cadaw kale kugu noqdo… hadaad i maqli lahayd… shaydaankaana waad ka goosan lahayd dhagaxa, khasaarahaasi kalena inama gaadheen…“
Kadibna odeygii inankiisii ayuu kaxaystay, isaga oo shaydaankii yaraa iyo hooyadii oo daawanaya, aanu midkoodna wax ku odhan, maxaa yeelay; wuxuu fahamsanaa in inankiisa laga caqli batay, oo dhibka badankiisa uu inanku isyeelay, ileyn inta laga cadheysiiyay, ayaa hadana cadhadiisii lagu jiheeyay cid kale.
Arrinta cajiibka ah ayaa waxay ahayd, gabadhii iyo inankeedii shayaadiinta ahaa daawadeyaal ayay ka ahaayeen, markii inanka weyni dilayay inankii miskiinka ahaa, oo weliba way ku soo qos-qoslayeen, maxaa yeelay; iyaga markan arrinkoodii waa la ilaaway, oo sidhinkii cadhada ee ay inanka miskiinka ah ku dalaceen, ayaa qaladkoodii meesha ka saaray, kolkaa hawshan kale ee dhacday ayay si xallad leh u daawanayeen.
Dhacdadaasi waxa weeyi tusaale si fiican kuu fahamsiinaya, ganacsi weyn oo adduunyada si balaadhan uga dhex jira, Illaahayna weynaa oo wanaagsanaaye uu waxyiga siyaabo kala duwan uu inoogu soo bandhigay.
قَالَ الله تعالى : { وإما ينزغنك من الشيطان نزغ فاستعذ بالله } ( فصلت :36 )
Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye, isaga oo wax inoo sheegaya, ayaa wuxuu yidhi: “Mar kasta oo aad is-ogaataan in shaydaanku idin lisayo, oo dareenkiina maalayo, si uu idiinku jiheeyo halka uu idinla doonayo, waxaad tidhaahdaan ACUUDU BILAAHI MINA SHAYDAANI RAJIIM“
قَالَ رسولُ اللَّه ﷺ: إِنِّي لأعلَمُ كَلِمةً لَوْ قَالَهَا لَذَهَبَ عنْهُ مَا يجِدُ، لوْ قَالَ: أَعْوذُ بِاللهِ مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ ذَهَبَ منْهُ مَا يجدُ
Nebi Muxamad csw ayaa wuxuu arkay nin cadheysan, oo indhuhu casaadeen heerka cadhadu ka gaadhay, kadibna wuxuu Nebigu yidhi: “Hadii uu ninkaasi shaydaanka iska naari lahaa, cadhadaasi way ka degi lahayd…“
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ( ليس الشديد بِالصُّرَعَةِ ، إنما الشديد الذي يملك نفسه عند الغضب ) رواه البخاري
Nebi Muxamad csw ayaa wuxuu mar kale yidhi: “Geesiga ama ninka adagi maaha, ninka aan dhinaciisa dhulka la dhigin, ee aan la legdi karin, laakiin nin-adaygu waa ninka xakameyn kara naftiisa, kolka uu cadhoodo ama xanaaqsan yahay…“




Ma ogtahay; in dadka shaydaamoobay ee jimanka ku shaqeystaa, ay ka faa’iideystaan cadhada qofka, yacni qofka ayay ka cadheysiiyaan, kadibna iyaga oo qofkii cadheysnaa isaga dhigaya nasteex iyo inay dantiisa wadaan, ayay cadhadii qofka jiheeyaan, oo u jeediyaan halka ay la damacsan yihiin.
Abwaan Xasan Ganay ayaa wuxuu yidhi:
- Hadduu geela ciin dilo,
- Rag ganboorka daajoo,
- Gabnadooda daaqdaa,
- Ugu dararto baa jira,
FAA’IIDADA DADBAN EE TUKASHADA SALAADDA KU JIRTA
Ma ogtahay; Salaadu inay tahay difaac iyo gaashaan dagaal, mar kalena tahay maan-carbis iyo tababar dagaal, ogow tukashada salaadu inay tahay amar iyo waajib uu Raxmaanku inagu addoonsaday ka sokow, wuxu qofku ugu diyaargaroobayaa, sidii uu qofku guul uga gaadhi lahaa, dagaalka ugu xun uguna adag, kaasi oo ah mid uu qof kastaa waajahayo kaligii, waa dagaal qofka aanay u soo gurman karin ehelkiisu iyo cid kale toona, waxa kaliya ee qofka looga tari karaa na, waa ka-hortagiisa oo qofka laga taageero, oo la sii siiyo talooyin iyo tababar wax u tara inta uu dagaalkaasi ku jiro, ama baylahdiisa oo loo daryeelo inta geerida uga hadhsan, waa hadii uu ku bariiqdo dagaalkaasi, oo uu guul-dareysto, yacni ilmada iyo duufka oo laga tiro ama dhiig-joojin, waaba hadii uu helo cid daryeelkaa u fidisa’e.
Ogow akhristoow dagaalkaasi waad is-huran tihiin, waa dagaal ku sugaya, oo goor iyo gelin kasta aad halis ugu jirto inuu kugu bilaabmo, inta aad adduunka nooshahay.
Akhristoow; bal hadaba maanta baro, habka ay tukashada salaadu kaaga difaacayso weerarka Sixirooleyaasha, gaar ahaan sixirka maskaxda iyo maanka lagu khalkhaliyo, taasoo jinkii lagu diray qofku, uu la wareegayo maamulkii maskaxda iyo maanka qofka, kadibna qofkii uu waalanayo (Illaahay ayaynu ka magan galnay sixirka iyo sixirooleyaashaba…)
Akhristoow; mar kasta oo qofku salaad tukanayo, hadii uu salaadiisa qaybaheeda ka warhayo, sida ereyada uu ku dhawaaqayo ama dhaqdhaqaaqyada ay salaadu leedahay, oo uu ka-warhayntaasi joogteeyo, naftiisana ku khasbo sidaasi ilaa inta ay la qabsanayso, oo ku carbiyo maankiisa, oo aanu qofkii noqonin maqane-jooga, yacni qofku inuu iska ilaaliyo intu salaada ku jiro, in maskaxdiisu ay meel kale oo tukashada ka baxsan ku maqnaato, oo arrimo kale ka fikirto.
Akhristoow; hadii aad go’aansato inaad xoojiso ka-warhaynta salaadaada, ogow waxaad dagaal qadhaadh la galaysaa Shayaadiinta, maxaa yeelay; xiliga uu qofku salaada galo, ayay shayaadiintuna ku soo rawaxaan qofka, oo u yimaadaan si ay uga khalkhaliyaan gudashada waajibkaasi iyo tukashada, heer ay dadka qaarkood gaadhsiiyaan inay garan waayaan ba wixii ay tukadeen, iyo sidii ay u takadeen ba.


Hadaba mar kasta oo qofku la qabsado ka-warhaynta tukashadiisa, ogow qofkaasi maalin kasta 5-goor ama 5-salaadood ayuu maskaxdiisa laylyaa, oo uu ku khasbayaa inay noqoto mid uu isagu iska leeyahay, oo maamulkeeda iyo amarkeeda uu isagu leeyahay…
Hadaba akhristoow ogow; qofkaa ku jira tababarka maan-carbiska ee maalinlaha ah, sixirka waalidu kari maayo Illaahay idamkii, maxaa yeelay; jinkan qofkii lagu soo dirayaa, ma awoodi karo inuu la wareego, oo maamulo maanka iyo maskaxda qofkaa maalin kasta 5-ta goor carbinaya maskaxdiisa, ileyn sixirka waalidu waxa weeyi, jin la wareegay maankii qofka, oo siinaya amaro xunxun, iyada oo qofkuna fulinayo uun wixii jinku amray, halka dadkuna la yaaban yihiin waxan uu qofkii sameynayo, ileyn arki maayaan jinkan qofka ku raran ee la wareegay maamulkii maskaxdiisa’e.
Laakiin kolka qofku tababaran yahay, ee uu maankiisa carbiyo ama ku laylyo tukashada salaada, ogow mar kasta oo jinku isku dayo inuu la wareego maankiisa, qofkaasi wuxuu awood u leeyahay inuu maankiisa soo ceshan karo, ileyn waa qof tababaran oo maalin kasta tababar-maskaxeed ku jira’e.
Akhristoow; bal hadaba is-weydii, kolka aad tukanayso salaada, intee in leeg ayaad ka warhaysaa salaadaada?
Bal marka aad ka baxdo salaada, isku day inaad dib u xasuusan karto salaadaadii, iyo rakcad kasta wixii aad samaysay (afka wax aad ka tidhi iyo addinka waxaad ka samaysay ba):
- Hadii ay maskaxdaadu ahayd mid %90 ku koobnayd tukashada salaada, xaqiiq guul ayaad joogtaa walaahi,
- Hadii se aad ahayd maqane-jooga, intii aad salaada tukanaysay, ogow halis ayaad ugu jirtaa akhristoow, in ay jimanku la wareegaan maskaxdaada,
Akhristoow; hadii aanad hore u ogayn tukashada salaadu inay tahay maan-carbis, bal maanta isku day in aad u fiirsato salaadaada, oo aad ka warhayso kolba halka aad marayso tukashada, maalmaha hore oo dhan way kugu adkaan doontaa, mar kasta oo aad maskaxdaada ku soo celiso u-fiirsiga salaadaada, hadana wuxuun baad is-arki adiga oo baxay, oo ay meel kale ka fikirayso maskaxdii, ha ka daalin, oo ha dhayilsane, ku celceli ilaa inta aad la qabsanayso, dadka qaarkood todobaad ayay kula qabsadaan, qaarkoodna bil ama in ka badan, muhiimadu se waa inaad adigu yeelato maamulka maskaxdaada, oo awood u yeelato inaad jihayso fikirkaaga, waa inaad soo celin karto maskaxdaadu mar kasta oo ay baxdo ama ka fikirto meel aanad adigu amar ku siinin (Alle ha inoo fudeydiyo dhamaanteen cibaadada iyo acmaasha wanaagsan la-qabsigooda)
Nin ay shayaadiintu riteen, oo ay salaada kaga adkaadeen, ayaa waxa uu igu yidhi: “Anigu weligay aqalka/guriga kuma tukanin, jamaca masaajidka uun baan la tukadaa, maxaa yeelay; hadii aan keligay tukado, khalkhal iyo sahwi ba kama baxo, oo wax aan tukadayba garan maayo…“
BUDHCAD-DIINEEDKA IYO SIDA AY CADHADA DADKA UGA FAA’IIDEYSTAAN
Cadho-maalada dhulkeena jooga, waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa kooxaha budhcad-diimeedyada ah (Alshabaab iyo Ictisaam):
- Inta badan waxay adeegsadaan sukhrufal-qawlka, yacni wacdi iyo muxaadaro ay dadka cadho iyo ciil gadhoodhay kaga lisayaan, kadibna gadhoodhkii ay dadka ka liseen, ayay u jiheeyaan kolba halka ay la rabaan.
- Mararka qaarkoodna waxay adeegsadaan sixirka, si jinkaa ay dirsanayaan ugu abuuro stress iyo warwar qofka ay rabaan inay u adeegsadaan danahooda.
Mabda’a budhcad-diineedyadaasi kuma dhisna ujeedo iyo yool qeexan, yacni qiil iyo daliil sharci ah uma hayaan gunnimo-dagaalankooda iyo gaar-uga-baxa dadkooda, waa se mashaariic ku dhisan seef-la-boodnimo, isla markaana ay ku socodsiiyaan ciil iyo cadho ay ku beeraan bulshada.
Budhcad-diimeedyadaasi waxa cadawgooda 1aad ah, wax kasta oo bulshadu farxad iyo nashaad ka heli karaan(entertainment), maxaa yeelay; waxa uu caqabad ku yahay seeska uu mashruucoodu ka dul dhisan yahay, kaasi oo ah inay bulshada cadho-maalaan, kolkaa:
- Mar kasta oo ciilka iyo cadhadu ku badato bulshada dhexdeeda, iyaga waa u badhaadhe iyo bushaaro, oo mashruucoodu kor-u-kac ayuu sameeyaa, ileyn ciidan badan oo ay adeegsadaan ayay helayaane, waana sababta ay inta badan u dumiyaan nidaamyada bulshada, ee ay qabaa’illada isugu diraan, si tafaraaruqa iyo kala-dambeyn-la’aantu u badato.
- Mar kasta oo farxadda iyo waxyaabaha keenaa ku badato bulshada dhexdeeda, iyaga waa u hoog iyo ba’a, maxaa yeelay; mashruucooda hoos-u-dhac ayaa ku dhaca, oo waxay waayayaan dad ay adeegsadaan, oo ay xamaasadda iyo cadhadooda uga faa’iideystaan.

Qodobkan iga gunud akhristoow; qof kasta oo maanta dalka ku nool, oo ku haysta nolol wanaagsan, arrinkiisu waa laba mid uun:
- In uu ka mid yahay budhcad-diineedyadaasi, hawlna u hayo, ha ku qanacsanaado hawshooda ama yaanu ku qanacsanaane.
- In aanu ka mid ahayn nidaam ahaan, laakiin uu si dadban ula shaqeeyo, isaga oo aan is-ogeyn, yacni arrimo iyaga khatar ama culays ku ah ayuu kaga gudban yahay, ama waxa jira hawlo qofkan kaga xidhan, oo ay ka fushadaan, oo meel kale oo ay u maraan aanay haysan.
Qodobkanna iga gunud isna; qof kasta oo aan ka tirsanayn budhcad-diineedyadaasi, in uu horumar gaadho, oo nolol wanaagsan ku helo dalka gudihiisu way adag tahay, maxaa yeelay; budhcad-diineedyadaasi waxay kula jiraan dagaal qadhaadh oo qarsoon, oo waliba gunnimo-dagaalan ah, sixir ayaanay inta badan dagaaladaasi u isticmaalaan, sababtuna waxa weeyi:
- Dadka ka tirsan budhcad-diineedyadu, waxay u badan yihiin dad khasban, oo aan ku qanacsanayn mashruucaasi, waa qaar la harawsadayoo fahamka diinta lagu khiyaamay, kuwo cabsi darteed kula jooga, iyo in badan oo duruufta looga faa’iideystay, kolkaa dadkaasi si aanay u wayraxin kolkay arkaan qof aan kooxda ka tirsanayn, oo hadana horumar iyo nolol wanaagsan ku haysta dalka, waa inay qofkaa la dagaalamaan, oo ka kala tuuraan wanaagii nololeed ee uu haystay.
- Si dadka iyaga ka midka ahi mar kasta u noqdaan tusaalaha bulshada, iyo kuwo ka nolol sareeya dadka aan budhcad-diineedka ka tirsanayn, taasina ay ciidankooda qalbi-dhis ugu noqoto, isla markaana loogu soo dhiirado kamid-noqoshada budhcada.
Beenaha ay guud ahaan budhcad-diimeeyadu faafiyeen waxa ka mid ah, kalmadda Jihaad-fii-sabiili-laah (جهاد في سبيل الله) oo ay ku macneeyaan “Illaahay dartii in loo dagaalamo…“

Ogow; Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye hiil iyo hoo midna kaagama baahna, hadii aad dagaalamayso iyo hadii aad cibaadaysanayso iyo hadii walba, diinta Islaamka adaa ku nafci qaba’e, waxba uguma taraysid Illaahay weynaa wanaagsanaaye, midhkaasi inaad garawsato, oo uu kaa daadego weeyi, maxaa yeelay; waxa fahamkaasi kuu fudeydinayaa, inaad diinta islaamka ku hagaajiso naftaada, oo aanad isu arag qof Illaahay abaal ugu galaya Islaamnimadiisa.
عن أبي ذر الغفاري – رضي الله عنه – عن النبي – صلى الله عليه وسلم – يا عبادي ، لو أن أولكم وآخركم وإنسكم وجنكم كانوا على أتقى قلب رجل واحد منكم ما زاد ذلك في ملكي شيئا ، يا عبادي لو أن أولكم وآخركم وإنسكم وجنكم كانوا على أفجر قلب رجل واحد ما نقص ذلك من ملكي شيئا
Hadii aad u fiirsato Qur’aanka, inta goor ee Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu muslimiinta dagaalama ku yidhi, waxaad ogaan doontaa oo ay kuugu soo ururi qodobadan:
- In lala dagaalamo cid kasta oo is-hortaagta ama diida, dadka adduun-weynaha in la gaadhsiiyo fariintii Islaamnimada, oo ah sheegid iyo fahamsiin aan cunfi iyo cadaawadi ku ladhnayn (فَقُولَا لَهُ قَوْلًا لَّيِّنًا * لَّعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَىٰ), yacni wacdi iyo waano in fariinta Islaamnimada lagu gudbiyo.
- Dulmiga, gumeysiga iyo dhibaato wixii wada in lala dagaalamayo, oo la isaga hiiliyo weliba, ha noqdo mid adiga laguu geystay, ama mid deegaankaaga iyo dadkaaga loo geystay, ama mid loo geystay dad itaal-daran oo daciif ah (Muslim iyo Gaalba), amaba mid loo geysanayo makhluuqaadka mayeedhaanka ah, qofka muslimka ahi waa inuu la dagaalamo cadawga dhibaatada wada, ogobeey (Daalimku waa cadaw, Cudurku waa cadaw, Gaajadu waa cadaw, Oonku waa cadaw… iwm…)


Akhristoow waxaad ogaataa; kalmadda Jihaad (جهاد) oo macnaheedu yahay Dadaal-diineed, waa erey gudo-balaadhan, oo ay soo hoos galayaan dhamaan noocyada sama-falka iyo dadaalada diinta oo dhami, kolkaa marbaa Jihaadku yahay:
- Xaqqa oo aad ku adinto, iyo hadal run ah oo aad sheegidiisa la hor-joogsato, qof daalim ah oo diidan in runta la sheego.
- Qof aad dhibaato haysata wax uga tartaa, iyana waa samafal Alle kaa abaal marin doono, iyo mid ka mid ah dadaalada diinta Islaamka loogu adeegayo.
- Diinta oo aad fahamsiiso dadka aan aqoonta u lahayn, iyana waa ka mid Jihaadka iyo dadaal-diineedka.
- Waxa ugu sareeya Jihaadka iyo dedaal-diineedyada, in aad la dagaalanto cadawga, adiga oo qasdigaagu na yahay, in dhibaato loo waayay maareyn kale, aad ku joojiso dagaalkaasi.
Kolkaa Jihaad-fii-sabiili-laah (جهاد في سبيل الله) macnaheeda guud wuxuu noqonayaa: “Muslim-oow marka aad dagaalamayso, ogow diintii lagaama rafcin, xeerarkii iyo shuruucdii diintu waa halkoodii, wixii laguu diiday marka aanad dagaal ku jirin, xiliga dagaalkana way kaa reeban yihiin, sida oo kale; wixii lagu faray kolka aanad dagaal ku jirin, xiliga aad dagaalamaysana way ku huran yihiin…“
Hadii aan kuu yar fudeydiyo macnahaa guud, waxaynu wada ognahay, in qofku aanu dagaalamin isaga oo faraxsan, laakiin xiliga uu qofku dagaalamaa, waa marka uu cadheysan yahay, kolkaa cadhaduna waa cadawga diinta iyo sido kale cadawga haleelka ama helitaanka go’aanka haboon, hadaba xiliga uu qofku ugu baahi badan yahay xeerarka diinta Islaamku, waa marka uu cadheysan yahay, sidaasi ayaa Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye ugu qayday xiliga dagaalka, inuu qofku ku sugnaado jidkii toosnaa ee Islaamnimada (جهاد في سبيل إلي الله)
Yacni = كن في جهاد وانت علي سبيل إلي الله اي وانت علي صراط المستقيم
Qofku marka uu cadheysan yahay, ee cadhadaasi ay gaadho heer ay ciisho qofka, waxa qofka ku dhaca jiha-wareer, oo inta uu saliida iyo biyaha isku daro, ayaa wax walba iyo xadgudub kastaa ka suurogalaa, kadibna hadhaw marka cadhadii ka degto, ayuu qoomamo la soo istaagaa, isaga oo leh “Isma ba aan ogeyn…”
Hodhodhooo… isma ba aan ogeyn… ogow qoomamadaasi kaa saari mayso xisaabta aakhiro, iyo in lagaala xisaabtamo adduunka iyo aakhiro ba, dulmi kasta oo aad ku geysato is-garanwaagaasi.
Kolkaa Cadduuroow; Raxmaanku wuu ku arkayaaye, intaad balaayo-balaayo iska dhigto, oo aad tidhaa xamaasad diineed ayaa i qaaday iyo Jihaad baan ku jiraa, ama intaad soo huwato magacyada iyo title-da kale wan-wanaagsan ee Islaamiga ah (Waa xaafidal-qur’aan codkiisuna halaasi yahay… waa faqiih diinta ku fogaaday… waa mufasir… waa muxadis… iwm), hadaba ha kula dhuuman wanaag-diineedkaasi aad huwatay, sameynta dulmiga iyo gabood-fallada.
Rabbi weynaa oo wanaagsanaaye isagoo taa inooga digaya, ayuu waxyiga inoogu sheegay, qofku marba hadii uu dagaalamayo, oo uu sidaa go’aansado, waa inuu ku sugnaado xayndaabkii diinta, hadii aanu karaynin isaga oo cadheysan inuu diinta ku sugnaado, oo gaboodfalladii iyo xadgudubyadii mamnuuca ahaa aanu ka joogsan karaynin, ogow qofkaasi inuu dagaalkaa ka helo shahaado ama guul adduunyo iska daaye, waxa uu halis u yahay inuu aakhiradiisa dagaalkaasi galaafto.
Akhristoow; xaga diinta Islaamka inta lagaa soo maro, oo jibbo iyo is-garanwaa lagugu abuuro, yaan kooxaha cadhada iyo ciilka dadka maalaa ku lisine, fadlan qaado talooyinkan hoose:
TALOOYIN ISLAAMNIMADAADA WAX WEYN U TARAYA
SHEEKO:
Maalin ayaa aniga oo aqalka ku sii socda, oo ay goortuna tahay duhur eedaankii salaadu dhaw yahay, ayaa waxa dhexda iga soo raacay nin weyn, yacni nin da’a ahaan aanu garaad u dhinayn, kadib ninkii ayaanu sii sheekaysannay.
Xilliga lagu jiray waxay ahayd gu’ ama xiligii aynu fili jirnay di’itaanka roobka, laakiin roobkii muu di’in, kulayl badanina wuu jiraa.
Sheekadii ayaa waxay nala gashay roobka iyo sababta uu u di’i waayay, ninku aad ayuu arrimahaasi xasaasi ugu ahaa sida iiga muuqatay, kadib sidii aanu sheekadaasi roobka iyo arrimihiisa u kala roganaynay, ayuun baan idhi “Dadka ayaa dulmigii iyo dembigii ku batay, oo taasaa sababtay inuu roobku inoo di’i waayo…“
Haba odhan lahaydaa, ninkii waa kaa aad ii huruufay, hadalo wada ad-adag oo si cadho leh uu iigu soo ganay, ayuu iigu jawaabay ninkii.
Hadaladiisii cadhada lahaa waxa ka mid ahaa:
- Waar dembi lahayne… naga… muslimiin baynu nahay waryaa… Illaahay rumeysan, sowkaa gaalada Illaahay diidaye wax walba samaynaysa ba u da’aya, ee ay barwaaqada ku jiraan, waar…
- Miyaad aragtay wadan hebel iyo hebel… waa wada gaalo, hadana roobku kama qaado, waxaa ani ha iila iman, dadbaa dembi galay oo roobkii u di’i waayay iyo … waar nacnacdaasi anigu ma dhagaysto.
Qaabka uu iila hadlayay iyo sida uu indhaha faraha iiga gelin gaadhay waxaad moodeysay, sidii oo aan anigu ahay Roobkan di’i waayay.
Kadibna waanigaa aamusay, ee aan bilaabay in aan dejiyo ninkii, oo intaan u nacamleeyo aan ka guro sheekada, tiisa na aan u raaco ayay noqotay.
Qof kasta oo muslim ahi, waa inuu ogaado, oo yaqiinsado:
- Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye, muslimiinta oo keliya Illaah uma ahee, xataa gaalada Illaah ayuu u yahay, hadii gaalku diiday inuu Illaahay caabudo, oo addoon u noqdo, diidmadaasi meesha ka saari mayso xaqiiqada ah, in Illaahay uu yahay Illaahoodii xaqqa ahaa.
- Diinta Islaamku waa xeerar iyo shuruuc uu Illaahay u soo dejiyay dadka adduunka oo dhan (ku kala nool 7-da qaaradood iyo jasiiradaha) markaa diinta Islaamku dhex ayay u tahay dadka, hadii uu qofku Muslim noqdo oo diinta qaato, Islaamnimadiisu sheegi mayso in diintu noqotay mulki iyo hanti uu gaar u leeyahay, kolkaa xaqiiqdu waxa weeyi qofka Muslimka ahi diintan Islaamka kama laha Gaalada, kamana sheegan karo.
- Qofku islaamnimadiisa Illaahay waxba uguma tarayo’e, Islaamnimada ayaa ah mid waxtaraysa qofka, oo dantiisu ay ku jirto.
Akhristoow; cibaadada iyo in Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye aad garato, oo addoon u noqotaa, yay kuula muuqan in aad Rabigaa wax tarayso, ogow cibaadada aynu u abuuran nahay, iyo dhamaan qodobada iyo qaybaha diinta oo idil, waa discipline iyo nidaam-nololeed oo Raxmaanku uu ugu talogalay, in qofku kaga badbaado guul-darada ay shayaadiintu la maagan yihiin, iyo in aanu qofku noqonin addoon uu addoon kale addoonsado.
Almacnaa; Islaamnimadu waxa weeyi [waxaagii wax laguugu dar], bal tusaalahan kooban aan kugu fahamsiiyo Islaamnimada:
Ka soo qaad adiga oo Raxmaanku uu kugu yidhi: “Shayaadiintu waxay doonayaan inay meel daran kaa tuuraan, oo aad adduun iyo aakhira ba guuldaraysato’e, ha ka baqan, oo ha isku dhiibine, hubkaa iyo gaashaankaa (Waxyiga) aan Rasuulka kuugu soo dhiibay iskaga difaac, kolkaa hadii aad go’aan adag qaadato, oo aad iska difaacdo shayaadiinta, adduunka waad guuleysan, Aakhiro-na guushaa aad adduunkii ku gaadhay dedaalkaaga, waxaan kuugu darayaa janno iyo barwaaqo aan dhamaad lahayn, hadii se aad fuley noqoto, oo raacdo shayaadiinta cabsi darteed, isuna dhiibto shayaadiinta, aakhiro na hoyga ay ku leeyihiin shayaadiintu, oo jahanama iyo naar ah, ayuun baad u sii raaci, oo la degi doontaa…”



TUSAALE (ليس كمثله شيء وهو السميع البصير – ):
Aabo ayaa inankiisa oo ku jira fasalka 4aad ee dugsiga sare ku yidhi: “Hadii aad imitixaanka baasto/gudubto, oo darajada A ku gudubto, Gaadhi aad jaamacada ku tagto ayaan kuu soo iibinayaa, hadii aad darajada B ku gudubtana, Laptop computer aad wax ku barato ayaan kuu soo iibinayaa, hadii aad gaadho darajo aad ku baasto/gudubto na, Mobile Iphone ah ayaan kuu soo iibinayaa, hadii se aad dhacdo oo gudbi weydo, aqalkayga waad ka tageysaa, adigaa yaqaan sida aad noloshaada u dabarayso, is-koris ayaad noqon doontaa…”
Waxaynu ognahay ama qiyaasi karnaa, hadii hadyadahaa loo balanqaaday, ay yihiin kuwo ardeygu jecel yahay, oo baahi uu u qabo, in ardeygaasi uu aad u dadaalayo, oo uu gudagalayo dadaal-waxbarasho, oo halka ugu sareysaa tahay, sidii uu darajada A ugu baasi lahaa, si uu hadyadda weyn u helo, dadaalkaa halkiisa u hooseysaana tahay, in uu baaso uun calal-aqal, si uu hadyada u hooseysa u helo.
Sida oo kale ardeygaasi inuu dhaco, oo gudbi waayaa, iyana waa suuragal, se maxa sababi kara inuu dhaco?
Waa weydiin u baahan deraasad iyo in si qoto-dheer, oo falsafi ah loo baadho, tusaale ahaan:
- Ma hadyadaha kala duwan ee ardeyga loo balanqaaday ayaan ahayn, kuwo uu u baahan yahay, ama kuwo uu jecel yahay?
- Ma wax ka wanaagsan oo shiiqiyay wixii loo balanqaaday ayuu helayba, oo kas amaba kama’a u ilowsiiyay hanashadii hadyadaha?
- Ma hadyadaha ayaa ah kuwo uu imikaba haysto, ama uu u arko inay yihiin waxaanu cid kaleba uga baahneyne uu gaarkiisa iyo garaadkiisa ku heli karo?
- Ma caqabad iyo mushkilad ayaa heshay, oo u diiday ama ku keentay gaabis dadaalkii waxbarasho, ee uu ku hanan lahaa hadyadahaasi uu u baahan yahay ama uu jecel yahay?
- Ma niyadjab dhanka awooda iyo kartida ah, ayaa ku dhacay ardeyga, oo markii uu is-barbar dhigay awooda iyo kartida uu leeyahay ama haysto, iyo awooda/kartida uu dadaalkaa waxbarasho u baahan yahay, ee sababi kara inuu imtixaanka gudbo, ayaa kala batay oo isu-dhigmi waayay, kadibna wuxuu aaminay inaan awoodiisu u goyneynin dedaal uu imtixaankaasi kaga gudbi karo?
- Ma waxa uu ardeygu aaminsan yahay in aabihii been sheegayo, oo aanu hadyadahaasi u soo iibin karin, xataa ta ugu liidata na ha noqoto’e?
- Ma waxa uu ardeygu aaminsan yahay in aabihii uu aad u jecel yahay, oo aanay marnaba suuragal ahayn inuu inankiisa banaanka dhigo, oo dibada u tuuro, hadii uu gudbi waayo imitixaanka iyo hadii kaleba?
- Iwm… Wad uun ilaa xaqiiqada dhicitaankiisa sababtay laga gaadhayo, waana wax la ogaan karo.
Bal hadaba isku day in aad ka jawaabto su’aalahan hoosta ka muuqda:
- Ardeygu inuu baaso, oo darajada u sareysa ku gudbo, ama calal aqal gudbo uun, ma ardeyga ayay dantiisa tahay, oo faa’iido ku qaba, mise aabihii?
- Ardeygu inuu dhaco, oo imtixaanka ka gudbi waayo, ma aabaha ayaa ku dhib qaba, oo ay u xun tahay, mise ardeyga?
Bal u badal sidani, oo hadana ka jawaab su’aalihii:
- Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye waxaad ku badashaa, halka uu tusaalaha sare Aabo kaga jiro.
- Adigu na akhristoow (qof kasto muslim ah) waxaad is-dhigtaa, barta uu tusaalaha sare Ardeygu kaga jiro.
- Nolosha adduunyadana waxaad ku badashaa, halka uu Imtixaanka ardeygu galayaa kaga jiro tusaalaha sare.
- Janada iyo Cadaabta Aakhiro na waxaad ku badashaa, Hadyadaha uu aabuhu u balanqaaday Inankiisa.
Kadibna ka jawaab su’aalahani:
- Akhristoow inaad adduunyada guuleysato, aakhirana janada gasho, ma adiga ayay dantaada tahay, mise Illaahay ayaad wax ugu taraysaa sidaasi?
- Inaad se adduun iyo aakhiro ba guul-dareysato, ma adigaa ku dhib qaba mise Illaahay?
Akhristoow; waa muhiim inaad ogaato ujeedada Islaamnimada, waana in aad ka jawaabi karto su’aalahani:
- In aan Muslim noqdo maxaan ka faa’iidayaa?
- Maxaan se u cibaadeystaa?
Hadaba Islaamnimada si guud, waxa qofka ugu jira laba faa’iido:
FAA’IIDADA 1aad:
Cibaadada uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye innagu waajibiyay, horta waa jawaab-celinta amarkii Rabbigaa kaaga yimid, iyo muujinta inaad Rabbigaa amarkiisa u dhago nugushahay, oo aad ogoshahay weynaanta iyo wanaaga Raxmaanka.
Waxaynu ognahay in Ibliis oo ah addoonkii u horeeyay ee Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye uu naarta u balanqaaday, wixii uu ku muteystay guuldaradaasi waxa weeyi, diidmo uu diiday amar uu faray Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye.
Bal hadaba sawiro, adiga oo aakhiro tagay, oo arkaya Ibliis oo naartii loogu horeysiiyay, oo ku dhex jira, kadibna Raxmaanku uu adiga ku weydiiyay “Addoonkeygaa naarta ku jira ee Ibliis, wuxuu ku muteystay naartaasi amarkeyga oo uu diiday, adigu maxaad kaga duwan tahay isaga, ileyn labadiinaba anaa idin abuuray, oo addoomahaygii ayaad tihiine?”
Markaa maanta oo aad adduunka joogto, faa’iidada 1aad ee cibaadada aad gudanayso kuugu jirtaa, waa in aad diyaarinayso wixii aad kaga jawaabi lahayd su’aashaasi, iyo inaad xaqiijiso waxaad kaga duwan tahay addoomaha kula midka ah, ee sida aad u abuuran tahay iyaguna u abuuran, ee aakhiro naarta galaya, ee Ibliis ugu horeeyo, kolkaa u fahan in aad jawaabtan hab ficli ah u xaqiijinayso “Illaahayoow waxaan kaga duwanahay, anigu amarkaagii waan qaatay, oo waajibkii aad I fartay waan ku gawracnaa, oo waan soo gutay…”

FAA’IIDADA 2aad:
Diinta Islaamku; waxay ka kooban tahay xeerar iyo axkaam lagu dhaqmayo, oo af iyo addinba ku fulaya, kuwaasi oo qofka ka badbaadinaya dhagarta shayaadiinta, inta uu adduunka joogo, isla markaana qofka u horseedaya, inuu ka mid noqdo dadka guuleystay aakhiro (Illaahay waxaynu weydiisanaynaa, inuu guulahaasi inoo fududeeyo adduunka iyo aakhiroba)
