Cadhadaadii ayuu ka faaiideystay

Beri ayaa waxa ku dagaalamay goob waxbarasho laba caruur ah, wax weyn ismay yeelin, laakiin maamulihii ayaa labadii caruur ahaa ka soo eryay iskuulkii, waxaanu ku yidhi “Waalidkiin iigu yeedha beri subaxa…

Labadan caruur ah mid baa qalqaali ah, oo waa ka isagu marka hore bilaabay dagaalka, inanka kale waa miskiin caano ma daadshe ah, laakiin markii dagaalka uu ku bilaabay shaydaankaa yar ee kale, ayuu is-difaacid galay oo isna la dagaalamay, sidaasi ayuu dagaalkaa labada inamood ku dhacay.

Subixii ayaa labadii inan oo mid waliba waalidkii wato ay yimaadeen iskuulkii.

Inankii qalqaaliga ahaa waxa la socday Hooyadii oo iyaduna shaw kaba sii qalqaalisan inankeeda, oo shaydaamad weyn ah, iyada oo ganbada gacanta ku sidata, oo shalmadiina dhexda ku xidhatay ayay soo raacday inankeeda, waxaanay ku tiraabaysay “yaa dilay inankeyga… farta ha la iigu fiiqo H***…

Inankii miskiinka ahaa isaga waxa la socday Aabihii, oo ahaa nin masuul ah, oo ixtiraamkiisu qayrul-xad ahaa.

Maamulihii iyo labadii waalid oo mid waliba inankiisii wato, ayaa isku raacay xafiiskii maamulaha, markay in muddo ah ku jireen xafiiskii, way ka soo baxeen waxay isa soo yidhaahdeenba.

Kadibna inankii miskiinka ahaa iyo aabihii ayaa soo hor baxay, markay in woxogaa ah socdeen barxadii iskuulka, ayay gabadhii qalqaaliga ahayd iyo inankeediina soo baxeen.

Bal itixaanka dhacay; inankii qalqaaliga ahaa, inta uu ka soo muruxsaday hooyadii, oo uu orod isa soo daayay, ayuu meel dhexda ah dhagax ka qaatay, kadibna inankii miskiinka ahaa oo iska baraad la’a, oo aabihii waaninayoo wax u sheeg-sheegayo, ayuu dhagaxii kaga dhuftay dhabarka, kadibna orod ayuu isa sii daayay, oo xagii dadka badani joogay ayuu u cararay, dadku waxay isku lahaayeen gabadhan hooyadii ah, ayaa ku soo dirtay, oo ku tidhi “Dhagax qaado oo ku dhufo H*** dadkaa kaa qabane…

Inankii miskiinka ahaa waxa u cuntami waayay, aabihii oo lagu ag bahdilay, si aan dadku ugu caayin, waa taa cadho intay madax martay, uu isna dhagax meel halkeer ah ka qaatay, kadibna orod ayuu iska sii daba daayay shaydaankii yaraa ee dhagaxa ku dhuftay, cadhada haysay heerkeeda xataa aabihii ayaa qaban kari waayay, oo si kasta oo uu isugu dayay inuu ku dhago, wuu kari waayay.

Wuxuu dhagaxii la daba cararo ba, ciilkii iyo cadhadiina ay kolba kor ugu sii kacdaba “Yuu kaa dhuuman’e ka gooso… intaan laydin kala dhex galin ku dhufo… ka gaadhsii yuu libin kaala tegine…“, 

Markii uu gaadhay, ee uu is-yidhi ku dhufo, waa kaa shaydaankii yaraa ku daba dhuuntay inan labadoodaba ka yar roonaa, oo isagu meel halkaas ah iska marayay, xaga dambe intuu ka maray ayuu suunka ku dhagay, oo kolba xaga uu dhagaxu kaga beegan yahay ku qariyaa dhabarkii inankan weyn.

Inankii lagu daba dhuuntay wuu iska furfuri kari waayay shaydaankan ku daba jira, ee suunka ku dhagan, si kasta oo uu yidhi ka soo saari kari waa dhabarkiisii.

Inankii miskiinka ahaa ee dhagaxa sitayna, cadhadii ayaa dedejinaysa oo ku leh “Ka gaadhsiiyoo ka gooso…” dhagaxii ayuu la hortaagan yahay inankii weynaa ee shaydaanka yari ku daba jiray, oo kolba gees ayuu kala marayaa si uu ula helo shaydaankii yaraa.

Inankii weynaa ee lagu daba dhuuntay, talo ayaa ku ciirtay, ma dhagaxan ku soo maqan ayuu ka gaban, mise kan ku daba dhuuntay ee sidii xanjada ugu dhegen ayuu iska furfuri, oo uu dhabarkiisa ka soo saari.

Nasiib xumo; inankii ay cadhadu dedejinaysay markii uu dhowr goor kolba gees uga wareegay, isla markaana aabihii oo soo daba-cararayayna uu arkay inuu u soo dhawaaday, dad kalena ay ka daa iyo ha ku dhufan meelahaa kaga soo leeyihiin, cadhadii iyo ciilkii uu ka qaaday dhagaxii ku dhacay, ayaa taladii kaga baahday, kadibna dhagaxii ayuu ku sii daayay inankii weynaa oo shaydaankii ku daba naban yahay, inankii weynaa ee isagu qaafilka iska ahaa, ayaa dhagaxii meel xun kaga dhacay, oo xanuunkii oohin qabsaday.

Kadibna xanuunkii dhagaxa ku dhacay, ayuu cadhadii kula dhacay inankii miskiinka ahaa ee dhagaxa ku dhuftay, si aad ah ayuu u garaacay, oo bilaa naxariis ah, gawda ayuu ka saaray miskiinkii.

Odeygii aabaha u ahaa, oo intaa ba daba ordayay inankiisa, oo kolna kufayay kolna kacayay, ayaa aad u muraaqooday, oo dirqi kaga qabtay inankii weynaa, kadibna inankii oo weli xanuunkii la ilmaynaya, oo inuu sii dilo ka yar doonaya, ayuu raaligeliyay oo madaxa u salaaxay, oo dhowr goor kolba meeshii dhaguxu kaga dhacay la eegay, oo weydiiyay inuu dhagaxu gaadhsiiyay dhaawac u baahan dhakhtar in la geeyo, inankiina markii xanuunkii ka ba’ay, kacsanaantii iyo is-xariifintii way ka ba’day, oo raaligelintii wuu ka aqbalay odeygii.

Odeygii inankii ka soo baxsaday, oo dilan, oo jug iyo xanuun badan qaba, ayuu kor u laalaadiyay oo dhulka ka kiciyay, oo isna cadhadii kula dhacay, hanjabaad iyo handadaad ayuu ugu daray “Maxaad ii maqli la’a dahay, bal intaan ku daba ordayo eeg…

Odeygan aabaha u ah inanka miskiinka ahi, qaabkii uu u hadlayay markaad eegto, wuu fahamsanaa siyaasada uu shaydaankaa yari u degay inankiisa, se muxuu samayni, saw kaa inankii maqli waayay, hadaladii hanjabaada ahaa ee uu inankiisa wax ugu sheegayay, waxa ka mid ahaa “Imagine… hadii aad qori haysan lahayd! kolba qofka uu kaaga daba dhuunto ayaad toogan lahayd saw maaha? Ah… Cadhadaadii ayuu ka faa’iideystay shaydaankaasi… bal eeg imika! dhagaxna wuu kugu dhacay, hadana waxa kuu raacay dilmo kale iyo in cadhadii kugu kaliftay inaad khasaare gasho, oo aad qof kale oo aan cadaw kuu ahayn dhaawacdo, oo uu isna cadaw kale kugu noqdo… hadaad i maqli lahayd… shaydaankaana waad ka goosan lahayd dhagaxa, khasaarahaasi kalena inama gaadheen…

Kadibna odeygii inankiisii ayuu kaxaystay, isaga oo shaydaankii yaraa iyo hooyadii oo daawanaya, aanu midkoodna wax ku odhan, maxaa yeelay; wuxuu fahamsanaa in inankiisa laga caqli batay, oo dhibka badankiisa uu inanku isyeelay, ileyn inta laga cadheysiiyay, ayaa hadana cadhadiisii lagu jiheeyay cid kale.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxay ahayd, gabadhii iyo inankeedii shayaadiinta ahaa daawadeyaal ayay ka ahaayeen, markii inanka weyni dilayay inankii miskiinka ahaa, oo weliba way ku soo qos-qoslayeen, maxaa yeelay; iyaga markan arrinkoodii waa la ilaaway, oo sidhinkii cadhada ee ay inanka miskiinka ah ku dalaceen, ayaa qaladkoodii meesha ka saaray, kolkaa hawshan kale ee dhacday ayay si xallad leh u daawanayeen.

error: Fadlan Lama Ogola !!