Maxaa xalaal inoo ah? Maxaa se xaaraam inaga ah?
Sida uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye inoogu sheegay aayadaa sare, dhamaan ashyaa’da iyo waxa dhulka guudkiisa iyo guntiisaba yaalla oo dhan, waxa loo abuuray in ay dadku manaafacaadsadaan, halkaasi ama aayadaasi waxay si cad inoogu sheegaysaa in ay xalaal inoo yihiin dhamaan nooleyaasha iyo ma-nooleyaashuba, ha noqdaan wax ay ishu qabanayso iyo wax aanay ishu qabanaynba, wuxuun baa laga soo reebayaa inta Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu inoo diiday ee ku cad waxyiga.
Xaraam waxa la yidhaahdaa waxa uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu si cad inoogu diiday, waxyaabaha uu inoo diidayna waxay inoogu qoran yihiin waxyiga.
Hadaba bal su’aalahani isku day inaad ka jawaabto ama aad hesho cid kaaga jawaabta:
- Ma waxa jirta meel aan waxyiga ama qur’aanka ahayn, oo laga heli karo waxyaabo Illaahay inoo diiday oo xaaraam ah, oo aan ku qornayn Qur’aanka.
- Qur’aanka ama waxyiga ma waxa ku jira aayado hal-xidhaale ah, oo Illaahay ina yidhi caqligiina la kaashadoo kala soo baxa axkaam iyo muxaramaat ku qarsoon.
- Aqoonta sayniska iyo tiknoolojiyadda oo ah mid socota oo qidci ahayn, oo tajribooyinkeedu iska soo daba dhacayaan, ma loo daliishan karaa in lagu xaaraamtimeeyo wax, amaba tajribooyinka sayniska ma lagu ogaan karaa in Illaahay inoo diiday, oo uu xaaraam yahay waxaasi.
- Hadii uu qof kala kulmo dhibaato wax, amaba qofku/dadku dhibsadaan waxaasi sifooyinkiisa qaarkood (urtiisa, aragiisa, midabkiisa, habka adeegsigiisa, iwm…) waxaasi sidaa miyuu ku noqonayaa wax Illaahay inoo diiday oo xaraam ah.
- Maadaama oo uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye inoo sheegay in diinta islaamka qaybaheedii iyo xeerarkeediiba uu inoo dhameystiray qiyaastii 1400 sanno kahor, muxaramaatka ama waxyaabaha uu Illaahay inoo diidayna ay ka mid yihiin diinta, oo hore u dhameystirantay, hadaba maanta ma la ogaan karaa waxyaabo cusub oo Illaahay inoo diiday ama xaaraam ah.
Ma ogtahay;
Xilli aan sii fogeyn qiyaastii qarnigii 20aad, in Sigaarka ay dhakhaatiirtu aad u cabi jireen, dawo ahaanna ay u qori jireen, kolkaa waagaasi aqoonta sayniska ayaa sidaa sheegtay, maantana isla aqoontii sayniska ayaa tidhi waa lagu xanuunsadaa amaba dhintaa, berri na waxa suuragal ah in aqoonta ku dhisan mujarabaatka ee saynisku ay si kale hadana u dhigto, oo wax kale ay ku sheegto, kolkaa xaqiiqdu waxay tahay, arrin diini ah looma cuskan karo ama daliil loogama dhigi karo aqoontaa is-bedbedelkeedu uu joogtada yahay, xaaraamtu wuxuun bay ku sugantaa daliil waxyi ah oo cad (lafti/erey ahaan iyo macno ahaanba)
Dood dhex martay Waayeelka Jaqafsada iyo Dul-ka-sheekh Cadheysan
Dood gole-ka-fuul ah ayaa dhex martay, laba ka mid ah rakaab saarnaa baska u baxa Jigjiga-yar Hargeysa.
Odeygan aan u bixiyay Waayeelka Jaqafsadaa, waa nin weyn oo wada xikmad ah, oo weliba xikmadiisu ay u badan tahay mid uu ka kasbaday da’a weynaantiisa, iyo wixii uu waayo kala du-duwan u soo joogay ama uu soo maray.
Waayeelku isaga oo mabsuud ah ayuu soo koray baska, waxa uu sitaa laba mijood oo jaad ah iyo caagad biyo ah, farxadda iyo sida uu mabsuudka u yahay waxaad ka dareemaysaa hadalkiisa, iyo sida uu dadka baska saaran sidii ooy hore isu yaqaaneen uu kolba qof ugula kaftamayo, woxogaa ayuu taagnaa halka albaabka ee kirishbooygu istaago, oo uu dadka uga sheekaynayay halkaasi.
Dadka baska saaran iyo isagu ba, waxay moodayeen inuu basku buuxo, oo kuraastu ay wada buuxaan, laakiin waxa banaanaa nafar ka mid ah kuraasta dhexda, ee laba-labada nafar ah midkood, oo weliba qof uu uga sii horeeyay kursiga, show inkaar-qaboow waxa qariyay oo kursiga sii fadhiyay mid dul-ka-sheekh ahoo cadheysan, oo sita dhowr kitaab oo u muuqday inay yihiin kutubta qaybaha diinta laga barto qaarkood.
Nasiib xumo ninkaa kutubta sittay, aqoonta uu diinta u leeyahay waxay u badnayd Taqliidi, muu ahayn Mujtahid gaadhay inuu xikmadaha ku duugan waxyiga, uu dhex keeni karo waaqica iyo waayaha aynu maanta ku jirno, doodiisa ayaanay ka muuqatay.
Hadaba markii uu Waayeelku baska soo koray, ayuu show kursigii labada nafar ahaa isku balaadhiyay wadaadkii cadheysnaa, kadibna sidaasi ayaa uu basku u noqday mid kuraastiisu ay wada buuxaan, sheekhanoow wuxuu isu haystaa mid Illaahay dartii u cadheysan, ma qiyaasi kareysid cadhada iyo huruufka wejigiisu bixinayo, ee ku waajahan Waayeelkii baska soo fuulay, kolba dadka kale ee dhalinyarta u badan ee iyaguna baska saaran, ayuu cadhada iyo huruufka tusayaa oo xagii Waayeelka ula jeedsanayaa, yacnii idinna i raaciya oo ila muujiya cadhada, dareensiiya Waayeelka inuu mudan yahay in la tuso cadho iyo wejiga oo la ururiyo, bal waa yaabe! wadaadku muxuu ku haystaa Waayeelkan ka burjiga weyn, mooji! isagaa se inoo sheegi doona mar dhaw.
Waayeelku wuu la socdaa signallada qaldan ee ka dhanka ah, ma nin lagu dul shaxi karaa, waa finiin ka soo hadhay bir ku soo idlaatay kulaylka sooyaal-nololeed oo kala du-duwan, noloshaasi oo soo taxnayd muddo aan ku qiyaasi karo dhowr iyo lixdan sanno.
Waayeelkii muu shideysanne korka ayuu kala socdaa, xattaa waxaan u malaynayaa inuu arkayay kursiga uu wadaadku isku balaadhiyay, laakiin dadka kale oo dhami may arkaynin in uu kursi banaan yahay, maxaa la arki cadho-gadhoodhay baa madaxa kala soo jeeda’e, hadii xataa qof uun xagiisa eegi lahaa, waxaan la eegi karaynin cadhada wejigiisa iyo kulayka indhihiisa, oo qof waliba wuu is-dhaafinayaa eegmada xagaasi, si aanu wadaadku u sudhanin ama u soo saloolanin.
Waayeelkani intaa uu albaabka taagan yahay, kaftan bilaa turxaan ah ayuu wadaa, oo cay iyo ceebaal toonna lahayn, mar hablaha ayuu la kaftamayaa, oo kolba midda ay is-hayaan aanay qosol afkeeda uga taag helayn, kolkaasaa rakaabka’oo isku dhageysanayaa ay kolba jaanta wadhayaan, mar innamada dhalinyarada ah ee nimanka waaweyn iska dhigaya, ayaa uu hadallo wada xikmad ahoo uu talooyin iyo tilmaamo duurxula ku siinayo, oo hadana wada qosol iyo xaraabo ah, uu kolba mid ku gannayaa, oo wuxuu kolba mid yari is-giijiyoo, is-yidhaa odeyga iska celi, uu aakhirka calanka cad taagaa, oo is-dhiibaa, deetana rakaabkii kale jaanta wadhaan sidoodii.
Odeygii Waayeelka ahaa baskii dhamaa wuxuu ka dhigay wada nashaad iyo qosol miidhan, ilaa xad rakaabka qaarkood dhageysigii kaftanka odeygu illowsiiyay halkii ay ku degi lahaayeen, oo goor ay dhaafeen xasuusteen, tiraba laba dumara ayaa midba mar qaylisay, oo sheegtay in basku la soo dhaafay meeshii.
Hadaba dhowr goor oo dirawalka basku, uu u qabtay biriiga si kedo ah, ayaa Waayeelkii u muuqday inuu xaga albaabka u yar ciiray, yacnii ka dhici gaadhay albaabka, deetana rakaabkii ayaa mar kaliya wada qaylyay, iyaga oo qaarkood ku tiraabayay waar aayar gaadhiga odeyga ha ridine… qaarkood kale oo dhalinyar u badnaa ayaa uu midiba meel ka soo yidhi waar jooji anaa uga kacayee, odeygu halkaygan ha soo fadhiistee…
Se isagu waa Waayeelka’e, waa bu diidanaa in sidaa loogu hadlo, isaga oo muujinayay kalsooni uu ku qabo qaabka uu u taagnaa, oo hubsiimo lahayd, lugaha oo uu midba meel haboon la eegtay, iyo dhinaca oo uu ku hayay tiirsimaad adag, oo aanu si fudud u weydaaran karin, hadii uu gaadhigu si kasta u hantaaqmo, arrimahaasi ayaa uu Waayeelku qancin uga dhigayay kuwii ku lahaa halkan soo fadhiiso.
Intii ay rakaabku buuqayeen, ee ay u hadlayeen Waayeelka, iyaga oo dirawalka baska aad u haaraamayay, ayaa uun buu show dirawalkii muraayad haada dhexe ka soo arkay in kursi uu banaan yahay, deetana inta uu dib qoorta u soo malmalay ayuun buu yidhi “Dee sheekh ka durug kursigan banaan ha la fadhiistee, ama u banee kursiga shishe ha laguu dhaafee…“
Dul-ka-sheekhii isaga oo diidan inuu durko ama baneeyo wadada kursiga kale loo marayo ayuu yidhi: “Waar maad iga deysid odeygan xaaraanta kilinkillada ku sita ha ila soo fadhiisinne, mise waaban isaga degaa gaadhiga…“
Qaadka ama Jaadku ma xaaraan baa?
Wadaadada ku sheega qaadka xaaraamtu waa laba qaybood:
- Qaar aaminsan in qaadku la mid yahay khamriga, oo lagu sakhraamo, waxaanay xaaraamnimayntiisa u daliishadaan aayadaha iyo axaadiista sheegaya xaaraamnimada khamriga iyo waxyaabaha lagu sikhraamo.
- Qaarkoodna waxay aaminsan yihiin in qaadku khabiis yahay, waxay ku daraan liiska waxyaabaha xun-xun ee Illaahay inoo diiday, iyaga oo sheega in xumaantiisu tahay mid ah xag caafimaad iyo mid xag dhaqaale ah, waxaanay u daliishadaan aayadaha iyo axaadiista khabiiska iyo waxyaabaha xun-xun uu Illaahay inoogu diiday.
Qaybta 1aad: Dadka aaminsan in lagu sakhraamo qaadka
Ma ogtahay in xilli aan sii fogeyn qiyaastii sagaashameeyadii, wadaadadu ay sheegi jireen Bunku inuu ka mid yahay waxyaabaha lagu sakhraamo, maantana wuu yar yahay wadaad aan cabin bunka, weliba waxaad arkeysaa iyaga oo bunna duqur bilaa sonkor ah fiiqsanaya, runtu waxay tahay wixii Illaahay diiday uun baa diidan, oo deedifaysan ilal-abad, beenta cimrigeedu wuu gaaban yahay si kasta oo ay u faafto.
Hadaba si aynu u ogaano waxyaabaha lagu sakhraamo, waa in aynu helnaa macnaha dhabta ah ee sakhradda, oo aynu ka jawaabnaa su’aasha ah;
- Waa maxay sakhraddu?
Su’aashaa jawaabteeda Illaahay ayaa inaga xil qaaday, oo inoo tacriifiyay sakhrad waxa la yidhaahdo, bal ila dhugo aayadani 43aad ee suuradda Al-Nisaa’a:
( …يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقْرَبُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمْ سُكَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعْلَمُواْ مَا تَقُولُونَ )
Aayadaa sare waxa Illaahay inoogu sheegayaa in aanu qofku salaada tukanin isaga oo sakhraansan, ilaa uu qofku caadigiisii ku soo noqonayo, oo ay wax-kala-garashadii u soo noqonayso, kolkaa tacriifka dhabta ah ee sakhradda, aayadaasi ayaynu ka qaadanaynaa, waxaanay noqonaysaa:
{Sakhraddu waa wixii qofka garashada ka qaada ama ka lumiya...}
Hadaba suuragal ma tahay; in qof soo qayilay ama qaad soo cunay uu sare-jooga ku atixiyaadsado, amaba hadii aad weydiiso gacantaada imisa farood ayaa ku yaalla? uu kuugu jawaabo mid ama laba ama wax aan meesha ba qabanin, oo qofka uu heerkaa garasho-la’aaneed uu qaadku gaadhsiin karo.
Jawaabtu waa maya.
Qaadku waa sida bunka oo kale, almacnaa qof dhowr koob oo bun ah cabay, kolba xaddiga ama inta uu ka cuno qaadka ayay ku xidhan tahay, waxaanu qofku cunista qaadka ka helaa:
- Nashaad iyo firfircooni,
- Soo-jeed iyo hurdo la’aan inta uu qaadku jidhka ku jiro,
- Wahsiga iyo Hamaansiga iyo Caajiska oo yaraada, oo wixii uu qofku u dhaqaaqo aanu ka caajisayn.
Intaa wax aan ahayn qofka ka sheegaa waa beenaale, ama waa qof aan weligii cunin, oo wax lagu yidhi ama uu maqlay uun sii faafinaya.
Waxa se jirta oo iyana xusid mudan, marka bilawga ee qofka ugu horeysa qayilaadda ama cunitaanka qaadka, dadka qaarkood se maaha dhamaantoode in ay jidh ahaan isku arkaan ama dareemaan, waxyaabo aanay hore u lahaan jirin, sida;
- Dhidid badan,
- Wadne gariir,
- Jidhidhico ama xaadda oo istaagta, kuna soo noqnoqota intaa uu qayilayo,
- Amateedkii cunnada kale oo ka yaraada,
- Matag ama hunqaaco,
- Hurdo la’aan dheer; oo maalinka uu qayilo aanu habeenka oo dhan laba indhood isku geyn karin,
- Iyo waxyaabo kale oo dadka qaarkood u raaca intaasi, aan se lala qabine kali ku ah.
Hadaba waxyaabahaasi waa uun jidhka oo ka falcelinaya wax aanu hore u arag, waana wax dabiici ah marka qofku cuno ama cabo wax ku cusub, in abuur ahaan qaybaha jidhku ay ka falceliyaan waxaasi.
Bunkaba marka kuugu horeysa cabiddiisa, waxaad isku arkaysaa dhidid, wadne-gariir iyo hurdo la’aan, marka se qofku la qabsado, wax aan nashaad iyo firfircooni ahayn ka dareemi maysid, Qaadkuna waa tabtaa bunka oo kale, oo nashaad iyo firfircooni mooyee wax kale kuma ogin, wuxuun buu dheer yahay:
- Qaadka waa la cunaa halka bunka laga cabbo,
- Qaadku muddada uu jidhkaaga ku jirayo ayaa woxogaa ka badan inta bunku ku jirayo,
Ereyga Mirqaan oo loo adeegsado marka qofku qayilo ama qaadka cuno, ayaa waxa dadka qaarkii gaar ahaan dul-ka-sheekhyadu u yaqaanaan Sakhrad, yacni marka la yidhaa Hebel wuu mirqaansan yahay, in loo jeedo Hebel wuu sakhraansan yahay ayay moodaan, sababtuna waxa weeyi:
Qaadku wuxuu inooga yimaadaa inta badan Itoobiya, kolkaa Itoobiyaanka badankooda waxaad ku arkaysaa kolka ay qayilayaan, iyada oo bunkii iyo qaadkii iyo khamrigii isu ag yaalaan, intaasi ayuu isa soo raacinayaa, oo qaadkii iyo khamrigiiba wuu ku wada qayilayaa, halka inaga qayilaada uu kookaha ama sprite-ka ama shaahu inoogu jiro, ayaa Itoobiyaankana uu khamrigu ugu jiraa, kii khamriga soo raaciyay qaadku, marka uu soo qayilo ee uu ka soo kaco cunista qaadka, waxa meelahaa lagu arko isaga oo sakhraansan ama xaalad aan caadi ahayn ku jira.
Waxa jira dad badan oo qayilaada ama cunitaanka qaadka Itoobiya ku soo bartay, oo ay suuragal tahay inay sidii Itoobiyaanka qaadka isaga dejiyaan khamri, kadibna hadhaw suuqa lagu arko isaga oo sakhraansan, kolkaa qofka aan qaadka weligii cunin, marka uu arko hebel oo duhurkii qaad sii sitay, habeenkiina uu arko hebelkii oo sakhraansan ama xaalad aan caadi ahayn ku jira, wuxuun buu qofkaasi u haysanayaa in qaadku sakhraamiyay hebel, ileyn qaadka marka uu qofku sito waa la arkaa, laakiin khamriga si qarsoon ayaa uu dalka u soo galaa, si qarsoonna waa loo kala iibsadaaye, se xaqiiqadu waxay tahay hebelkaa la arko habeenkii isaga oo sakhraansan, khamriga amaba wax kale oo lagu sakhraamo ayuu qayilaada raaciyaye, qaadku marnaba sakhrad ma keeno.
Qofka raba inuu xaqiiqada qaadka gaadho, gaar ahaan wadaadada aaminsan inuu xaaraam yahay, ee sidaa dadka ugu sheega, waxaan u sheegi lahaa inay tijaabiyaan qaadka, oo bal horta cunaan, kadibna wixii uga soo baxa tijaabadaasi ay ku go’aan qaataan, maxaa yeelay; in qofku Illaahay ku been abuurto, oo wax aanu Illaahay odhani joojiya uu ka sheego, waa dembi iyo gardaro aad u weyn ( وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِآيَاتِهِ ۗ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ ) kolkaa si uu wadaadku uga baaqsado inuu ku dhaco dembigaa iyo gardaradaa weyn, waxa u fudud labada inuu tijaabiyo oo aan looga sheekeyn, ileyn garsoorkaba marka qof diinta ama nebiga caayay la eedeynayo, waa ta qofka maqlayay ee ku markhaati-furaya lagu yidhaa “caydii uu eedeysanuhu yidhi, sidii uu u yidhi ee aad maqlaysay adiguna u dheh“, qofkan markhaatiga furayaa wuxuu odhanayaa oo ku dhawaaqayaa wixii lagu haystay qofkan la maxkamadaynayo, laakiin waxa kala duwan ujeedada ama qasdiga labada cay/odhaahood ee isku midka, kolkaa idinna idinka raba ama qasdigiinu yahay inaad ogaataan qaadka in lagu sakhraamo iyo in kale bal qayila.
Qaybta 2aad: Dadka aaminsan in qaadku khabiisaadka ka mid yahay
Khabiis oo ah magac guud oo ay soo hoos gelayaan dhamaan wixii xun ee Illaahay inoo sheegay oo dhan, maaha mid uu qofku ama wadaadku wuxuu dhibsado ama karho ku darsan karo, laakiin wixii Illaahay khabiis ku sheegay ayuun baa ah khabiis.
Hadii aad qof isku raacdaan tukaanka, oo shayga uu iibsado qofkaasi aad weydiiso, wuxuu kaga doortay kuwa kale, wuxuu odhanayaa “kani wuu fiican yahay, kuwaa kalena way xun yihiin…” kolkaa macnuhu maaha way xun yihiin oo khabiiskii Illaahay sheegay ayay ka mid yihiin, laakiin aniga ayaan dooneyn weeyi, Nebi muxamad (scw) markii hilibka maso-cagaleyda loo soo dhigay, aayar uun buu iska riixaye dee muu odhanin Illaahay ma ogola, yacni hilibkaa maso-cagaleyda iskuma fiicnin ayay ahayd iska-riixidaasi.
Direys-wadaadleyaashu waxyaabaha ay iyagu shakhsiyan karahsadaan ama dhibsadaan amaba aan dookhooda ahayn, waxay u raadiyaan qiil ay khabiisaadka ugu daraan si ay u xaaraantimeeyaan.
- Tashabuh iyo Gaal-isu-eekeysiin ayaa ah qiilka ugu badan ee ay ku fogeeyaan wixii ay garan waayaan
Hadaba dadka aaminsan in qaadku khabiis yahay maadaama oo caafimaadka iyo dhaqaalaha uu u xun yahay, waxaynu weydiinaynaa:
- Dhibaato qof ama tiro dad ah ku kooban, sharciyan ma haboon tahay in lagu idlaaqo intii ka badneyd oo aan iyagu la qabin dhibtaasi?
Tusaale ahaan;
Dhibaatooyinka caafimaad ee qaadka lagu eedeeyo, waxa ka mid ah:
- Ilkaha oo uu dilo,
- Uur-ku-jirta oo uu qaybo dhibaateeyo,
- Saama-layl ama hurdo la’aan badan,
- Iyo qaar kale oo badan ayaa la sheegaa…
Eeg; waxyaabahaasi waxa ku eedeysan qofka, oo gaabis fayo-dhawrkiisa ah ayaa keenaye, geedkan qaadku eedaasi ma leh.
Waxaynu ognahay; cunnooyinka lagu tamariyo ee bariis iyo qamadiba leh, hadii uu qofku si qaldan u cunno, wuu ku bukoonayaa, oo dee dherega iyo dibirada qayral caadiga ahba waa loo dhintaa, kolkaa ma bariiskaa eedda leh mise qofkan sida qaldan u cunay?
Waxa kale oo aynu ognahay; dawooyinka lagu bogsado ee macruufka ah, hadii qofku ka isticmaalo intii u qorneyd in ka badan, in dhibaato ka soo gaadhayso, oo uu kuba dhiman karo, kolkaa ma dawadaa eedda leh mise qofkan sida qaldan u isticmaalay?
Waxa kale oo iyana aynu ognahay; wax kasta oo ilkaha lagu calaaliyaa in ay ay hadhaa kaga tagaan ilkaha, hadii hadhaagaasi laga nadiifin waayahana uu hadhaagii suus ilkaha dila isku badalayo, cunnooyinka macmacaanka la yidhaahdo ayaa ugu daran ilkaha, oo hadii hore looga nadiifin waayo ilkaha dila, kolkaa qofka qaad ku cunay ilkaha, ee ilkihii ka nadiifin waayay hadhaagii qaadka, kadibna ilkihii ka madoobaadeen ama ka jajabeenba, ma qaadka ayaa eeddaa leh mise qofkan ilkaha nadiifin waayay?
Waxa iyana inta badan la sheegaa xaga dhaqaalaha inuu dhib ka yahay qaadku, dadka sidaa qabaana waa kuwa aan qayilin, eeg dadku isku duruuf maaha, isku xaaladna maaha, duruufta iyo xaalada uu qofku ku jiro ayay baahida qofku ka soo dhex baxdaa, qofku waxa uu iibsanayo iyo xadiga uu waxaa ka iibsanayo ba waxa go’aamiya baahidan u geysay kolba inta ay leeg tahay, kolkaa qofka isagu lacagtiisii xabxab iyo hilib iyo buskud kaga dhargay, bal ka waran hadii uu ku qabsado kii lacagtiisa qaadka kaga dhergay, maxaad sidayda nabaad iyo buskud u iibsan weyday?
Dee adeer liibaane ha i khasbin, ileyn isku duruuf ma nihin, baahida adiga nabaadka kuu geysay, hadii aanay aniga i haynin, oo taydu tahay mid u baahan qayilaad, dee baahidayda ayaan kafaynayaa, taaduna adigay kuu taal sidaad u kafaynayso, Illaahay ayaa nolosha qaybiyay, oo qofba xaalad iyo duruuf gaar ah dhex dhigaye, dadku miyay wada sinmi karaan.
Waxa jira dad iyagu qaadka eedeyntiisa ka soo mara dhanka sayniska, waxay sheegaan oo kala dhig-dhigaan maadooyinka uu chemical ahaan ka sameysan yahay qaadku, oo maadooyinkaasi ku jira caleenta qaadku kolka ay jidhka galaan waxaa iyo waxaa ayaa dhaca ayay yidhaahdaan.
Waa uun tajribooyin saynis ah, kolkaa hadii ba ay maadooyinkaa la sheegay in ay ku jiraan caleenta qaadku, ay jidhka u geystaan dhibaatooyinkaa la sheegay, cidda sheegtay maaha Rasuul sida waxyigii laguma-noqdaanka ahaaye, waa saynisyahan ku ogaaday tijaabooyin uu laboratory-ga ku sameeyay, isaguna ma qaldana’e intuu uu kolkaa ogaaday ayuun buu sheegay, kolkaa waa suurtogal in saynisyahan kale hadana maadooyinkaasi inoo amaano ama dhinac kale ka soo eego oo wanaag ka sheego.
Waxa iyaguna jira dad yidhaahda qaadka sun ayaa lagu buufiyaa, oo sidaasi ayuu khabiis ku yahay ama dhibaato ku leeyahay, hadii qofkii cunay qaadkaa sunta lagu buufiyay uu wax ku noqdo sidaa, dee eedu geedka qaadka maahee waa sunta lagu buufiyay, kolkaa qaadka aan suntaa lahayn bal ka waran, isaguna ma la xukun buu noqonayaa kii sunta lagu buufiyay.
Qaadku maanka ma dooriyaa?
Wuxuu igu yidhi:
Wuxuu ahaa nin dhalinyar ah oo ka yimid Itoobiya, gaar ahaan gobolkaa Hararge ee beeraha qaadka ugu badani ku yaalaan, waxaan kula kulmay beer uu ka shaqeynayay oo Hargeysa duleedkeeda ku taala, isaga oo qaad cunaya, kadibna waxaan ku idhi “Oo ma adiga oo da’dani ah ayaad qaadka cuntaa?“
Waxaan ku dhex koray beeraha qaadka ee Itoobiya, oo beer jaadku ka baxo ayaanu ku leenahay dhulkaasi oo aanu degennahay ka-awaw ka-awaw, aniga oo yar ayaan qaadka cunistiisa bilaabay, sidii na waan u qayilaa ilaa maanta oo aad i aragto da’dayda.
Waxaan mar kale weydiiyay:
Miyaan dadka beeraha qaadka dhex jooga ama ka shaqeeyaa wada waalnayn, ileyn waa kuwan mar kasta cunayee.
Wuxuu iigu jawaabay:
Magaaladaa aanu beerta qaadka ku leenahay, weligay kamaan maqal qof baa qaad uu cunay ku waashay, rag, dumar, caruur iyo cirooleba waa la wada qayilaa, qofba in uu ka cunoba, mid badsada oo aad u qayila, iyo mid qori ama laba qori ka qaniinaba, dhulkannaga dadku qaadka way wada cunaan badankoodu, laakiin weligay kumaan maqal qof baa qaad ku waashay, halkan Hargeysa markii aan shaqada u imid, ayaan arkay dad badan oo waalan, waxa la igu yidhi “Qaadkaa waalay” walaahi waan yaabay, waar qaad cunistiisa laguma waashee wax kale ayaa jira, cajiib!!!
Xaqiiqda qadhaadh ee dadka laga qariyay ayaa waxay tahay, kooxaha iimaan-laaweyaasha ah ee wadaadnimada iyo diinta ku dhuuntaa maadaama oo ay fatwoodeen beentaasi, oo ay sheegeen in qaadku xaaraam yahay, Illaahayna ay ka xishoon waayeen oo ku been abuurteen, waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuleen sidii ay u meel-marin lahaayeen beentoodaasi, waxaanay dagaal qadhaadh kula jiraan qaadka iyo dadka qayilaba, kolkaa qof kasta oo qayila ama qaadka cuna way sixraan, kadibna farta ayay ugu fiiqaan dadkan kale ee ay beenta ku harawsadaan, iyaga oo ku leh “Nin balwad leh ayuu ahaa, waa kaa ku waashay jaadkii…“
Ragga aadka u badan ee xarumaha dhimirka iyo cilaajyada ka buuxa, ee lagu eedeeyay in xanuunkooda qaadku sabab u yahay, mid-mid maqaadiir kale heshay mooyee, boqolkiiba 90% waxa raggaasi sixray iimaan-laaweyaasha diinta ku dhuunta.
Kolkaa xaqiiqdu waxay tahay; qaadku maandooriye maaha oo walaahi ahe, se sixirooleyaasha gaalo qadhmuunta ah ayaa ah maandooriyaha ugu weyn ee dalkeena Somaliland jooga, waa se la qariyay, oo wadaad iyo waxgarad cid xaqiiqdaas dadka u sheegi karta lama hayo.
Waxa kale oo iyana jirta, dhawaan waxa dalka la soo geliyay sigaar xumaaday, gaar ahaan noocyada Maarlabooraha iyo Beensalka, waxaan aaminsanahay sigaarkaa xumaaday, in iimaan-laaweyaashaa diinta ku dhuuntaa soo geliyeen dalka, iyaga oo uga gol leh in ay ku nacsiiyaan dadka sigaarka cabba.
Iimaankooda ama booska uu Illaahay qalbigooda ka joogo, waxaad ka garan kartaa ficilkooda, imika sigaarkaa xumaaday hadii uu yahay mid ay si’ yidhaahdeen, oo ay wax ku soo dareen, qofka wax ku noqda, ma waxay odhan sigaarkaa wax yeelay, sigaarka maahee iyaga ayaa dembigaasi saaran yahay, hadii ay dadka iska qariyeen Illaahay miyay iska qariyeen isaga.
Waa marka aad ogaanayso, in ragga qayila ee ay dadka ku direen ka dun wanaagsan yihiin, oo ay badankooda ka iimaan fiican yihiin, oo wax badan oo aanu ku dhacayn qofkaa ay ku sheegeen faasiqa ama dibjirku, ay iyagu ku dhacaan, oo khiyaamada iyo dulmiga iyo beenaha ay Illaahay ka sheegaan ugu horeeyaan, iyo waxyaabaha aan diinta ku jirin ee ay ku soo daraan.
Abwaan Gaariye ayaa laga hayay:
- Nin dawee la leeyahay
- Dembi uu badh leeyahay
- Xalka doon la leeyahay
- Isagu u daran yahoo
- Inuu daaro ma ogola
- Daarnaanta mililka leh
- Anna deyso ma ogoli
- Deebaaqda igu mudan
Abwaan kale ayaa isna yidhi:
- Baadida nin baa kula deydayoo daalna kaa badin,
- Aan se doonayn inaad hesho daa’in abidkaayoo,
- Dadkuna idin moodi duul wada dhashoon wax u kala dahsoonayn,
Gunaanad
Hadal iyo dhamaan isku soo wada duub oo, xaqiiqdu waxay tahay qaadku xaaraam maaha, oo khabiis maaha, oo nijaas maaha, oo maan-dooriye maaha’e, waa geed ka mid ah dhirtaa kala du-duwan, ee Illaahay u abuuray in ay dadku manaafacaadsadaan, wixii Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye diiday uun baa diidan, wixii kaleba waa inoo xalaale yaan la dhageysan kuwa Illaahay ku been-abuurtay.
Kolley waa adduunyoo hawl iyo rafaad laga waayi maayee, ninka u baahda woxogaa nashaad ah, ee gala xaalad u baahan qayilaad, amarkaasna ka hela waayaha iyo wadciga uu ku jiro, waxaan leeyahay dheg ha u dhigin beenaha la allifay, ee ay dul-ka-sheekhyadu faafinayaane, si fiican u qayil.
LABADA DAANBA KA BUUXSADOO
فَكُلُوهُ هَنِيئًا مَّرِيئًا