Oday iyo saddex Wiil oo uu dhalay, ayaa saxan weyn cunto loogu soo wada riday, si ay u wadaagaan 🍲🥣
Waa goor fiid ah oo, waxaa u shidan Faynuus agtooda yaalay 🕯️
Markii ay cashadii bilaabeen inay cunaan, ayaa waxaa u soo galay Orgi 🐐
Dabadeedna saxankii cuntada ayuu Orgigii isaguna dhiniciisa ka soo galay 🤣
Odaygii ayaa wiilashii mid la hadlay, oo ku yidhi “waar Orgiga innaga qabo…” 🤣
Wiilkii inta uu kacay, ayuu Qori ama Alwaax soo qabsaday, oo damcay inuu Orgiga ku dhufto, si uu debedda ugu saaro 🐐
Alwaaxii buu inankii la waayey dhowr jeer 🤣
Orgigiina kolba wuu u jaray ama goysmo ayuu bilaabay 🐐🤣
Wiilkii aakhirkii Alwaaxii buu Faynuuskii ku kala jebiyey, meeshiina mugdi bay noqotay 😂🤣
Orgigii iyo Wiilkii oo is eryanaya, ayaa Saxankii cuntada marba Isla dhinac mara 😂🤣
Odaygii inta uu u baqay saxankii cuntadu ku jirtay markani, oo uu ka xanaaqay wiilkani sida uu wax u wado, ayaa uu wiilashiisii kale la hadlay, oo ku yidhi “waar Wiilka innaga qabta!” 😂🤣
Markii hore waxay ahayd, waar Orgiga innaga qabta, kolkii ay xaajadii dhabaqdayna, waxay isu beddeshay “waar Wiilka innaga qabta!!!” 😂🤣
Waxa Qoray: Jamaal Cali Xuseen