Beri ayaa masaajid meel aad ugu dhaweyd, oo kambalkiisa ahayd, ay u noqotay majlis-sheeko koox ciyaal-xaafad ah, oo badidoodu ahaa kuray xoogle wada abu-jeerina, dadka qaarkoodna ay dibjir iyo sakhaariin ku sheegi jireen.
Kooxdaasi bal qorshe xumadooda xilliga duhurkii oo badankoodu ay hurdo ka soo toosaan, ayay bartaasi iman jireen, oo aad ugu sheekaysan jireen, inta ay xili-qadada ka gaadhayso, sheekadoodu waxay u badnayd mid qosol dhaadheer iyo hooyo-cay iyo is-jiid-jiidad badnayd, oo codkooda iyo shanqadhooda si aad ah looga dhex maqlayo masaajidkan u dhaw, salaadana may tukan jirin, oo masaajidka maba ay soo geli jirin, marmar ay suuliga ku soo xaajo gudanayaan ama biyaha weysada madaxa iyo cagaha ku soo yar qaboojistaan mooyee.
Waxa aad u dhibsan jiray nimankaa dhalinyarta ah, xerta masaajidka gaar ahaan inta iyagu maamulka masaajidka ah, oo jaal la noqday maqalka sheekadaa codka dhaadheer ku baxaysa, ee ay joogtada ka dhigteen dhalinyartaa aan tukanaynin, ee ugu dhex timaada masaajidka dhexdiisa hadii salaad ay ku jiraan iyo hadii kaleba.
Hadaba maalin ayaa sheekhii ama iimaamkii masaajidku, uu isagoo aad u cadheysan u tagay nimankii dhalinyarta ahaa, markii uu ka baxay salaadii duhur, cadhada sheekha ka muuqatay waxaan ku qiyaasay, in uu dhowr goor oo hore la hadlay, oo uu ugu taag waayay inay masaajidka kala fogaadaan sheekadooda.
Sheekhii inta uu istaagay meel woxogaa u jirta halkii ay ku sheekaysanayeen, ayuu hadalo wada kulul oo habaar iyo hiifitaan miidhan ah kula hadlay, waxaan ka sii xasuustaa hadaladiisii habaarka u badnaa:
Inkaari idinku dhacdaye naga taga…
Meel daran alle idinka tuurye, maalin walba miyaanu idinla hadalnaa…
Shayaadiin yahay bilaa iimaanka ahi, ama soo gala masaajidka ama kala fogaada dibjirnimada salaada…
Intii uu sheekhu dhalinyarta la dirirayay, ayaa show waxa meesha maraysay, oo maqashay habaarka sheekha, dhalinyartan mid kamid ah walaashii , waa ciyaal-xaafad oo guryahoodu masaajidka hareerihiisa iyo meel isla xaafada uun ah weeyi.
Inantii ileyn waa dumar oo way iska qalbi jilicsan yihiine, iyada oo argagaxsan ayay u tagtay inamadii uu sheekhu habaarayay, waxay si qamuunyaysan ugu tidhi “Waryaa… waryaada i dhageysta… sheekhu wuu idin habaarayaaye tasbiixda qabsada, habaarka sheekhyadu wuu kacaaye, tasbiixsada… tasbiixsada waryaa… Illaahay ka magan gala…“
Hadana inta ay la hadashay walaalkeed, ayay ku tidhi “Hebeloow… intee ayaan ku idhi masaajidkaa ka fogow hadii aanad ku tukanayn, walaahi hadaan aabo kuu sheegi waayo, sow habaar inoomaad soo jiidin…” kadibna iyada oo qamuunyaysan ayay dhaaftay inamadii.
Abu-jeerimiintii uu sheekhu habaarayay ileyn si loo tasbiixsado garan maayaane, hadana dareen yaaban ayay ka qaadeen muuqii iyo qaab-hadalkii inanta, inta uu midiba mid eegay, oo qosolkii iyo sheekadoodii tororogta u badneyd ay joojiyeen, ayay is-weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen:
Inantu maxay leedahay
maxay la ooyaysaa
Dee baajuunta halkaa soo taagan sheekhna maahee, ayaa idin habaaraya ayay tidhi
Habaar maxay ah dee
Dee Illaahay ayuu inagu dirayaa
Oo muxuu inoogu dirayaa Illaahay
bal baajuuntan gadhka dheerle eeg
maxaynu u geysanay halkaasi ayaynu iska fadhinaaye
Waar waa baajuune… oo Illaahay miyuu inaga xigaa
Hadaladaasi markii ay hoos isugu tuur-tuureen, sheekhiina uu weli halkii soo taagan yahay, oo uu hadaladii kul-kululaa ee habaarka u badnaa uu ku soo wado, isaga oo doonaya inay meesha isaga kacaan, oo aanay dib ugu soo noqonin, waa kuwaa indha caag ah oo yaaban uun sheekhii sidaa ugu eega, ileyn hadal xun kuma odhan karayaan, oo waa sheekhii masaajidka ugu weynaa, iyaguna waa dhalinyar weli aan ka bixin gacanta waalidkood, inantiina waa tii ugu hanjabtay inay waalidkood u soo sheegi doonto, bal hadaba waa kuwaase nimankii afkoodii ha ka helaan ba kalmad munaasib ku ah sheekha, oo ay habaarkiisa kaga jawaabaan.
Waxay sheekhii ku eegaan indho yaaban ba, nimankii mid ayaa iska soo jaray hadal, oo hoos u yidhi “WAAR ILLAAHAY AYAANU KAA HOOS GALNAY… Baajuun yahay“
Kadibna hadalkaasi ayaa dhamaantood u wada dhadhamay, oo noqday midka ugu haboon ee ay ku waajihi karaan habaarka sheekha.
Waxaan u malaynayaa inay ka soo dheegteen hadalkii inanta ee ahaa “Waaryaada… Illaahay ka magan gala…“
Kadibna abu-jeerimiintii kolba mid ayaa hoos u yidhaa “Illaahay ayaanu kaa hoos galnay… Illaahay ayaanu kaa hoos galnay… Gadh-dheeroow…“
Waxay hoos u guuxaan, oo ay kolba Illaahay ka hoos galaan habaarka sheekha, ibtiladu waxay noqotay; sheekhii halkii kaba dhaqaaqi waa’a, habaarkiina joojin waa’a, kadibna kii ugu abu-jeerinsanaa dhalinyarta, ayaa inta uu istaagay cod dheer ku yidhi: “Waar Illaahay ayaanu kaa hoos galnay, baajuun yahay gadhka weyni…“
Abu-jeerinka hadlay xaaladiisu waa bariga dhexe:
Waa nin muuqaal ahaan imika uun hurdo ka soo toosay, oo labada indhood mid uun buu si fiican u kala hayaa, ta kale way bakhtiisan tahay, yacni hurdadii oo weli aanu wada dhameysan ayuu ka yimid, oo wuu badh-hurdaa,
Caday dheer na afka ayuu ugu jiraa,
Ilkihiisu waa sidii bakaylaha, oo waxa muuqda uun labada fool, oo weliba mid jaban yahay, ilkaha kale oo dhami ma muuqdaane way wada madaw yihiin,
Shaadhka badhanka u hooseeya uun baa xidhane inta kaleba way u furan yihiin, oo wuu feedha qaawan yahay,
Macawis kaliya oo bilaa shoorti ah ayuu xidhan yahay, oo dabayshaa ka xaraabaysanaysa,
Madaxiisu waa coof weliba cawlan, oo garfeedhii iyo dhaashigii ayaa ka dhiman,
Isku-haad kala-haad weeyi xaalkiisu.
Kadibna abujeerinkii markii uu buuri ku tufay sheekhii, hadana dad kale oo iyaguna la hadlay intuu ku jeestay, ayuu iyagana ku yidhi: “Dee muxuu nagu haystaa ee uu nagu habaarayaa odeygani
maxaanu u geysanay
ilaa maanta halkaasi ayuu habaar noola soo taagan yahaye
“
Sheekhii, oo cadhadii hore ee uu qabay ee soo kaliftay, ay ugu biirtay abu-jeerinka yidhi Illaahay ayaan kaa hoos galay, ayaa xaraaradii cirkaa la martay, oo isna iska soo jaray KUGU TUMAY… KUGU TUMAY… Nadal yahaw
Kadibna isaga oo cadho bakhtiisan sheekhii, intu ku jeestay xertii masaajidka ee la socotay, ayuu yidhi: “Bal sidu yahay ee uu ku leeyahay Illaahay ayaan hoos galayaa eeg Ma sidaas ayaad Illaahay ku hoos galaysaa shaydaanoow
Sidaa Illaahay laguma hoos galo’e kugu tumay shaydaan yahaw
Bal eeg hada, eeg
xiligaa gabalkii sii dhacayo ayuu caday dheer sitaa, oo waagii u baryay shaydaanka
“
Dadkii wadada marayay, ayaa dhalinyartii qofba meel kala soo hadlay, oo lagu waaniyay inay meesha isaga kacaan, sheekhana ay afka ka jeediyaan.
Kadibna abujeerimiintii kolba mid ayaa fadhigii ka kacay, oo kor ugu dhawaaqa “Illaahay ayaan kaa hoos galay…” markan mid waliba gaarkiisa ayuu Illaahay u hoos galayay, isaga oo mid waliba sheekha ku maqashiinayay cod dheer, sidii ayaanay kaga tageen kambalkii masaajidka.
Sheekhiina sutida ayuu u qabtayoo, kolba midka dhawaaqa ee yidhaa “ILLAAHAY AYAAN KAA HOOS GALAY“, ayuu jawaabtiisii gaabnayd isna ka horgeeyaa, oo cod dheer ku yidhaa “KUGU TUMAY Shaydaan yahaw…“