قال الله: (أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبِرِّ وَتَنسَوْنَ أَنفُسَكُمْ …[سورة البقرة:44])
GEELA DUQDIISU DURDURISO, AARANKIISA MAXAAD U MALAYN
Qabiilka iyo Qabyaaladu waa laba aad u kala duwan, waa se la isku khaldaa inta badan.
QABIILKU waa nidaam Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu inoo jideeyay, oo diinteena Islaamka ka mid ah, ilaalintiisa iyo hagaajintiisuna waa waajib, maxaa yeelay waxa ku xidhan oon ka maarmeyn, qaybaha ugu muhiimsan diinta Islaamka, tusaale ahaan; dhismaha qoyska Muslimka ahi Qabiilkii ayuu ku xidhan yahay, oo marka la kala yaqaano Gayaanka iyo Qaraabada ayuun buu qoys muslim ahi dhismi karaa.
QABYAALADU waa kibir ka dhashay qofka oo qabiilka uu yahay dartiis is-mahadiyay, waxaanay keentaa ama sabab u noqotaa:
- – Dulmiga iyo gardarada
- – Eexda
- – Cadaalad-darada
- – Musuqmaasuq hantiyeed iyo mid awoodeedba
- – Iwm…
Qabyaaladii mar hadii ay kibir uun tahay, muxuu kibirku isna noqonayaa?
Kibirka ama Isla-weynida Nebi Muxamed scw ayaa si faahfaahsan inoogu sharaxay, waxaanu yidhi: “KIBIRKU WAA QOFKA OO XAQA DIIDA, DADKANA YASA AMA XAQIRA“
( قال النبي صلى الله عليه وسلم : “الكبر بطر الحق وغمط الناس” )

Hadaba waa halkaase, Abwaan Gaariye Alle ha u naxariistee ayaa wuxu yidhi:
- – Mar baa qumac la riday,
- – Galaaftaa kii ridaye,
- – Nin iin lehoow daa gujada,
Hadaba hadii ay xukuumadu tidhi qabyaalada ayaanu la dagaalamaynaa, waa arrin bogaadin mudan, oo aanu idiinku hambalyaynayno, isla markaana in xukuumadu ay degdeg u fuliso aanu ka rajeynayno.
La-dagaalanka qabyaalada, dadyawga aduunka oo dhan ayaa dedaal ugu jira, wixii ugu wanaagsanaa ee la arkay inuu qabyaalada wax ka taray, wuxuu noqday Dawladnimada, oo dawladnimadii waxay keenaysaa in ay wada noolaadaan, oo wax wada yeeshaan, dad ku kala qo-qobnaa magacyada qabiilka.
Dawladnimadii way noocyo badan tahaye, noocii is-kaba raaciyay qabyaalada, ee meesha ka saaray badi ama gebi ahaanba, waxay noqotay dawladnimada ku dhisan dimuqraadiyadda.
Dimuqraadiyadu waxay keentay;
In nin madaw (Barack Obama) oo ka soo jeeda dadkii lagu adoonsan jiray dalka Maraykanku, uu hogaamiye u noqdo Maraykanka, oo dad ka soo jeeda kuwii adoonsan jiray awoowayaashii, ay codkooda ku doortaan.
In nin Hindi ah (Rishi Sunak) oo ka soo jeeda dalka Hindiya, oo ay Biritishku boqolaal sano gumeysan jireen, uu hogaamiye u noqdo Britain, oo ah dalkii gumeysan jiray dalkiisa, dadka reer Britain-na ay codkooda ku doortaan.
Sidii aynu hore u soo sheegnay, Qabyaaladu waa kibir iyo islaweyni uu qofku kula kaco Xaqqa iyo dadka ba, markaa Xaqqu waa maxay isagu?
Xaqqu waa erey gudo-balaadhan, waxa soo hoos galaya dhamaan cilmul-yaqiin iyo caynul-yaqiin oo dhan, oo uu ugu weyn yahay waxyigu iyo wixii Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye inoo sheegay, sida oo kale cahdiga iyo heshiisyada bulshadu ay isku waafaqaan, ee u dhexeeyaana waa ka mid Xaqqa
( ” وَأَوْفُوا بِالْعَهْدِ ۖ إِنَّ الْعَهْدَ كَانَ مَسْئُولًا ” [ الأسراء : 34 ] )
Xukuumad iyo Xisbul-Xaakimoow; taladii dalka ee aad ku guuleysateen, yay idiin horseedin kibir, iyo in aad xeerarkii dalka u yaalay ee bulshada u dhexeeyay, aad ka san-taagtaan fulintooda, ama ba dadka intii aad kaga guuleysateen talada dalka, aad ugu faantaan awoodii dawladnimo, oo ku muquunisaan si aanay idiin mucaaridin, Qabyaalada maanta sida weyn u muuqataa waa taasi.
Maxaa yeelay; waxa jira siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo inbadan oo ka mid ah dadka taageersan xukuumada iyo labada xisbi-muxaafid, oo aad hadaladooda iyo weliba qaarkood ficiladooda ka dareemayso jibbo, iyo inay la shawakhsan yihiin guusha ay taladii dalka ku heleen, qaarkood ayaa markaad qalad sharci ah oo jira sheegto, ku odhanaya “maxaad ka badali kartaa? ama maxaad qaadi kartaa? ama maxaad sameyn kartaa? %65 ayaa noo codeeyay oo aqlabiyad ayaanu talada ku helnaye…“
Dee laguu maba diidana inaad aqlabiyad heshay iyo in %65 ay kuu codeeyeene, waxa se muhiim ah in dadkaasi loo sheego, hadii codka ay ku guuleysteen yahay %65 amaba uu noqon lahaa %100 aanay taasi ka dhignayn, in dalkii iyo dadkuba noqdeen hanti ay kaligood gaar u leeyihiin, oo sida ay doonaan ka yeeli karaan, se nidaamka dalkeena JSL u degsani uu yahay Dawladnimo Dimuqraadi ah, oo seeskeedu yahay dastuurka iyo go’aanka bulshada, kuwaasi oo marka la rabo in lagu sameeyo wax-ka-badal ama kaabid, u baahan in guud ahaan dadka dalku ka wada dhexeeyo laga qayb-geliyo go’aamintooda.
Seeskaasi ayay ka dul dhismayaan dhamaan xeerarka kale, sida;
Digreetooyinka Madaxweynaha,
Xeerarka Hay’adaha iyo Wasaaraduhu diyaariyaan,
Xeerarka Baarlamaanku sameeyaan,
Barnaamij-Siyaasadeedyada Xisbiyada,
Iyo dhamaan xeer-ganacsiyeedyada iyo heshiisyada bulshadu wada galaan oo idil.
Hadaba taasi waxay ka dhigan tahay, kolba xisbiga ku soo baxa talada dalku, codka uu helaa inta uu doono ha noqdo’e, wuxuu keliya fulinayaa uun barnaamij-siyaasadeedkiisa inta muddo-xileedkiisu ka dhamaanayo, wixii se intaa ka baxsan ee ka hor imanaya dastuurka iyo go’aankii bulshada, ee Xisbiga iyo Xukuumada talada haysaa ay sameeyaan, wuxuu noqonayaa KHIYAAMO QARAN, iyo in dhaartii ay mareen ay ka been sheegeen, kuna mutaysanayaan Maamuus-Ka-Xayuubin (Impeachment)
Hadaba xukuumada iyo xisbul-xaakimkeedu tusaale ha u noqdaan hawshaasi, oo ha ka bilaabaan joojinta qabyaalada gudahooda, dhamaan xubnaha xukuumada ka tirsan iyo taageerayaashooduba ha xoojiyaan ku-dhaqanka dastuurka iyo xeerarka dalka JSL u dejisan, waxay taasi horseedi doontaa in dawladnimadu inoo adkaato, shacabkuna idinku daydaan oo ay aaminaan xeerarka dalka, hadii se xukuumadu noqoto sidii maahmaahdii ahayd “Maroodigu takarta saaran ma arkee, ta ka kale saaran ayuu arkaa”, waxay taasi dhali halis dawlada, dadka iyo dalka toona u rooneyn.
FG:
Qofka madax-dhaqameedka ahi, hadii uu dawladiisa la hadlo, oo uu wax weydiiyo ama talo u sheego amaba cabasho u soo bandhigo, maaha taasi qabyaalade, waa xaq uu laba goorba leeyahay, mar waa xaqiisii muwaadinnimo oo dastuurka dalka ayaa xaq u siiyay, marna waa xaqii madax-dhaqameednimo, oo bulshada uu dhaqanka ku matalo ayuu afkoodii ku hadlayaa.
Gollaha Guurtida ayaa dastuurku xaq u siiyay, inay arrimaha dhaqanka iyo nabadda ka shaqeeyaan, kolkaa waa in madaxda iyo guddiyada dhaqanka ee siyaasadda ku milmay, laga dhex saaro talada dalka, maadaama oo aanay qiil sharciyeed u lahayn shaqadaasi, kuna eekaadaan reeraha ay gaarka u yihiin.

