FAQASH 👌

Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa inooga jawaabay su’aasha ah “Faqash yay ahayd?”

Shalay iyo Faqash !

Wuxuu yidhi; mar ay niman Isaaq ahi la garnaqsanayeen niman Daarood ah, ayaa waxay ku yidhaahdeen “Faqasheey! berrigii aad wixii xilka lahaa sameyseen, waad nala gunnimo dagaalanteen, waxaad layseen maati iyo dad aan hubeysnayn, oo dagaalada ka qaxayay, si aan kala sooc lahayn ayaad cirka iyo dhulkaba uga duqeyseen, miyaad ragii hubka sidtay ee idiin badheedhay dagaalkiina ku koobtaan, ileyn waad taqaaneen meelaha ay joogaan iyo fadhiisinnadooda’e, ka Isaaq ahaan; SNM waxay noo ahaayeen rag geerida u badheedhay, oo hubka u qaatay guul ama geeri, SNM qofka ka dhintaa wuxuu noo ahaa shahiid tolkii gunnimo kala dagaalamayay, oonu aaminsannahay dhiigiisaa la daadiyay inuu aakhiro markhaati u galayo, ergana uga noqon doono guushii weynayd, ileyn maatidiisii oo gardarro loola badheedhay ayuu u istaagay inuu naftiisa u huro’e, SNM ta noolina waxay xagayaga ka yihiin geesiyaal Illaahay u rumeeyay halgankoodii, guushii ay raadinayeenna gacanta ku dhigay…
Markay nimankii Isaaq halkaa hadalka marinayaan, ayaa waxa hadlay nimankii Daarood mid ka mid ah, ismabuu dhibine si fudud ayuun buu isaga soo jaray “Waryaa Qaldaan! dhageyso… annagu askar ayaanu ahayn, miyaanu kala naqaanay kiina qudhmista ah iyo kiina shicibka ah, miyaanu guryihiina kala naqaanay, xunyahaw xunku dhalay… amar baa nala siinayay, amarkaasi ayaanu fulinaynay, askariga diyaarada ka soo rideya gantaalka iyo askariga madfaca ridaya, midkoodna iskama ridi karo hub aanu hadhaw warbixintiisa gudbin karin, ciidanka waa lala xisaabtami jiray, askariga lagu helo inuu hub ku riday meel aan cadaw joogin ama banaan ah, waxa lagu oogayaa kiis hub khasaarin ah, hubka cadawga lagula dagaalamayaa qiime aad u sareeya ayuu nagu joogay, askariga dab-ridaha ah waa in gudaha laga hagaa, oo qof jooga halka lagu ridayaa uu tilmaanta soo siiyaa, aqalladiina iyo xaafadihiina ma dad reer-koonfureeda ayaa dhex joogay, xaqiiqda hays diidsiinina ciidamadii xooga waad ku jirteen, waad taqaanaan qaabka hubka loo rido, hagid la’aan hub lama rido, hadii dad aan hubaysnayn la duqeeyay ama goob aan qudhmis joogin madfac lagu tuuray, mid idinka dhashay oo idinka adeegaya ayaa soo bixinayay xogtaasi, oo halka lagu dhufanayo hubka soo hagayay, hadhawna soo report-gareynayay inta qudhmis ku dhimatay halkaasi, anigu askari ayaan ahaa, waxa xogta isoo siin jiray Hebelkii ina Hebel oo Isaaq ah…
Nimankii Isaaqa ahaa ee nimanka Daarood la garnaqsanayay shib ayay yidhaahdeen, ileyn waa xaqiiq jirtay oo ay iyaguba og yihiine.

Bal tanna ila eeg; nin SNM ahaa ayaa waxa laga sheegay, mar uu Hargeysa ku soo galay dhuumasho, oo xaafadihii reerkiisa iyo jufadiisu degenayd uu tagay, in faqashtii ay iskuweer ka qabteen xaafaddii uu yimid, calashaan la ogaaday imaatinkiisa, kadibna isagii baxsay oo Alle ka badbaadi faqashtiiye, waxa dadkii xaafadu doon-dooneen cidda u sheegtay faqashta, waxa la soo ogaaday inay sheegeen qoys Isaaq ah, oo weliba ninkaa SNMta jufadiisa ah lana garanayay, markii sababta la weydiiyayna, waxay iyagoo is-xariifinaya hadalkii ku soo gaabiyeen “SNM waa fitno-wadayaal Soomaalinimada lagu jabinayo…

Bal waxaad isweydiisaa; qoyskaa Isaaqa ahaa ee Isaaqa u basaasayay cadawgii la qabiil dagaalamayay, maxaa dulmigii iyo cabudhintii lagu hayay tolkood u damqi weyday, oo ay ugu muuqan weyday, inta ay gorodda u laalaadinayaan, Soomaalinimada aan qiiro mooyee wax qiil ah oo la xujeysto ku lahayn sharciga iyo caqliga midkoodna?

Cajiib! bal eeg hadda; qoyskaa abeesonimada iyo munaafaqadda innala dhex joogay, riximkii iyo wax-isku-ahaantii Illaahay inoogu sheegay qur’aanka inuu aakhiro inagala xisaabtami doono ( وَأُولُو الْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَى بِبَعْضٍ فِي كِتَابِ اللَّهِ ), waxay ka horeysiiyeen magac buhuu-bahaa iyo qiiro ku dhisan, yacnii Soomaalinimadaa ay u xujeysteen inay cadawga ugu loogaan kii dhiigu ka dhexeeyay, waa se iyaga iyo Allahoode, Alleylehe Balaayooy Laysku Baray Daraadaa

Rabbigeen weynaa oo wanaagsanaaye waxa uu qur’aanka inoogu sheegay “In dadka mu’miniinta ahi ay walaalo yihiin” xataa kala qabiil ama kala dal ama kala sinji amaba kala midab ha noqdaane, mar hadii ay muslimiin yihiin, waa walaalo xaq iyo xuquuqo badan isku leh.

Bal hadaba eeg! Raxmaanku isaga oo aad inooga dardaaraya, in aynaan walaalnimada Islaamnimadu keentay ka horeysiinin riximka iyo qaraabada, wuxuu si cad oo waadax ah inoogu sheegay “Dadka tolka ahi iyaga ayaa cid walba isaga horeeya, oo is huran, sidaasi ayaa idiinku dhigan kitaabka shuruucdiina” yacnii waa dad is ah, oo xuquuqda ay isku leeyihiin ka mug iyo miisaan weyn tahay, kana horeyso walaalnimada islaamka iyo wixii kale ee ka soo hadhayba.

Maanta iyo Faqash !

Intay gadhka inoola wada baxeen, oo ay xijaabyo iyo khamiisyo inoo soo gashadeen, qaarkoodna cumaamado iyo koofiyado dhaadheer soo qaateen, oo madax-dhaqameed inoo sheegteen, ayay isla bartii shalay ka miiseen, faqash horeysiyo dambeyso iyaga ujeedkoodu waa mid kaliya, waa dilka iyo laynta dadkeena xariirta ah, iyo inay daba-dhoonno u ahaadaan cadawga inala qabiil dagaalamaya.

Waxay inoo sheegteen inay culimo iyo ahlu diin yihiin, masaajiddadii iyo madaariskii diinta ayay inoo soo dhex fadhiisteen, ama madax-dhaqameed iyo aqoonyahanno, kadibna waa kuwaa wixii ay inna yeeli karayeenba innagu sameeyay.

Waxay soo xambaaraan oo aqalladooda iyo hantidooda gaarka ah ku dhex qariyaan, oo magaalooyinkeena iyo xaafadaheenaba ay dhex keenaan, shirqool kasta oo cadawga innala qabiil dagaalamayaa ay inoo soo maleegaan.

Waxay bixiyaan oo cadawga siiyaan xogteenna qof qof iyo qoys qoys, waxay kireeyaan ama iibiyaan dhulka iyo guryaha la soo dejinayo midgaha iyo sixirooleyaasha lagu laynayo haldoorkeena iyo mudanteena.

Waxay xeeladdo kala du-duwan iyo lacag sumeysan ku kala furfureen dadkeenii nooc walba lahaa, ee wada socday iyo madax-dhaqameedkeenii, waxay baabiiyeen milgihii iyo magacyadii wanaagsanaa ee aynu lahayn, iyaga oo ku sheegay wax diintu aanay ogolayn, ileyn waa waraabeyaal inoo soo xidhay maqaarkii adhiga, si aynaan uga shakiyin in ay uur-timooleyaal yihiin, oo diinta iyo hadalada wanaagsan ee ka soo baxayaa, afka baarkiisa mooyee gudaha aanay ka jirine.

Alle idin qabay gaallo qadhmuuneey, maxay hawl inna badeen, oo sidii jirjiroolaha kolba midab inoo yeesheen, oo isu keen feeraariyeen, duf ku baxa kuwiiyoow idamka Illaahay.

FAQASHEEY IDIN BARANNAY

Faqashtii silloonayd kolba suudh-xariir liyo,
Haynoo toshaan taash laga soohay dhiig’iyo,
Sunta lagu go’ee arag ishu aanay qabanayn,
Suyuceeda hoodhka ah beryo aan la urinayn,
Dhegtu aanay samac’iyo sawtkiisa gaadhayn,
Aan soo gunaadshee S-dan gabaygu way bilaw,
Mana rabo sariig’iyo badintiisa siinkee,
Suugaan horeysoo idlaa hadal’iyo samaantii,
Ha yeeshee silloonnadan abidkood sahwiyayaan,
Jiiditaanka saamuhu sanqadh-tirid ma yeelee,
Naga daaya leeyahay saydhmada suntiiniyo,
Tusbax go’ay sidi’iyo kala-saydhintaan uun,
Suuradaha Qur’aankee ku bilaabma siinkiyo,
Walle’iyo bilaan maray iyo wacad Illaahay,
Xeegadan aad salaxdeen wayna simi xaqiiqdii,
Maatidan sagaagiran sidan aad la damacdeen,
Waynoo sawaa’iyo soomalhaadka hurankeen,
Sii ogaada maantaba balankeenu waa kaas,
Nagu deyr Samuudoow doobir tii badneydo,
Naga deyr silloonnada salaalaya’ee badan,

Allaahuma Aamiin…

Shalay Soomaalinimo iyo qiiro aan lala qabin ayay haldoorkeenii ku basaasayeen, oo madaafiicda iyo sawaariikhda cadawga inoogu soo hagayeen, maantana Islaamka ayaanu difaacaynaa’iyo, kitaabka iyo sunaha ayaanu ilaalinaynaa’iyo, Dawlad-Islaam ayaanu dhisaynaa oo la diidan yahay’iyo, brarrrrrraaa… babbbaaaa… Alloow Alleh… waa uun iska afgobaadsi iyo xeeladaysi qaawismay xilligii uu ku haboonnaa.

Aabihiin iyo nimaan idin aqoon indhaha isugu qab-qabta, ma annagii baad kolba been iyo baal goray noo soo gashataan, idin barannay faqasheey, liitayaashaas ay kaga bes-beeshay ceebtaa aduunyo iyo culeyskaa aakhiro, weligoodba waa kabo-qaaddo damiirkii iyo tognaantii laga dhufaanay, oo ay cid kale ku adeegato, dhagarta cadawgu inoo soo qoolana duuduub iyo yeedhis loogu gudbiyo, iyaguna fulinteeda u degdega, duf ku baxa kuwiiyoow!

Ogaada faqasheey kuwaad u adeegtaan way idin yaqaanaan inaad liitayaal u dhufaanan tihiin, ileyn waa tii ahayd: “Nin aad markhaati been ah u furtay kaana muraadsay waxaad tahayna ogaaye“, halkaa iyada ah ceeb aduunyo ayaad ka qabtaan, oo weliba aad idinku nafihiina markhaati uga tihiin, kuwaad u dhufaanaydeenna idiin og yihiin, ceebna waxa ugu dareen xun ta qofku markhaatigeeda isku furo.

Tolkiinna dulmiga iyo dhagarta qarsoon ee joogtada ah, ee aad la dhex joogtaan, waxaad kaga dheeftaan waa culeys-aakhiro, miyaan Rabbi weynaa oo wanaagsanaaye inna odhan: “Wuu hoogay oo guul dareystay daalimku aakhiro

وَقَدْ خَابَ مَنْ حَمَلَ ظُلْمًا

Yaa faqash ah? hadda waxaan u jeedaa faqashta dhabta ah!

Faqash waxa ahaa maantana ah; midka rasaasta tolkii lagu laynayay lagu yidhi soo iibi “Soo iibi waryaa dhufaan, rasaasta aan walaalkaa iyo inaadeerkaa madaxa kaga dhufanayo

Ee haye! inta uu yidhi u daabulay rasaastii oo moorsan iyo weliba dawadii cadawga lagu baxnaaninayay, ee markii Alle kashifay kaaga daranta weliba soo indha-cad, afkii ay ahayd inuu juuqda gabaanna weli dhaqdhaqaaqayo, xumaa kaasi xumaa! Illaahoow waanu kaa magan galnay shakhsiyaddaas liidata ee noocaas ah.

Faqash waxa ahaa maantana ah; kuwa dhabarka ka toogtay tolkood (backstabing), ee midig-go’ooyinkii iyo sixirooleyaashii ay ahayd in la iska fogeeyo, ku haysta aqalladooda, ee dhex keenay tolkood, ee la qorsheynaya waxyeellada tolkood loo geysanayo, ee la fudeydinaya dhagarta loo qoolayo ehelkooda.

Ma sixirooleyaasha iyo cadawga argigixisada ahee innala gunnimo dagaalamaya ee innaga soo horjeedda ayaynu eegnaa, oo la dagaalannaa, mise dhabarkeenna ayaynu eegnaa, oo kuwaa aynu ehelkeena moodeyno, ee ku biiray sixirooleyaasha iyo cadawga, ee maalinba qaar aynaan ka filayn aynu ku baraarugeyno dhabar-jebintooda, ayaynu ka dhex baadhnaa dhexdeenna, hadii aynu cadawga inna hor taagan ku jeedsanno, kuwii silloonaa ayaa dhabarka innagaga dhufanaya, hadii aynu dhabarkeenna eegnana cadawgii inna horjoogay ayaa ka faa’iideysanaya is-eegiddeenna.

Waxay yidhaahdeen maanta dawlad islaam ayaanu dhisaynaa, bal eeg; dawlada ay inoo soo wadaan waa tan madaxdeedu ay aaminsan yihiin, in Soomaalidu ay wada garac iyo awlaad xaaraan lagu dhalay yihiin, oo waalidiinteenii aynu ka soo tafiirannayba aanay meher iyo sharci isku qabin.

Waxyaabihii iigu layaabka badnaa ee aan ka maqlo kooxaha budhcad-diimeedyada, in argagixisadu aaminsan yihiin “dadkeenii hore in aanay si sharci ah isku guursan jirin, oo aanay meher ku wada joogine, ay isla tegi jireen, ama ay isla baxsan jireen, kadibna ay sidaa ku caruur dhali jireen, kolkaa halkan ay salaadu inooga xidhmi la’dahay ama dadkan maanta laga fahmi la’a yahayba ay tahay, in ay yihiin awlaadu-sinaa iyo dad aan meher sharci ah ku dhalanin

Waxbaa igu leh “Diintan uu dadka ka xigsanayo, ma hooyadii baa leh mise geeloodii ayuu moodayaa…”

Maxaa wax inna haysta! waynu se ka bixi goor aan fogeyn, bi’idnilaahi baari wa bifadli laahi, sidan ayaa Rabbi ina faray inaynu ku nidhaa dadkeenii hore’e, aynu nidhaahno oo Illaahay u weydiino naxariis:

FAQASH SOMALILAND IYO DAWLADNIMADEENII BA WAXAY KU NOQDEEN XANUUN

Hadii aad isweydiinayso maxay dawladdu shaqo uga qaban weyday faqashtan inagu bahalawday?

Dawladda isheeda ayaad ka garan kartaa heerka ay faqashtu gaadhsiiyeen, kiisaska muhiimka ah ee ka dhanka ah dadka lagu helo inay xidhiidh la leeyihiin isbahaysiga faqashta ee Ictisaam iyo argagixisada, miyaanad arag dawladda Somaliland waxay kula carartaa gartooda maxkamadda ciidamada, halka qudha ee maanta ay isleeyihiin way ku yar yihiin faqashtu waa maxkamadda ciidamada.

Ururka isbahaysiga faqashta ee Ictisaam wuxuu ku yeeshay maxkamadihii rayidka ahaa, sida; maxkamadihii gobollada, degmooyinka iyo tii rafcaankaba, tiro aad u badan oo garsoorayaal ah iyo qareenno ama dad ay u bixiyeen garyaqaanno, kuwaasoo ah daf-daflayaal la buunbuuniyay.

Bal eeg; hadii aad mid faqashtaasi ka mid ah isqabataan, oo aad maxkamada isla gashaan, waxay u badan tahay in kiiskaasi lagaaga guuleysannayo, ama midkaa faqashta ahi xukunkii uu mudnaa laga khafiifiyo ilaa xad, maxaa yeelay; markaaba waxay u soo magacaabayaan garsoorayaashoodii mid ka mid ah, deetana kaad la garamayso iyo ka idiin garsoorayaaba markay isku dhinac noqdaan, ee ay kolba si farsamaysan iyaga oo wadajira kuula doodaan danba waad u qanci, xataa hadii gartaadu xujo cad iyo cadeymo aad u haysato, waxa kugu filan fadhiyada garta oo garsooha faqashta ahi kuu badiyo, aadna uu mudadooda u kala fogeeyo, kadibna aad ku xoolo beesho wakhti badanina kaaga lumo.

Magac iyo muuq iyo maamuus wixii aynu lahaynba faqashtu way innala sheeganayaan, oo shaadhkii way kula xidhan yihiin, arrimihii bulshada iyo qaybihii dawladda ee muhiimka u ahaa nolosha sida; amniga, arrimaha gudaha iyo garsoorkii ba way ku dhex jiraan, oo weliba maalinba maalinka ka dambeysa kaga sii tiro badanayaan kuwii daacadda u ahaa Somaliland-nimada.

Sawirkan hoose ayaan ku cabiray xaalka Somaliland iyo sida faqashtu ay u ragaadisay, badi adeegyadii loo fidinayay shacabka, private sector-ka ha noqoto ama public sector-ka ha noqotee.

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?