HA HADLIN

HA HADLIN = HORDHACA GUMEYSIGA

HA HADLIN = DHIIRIGELINTA ADOONSIGA

Hadii aad aragto nidaam dhibsanaya hadalka, oo dadka ku qabsanaya kaliya inay hadleen, waxaad ogaataa nidaamkaasi inuu yahay nidaam ay wax u qarsoon yihiin, waana bilawga nidaamyada macangaga ah ee dadka adoonsada.

Qofku marka uu hadlo, hadalkaasi waa laba mid uun:

  • RUN, qofku inuu ka hadlo xaqiiqooyin jira iyo Run, hadalka noocaasi ah dadka wanaagsan iyo nidaamyada ceeb-ka-saliimka ah ee aanay waxba u qarsooneyn, way ku farxaan, oo waa u muraayad ay iska dhex daawanayaan, hadii ay wax qaldeen iyo hadii ay wax saxeenba hadallada dadka ayay ka dhex ogaanayaan, wuxuun baa runta dhibsada dadka iyo nidaamyada wax qarinaya, ee is-leh yaan waxaa la ogaan.
  • BEEN, qofku inuu ka hadlo wax aan jirin iyo Been, hadalka noocaasi ah dadka wanaagsan iyo nidaamyada ceeb-ka-saliimka ahi wuxuun bay ku dilaan Runta iyo Saxnaanshiiyaha oo ay ka horgeeyaan, maxaa yeelay; qofka inta uu BEEN sheegay kadibna RUNTII laga daba sheegay, waa qof la toogtay, oo dee beri muxuu sheegi, yaa se wax ka dhageysanaya, waxa ku filan qofkaasi marka uu wax kale sheeg is-yidhaa, deetana lagu yidhaa MA WAXAAGII BAAD WADAA WELI, WAAR XISHOO? gudaha ayuu qofkaasi ka dhaawacmayaa.

Markaa waxaan uga socdaa, Hadalku waa badbaadada qofka iyo guud ahaan shacabka, marka dadka lagu yidhaa Ha Hadlina, waxa lagu dhiirigelinayaa Dulmiga iyo Adoonsiga inay qaayibaan, oo ogolaadaan.

Kolkaa sidan ay imika wax u socdaan, ee qofkii hadla lagu qabsanayo maxaad u hadashay, ee dadkii baraha bulshada wax ku soo bandhigi jiray laga xidhayo meelahoodii, waxay taasi muujinaysaa oo ay astaan u tahay, in wax weyn oo dadka laga qarinayaa soo socdo, oo la doonayo waxaasi marka uu yimaado inaan dadku yeelanin cid ka hadasha, waxaasi wuxuu yahayba wax weyn baa la qarinayaaye, bal aynu u dhugmo yeelanno.

Waxaynu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ka baryaynaa inuu waxaas ka dhigo wax Qaranka Jamhuuriyada Somaliland quweeya, oo xoojin iyo taageero u noqda.

Waxaa se guud ahaan dadka la gudboon, in qof-qof iyo qoys-qoys iyo koox-kooxba loo diyaargaroobo, si aanu waxaasi filanwaa inoogu noqonin, oo aanay taladu inooga baahin, gaar ahaan; inta isku xidhnaan hore leh ee ay hore wax ugu sii bilawnaayeen, waa in arrimaha aad loo sii gorfeeyo, oo wixii la yeelayaa qof kasta diyaar u sii ahaado.

TALO & TILMAAN KU SOCOTA BULSHADA

Qof kasta oo ka mid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxaynu ugu baaqaynaa, in aanay ka aamusin xaqqa sheegidiisa iyo dulmiga diididiisa, ogow hadii aad ka aamusto xaqiiqo iyo run agtaada taala, oo kaaga baahan sheegid kaliya iyo inaad dadka aan ogeyn la wadaagto, waxa Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye kugu imtixaami doonaa, in aad is-aragto adiga oo lagu qalanayo agtaadana shaah lagu cabayo, oo cid waar ka daaya tidhaa aad weydo, waa sunne Rabaaniya oo aynu ku hayno waayaha iyo sooyaalkii nololeed ee soo-jireenka ahaa, sida aad u dhaqanto ayuun baad heli abaalkeeda’e ogow (كما تدين تدان) ☝️

error: Fadlan Lama Ogola !!