WAABU SOO QURUX BADNAANAYAA

WARYA! WAABU SOO QURUX BADNAANAYAA 😂

Nin odey ah oo meel fadhiya, ayaa waxa ku soo leexday laba nin oo wada socday, labadan nin mid ahaan ayay odeyga is-garanayaan 🙌

Kadibna markii ay salaameen ayaa odeygii maagay, oo geeska geliyay labadii nin mid ahaan.

Ninkii uu garanayay ayuu ku yidhi “Waar muxuu ahaa kan fooshaxun ee kula socdaana?

Ninkii baa ugu jawaabay “Waa nin inaadeerkaa ah, oo waa nin reer hebel ah…

Odeygii inta uu dib u fadhiistay, oo ninkii uu maagay isha sidaa iyo sidaa ula raac-raacay ayuu yidhi “WARYAA! WAABU SOO QURUX BADNAANAYAA 🤗

Kuye: horta dhererkii iyo laftii reer biniinka wuu leeyahay, indhihii libaaxa aad moodeysay ee reer goodaadkuna waa kuwaa ii muuqda, waryaah! waar bal ii waran… oo reer hebel yaad ka tahay? 🤝🫂

Kadibna odeygii iyo ninkii uu maagay ee ay isku reerka noqdeen, si fiican ayay isu toydeen, oo jiibta iyo jaanta ay isula heleen

error: Fadlan Lama Ogola !!