Dagaalka Han-Jebinta Cadawga Somaliland (MORAL ATTACK)

Shacabka xariirta ah ee reer Somaliland guud ahaantood waxay ku jiraan difaac adag, oo ay kaga jawaabayaan dagaalka badheedhka ah ee Huwanta, kaasi oo cadawgaa isa soo urursaday ay ku doonayaan in ay ku mijo-xaabiyaan qarannimadeena Somaliland.

Qarannimadu waa geed hadhac ah oo damashiisa ay hadhsadaan shacabku, dawladnimaduna ideylkeed nooc ay tahayba, waxa laga faa’iidaa waa nabad iyo kala-dambeyn, labadaana waxa ka dhasha Hagaag-Nololeed iyo Horumar Bulsho.

Hadaba akhristoow waxa la ogaaday oo taariikhdu ay soo tebisay, in dagaallada qaran-dumintu nooc ay yihiinba, uu ugu xun yahay kan laguu adeegsado dadkaaga qaarkood, gaar ahaan maatida iyo dadka inta ay gunnimadu biyo-dhigtay een gobonimada aqoon, sababtuna waxa weeyi;

  • Waa dagaal ay natiijadiisu ku dambeyso dareen xanuun badan oo wada taabta bulshada, noociisuna yahay “Kugu Dhimay Oo Kaa Dhimay…
  • Waa dagaal axmaqnimada iyo miyir-wareenku ku badan yahay, oo usefull idiots-ka laguu adeegsaday ay fuleynimo dagaalamayaan, yacni Yaanu kugu soo kicine Haamada goo’o… ayaa u ah dhaqan (Ka akhriso halkani qormo aan kaga waramayo dagaalka la adeegsado usefull idiots-ka)

Hadaba; tan iyo markii weftiga balaadhan ee ka kooban madaxda qaranka Somaliland ay safarkooda booqasho ku galaa-bixinayeen gobollada Saaxil, Togdheer, Saraar, Buuhoodle, Sool, Daadmadheedh Sanaag, Hawd, Maroodi-Jeex, Gebilay, Awdal iyo Salal, shacabka sharafta iyo qiimaha badan ee ku nool gobolladaasi, waxay ridayeen hub aad u halis badan, oo hanaqa gooyay cadawgii Somaliland meel uu joogaba, guud ahaan reer Somaliland na ay ku diirsadeen.

Maadaama oo arrimihii ictiraafka Somaliland si qoto dheer loo gudagalay, waxa jira fariimo qaldan oo ay Somaliland-diidku ka gudbiyaan qarannimada Somaliland, iyaga oo bulshada caalamka u gudbiya fariimo ay ka mid yihiin “Shacabku ma rabaan Somaliland’e waa la khasbayaa…

Somaliland-diidku waxay gudaha Somaliland ku sameysteen, dad kooban oo ay maal-gashadeen oo qabiil walba leh, kuwaasi oo gudaha Somaliland marar badan ka sameeyay rabshado iyo khilaafyo ay ku curyaaminayeen horu-socodka Qarannimada Somaliland, iyo in ay sawir qaldan ka bixiyaan nabada iyo horumarka Somaliland.

Safarkii booqasho ee ay madaxda Qaranku guda-galeen, waxa ku hoos qarsoonaa dhoolatus balaadhan, oo ujeedkiisu ahaa Qarannimada Somaliland maaha wax khasab ku yimidaye, waa rabitaankii shacabka min bari ilaa galbeed(Iraadatu Shacab), yacnii dadka reer Somaliland ayaa doortay in ay Qarankaa dhisan ahaadaan, raalina ku ah calankaa Tawxiidku ku xardhan yahay inay hoos hadhsadaan, fariintaasi ayay madaxdu u gudbinaysay bulshada caalamka.

Hadaba waxa cajiib ah; shacabka xariirta ah ee reer Somaliland sida ay ula fahmeen qasdigii iyo fariintii ay xukuumaddu gudbinaysay, oo ay shacabku usoo bandhigeen dhoolatuska aan qiimihiisa wax lagu cabiri karaa jirin, hadal la yidhaahdo iyo ereyo la qoro toona, aad ayaynu ugu hambalyaynaynaa shacabka ku nool gobollada Saaxil, Togdheer, Saraar, Buuhoodle, Sool, Daadmadheedh Sanaag, Hawd, Maroodi-Jeex, Gebilay, Awdal iyo Salal.

Dhoolatuskani waxa uu weji-gabax ku yahay guud ahaan Somaliland-diidka meel ay joogaanba, waana mid beeninaya fariimihii qaldanaa ee ay ka gudbin jireen Qarannimada Somaliland, waxa kale oo uu dhirbaaxo kulul ku yahay Somaliland-diidka ku sugan gudaha Somaliland ee gobol walba jooga, waxa uu ku khasbayaa in ay keenada dhigtaan oo ay is-daad-raaciyaan.

Mawjadahan shacabka qiiraysan ahee Qarannimadooda difaacanayaa, waxay Somaliland-diidka gudaha jooga ku ridayaan quus, iyo in ay ka lunto dhiiranaantii ay la-dagaalankeena u lahaayeen, taasi oo keenaysa in iyaga oo damiirka iyo dareenkaba ka bahdilan ay calanka tawxiidka leh kor u qaadaan, si aan looga garan naxliga iyo nacaybka ay gudaha ugu hayaan Qarannimada Somaliland.

Ma ogtahay; cadawgaaga oo aad ka lumiso dhiiranaantii uu kugula dagaalami lahaa, ama aad ku kalifto inuu kugula soo dhici waayo dagaal iyo deelqaaf toonna ay tahay guul weyn, waa mid ka mid ah guulaha durba shacabka reer Somaliland ay xaqiijiyeen, intii ay dhoolatuska Qarannimada ku guda-jireen, taasi oo aynu durba arkayno dad badan oo ka soo degay halkii fogeyd ee ay ka taagnaayeen Qarannimada Somaliland.

Qormooyin Kale Oo Xiiso Leh…

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?