Dharaarihii qadhaadha iyo xasuustii Muj. Cumar Xaaji Aadan

Caawa oo ay ku beegan tahay habeenkii 31 may 1988, ee Hargeysa la soo galay, waxaan isku dayayaa in aan idinla wadaago intaan ka xasuusto, taariikhdaasi oo ay ka soo wareegtay 36 sannadood.

Aniga oo ah Cumar Xaaji Aadan, waxaan idinla wadaagi doona hawlgalladii aan goobjooga ka ahaa SNM, inkasta oo halganku ka socday Bari ilaa Galbeed, qaybtii aan anigu ka midka ahaa iyo intaan ka xasuusto ayaan idiinka warami, aniga oo weliba qoralkayga soo koobaya.

Waxaanu ka soo dhaqaaqnay meesha la yidhado Balay-Samatar, oo ka mid ah kilinka shanaad ee soomaalida itoobiya, Hargaysana waxay u jirtaa 70 kiilo mitir, abaaro saacadu markii ay ahayd 1:30 Duhurnimo.

Waxaan halkaa kaga soo dhaqaaqnay 4-guuto, oo kala ahaa guutadii Sayid Cumar, oo u hogaaminayay Mujaahid Maxamed Cilmi Galaan, guutadii Sancaani oo uu hogaaminayay Mujaahid Aadan Cade, guutadii 20-naad oo uu hogaaminayay Mujaahid Axmed Dhagax, guutadii 7-aad oo uu hogaaminayay Mujaahid Axmed Golhaye.

Ciidamadaasi dhamaantood waxa la isku odhaan jiray Makka, abaanduulaha guud ee ciidamaadaasina waxa uu ahaa Mujaahid Ibraahin Dhagawayne.

Markii aanu halkaa ka soo dhaqaaqnay, kolonyo baabuur ah oo iskugu jirta tikniko iyo xamuul, ayaa ciidanka sidday, kuwaasi oo qiyaastii ilaa 55-baabuur ahaa.

Ciidankii halkaa ka soo dhaqaaqay, waxa ugu horeeyay guutadayadii Sayid Cumar, oo uu hogaaminayay Muj. Maxamed Cilmi Galaan.

Halkaanu marnay waxay ahayd meel kayn ah, oo la yidhaa Dabo Taxanta, markii aanu soo soconnay ila saacad iyo badh, waxaa na soo dulmaray diyaarado, nooca sawirrada qaada ee wax basaasa, kamaanu degin baabuurtii na sidaye socodkayagii ayaanu iska sii wadanay.

Hadana markaanu marayno meesha la yidhaahdo Sheekh Mooldhe, waxa Hargeysa ka soo kacday diyaarad nooca loo yaqaano miig-21, waxay damacday ciidanka kolonyada ah in ay halkaa ku rushayso, se waxba nagumay ridin diyaaradii oo bal Illaahay Amarkii, waxaa u shaqayn waayay naqaska rasaasta cabeeya, waxaanu ka maqlaynay Rakaalki ay ku wada hadlayeen ciidamadii Faqashtu.

Halkaa waanu ku yara hakanay, oo baabuurtii ayaanu ka yara degnay, hadana socodkayagii ayaanu iska sii wadanay, markii aanu soo soconay waxogaa, waxaanu halkaa iska helnay ciidamadii faqashta oo aan tiradoodu badnayne, ilaa dhawr Beebee na watay.

Guutadii Sayid Cumar ee aan ka tirsanaa, oo ahayd 4-tii guuto ta ay ciidankeedu xaga socodka ugu soo cag-horeeyeen, ayaa jiidhay ciidankaa faqashta ee jid-gooyada noo galay, xataa may dareemin ciidamadii aanu wada soconay ee naga dambeeyay, maadaama oo baabuurtu ay xaga socodka aad u dheereynayeen, oo aan waxba laga maqlaynin xiinka baabuurka iyo guuxa hawada.

Abbaaro 5:00 tii galabnimo ayay baabuurtii na siday nagu dejiyeen meesha la yidhaahdo Xaabaale, oo magaalada Hargeysa u jirta 20-km, isla halkaasi ayay dib uga noqdeen baabuurtii xamuulka ahayd eenu la soconay.

Kadib faqashtii ayaa nagaga soo baxday xaga bari, markii aanu baabuurta ka dagnayba, dagaal ayaana halkaa nagu dhex maray ilaa 20-ilbidhiqsi socday, isla xilligaasi waxa da’ayay roob shuux ah oo aan badnayn.

Waxa dagaalkaa nagaga dhintay nin Mujaahid ah oo naanaystiisa la odhan jiray Dhargiye (Alle ha u naxariisto) kuna dagaalami jiray qoriga la yidhaa Sebanka(RPG-7), nin kale oo isna Mujaahid ah ayaa nagaga dhaawacmay galabtaasi dagaalka.

Mujaahid Cabdilaahi Askar

Goor ay ku beegan tahay abbaaro 5:30 galabnimo, ayaan anigu ku yar baydhay gaadhi ay saarnaayeen taliskii SNM qaybtaa Hargeysa, waxaan ka sii xasuustaa oo kamid ahaa ragii gaadhigaa saarnaa Muj. Cabdillaahi Askar iyo Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne, waxay Radio ka dhageysanayeen BBC-Somali, waxa ka socday Radio-ga barnaamij lagu wareysanayay Mujaahid Axmed Siilaanyo, waxa dhagahayga ku soo dhacayay iyada oo la weydiinayo Axmed Siilaanyo “Burco waad gasheen“, isna uu ku jawaabay “Haa, Hargeysana caawa ayaanu galeynaa

Anigu markaa jirkaan biyo ah oo ay siteen Cabdillaahi Askar iyo Ibraahin Dhaga-wayne, ayaan weyso ka soo dhaansaday, in yar kadib gabbalkii ayaa dhacay, oo habeen ayay noqotay.

Ciidamadii faqashta ee ku beegnaa halkii aanu ka soo galnay, ee deganaa xadka u dhaxeeyaa Itoobiya iyo Soomaaliya, sida; Cadaroosh, Allaybaday, Bali-Cabane, Geed-Balaadh iyo Bali-Gubadle, waxaas oo ciidan ah ayaanu iftiinka gawaadhidooda arkeynaa, oo soo laydhinaya kuna sii socda magaalada Hargaysa, si ay nooga difaacaan, kolkaa dhinac kasta way ka soo socdaan faqashtu, anaguna waxaanu u badannahay afantari lugeynaya, oo Hargaysa ku jihaysan, ilaa habeenkii oo dhanna xabbadu si teel teel ah ayay u dhacaysay.

1988 ciidankii Hargeysa soo galay gaar ahaan guutadii Sayid Cumar iyo guutadii 20-aad

Wakhti ay ku beegan tahay 3:30 Habeenimo ayaa xaaladdu faraha ka baxday, markaas oo ay dagaalladii ugu cuslaa faqashta na dhex mareen, 3:30 habeennimo ayaanu soo gaadhnay Hargaysa duleedkeeda, gaar ahaan halka loo yaqaanno Maqaamka Sheekh Cumar, ilaa 7:00 Aroornimo ayay sida roobka noogu socotay rasaastu,

Ciidamadii faqashta ee loogu tala-galay in ay difaacaan magaalada Hargeysa, ayaanu sida danabka ugu soo hilaacnay, awoodoodii waan burburinay, taliskoodiina waan ka qabsannay.

Aroornimadii abbaaro 6:30 aniga iyo niman mujaahidiin ah, ayaa halka imika ciidanka Qaranka Somaliland taliskoodu yahay, deyrka galbeedka ka soo dhacnay, sidaana waxaanu ku qabsannay taliskii faqashta.

Waxa aroortaasi aan xasuustay, oo rumoobay gabaygii Abwaan Hadraawi, waxaan indhahayga ku arkay niman faqash ah oo saraakiil ah, oo darajadoodi daadinaya, oo leh waxaanu nahay niman shicib ah, anaguna waanu ognahaye garo.

  • Dusduskay ku dheregtee
  • Haddaan daalku dheeraan
  • Gabbal baas u dumin nabad
  • Nin dalleensi lagu cunay
  • Haddaan guuto loo dilin
  • Dakharkiiba toban noqon
  • Nin kastoo dun iga qaba
  • Haddaan daab-cad lala dhicin
  • Janannada durduurta ah
  • Haddaan daadku soo qubin
  • Aqalada derbiga dheer
  • Haddaan daaqad laga gelin
  • Ninka dabin ka boodka ah
  • Haddaan diirad lagu helin
  • Haddaan duubka gogoshiyo
  • Lagu dhuuman dalowyada
  • Haddaan shaashka derejada
  • Dallacaada laga nixin
  • Dal Allay u kibirtee
  • Haddaan iilka lagu degin
  • Haddaan meydku duurkiyo
  • Derrimaha ka fara badan
  • Sanqadhaa dabayshiyo
  • Haddaan fiinta laga didin
  • Fadhigay ku daaqdee
  • Haddaan soodhku dalandalin
  • Halka doobi lala maro
  • Haddaan raacdo daba gurin
  • Dacfalaanka mahaddiyo
  • Dardarsiga barwaaqada
  • Iyo doosha subbaga leh
  • Haddaan laysu dacarayn
  • Inta daran intaw daran
  • Haddan duulal lagu falin
  • Haddaan deebta gumuciyo
  • Lagu guban dabkaan shido
  • Duhur laysla wada jiro
  • Haddaan guusha lay deyn
  • Alley-lehe docdaydii
  • Ha Goblamo dad weynuhu.

Waa kan Mujaahid Aadan Cabdi Ebyan (Aadan Cadde) oo ahaa ninkii hogaaminayay guutadii Sancaani, oo ka waramaya 31-May-1988 sidii hawlgalku u bilaabmay iyo wixi dhacay…


Qaybtii danbe; 1989 iyo wareeradii lagu qaday xeebaha Somaliland.

Markii dagaallo culculus ay nagu dhex mareen faqashtii gudaha magaalada Hargaysa muddo sadex bilood ah, weliba dagaalladii ugu sii cuslaa ee aan kala joogsiga lahayn, ee ay faqashtu magaalada nagaga sareen, waxay dhaceen todobadii cisho ee ugu danbeeyay.

Waxa nalaga saaray magaalada Hargaysa 13.08.1988, markii aannu ka baxnay magaalada, ciidankayagii Sayid Cumar ee uu hogaaminayay Mahamed Cilmi Galaan, oo markii aanu magaalada soo galnayba uu dhaawac culusi gaadhay, kadibna ay hogaankii la wareegeen saraakiishii ka hooseysay, waxaanu ahayn ama ka koobnayn sadex urrur oo la kala odhan jiray (1aad, 2aad iyo 3aad)

Maalintii aanu magaalada ka baxnay, annaga oo ku sugan meesha la yidhaahdo Xeedho ee duleedka Hargaysa, waxaan xasuustaa Mujaahid Cabdilaahi Askar Illaahay ha u naxariistee, oo na weydiiyay “ciidankii Sayid Cumar imisaa goobta ku sugan oo nool?”

Ciidankayaga oo markii hore ka koobnaa sadex urur, oo urur walba yahay ilaa 120 mujaahid, guud ahaanna tiradoodu tahay 360-Mujaahid, waxaa gacanta taagay ilaa dhawr iyo lixdan Mujaahid, intii kale wax dhintay iyo wax dhawaca ayay noqdeen.

Markii danbe waxaanu fadhiisimo ka samaysannay, meesha la yidhaahdo Biyo-Shiinaha oo Hargeysa u jirta ilaa 10km, halkaa markaanu muddo deganayn, waajibaadka aanu fulinaynayna ahayd ambush, ama dagaalka loo yaqaano ku dhufoo ka dhaqaaq.

Muddo markaanu halkaa deganayn, waxay nagaga soo qadeen faqashtii weraar sadex jiho ah, oo kala ahaa; dhinaca magaalada Hargeysa iyo dhinaca Dararwayne iyo dhinaca galbeed ee Gebilay iyo Arabsiyo, dagaalkaasi waa dagaalkii xooga ay nagaga saareen Biyo-Shiinaha iyo agagaarkii Hargaysa ee aanu deganayn.

Maalintaa waxaa halkaa iga gaadhay dhaawac culus, oo waxa aan ka jabay lugta bidix, waxaanan ku dhawacmay meesha la yidhaahdo Beeyo-Liibaan, halkaasi oo aanu gurmad ula joognay ciidan la odhan jiray Liibaan, ciidankaasi oo aan markii hore ka mid ahaan jirin ciidamadii SNM ee guudaha soo galay, laakiin ahaa ciidan-beeleed halkaa lagu ururiyay, oo u badnaa ciidamadii la odhan jiray Gaas-Dhagoole, waxa ciidankaa Liibaan haystay nin kornayl ahaa oo la odhan jiiray Maxamed Batuun, maantana ka mid ah ciidamada Qaranka Somaliland.

Goobtaa muuqaalka ka muuqata, ee dhagaxa badani yaallaa waa deegaanka Dhagax-Kuure.

Waa halkii dhakhtarka ama waadhka noo ahayd, ee markii aan lugta ka jabay lay keenay, aniga iyo mujaahidiintii kale ee dhaawaca ahaydba.

4-maalmood ayaan aniga oo dhaawac ah goobtaa ku sugnaa, markii dambe waxa la ii qaaday meel la yidhaahda Masaajidka, oo ku taalla kilinka shanaad ee Itoobiya, oo aan ku sugnaa intii aan dhaawaca ka soo kacayay.

Odeyga hadlaya ee muuqaalka ku jiraa, waa ninkii dhaawaca u soo qali jiray xoolaha, ee halkaa ku baxnaanin jiray mujaahidiinta dhaawaca ah.

Ciidamadii degennaa Biyo-Shiinaha ilaa Beeyo-Liibaan, waa laga wada saaray dhamaan aagaggii ay deganaayeen, kadibna waxay qayb fadhiisin cusub ka samaysteen buurta la yidhaahdo Waraabalay, ciidankii fadhiisinkaasi isugu tagayna waa guutadii loo bixiyay 88aad, halka ay qaybtii kalena degeen meesha la yidhaahdo Dhaboolaq.

Waxaa halkaa ka dhacay dagaallo aad u culculus oo na dhex maray faqash, waxaan khaasatan sii xasuustaa sadexdii dagaal ee ugu cuslaa, oo ka kala dhacay; halka uu ku yaallo schoolka la yidhaahdo Abaarso-Tech, Sheekh Mooldhe, iyo Dhaboolaq.

Sadexdaa dagaal ayaa ugu cuslaa oo aan sii xasuusta, inta kadib waxay nagu soo qaadeen weeraro aad u culculus, waxay ciidamadii faqashtu naga qabsadeen dhamaan tuulooyinkii ku yaalay xadka, sida;

  • Farawayne.
  • Alleybaday.
  • Geedbalaadh.
  • Wajaale.

Anigu markii aan muddo 6-billood ah dhaawicii ka soo bogsaday, dib ayaan ugu laabtay ciidankii, waxaanan ka mid noqday ciidan loo diray xeebta hoose, sida;

  • Buulaxaar
  • Lughaya
  • Saylac
  • Lowyacado

Wax tikniko ah maanu wadan ee waxaanu ahayn afantari, waxaan inyar oo raashin ah ku qaadannay dameer, waxaanu weerarkii u horeeyay ku qaadnay meesha la yidhaahdo Buulaxaar, waxaanu halkaas ku qabsannay baabuur la odhan jiiray LG, oo ciidamadii ragiimka Maxamed Siyaad Bare isticmaali jireen.

Kadibna waxaanu u kacnay xaga galbeed, meesha la yidhaahdo Gargaara-Bari, halkaasna waxaanu ka kaxaysannay gaadhi xamuul ah oo nin shicib ahi lahaa, noocii loo yaqaanay Mercedes, waxaanu u jiheysannay meesha la yidhaahdo Lawyacado, waxaanu sii marnay ilaa Ceelgaal, waxayna ahayd wakhti Ramadaan ah oo kulayl fara badani ka dhacayay xeebaha, waxay ku beegnayd ilaa bishii July, 1989

Waxaanu iskaga hor nimid mid ka mid ah gawaadhidii la odhan jiiray TM ka, dooxa la yidhaahdo Bariisleh, waxa gaadhigaasi saarnaa ilaa dhowr iyo toban askari, waxaana wattay nin kornayl ah oo la odhan jiray Cabdilaahi Qayaad, wuxuu haystay ciidanka fadhigiisu ahaa Dararwayne ahna maanta meesha lagu tobabaro ciidanka Qaranka Somaliland.

Ninkaasi waxaa uu noo haystay in aanu nahay ciidan faqashta ka mida, baabuurka waxaa uu saarnaa sigaar badan iyo raashin uu u siday ciidankiisii, ciidankayagii oo muddo badan oo ay dhexda ku soo jireen aan wax sigaara cabin, baabuurkii ayay sigaarkii kala dageen.

Ninkii taliyaha ahaa ee Cabdilahi Qayaad, wuxuu yidhi taliyihii ciidanka watay iigu yeedha,

Markii loogu yeedhay wuxuu arkay Ali Sandheere, oo timo dheer oo raamo ah leh.

Wuxuu yidhi “aniga inankan yaree ciyaala-suuqa ah, ha iigu yeedhinee, taliyihii ciidanka wattay iigu yeedha

Waxaanu damcay inuu dhirbaaxo taliyahayagii Cali Sandheere,

Isna wuxuu ugu jawaabay malaha waxaad i moodaysa ciidamadii faqashta ahaa, anigu waxaan ahay Sarkaal SNM ah.

Intaa markii ay is yidhaahdeen, taliyahayagii Cali Sandheere waxaa uu amar nagu siiyay in aanu nimanka qoryaha ka dhigno.

Sidii ayaanu qoryaha kaga dhignay, maadaama oo aanu gaadhiga square ka haynay, iyaguna si degdeg ah ayay qoryaha u dhigeen, oo wax iska caabin ah may sameyn, waayo waanu ka fara badnayn, baabuurkiina sidii baanu isteerinkiisa kula wareegnay, oo aanu u dhiibnay nin dirawal mujaahid ah.

Lawyacado waxaanu u jirnay ilaa 18km, goor barqo ah oo ilaa 11:00 aroornimo ah, weliba maalmahaasi ramadaan ayay ahayd sidaan hore idiinku soo sheegay, magaalada dhexdeeda ayuun baanu rasaastii ka dhex bilownay.

Ciidankii faqashta ee deganaa magaalada dhexdeeda, cabaar markaanu rasaastii isku ridnay, waxay u yaaceen xaga jabuuti, oo masaafo ahaan u jirta Lawyacaddo ilaa 1000meter.

Baacsigii aanu baacsanaynay, waxaanu isla galnay gudaha Jabuuti, meel la yidhaahdo Dameero-Joog oo dhexdeeda ah, waxaanu ku war helnay uun diyaaradihii Faransiiska oo na dul heehaabaya, iyaga oo joog hoose ku duulaya.

Waxaanu aqoonsannay meesha aanu ku jirnaa inay tahay xadkii Jabuuti, halkaa waxaa noogu yimid Taliyaha Guud ee ciidamada Jabuuti, waana ninka imikaba ah ee la yidhaahdo General Sakariye, oo markaa ahaa kornaylkii haystay xadka ina soo xiga ee jabuti.

Waxaanu dib ugu soo noqonay Lawyacado, markaanu muddo joognay, waxaanu kaga tagnay ciidan ilaa 12 askari ahaa, se nasiib daro meel ay raggaasi jaan iyo cidhib dhigeen lama yaqaan ilaa hadda.

Markii aanu ka baxnay Lawyacado, waxaa qabsaday ciidamadii faqashta, oo ka yimid wado ka timaadda galbeedka Lawyacado.

Bixitaankii aanu Lawyacado ka baxnay, waxaanu ku sii yara hakannay meesha la yidhaahdo Riiga Xaaji Xuseen.

Waxa halkaa noogu yimid ciidan xoojin ah, oo naloo soo diray, kadibna waxaanu weerar ku qaadnay meesha la yidhaahdo Lughaya, halkaasi oo ay deganaayeen ciidankii faqashta ugu badnaa.

Waxa halkaa nagu dhex maray, dagaalkii ugu cuslaa ee aanu xeebta ku galno, Illaahay na wuu nagu guuleeyay oo dhamaan Lughayana gacanta ayaanu ku dhignay.

Askartii joogtay oo ahayd ciidan aad uu fara badan, ayaanu gacanta ku wada dhignay, oo maxaabiis aanu ka dhignay, markhaatigeediina barta Youtube ayuu ku jiraa, iyada oo Alle ha u naxariistee Mujaahid Ibaraahim Maygaag Samatar uu u qudbadaynayo.

Mujaahid Ibraahim Meygaag Samatar

Halkaa marka xaal marayo, waxa Illaahay mahadii ah; in dhamaan magaalooyinkii xeebaha ku yaalay ee Somaliland, aanu gacanta ku wada dhignay, sida:

  • Lawyacado
  • Lughaya
  • Saylac
  • Buulaxaar
  • Ceelsheekh

Hadaba waxaad ogaataan, oo aan ku soo gunaanadayaa qormadaydan, Jamhuuriyadda Somaliland iskamay imanne, waxaasi oo halgan iyo dhib ah ayaa loo soo maray barigeeda ilaa galbeedkeeda, dhallinyarta reer Somaliland na waxaan leeyahay “Ha moodina inay si fudud ku timid Somaliland, waa loo soo halgamaye ogaada…

Dhamaan Alle ha u wada naxariisto intii ku dhimatay halgankaasi, inta noolna Illaahay cafimaadka ha u siyaadiyo.

Long living Somaliland Inshaa’a Allaah…

Waxa Qoray: Mujaahid Cumar Xaaji Aadan

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?