Muslimnimadu 👳🏽🧕🏽 qofka ma u noqon kartaa Passport ⁉️

Isaga oo ku guda-jira Khudbadii Jimcaha, ayaa wuxuu yidhi: “Calaaqooyinka dadka isku xidha ee lagu wada joogo, waxa ugu muhiimsan calaaqada Iimaanka…”, wadaadku wuxuu aad u duray, oo dhaleeceeyay, is-urursiga iyo wada-jooga ka dhasha xidhiidhka xaga dhiiga ee loo yaqaanno Riximka, isaga oo ku sheegay is-urursi qabiil oo aan fiicnayn.

Calashaan dadku ha ku wada joogaan Islaamnimo, oo wada-jooga ka dhasha wax-isku-ahaanta xaga dhiiga ha la yareeyo, oo ha laga horeysiiyo in Islaamnimo lagu wada joogo, fariintaasi ayaa uu gudbinayay ninkaasi, oo ujeedkiisu ahaa.

Akhristoow; hadalka ninkaasi ku khudbadeeyay, inna wax ma kaaga baxeen? yacni inna signal ama dareen ma kaaga baxay?

Hadalkaasi wax weyn baa ku hoos qarsoon iyo xeelad aad u halis badan’e, aan kuu balbalaadhshee ii soo yar jeedso, oo akhriso qormadan ilaa dhamaadkeeda.

Budhcad-diimeedyadu nooc ay yihiin iyo magac ay sitaanba, tirada xubnahoodu way kooban tahay, marka loo eego deegaannada ay kala joogaan, iyo bulshada ay qayb kastaa ku dhex jiraan, ee aan la mabda’a ahayn.

Si kale hadii aynu u dhigno hadalka, budhcadda mabaadii’dooda waxa ka mid ah, in ay xubno ku yeeshaan Soomaali qabiil kasta, isla markaana deegaan kasta oo ay Soomaali joogto ku yeeshaan xubno uga hawlgala, oo ay isku-mabda’a yihiin, sidaana faa’iido weyn ayaa ugu jirta budhcadda’e ogsoonow.

Eeg; waxaynu ognahay in Soomaali intii isku qabiil ahiba ay dal iyo degsiimooyin u gaar ah leeyihiin, kolkaa deegaan kasta budhcadda inta u joogta ama qabiil kasta inta budhcadda ugu jirtaa waa tiro kooban, marka loo eego deegaan kasta dadka jooga ee aan la mabda’a ahayn ama ay isku qabiilka yihiin laakiin budhcadda aan ka tirsanayn.

Dee adiguba caqli baad leedahaye, bal is-weydiiyoo; budhcad-diimeedyada mabaadii’dooda badi ku dhisan gunnimo-dagaalanka iyo shaydaannimada, bal yaa ku raacaya oo aan ka ahayn, deegaan kasta iyo qabiil kasta inta Shaydaanu-Insiga ah, ee Axmaqiin leh’ee, Xaasidiin leh’ee, Xaaqidiin leh’ee, iyo guud ahaan Uur-timooleyaal ideylkood, dadka noocaas ah uun bay ka dhaadhicin karaan camal-shaydaanka.

Midda kale; bohoshaa budhcad-diimeedka qofka ku dhacaa kama soo baxo, maxaa yeelay; qofku heshiis loo garan-og-yahay Bayco ayuu ku galayaa marka uu ku biirayo, kolkaa hadii uu qofkii damco inuu ka baxo, almacnaa baycadii uu ku jiray ayuu ka baxayaa.

Budhcad-diimeedyada gunnimada iyo camal-shaydaankoodu badan yahay, waxay qofka baycada ka baxa ku xukumaan Riddo ama Diin-ka-bax, waxaanay ku naanaysaan Murtad, taasi oo la micno ah in ay xalaashadeen dhiiga qofkaa ka baxay, calashaan si aanu u fashilin shaydaannimadooda iyo waxay dul-wanaagsanaanta ku hoos qariyaan.

Budhcad-diimeedyada aan xagjirka aadka ah sii ahayn na, waxay qofka ka baxa ku xukumaan Gaalo-raacnimo, almacnaa mar hadii aad annaga oo Muslim ah naga tagtay, cidii aad u tagtaa waa gaalo uun, waanay colaadiyaan oo xidhiidhka ayay ka goostaan qofkaasi.

Xukunnadaa qofkii budhcadda ka baxa lagu ridayaa, waa sababta koobaad ee keenaysa, in qofkii ku biira xaalkiisu laba mid uun noqonayo:

  • In ay dilaan hadii uu la mid noqon waayo,
  • Iyo in uu qofkii daadka is-raaciyo, oo waxay sameynayaan ba la sameeyo, go’aankiisuna noqdo meeshii lagu il la’a yahay adna isha ayaa layska ridaa…

Midda labaad waxa weeyi; hadii ba qofku isyar xariifiyo, oo budhcaddu ay ka dareemaan woxogaa keeno-diidnimo ah, waa in ay tashkiiliyaan oo u balamiyaan qamaamuurtii budhcadda.

Bal waxaad qiyaastaa; qofka ay isu daba mareen Al-Sheekh Al-Callaama Mashhuurun Bi-Kunyatihi Laba-Gadhle, iyo Al-Sheekh Al-Mujaahid Mashhuurun Bi-Kunyatihi Gacmo-Dhiigle, iyo Al-Sheekh Al-Waalid Mashhuurun Bi-Kunyatihi Midida-Jiifta, iyo Al-Sheekh Al-Qaa’id Macruufun Bi Dhiig-Ku-Maydhe, iyo… miyaynu tirin karaynaa, oo wada qamaamuurtii ah, halka tobanaan kalena reserve beach-ka diyaar ugu yihiin, si ay ugu baxaan hadii kuwaa hore ka caal waayaan, deetana qofkii kolna cagta dhulka loogu dhufto, iyada oo Riddo looga digayo, marna madaxa loo salaaxo, oo tashkiilintaas ciidiyo-boodhka laysugu cantoobinayaa ay u socoto dhowr saacadood amaba dhowr maalmood, kolba ilaa xadka keeno-diidnimada iyo is-xariifinta qofku gaadhsiisan tahay.

Al-Callaamah Laba-Gadhle oo ah ka ugu fadallo-cad, waa ninka ay qabaanba in uu tashkiilinta kaligii ku filan yahay, maadaama oo uu yahay The Master of the Sunnah, calashaan nin dabaqay qaybo badan oo ay iyagu sameyn kari waayeen oo sunnihii Nebi Muxamed scw ah, halka sunneyaal badan oo mahjuur noqdayna uu soo nooleeyay, bal adiguba u fiirso waa kan eh;

  • Waa nin Indho-kuusha mar kasta, weliba dhagaxa uu ka soo qaatay god meel halkeera ku yaalla, oo aad garato in waa’a fogeyd ay dhuxulaysato dhuxul ku shiteen, ayuu budhcadda ugu sheegaa inuu yahay Ithmidkii amaanta Nebiga haystay,
  • Cadayga rumayga ayaa afka ugu jira inta badan, weliba waxa caado u noqotay markii uu joogteeyay, in mar kasta oo uu qof la hadlayo ama uu cid la shirayo, uu cadeygaasi ilkaha kolba dhinac u mariyo, candhuuftana kolba gees ay bidixdu u badan tahay u tufo, iyada oo dadka qaarkood yidhaahdaanba “Cadeyga wuu ku maaxdaayoo, kolkaasi ayuu ereyada mucda leh iyo hadalkaba heli og yahay...”
  • Marka uu magaalada joogo, ninka uu ku arko isaga oo xidhan wax aan ahayn Qamiis ama Macawis iyo Shaadh, iyo dumarka uu ku arko in aanay xidhnayn xijaabkii wada daboolnaa gun iyo baar, wuu colaadiyaa oo indhaha ayuu ku gubaa, mararka qaarkoodna waabu kula dagaalamaa oo gacanta ayuu ula tagaa qofkaasi, marar la weydiiyay sababta uu nasteexada uga tagay, oo gacan-ka-hadalka u doortay, wuxuu yidhi nasteexo wuxuun baa igu leh intan oo ikhwadaydii ah, yacnii waa intii ay isku ururka ahaayeen, ciddii aan ikhwadaas ahayn hadal adag iyo gacan adag ayay igu leeyihiin, sheekhu nin sahlan maaha.
  • Marka uu socdo ama talaabsanayo meelahaasi, waxaad moodaa inuu dalcaddii adkayd ee buurtii xaarisa, uu gucle-orod kaga soo daadagayo, kolkaa inta badan kufniinka iyo turaanturada ayaa ku badan, ileyn sinnaantii jidheed ayuu kas isaga lumiyayoo waa kan dug-dugleynaya’e, weliba marka uu duurka iyo meelaha cidlada ah joogo wuu illaawaa qaab-socodkan eh, se marka uu marayo suuqyada iyo meelaha dadku ay ku badan yihiin, aad ayuu u dabaqaa socodkaa dug-dugleynta ah, marar la weydiiyay miyaanay sidaasi is-tusnimo ahaynna, wuxuu kaga fal-celiyay “Dadka aan garanayn ayaan sunnaha si ficli ah u barayaa…
  • Iyo tobanaan sifo oo kale, ayaa korkiisa ka muuqda…

Sidaa aad arkaysaanba; sifooyinkaasi waxay u badan yihiin is-kallifaad, buunbuunin iyo been-abuurad sunne, se sakaaro ba inteeda waa ku duq eh! sidaasi ayuu Al-Callaamah Laba-Gadhle budhcadda ugu yahay, The One and Only Fully Exerciser of the Sunnah, akhristoow Yaa Waduud iyo hadii la yaabo Yaasiinka waa tii ahayde, sow maad cidiyo-guran oo weliba afka kuma gureysid! yaah !!!

Bal hadaba ku weydiiyaye; ma diidmo dambe iyo is-xariifin ayaa lagu arki, qofka uu tashkiiliyo Al-Callaamah Laba-Gadhle, oo weliba kaaga daranta mar walba ay la socdaan koox dhallinyar ahoo iska muraaqaysiisa, oo marka uu sheekh Laba-Gadhle kalmad yidhaa, inta aanay afkiisa ka soo wada dhamaanin, ayaa kooxdan muraaqoonaysaa kor u wada odhanayaan Takbiir Allaahu Akbar, Takbiir Allaahu Akbar, Takbiir Allaahu Akbar, hadana kalmad kale marka uu yidhaa ayaa Takbiirtu is-qabsanaysaa, mararka qaarkoodna kooxdan muraaqaysan ayaa uu kolba mid, qamuunyood iyo oohin cod leh la kala baxayaa, oo uu indhaha biyo sidaa iyo sidaa uga soo maroojinayaa, inta kalena markaasay ku wada daraan oohinta, iyada oo inta badan oohintaasi waxa sababa aan la garanayn, se qaarkood ayaa la maqlaa iyaga oo sheegaya inay geeridii Nebiga scw xasuusteen “…isii daaya oo i daaya, wayyyyyyyyy oo wayyyyy… waar ma waxaynu joognaa meeshii Nebi Muxamadba scw uu ka tagay, wayyyyyyy iiiiii aaaaa…”, kadibna markaas ayaa meeshuba isla oogsataa, oo furrruuruq-da iyo khurrrrrufta baxaysa aanad malayn karin, duufka uu midiba mid ku biinayo’e iyo, is-aamusiinta uu midiba mid aamusiinayo’ee, uu ilmada iyo duufka midiba mid ka biinayo hadana isagii uun ku biinayo, qaarkood ayaad is-odhanaysaa malaha oohintu ka dhab maaha, sida ay markaaba bahasha isaga soo jarayaan, ee aanay meel fog ba uga raadinaynin.

Hadaba kolka xaalkii meeshu sidaa isu beddelo, ee qofkii uu dhowr maalmood ku jiro tashkiilintan uu ku lamaan yahay bandhiggaa ilmo iyo duuf hooriska ah, qamaamuurtuna wacdiga noocaas ah qofkii isaga daba galaan, bal qiyaasoo ma diiday iyo waan idinka baxay ayaa qofkaa ka soo yeedhi?

Qiyaasta la qaaday waxay u badan tahay, in qofkii inta uu keenada dhigto, uu toos iyo duuduub ugala qaybgalayo bandhigga ilmo-iyo-duuf-hooriska, oo weliba is-xariifintii iyo diidmadiisii hore uu ka bixinayo raaligelin buuxda, naftiisana uu madasha tashkiilinta horteeda ku haaraamayo, isaga oo ku eedaynaya inay tahay mar-walba-wanaag-u-diida, tanina waa sababta labaad ee qofkii ku kalifaysa inuu sameeyo wixii budhcaddu u diraanba.

Akhristayaasha qaarkood waan dareensanahay, in ay saluugeen dhihitaankeyga dadka ku jira budhcad-diimeedyadu waa wada daalimiin iyo shaydaanul-insi miidhan, maxaa yeelay; waxaynu marar badan ku dhex aragnaa kooxahaasi, Xufaad mutqiniin ah iyo, Quraa’a codkoodu halaasi yahay iyo, Fuqaho heerka aqoontooda aad yaabayso markay kala dhig-dhigayaan safxadda maydhiga lagu horeysiinayo iyo howto-daba xilliga suuliga, amaba dhiigaga dumarka oo midabbadooda iyo magacyadooda iyo minute-ka ay qaataan iyo xukunkooda iyo oo xataa qaarkood urtooda raaciyaan, ayaad is-odhanaysaa “Toloow sheekhu, ma inta uu kubbaayad yar ku soo qaatay, ayuu shaybaadhka la tagay, ileyn waaba borobiyo scientific research-kii saynisyahannada’e, mise isagaaba ay ka… Mooji! yaah! belo ku degtay! muxuu wax bartay…

Qofka aan hadaba hore u lahayn sifooyinkaa shaydaaniga ahi, marka uu ku biiro budhcadda si loo helay ba, wuxuun baad arki qofkii oo akbar shaydaan ah, horaa loo yidhi “Wixii aan nabad iyo caano ahaynba waa la kala qaadaa…

Ogow oo aan ku fahamsiiyo halkaase; waxa jira dad badan oo af-duub iyo xoog ay ku haystaan budhcaddu, dadkaasi qaarkood cabsi-gelin iyo baqdin ay ku beereen ayaa ay kula joogaan, qaar kalena lacag iyo xoolo la’aan looga faa’iideystay ayaa sabab u ah ku-biiritaankooda.

Halkaa hadaan kaga imaado intaa farta waawayn ku sawiray, oo aan ugu talogalay in aan ku fahamsiiyo, dadka dhugta-daran ee farta waawayn wax ku fahma.

Eeg; kol hadii aynu nidhi budhcad-diimeedyadu deegaan kasta iyo qabiil kastaba waxay ka dhex yihiin minority laga tiro badan yahay, kolkaa sow noqon mayso in aanay saameyn yeelanayn, oo wixii ay rabeen iyo mabaadii’dii ay faafinayeenba aanay u hirgalayn.

Hadaba aan kuu sheego’e; marka ay rabaan in ay meel ama deegaan ka fuliyaan hawlgal ama ay qabsadaanba, waa inay isku habar wacdaan, oo dhamaan meelaha ay joogaan isaga wada yimaadaan, khaasatan inta hawshaasi ama hawlgalkaasi aan looga maarmaynin.

Sababaha keena in xubnaha budhcaddu ay tagaan deegaan aanay u dhalanin qabiil ahaan, waxa kamida:

  • Marka xubinta looga magacaabo degaankaasi xil ama hawlgal,
  • Marka budhcadu rabaan inay cududooda mideeyaan, si ay u galaan dagaal saf balaadhan ah,
  • Marka xubintu deegaankiisii ku fashilmo, oo hawlgal uu fuliyay ka fashilmo, kadibna la ogaado,
  • Iwm…

Markaa si ay xubnahoodan muhiimka ah u soo geliyaan deegaankan aanay u dhalanin, isla markaana ay u dhex keenaan qabiilkan aanay ka dhalanin, waa inay u helaan Passport uu ku dhejisan yahay Visa ama Ciqaamad aan dhacayn, kolkaa marka ay dadka ugu khudbadeeyaan ama ku wacdiyaan wada-joogitaanka Islaamnimo ayaa ka wanaagsan wada-jooga wax-isku-ahaantu, halkaasi ayay ku daba leedahaye sidaa ha loo fahmo, almacnaa Hoombaro Libaax Bay Soo Waddaa.

Waxa kale oo aad ogaataan, xubnaha budhcadda ka tirsan ee la keenayo deegaanka aanay u dhalanin, waa kuwa ugu halista badan kooxaha budhcad-diimeedyada, maxaa yeelay; qofkaasi waa laba kaadhle wax dheer xubinta isagu la jooga deegaankiisii iyo qabiilkiisii, oo waxa jirta far u laaban oo u horseedaysa inuu ku dhiirado fulinta hawlgallada iyo wixii loo diro ba.

Tusaale ahaan;

Waalliga ama Badhasaabada ugu magacaaban budhcad-diimeedyada gobollada dalkeena, amaba horjoogayaasha ciidankooda iyo weliba ciidamadooda kala du-duwan, inbadan oo ka mid ahi deegaan ahaan ama qabiil ahaan umay dhalan Somaliland, kolkaa waa inay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulaan, sidii ay ugu heli lahaayeen ogolaanshiiyo soo-gelitaan amaba ciqaamadii degenaanshiiyaha.

Budhcad-diimeedyadu waxay inta badan u xilsaaraan hawlgallada halista ah iyo shirqoollada qudh-gooyada ah, xubnaha aan u dhalanin deegaanka, sababtuna waxa weeyi;

Xubnaha budhcadda ka tirsan ee deegaanka u dhashay, hadii hawlgalladaa halista badan ee ka dhanka ah dadkii iyo deegaankii ay ka dhasheen loo xilsaaro, waxay u badan tahay in la ogaanayo’oo shirqoolkaasi fashilmayo, ileyn waa qof deegaanka laga yaqaan oo ku noole, kolkaa meeshii uu shirqoolku ka dhacay marka la baadhayo, ee dadkii ka ag-dhawaa meesha la wareysto, waxay u badan tahay in la helo qof wejigiisa garanaya, oo sheega in hebelkii ina hebel ee sidaa iyo sidaa ahaa uu halkaa marayay ama uu wax dhigay, kolkaa hadii shirqoolkaasi fashilmo ama la ogaado xubintaasi, dee kaadhkii wuu ka gubtay, oo dee xaguu tegi, yuu se la noolaan doonaa hadii hawshoodii budhcadnimo-ba ay soo af-jaranto, ma isaga oo bahdilan, oo dadkiisii ay iska ilaalinayaan sidii bahalka ayuu dhex joogi, waana sababta inta badan ku kalifta budhcadda in ay wejiga ku duubaan cumaamadda.

Taa bedelkeeda; hadiiba uu u fullo shirqoolkii iyada oo aan la ogaanin, waa tii la yidhi Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa’e, maskax ahaan hadii aanu xanuunsanaynin oo miyirkiisu joogo, wuxuun buu ahaani mid ku nool cabsi iyo baalla-deymood, ileyn shirqoolkii uu fuliyay dadkii wax ku noqday ehelladoodii ayaa uu garanayaa, oo ay magaaladii iyo meelahaa isaga soo hor bixi karaan, kolkaa isaga waa u naxdin iyo lagu qabay, hadii ba qof ka mid ah ciddaasi uu si uun uga dareemo cadheysnaan, oo laga yaabo in waaye kaleba ku weyn yahay, isaga waa u kabash-kabashleynoo wuxuun buu moodi in la ogaaday, kolkaa isagu is-fashiliyaa iyo baala-deymoodkiisa laga shakiyaaba, waxay u badan tahay in uu kol uun fashilmo.

Se xubinta aan isagu dadkan iyo deegaankan shirqoolka laga fulinayo u dhalanin, cabsi iyo tudhaale midna laga heli maayo’e wuu isku soo qaawinayaa fulinta shirqoolkaasi, hadii ba shirqoolkaasi ka fashilmo ama la ogaado na, dee marka hore ba far baa u laabnayd, oo wuxuu la soo baxayaa kaadhkiisii kale oo ah inuu deegaankiisii u baxsado, budhcadda kale na wuxuun bay ku mitidayaan inta uu ka gaadhayo dadkiisii iyo deegaankiisii, sidii ay u qarin lahaayeen ama baxsashadiisa uga caawin lahaayeen.

Hadii se shirqoolkii u fullo iyada oo aan la ogaaninna, dee waa tii hore loo yidhi Geeridu geeljire iyo nimaanad aqoonin ayay ku wacan tahaye, waxa suurtagal ah inuu u yimaado dadkii ku waxyeeloobay shirqoolka, oo uu weliba caqli-celintooda iyo aamusiintooda ka qaybgalo, isaga oo ku tiraabaya “Sidani Islaamnimo maaha, qofka muslimka ahi wuu adkeystaa, oo Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun ayuu yidhaahdaa, aamusa oo ha u barooranina sidii gaalada, waa ceeb weeyi waxaasi…” ha qariibsan! way dhacdaa oo waa suuragal, ileyn jiidh dareen-damqasho lihi uguma yaalo dadkani’oo, xagiisa waxay ka yihiin geeljire-haasi iyo kuwaa aan la garanaynee geerida lagu riixayo’e.

Halkan mar hadaad soo gaadhay, oo aad soo akhriday intaa hore, waxaan filayaa in aad ila fahantay kooxahan budhcad-diimeedyada ah ee diinteenii macaanayd ka dhigtay hangool ay ku lushaan dhaameelka adduunyada, kuna qumistaan muraadadooda u gaarka ah, waxay uga dan leeyihiin marka ay leeyihiin “Islaamnimadu waa Passport-ka rasmiga ah ee deegaannada ama dalalka muslimiinta lagu galayo ama joogayo…” calashaan Passport uu ku dhegsan yahay Visa aan dhacayn, oo aan u baahnayn eegid iyo hubin midna.

Hadaba bal aynu is-dul-taagno wax-isku-ahaanta iyo xidhiidhinta qaraabada, waxa ay diinteena macaani ka tidhi:

Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye waxa uu yidhi:

[الأنفال: 75] ” وَأُولُو الأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَى بِبَعْضٍ فِي كِتَابِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ

Macnaheeduna yahay “dadka wada-dhashay ee isku dhiiga ahi iyagaa cid walba isaga horeeya, oo is-huran” waana amar uu Rabbigeen weynaa oo wanaagsanaaye inoo faray siday Salaaduba faralka inoogu tahay oo kale.

Mar kale ayaa Rabbigeen Weynaa oo wanaagsanaaye uu waxyiga inoogu sheegay:

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ
[ الحجرات: 13]

Macnaheeduna yahay “…Annaga ayaa qabaa’illo iyo shucuub idinka dhignay si aad isugu garataan ama isugu aqoonsataan…

Bal ila dhageyso tafsiirkan kooban ee lagu sharxayo wax isku ahaanta iyo waxa looga jeedo ereyga ah Wax-Baynu-Isku-Nahay.

Bal is-weydiiyoo qofku yuu la joogaa ama ka ag-dhaw yahay inta badan?

Qofku mar walba wuxuu ka ag-dhaw yahay dadka uu yaqaanno, meesha aanu cid ka garanaynin wuu karahsadaa, oo wuu ku dhib mutaa, ileyn qofna hubsiimo la’aan qof aanu garanaynin sida uu ugu soo joogsadaa way adag tahaye.

Sida oo kale; qof waliba wuxuu wax u qabtaa, oo uu inta badan u dhibirsan yahay caawintooda ama in uu wax taro, waa dadka uu qudh iyo baac u yaqaano, ee ehelkiisa ama asxaabtiisa ah, in dadku ay si xeeldheer isku bartaan oo isku aqoonsadaanna, waxay keenaysaa in ay is-jeclaadaan, jaceylkaasina isku-tiirsanaan iyo inuu qofba qofka kale taageero ayuu keenayaa, taasina waa xikmadda ku jirta wax-isku-ahaanta, Raxmaankuna waa ka inoogu sheegay Aayaddaa sare.

Dadka wada dhashay si xeel-dheer ayay isu-dabeecad bartaan, ileyn waa dad uu midiba mid ka beermay, oo uu mid waliba midka kale sooyaalkiisa nololeed xog-ogaal u yahay, calashaan xigto iyo xigaal miidhan weeyi, kolkaa is-garashadaa xeesha-dheeri waxay keentaa faa’iidooyin badan oo togan, waxaynu ka xusi karnaa:

Mararka qaarkood waxa dhacda; qofku isaga oo aan dhib geysanin, in ehelkiisa iyo asxaabtiisu ay sii ogaan karaan inuu qofkaasi soo fay-faydanayo, oo uu damacsan yahay in uu wax sameeyo, bal maxay ku garteen?

Dee qofkan waxay yaqaaneen tan iyo maalintii uu dhashay, iyo ilaa heerka uu markaa marayo, oo marka uu faraxsan yahay sida dabeecadiisu noqoto, marka uu cadheysan yahay waxyaabaha uu sameeyo iyo, xataa hadalkiisa ereyada ku cusub ee aanu hore u adeegsan jirin ayay garanayaan.

Akhristoow; miyaan weli qof kugu odhan “maxaa kugu soo kordhay, beryahan caadigaagii ma tihide…”

Kolkaa is-garashada iyo is-ahaanta uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye aayadahaa sare inoogu sheegay xikmad badan ayaa ku jirta.

Waxa kale oo aad ogaataa; wada-jooga laftiisa ayaaba ka dhasha is-garashada, dadka aan is-aqoonin wada-joog ba ma yeeshaan, marka se dadku ay is-yaqaanaan ayay wada-joogaan, oo wada degaan, waana sida ay ku sameysmaan deegaannada iyo dalalku.

Bal hadaba waxa aad is-weydiisaa; hadalka aan qoraalka ku bilaabay sida uu u dhigan yahay, oo ah fariinta uu ninkaasi gudbinayay, diiniyan ma sax baa mise wax baa ka qaldan?

Waxaynu ognahay; Islaamnimadu inay tahay mid bilawgeeda lagu xaqiijiyo hadal iyo ficil labadaba, sida oo kalena geedi-socodka Islaamnimo ee qofku, waa mid leh in muuqata oo inteena kale aynu qofkii ka arkayno Islaamnimadiisa iyo in u qarsoon oo aynaan waxba ka sheegi karin, weliba waxaad ku darsataa, mucda iyo nuxurka Islaamnimadu in ay tahayba qaybtaa qofka u qarsoon, ee aynaan waxba ka sheegi karin runnimadeeda iyo in kale.

Hadaba su’aashaydu waxay tahay; Islaamnimadu qofka ma u noqon kartaa Passport uu ku tago ama kula joogo deegaan aanu u dhalan, oo dad muslimiin ahi ku nool yihiin?

Jawaabtu waa Maya

Diiniyan; marka aynu waxyiga ula noqonno jawaabta su’aashaasi, Passport-ka rasmiga ah ee qofka looga baahan yahay, muslim iyo gaal kuu doono ba ha ahaado’e, waa Macrifo ama Garasho ama Aqoonsi oo macno ahaan isu wada imanaya, maxaa yeelay; sida ku cad aayadda sare aan ku soo xusay, dadka meel ku wada nool wada-joogooda waxa sees u ah Tacaarufka dhexdooda yaal, oo ay qudh iyo baac isu yaqaanaan waa taynu nidhi, kolkaa qofkii ku cusub ee meel kale ka yimid, marka uu dadkaa iyagu isa sii yaqaanna uu dhex imanayo, si uu ula joogo ama uu ula dego, waa inuu is-barraxo oo isu sheego, si dadkaasi uga tuhun-baxaan, oo ay u ogaadaan:

  • Waxa uu yahay ama cidda uu yahay,
  • Halka iyo deegaanka uu ka yimid,
  • Waxa uu rabo ama uu maagan yahay,
  • Dabeecad ahaan ama caafimaad ahaan ama damiir ahaan ma la joogi karaa dadkani,
  • Miyuu leeyahay dhaqamo ama caadooyin aanay dadkani ogolayn ooy dhibsanayaan ama lid ku ah,
  • Halka uu ka yimid, muxuu uga yimid, ma dembiile baxsanayaa, ma aafo ay deegaankiisii soo tufeen baa, mise waaba faraha-laga-qaad googo’ay oo intuu halkiisii soo cunay, halkan kalena raba inuu hunguriga mariyo (Who knows?),
  • Iwm…

Ogaanshiiyaha waxaasi oo dhan, in qofkii inoo soo galay laga ogaadaa, waxa ku xidhan badbaadada shacabka, badbaadinta shacabka marka ay joogto, inaguma filna xusitaanka gadhkiisu waa laba qabasho, khamiis iyo cumaamadna wuu xidhan yahay, fooddana wuxuu ku leeyahay bar madaw, amaba kasii xeel-dheereeyoo, fiqiga iyo tafsiirkuu yaqaannaa, Qur’aanka ayuu xifdisan yahay, oo waa qaari’i codkiisu hallaasi yahay, iyo… iyo…

Xaqiiqda biyo-kama-dhibcaanka ahi waxay tahay, waxaas oo tacriifa ama dul-wanaagsanaan ahee loo xusay qofkaa lagu sheegay amaba isagu sheegtay muslimka, cidda muslimnimadaa dul-sheegga ah ugu doodaysa waxa aamusiin u ah:

QOFKAN LAABTIISU WAA HALKA UU GO’AANKIISA RASMIGA AHI YAALLO, MA GARANAYNO WAXA KU JIRA AMA KU QARSOON LAABTIISA, ISLAAMNIMADANA; INTA MUUQATA WAXA KA MUG IYO MIISAAN WEYN INTA LAABTA QOFKA KU QARSOON, KOLKAA IN QOFKII BAADHID IYO HUBSIIMO XEEL-DHEER LA GELIYAA, WAXAY ILLAASHIIMO U TAHAY, DADKAN UU U YIMID NAFTOODA IYO MAALKOODA IYO BADBAADINTA WIXII WANAAGSAN EE AY HAYSTAAN.

Hadaba; in aayar uun la iska yidhaahdo “Muslimiintu dalal iyo xuduud ma kala leh… ama… qofku hadii ba uu muslim yahay, deegaan kasta oo muslim joogaa waa u halalaw iyo wado-goodir, hubsiimo la’aan iyo baadhid la’aan… iyo maxaa looga dhigayaa qariibka miyaanu muslim ahayn…” tororogtaasi iyo beenaha la allifay ee diinteena macaan laga faafiyay, waa waxa keenay in deegaannadii muslimiintu ku noolaayeen badi noqdeen bahallo-galeen, iyo in maanta dalalkii muslimiintu ay badi gubanayaan, waana xaqiiqooyinka taban ee ay muslimiintu ka dhaxleen collaalka direys-wadaadleyaasha ah.

Bal aynu is-weydiinno’e; xilligii uu Nebi Muxamad noolaa Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e, miyay jireen dalal, ama hadii aynu hadalka si kale u dhigno, muslimiintii xilligaa nooleyd miyay kala lahaayeen dalal iyo deegaanno u kala calaamadsan?

Jawaabtu waa Haa

Marka aad akhrido kutubta ka waramaysa taariikhdii Nebiga scw iyo asxaabtiisa, waxaad ogaanaysaa in magaalooyinka iyo tuulooyinka loo kala deganaa Qabaa’il, oo ay jireen deegaano lagu naanaysi jiray magaca qabiilka degan, waxa tusaale ahaan kuugu filan, asxaabigii uu Nebigu scw u diray soo ururinta sakada, ee ay ku soo degtay Aayadii sheegaysay in aanay muslimiintu rumeysanin qofka faasiqa ah ee beenta sheega, asxaabigaasi markii uu gaadhay dadkii loo diray inuu sakada ka soo qaado xuduudii deegaankooda, ayaa uu gocday, oo uu xasuustay waxyaabo hore u dhex maray isaga iyo qabiilka dalkaa degan, kadibna inta uu dib u soo noqday, waa kii beenta sheegay ee Nebiga scw ku yidhi “Sakadii way diideen…

Dal ama Deegaan ama Wadan waa ereyo guud ahaan isku wada macno ah, kolka aan lagu hadlayn afkii sharciga ama dastuuriga ahaa, waxaana loo adeegsadaa in lagu tilmaansado dhulka, ereyadani kaligood isma taagaan kolka dhulka lagu tilmaansanayo’e, waxa la raaciyaa magac ama naanays reereed ama mid qabiil ama mid caan ka ah halkaa la tilmaamayo.

….


error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?