Waxa uu soo galay masaajidka, waxa uu gacanta ku sitay kabo DACAS ah, oo u muuqday kuwo uu muddo ku socday ama duugoobay, oo uu in badan xidhnaa.
Kadib wuxuu dacaskii ku riday bac miiko gacanta ugu jirtay, afkana wuu ka guntay bac-miikadii, hadana wuxuu jeebadda kala soo baxay bac-siilaanyo.


Isaga oo bac-siilaanyadii kala bixinaya, oo qiyaastii doonaya inuu kabihii dacaska ahaa ee uu bac-miikada ku guntay, bac-siilaanyada na uu ka sii dul galiyo, ayaa waxa meel halkeer ah ka arkay mid inkaar qaba, oo si wacan u labisan oo xaragoonaya, oo aad moodo inuu caruus ahaa ama uu xaflad ka yimid.
Inkaar-qaboow mr.xarago wuu soo socdaa, wuxuu sitaa kab kaliya, oo qiyaastii aan u malaynayo inuu kabtii kale sanaaduuqda kabaha lagu rido ee masaajidka uu ku soo riday, oo uu doonayo inuu kabtan uu laalaadsanayana uu sanduuq/saxaarad kale ku soo rido, oo uu labada kabood kala fogeeyo, se sida uu isa soo leeyahay mr.xarago, waxaad moodaa inuu rabo inuu la dagaalamo, wuxuu intaa uu soo socdo shubayaa hadallo aad u kul-kulul, oo ku baxaya cod dheeroo gudaha masaajidka oo dhan laga wada maqlayo, mr.xarago cidda uu ku soo socdo ee uu hadalada kulul ku ganayaana, waa ninkii dacaska labada bacood isaga dul galinayay.
Mr.xarago waxaan ka sii xasuustaa hadalladiisii:
“Alla hayaay !!! dhega! dhega… anaguna abu faransaawi ayaanu midba meel ku tuurnay, isna laba dacas ah ayuu bac ku moorinayaa, kkk… hh… waar maxaad dacas ka moorin, waa Iimaan la’aan sidaasiye, jamaca masaajidka ku tukanaya ha hafrin, oo ha fadeexadaynin, cidina laba dacas ah wax ku fali maysee…“
Dadkii masaajidka ku jiray oo badi maqlayay, ayaa noqday wax yaaba oo dhowraya qasdiga iyo ujeedada mr.xarago iyo qaar dhalinyar u badnaa oo qosol jaanta wadhay.
Miskiinkii mr.dacas-mooriye inta uu aad u naxay, ayaa hadalkii ku dhagay oo ereyba ka soo bixi waayay, oo uu khajilaad madaxa foorariyay, ileyn jamacii masjidka joogay badankoodii ayaa soo wada eegaya, oo maqlay hadalkaa mr.xarago ku soo ganay, oo aan ka dhicin in lagu dhuftay dhenged dhuux case ah.
Mr.xarago wuxuu ku soo socdaba markii uu u soo dhawaaday, ayaa mr.dacas-mooriye laba erey ka soo baxeen afkiisa, isaga oo khajilaadii weli la foorara, oo indhaha kor u soo qaadi kari la’a, Candhaba waa xubin’e… show wuxuu halacsaday, oo uu hoosta ka qooraansaday, kabtan kaliya ee uu mr.xarago laalaadinayo oo dilaac hoosta kaga yaallo, yacni sarta hoose halka dhulka xigta ayaa jabtay, in kasta oo kabtu ahayd mid samays ahaan tayo leh, oo kabaha suudhka iyo dharka qaaliga ah la raaciyo ay ahayd, hadana lafteedu mid muddo badan lasoo xidhnaa ayay u muuqatay.
Mr.Dacas-mooriye isaga oo yar muusoonaya, oo khajilaadii weli la liita, ayaa waxa uu iska soo jaray:
“Oo maxaad i dhaantaa! adba waad jaan-gawracan tahaye, kabtaa dilaacsan baad sidataaye…”
Mr.Xarago inta uu kabtii hor qabtay Mr.Dacas-mooriye, isaga oo kolba dhinac u rogaya, kuye:
“Ma tan… ma kabtan ayaad wax ka sheegaysaa! hhh… miyaad garanaysaa qiimaheeda? horta inta la siiyo ma taqaan? kolay isma-jale ayaad tahoo, intaan cid kaleba wax kuu raacin, aakhiro naftaada ayaaba dacwad iyo eed kuugu filan…”
Halkaa marka xaalkii labada nin marayo, ayaa Mr.xarago waxa xagaa u jiiday mid aad u qoslayay, oo aan u malaynayo in ay wada socdeen, oo ku yidhi: “Waar! kkkkkk… waar! waar! waxaasi waa qalade ninka gefka kala tag, hhhhh… kabihiisa iyo sida uu odhanayo kkk… waar adiga laguuma dirine… waar ina mari malaha caadi ma tihide…”
Mr.Xarago iyada oo uu kii xagaa usii jiidayo, ayuu hadana isla sii saxnaa, oo uu ku tiraabayay:
“Maya! walaahi gef maaha, eeg! masaajidka marka aynu soo wada galno, waxaynu nahay Jamac wax ka dhexeeyaan, oo cagta iyo garabka ayaynu isku wada qabanaynaa, miyaad garanaysaa waxa looga jeedo AL-MANKAB BIL-MANKAB, WAL-QADAM BIL-QADAM marka uu Iimaamku ina leeyahay, xikmadaha ku jira salaada tukashadeeda waxa ka mid ah, in Jamacan wada tukanaya uu Raxmaanku rabo in ay is-garabsadaan, oo uu kalsooni dhexdooda dhigo, si ay nolosha qaybaheeda kale na ugu wada noolaan karaan, yaah! ha iska qosline xikmad baanu ku baraynaaye, dee horta na sii daayoo… bilaa caleek! ileyn ninka isma dilaynee, wuxuun baanu u sheegaynaye, eeg! imika marka uu kabihii bacdaa ku gunto, ee uu weliba hortiisa dhigo, Jamacii uu Illaahay doonayay inay dhinaca isku qabtaan, oo dhisaan kalsoonida dhexdooda, ayaa uu sii kala fogeynayaa, oo uu shaki ku abuurayaa, waar naga daa niyaw dadkani way iska tukanayaan uune waxba garan maayaane…”
Mr.Dacas-mooriye xeradiisaa ba’day, heerka ay khajilaadii gaadhsiisay waxaad ka dareemi kartaa sida xaalkiisu noqday, bac-siilaanyadii inta uu jeebada ku cesho is-yidhi, ayaa uu garab mariyay jeebadii, oo dhulka ayay ku dhacday, hadana bac-miikadii uu guntay ayuu doonay inuu ka soo saaro dacaskii, gacantii wuu ku furi kari waayayoo ilkaha ayuu bacdii ku kala dilaaciyay, kadibna masaajidka dhexdiisa ayuu ku sii daayay bac-miikadii oo kala jeexan, oo dabayshii na duulisayoo masaajidkii kolba dhan u hadaafinaysa.
Mr.Dacas-mooriye ma naf baa ku jirta, wuu wada gariirayaayoo orbit-kaba wuu ka baxay, inta uu tagay meel halkeer ah, waa kaa salaad xidhay inta uu labadii kabood ee dacaska ahaa is-hordhigay, oo roogii ama saligii masaajidka dul saaray, iyada oo weliba kabaha midkood xagii dhulka lagu joojinayay xigo rooga ama saliga.
Muxuu tukani! maba joogo’e, markii uu rukuucdii rakcada 1aad guda-galay, ayaa show inkaarqabihii shaydaan ahaa wax xasuusiyay, waa kaa ka baxay salaadii ee u dhaqaaqay xagii suuliga iyo weysada, qiyaastii waxa uu xasuustay in aanu weyso qabin.
Hadana markii uu woxogaa sii socday, ayuu xasuustay in uu ka yimid kabihii dacas ahaa, waa ka soo gucleeyay, ee labadii dacas ahaa inta uu haf ka siiyay, ayuu fayf geliyay, yacni xagii weysada ayuu orod caadi ah ugu cararay, iyada oo dhididka iyo guuxa ka baxaya aad yaabto.
Alla Khajilaadeey! Ragga u xumidaa, oo Dumarka na u wacanidaa, yaah! khajilaadu ragga way fool-xumeysaa, oo raganimada ayay ka lumisaa, dumarkana khajilaadu way qurxisaa, oo sharaf ayay u soo jiidaa.
Waar Hooy! Ragoow! yaan raggu meelaha is-qaban, oo aanu iska weerarin, gaar ahaan; ragga khajilaada lagu og yahay aad ha loo dhawro.
Sheekadani waxay dhex martay laba nin, oo sida dadkii garanayay sheegeen, uu mid yahay ganacsade bakhaar weyn leh (Mr.Dacas-mooriye), ninka kalena waa nin macmiil u ahaa (Mr.Xarago), oo bakhaarka amaah kaga qaadan jiray raashinka iyo masruufka reerkiisa, kadibna bishu markay dhamaato ee uu mushaharka qaato u keeni jiray amaahdii, balse dhowrkii bilood ee u dambeeyay jeebku ka xumaa.
Mr.Xarago wuxuu go’aan ku gaadhay inuu indhaha isku qabto, yacni u badheedho bakhaarka, kuna soo qanciyo Mr.Dacas-mooriye wuxuu rabo.
Kadib inta uu si fiican u soo lebistay, oo kabaha soo baalasheystay, style-kana uu si fiican isaga soo saxay, ayaa uu yimid bakhaarkii Mr.Dacas-mooriye ee uu reerka uga sii qaadi jiray raashinka iyo maacuunka,
Kadibna sidii caadada u ahayd, wuxuu u yeedhay inamadii shaqaalaha ka ahaa bakhaarka mid, waxaanu u yeedhiyay alaabta iyo raashinka uu u baahan yahay, “Gabdad heblaayo soo qabo, Haaf kaas na soo qabo, kartoon maxay ah soo qaad isna, …”
Inankii shaqaalaha ahaa oo u shaqeynaya, oo ninkii Mr.Xarago soo hordhigaya kolba wuxuu u diro, ayaa waxa arkay ninkii bakhaarka lahaa ee Mr.Dacas-mooriye, oo ay macaariif ahaayeen, xog-ogaalna u ahaa xaalada ninkan Mr.Xarago ee inanka shaqaalaha wax u diraya.
Bakhaarlihi Mr.Dacas-mooriye inankii shaqaalaha ahaa wuxuu ka joojiyay alaabtii uu markaa ku maqnaa, tii uu ninka Mr.Xarago soo hordhigayna celi ayuu ku yidhi.
Ninkii Mr.Xarago isaga oo cadheysan ayuu bakhaarlihii Mr.Dacas-mooriye ku yidhi “Maxaad alaabta iiga celisay, miyaanan wax kaa iibsaneyn⁉️”
Bakhaarlihii Mr.Dacas-mooriye ayaa ugu hal-celiyay “Hebeloow waan la socdaa xaaladaada, shaqadii ma joogtid imika… oo waadigii ka tagaye, halkeed ka keenaysaa amaahdan aad qaadanayso❓”
Ninkii Mr.Xarago inta uu xanaaqay ayuu ku yidhi “Waar halka aan ka keenayo anigay ii taalaaye alaabta ii soo celi, adigu bisha waad iga taqaan waxaagiiye ⁉️”
Bakhaarlihii Mr.Dacas-mooriye na wuu ka diiday, halkaana way isku af-dhaafeen, oo waxay ku kala tageen si xun, oo aan fiicnayn.
Kadibna ninkii Mr.Xarago oo show goorahaaba bacda u cunayay, oo ka fikirayay wax uu kaga aarsado bakhaarlihii Mr.Dacas-mooriye, ayaa markaa ku qabtay masaajidka, oo waa tii aynu hore uga soo waranay wixii ku kala gaadhay dhacdadii masaajidka.
Show ninkan Mr.Xarago markii uu masaajidka kaga dhex qaylyay ninkii Mr.Dacas-mooriye, wuxuu doonayay inuu dadka masaajidka ku fadeexadeeyo, oo u sheego in ninkani yahay bakhayl maradu ku dhagtay, oo aan naxariis lahayn, yacni ninka dacas duugoobay laba bacood isaga dul galiyay, ee sidaa u jaxaasay, ma wax ka weyn inuu bixiyo ayaad ka fileysaan ayaa qasdigiisu ahaa, oo fariintaasi ayuu dirayay.
Rag is Gurayee ⁉️
Maxaa ragga iyo lexo-jeclada kala haysta, waar hooy! Raggu ha is ogaado, oo kii jeebku ka xun yahay, yaan lagu adkeynin waa la doogiye.
Illaahayoow Arsaaq waasic ah ayaanu ku weydiisanay, waar Aamiin dhaha… Aamiin Aamiin 🤲