Shabeelku waa xayawaan ama bahal ku nool duurka iyo kaymaha, nolosha caadiga ah ee kaynta ama duurka ka jirtaanna, waa mid ku dhisan xoog iyo kala adkaan, in lagu cunno ama in aad adigu wax cunto.
Shabeelku wixii uu arko ama u soo dhawaada ee noole ah, wuxuu u yaqaanna ama u arkaa mid halis ku ah, kolkaa waa inuu dagaal iyo is-difaacid ku qaabilaa, ama isagaa cuni ama isagaa la cuni, sidaasi waa hab-dhaqankiisa joogtada u ah inta uu ku gudo jiro noloshiisa maalinlaha ah ee kaynta.
Dalka Hindiya Magaalo Ku Taalla Ayaa Waxa Ka Dhacay;
Shabeel ayaa madaxa la galay kildhi, Shabeelkii madaxii wuu kala bixi kari waayay kildhigii, wax badan ayuu la raftay oo dhulka isla dhacay, oo gidaar iyo geed walba jiidhay, ileyn indhihii uu wax ka arki lahaa way qarsoomeen, gacmo uu iskaga bixiyana ma laha, aad ayuu ugu dhibmay kildhigaa madaxa kaga dhagay.
Kadibna dadkii magaalada ee u dhawaa goobtaasi, ayaa ku soo urruray Shabeelkii oo weli la dhiban kildhigaa madaxa ugu jira.
Dadku waxay doonayeen inay Shabeelka caawiyaan, oo kildhiga madaxa uga saaraan, laakiin kuma dhacayaan inay u dhawaadaan, maxaa yeelay; Shabeelkii wuu dagaalamayaa oo is-difaacayaa, marka uu maqlo shanqadhooda, hadda garo’oo Shabeelku wuu u baahan yahay in la caawiyo, oo kildhiga madaxa kaga dhagay looga saaro.
Hadaba maxaa sababay in dadkii caawin lahaa Shabeelku ay dib uga joogsadaan, oo caawin waayaan Shabeelkan dhibban?
Jawaabtu waxa weeyi; Shabeelka dabeecadiisa iyo hab-dhaqankiisa ayaa joojiyay caawintii loo fidin lahaa, maxaa yeelay; mar kasta oo Shabeelka loo soo dhawaado, dabeecad ahaan waxay u tahay “Lagu Qabay…“, kadibna waa inuu dagaallamo.
Shabeelku; in jaceyl ama naxariis laysku caawiyo ma fahmayo, oo ma yaqaanno, mana uu arag weligii cid arxan u gasha, kolkaa wixii u soo dhawaadaaba, in ay dhibaato ula soo dhawaadeen ayuu u arkaa dabeecad ahaantiisa, dhaqankaasina waa caadadiisa’e ceebtiisa ma aha.
Dhacdadaasi Shabeelka hadii aynu dhex keenno waaqiceenna nololeed bal ka warran.
Marar badan waxa dhacda qof u baahan in laga caawiyo arrin amaba adduun, in ay dabeecadiisa oo adag iyo hab-dhaqankiisu hor-joogsadaan ciddii caawin lahayd, oo qofkii doonayay inuu caawiyaa, uu kula soo dhici waayo ba hadalkii iska daa caawimaad kaleeto’oo.
Bal ila eeg dhacdadani;
Nin fadhiyay meel maqaaxi ah ayaa arkay mid kale oo soo galay maqaaxida, oo meel uu fadhiisto doon-doonaya, waxa uu go’aansaday inuu la hadlo, oo halkan agtiisa uu ku soo dhaweeyo si uu u fadhiisto, kadibna uu la sheekaysto intaa ay shaaha wada cabayaan, ninkanoow waa mid iska daacad ah, oo bashaash bulshaawi ah, ujeedkiisu kaliya waa in uu la sheekaysto intaa ay meesha fadhiyaan.
Kadib weji furan iyo dhoola-cadeyn ayuu ku qaabilay, oo kii kale xagiisa ula jeestay, si hadalkii uu ugu furmo, ileyn marka laysu weji furan yahay ayaa la wada hadli karaaye, calashaan gogol-xaadhkii hadalka ayuu waday, oo halkan soo fadhiiso inuu dhoola-cadeynta raaciyo ayaa qorshihiisu ahaa.
Kadib kii kale ayaa markii uu arkay ninka u soo dhoolacadeynaya, ee xagiisa soo eegaya, aad wejigiisii isu bedelay, oo wuxuu ku qaabilay weji dareen badani ka muuqdo, oo su’aallo badan is-weydiinaya.
Kiiyoow; waa kan markiiba wejiga gacanta sidaa iyo sidaa u mar-mariyay, qiyaastii boodh ama wax ku yaal ayuu rabaa inuu ka biiyo ama ka masaxo wejiga.
Ilyarada labada indhood ayuu hadana farihiisa kolba mid sidaa iyo sidaa u mariyay, malaha xafajo ayuu ka hubinayay in ay ku taallo, oo is lahaa ka bii.
Timaha ayuu gacanta sidaa iyo sidaa ugu nabay, oo ku habeeyay kor iyo hoos.
Hadana waa kaa shaadhkii iyo surwaalkiisiiba xag hore iyo xaga dambeba kolba gacanta sidaa iyo sidaa ula dhacay, waxaad moodaa inuu ka baabiinayo boodh ama uskag ku yaalla, mar suusadda surwaalkiisa ayuu eegay inay xidhan tahay, marna inta uu dib qoortiisa u malmalay, ayuu surwaalkiisa xagiisa dambe marada sidaa u soo jiiday, isaga oo eeg-eegaya in uskag ama boodh ku yaallo amaba uu dilaacsan yahay.
Dhoolacadeyntii waxay ninkii u dirtay shaqo dheer, oo uu korkiisa oo dhan ku jeegareeyay, wixii ka khaldan ama ka khaldanaan kara, intaa uu waxyaabahaasi sameynayay ama uu ku gudo jiray shaqadii jeegaraynta korkiisa, wuxuu kolba si kulul usoo eegayaa ninkii u soo dhoolacadeynayay.
Ninkii dhoolecadeeye ayaa isna ninkii sidaa u soo eegaya, isaga oo haatan wejigiisu yaaban yahay, oo dhoolacadeyntii iyo furnaantii ay ka ba’day, qiyaastii wuxuu is-weydiinayaa su’aalo badan:
- Ninka maxaa ka si’i ah, oo ku dhacay?
- Waa maxay waxan uu sameynayaa?
- Waar Maxaa kugu watay u dhoolecadeyntiisa?
- Waa maxay coonkani, malaha waabu kula dagaalami, ileyn kuleylkan eegmadiisu inuu cadheysan yahay ayay sheegaysaaye, alloow yaa harageedii nagaga celiya?
Ninkii markii uu korkiisa oo dhan jeegareeyay, wax ka khaldanna uu waayay, intuu u noqday xagii albaabka ayuu iskaga baxay maqaaxidii, weliba markii uu ag marayay kii u soo dhoolecadeynayay, wuxuu u sii eegayay si aad uga sii kulul eegmadii hore, oo huruuf iyo hanjabaad wejiga ahi ay la socotay.
Dhoolecadeeyana; markii uu ninkii maqaaxida ka baxay ayuu nafisay, oo ammaan iyo nabad dareemay, ileyn intii hore feedh ama laag ayuu filanayay inuu ku soo maqan yahay, oo wuxuu islahaa “Kugu Dhufay…”
Bal eeg hadda kala fogaanshaha labadaa nin dabeecaddooda ama hab-dhaqankooda !
Ninkan dhoolecadeeye waxa ujeedkiisu ahaa, oo ay wax ula muuqdeen sidan:
Halka; ninka markii loo dhoolecadeeyay, korkiisa oo dhan wada jeegareeyay, uu arrinkaasi ula muuqday sidan:
Hadii aad fahamtay akhriste dhacdadani iyo xaqiiqadeeda, waxaad tahay qof wax badan og, dalkana muddo badan joogay, soona maray nolol kala du-duwan, min heer miyi – heer tuulo – ilaa heer reer magaalnimo.
Waa se suuragal in akhristeyaasha qaarkood ay la yaabaan dhacdadan iyo xaqiiqadeeda, waxayse u muuqataa in akhristayaashaa la yaabay, aanay dalkeena iyo waayihiisa nololeed wax badan ka ogeyn.
Marka qofku uu ku nool yahay meel dhib badan, oo ay taalo nolol dhib badanoo dhufeyska laysugu soo wada jiro, dadkuna ay yihiin kuwo u xafiiltamaya kala duwanaanshahooda, sida; iyaga oo kala kooxo ah ama kala jufooyin iyo kala qabaa’il ah.
Marka xaaladaasi xafiiltan ee xaga kala duwanaanshuhu ay jirto, waxa qof kastaa uu raadiyaa ceebaha iyo siibashooyinka dadka kale ee ka koox duwan ama ka jufo iyo qabiil duwan, kadibna waxa qof kastaa uu galaa nolol difaac u badan, oo wuxuu qof kastaa aad ugu dadaalaa inuu qarsado ama aan laga ogaanin inyar oo ceeb ama simbiririxasho ah, si aan halkaa looga soo weerarin ama aan loogu caayin.
Waa markaasi marka ay tan oo kale dhacdo, yacnii dhacdadaa aan soo qoray (Ninkii loo dhoolacadeeyay ee korkiisa oo dhan wada jeegareeyay !).
Marka uu qofku khiyaamooyin badan la soo kulmay, shirqoollo badan uu ka soo badbaaday, cay iyo ceebayn badan uu soo arkay, waxa uu galaa difaac adag, waxa uu qarsadaa dhamaan arrimihiisa oo idil, qofka xaaladaasi ku jiraa arrin kasta oo uu la kulmo ama waajaho, waxa uu ku dhereriyaa (ku match-gareeyaa) wixii uu hore u soo arkay ee dhib ama khiyaamo ama shirqoool ahaa, isaga oo is-weydiinaya armaa arrinkani yahay kii oo kale ama kii sidaa ahaa oo kale ama kii sidaa iyo sidaa ahaa oo kale ama … … …
Marka qofku yahay qofkaa arrin iyo adduun wixii uu waayaha kala kulmo ku dhererinaya ama ku match-gareynaya wixii xog ah ee u kaydsanaa, waxa qofkaasi noqdaa mid hubsiimadu ku badan tahay, oo arrimaha badankooda aan uga falcelin si waafi ah ama aan hawlaha uu galayo si dhameystiran u wada galin, dadkuna qofka noocaasi ah aad ayay u neceb yihiin, oo waxa ay yidhaahdaan “Hebel ama Heblaayo inta muuqata tobankeed baa aasan” yacnii si laabxaadhnaan ah kuula hinjin maayo ama kuula hawlgeli maayo ama kuuma qaabilayo’e, wuu ku dhinac soconayaa ama wuu iska kaa horeysiinayaa amaba wuu isu kaa nasakhayaa, oo isaga kaa dhigayaa mid aan hawshan qaban karaynin ama aan garaneynin oo kale.
Hadaba qofka noocaasi ahi hadii uu caawimo u baahdo, noloshu aad ayay ugu adkaataa, maxaa yeelay; si loo caawiyaa ma jirto, qofkii is-yidhaa caawi ee u soo dhawaadaba, horta waa inuu hubsado oo su’aallo badan iska weydiiyo runnimada caawimaadiisa, dibna uga yar joogsado ilaa inta uu ka xaqiijinayo ama uu ku match-gareynayo waayihii uu soo maray:
- Toloow muxuu u jeedaa qofkani, ma ka dhab baa?
- Mise waa ba shirqool laguu dhigayo, oo hadhaw la rabo in lagugu caayo ama dhib kaleba kaa soo gaadho, yaah… hooyadaa u sheeg dheh?
- Mise niyaw waxa uu doonayaa inuu kaaga badsado, yaah?
- Malaha waaba faji sideedii ah, awawgaa la gub, anigiibay iila timid?
- Waar malaha waa iska daacad qofku…
- Toloow intaan tawakulo ma iska aqbalaa, mise cagtaan horta woxogoo u yar dhigaa?
- …?
Inta qofkii waxaas oo su’aal iyo hubsiimo ah uu ku jiro, qofkii rabay inuu caawiyaa goor hore ayuu ka qancayaa, oo ka cadhoonayaa sida uu ugu hungoobay isku-deygiisii jaceylka ama naxariistu ku ladhnayd, iyada oo cadhadaasi ay ku abuurayso inuu isku qanciyo waxyaabo xaqiiqada ka fog:
- Waar waa mid kibirsan, oo sankaa taagaya…
- Waa doqon micidu intaa le’eeg tahay, oo aan wanaag waxba ka aqoon…
- Wuu bacaysan yahay oo dhegtaa taagan…
- Waar waa badaw aan dantiisa waxba ka garanayn…
- Iyo qaar kale oo badan…
Tan oo kale; waa dhibaatooyinka ay bulshadu ka dhaxasho marka dhexdooda ay ku badtaan khiyaamooyinka iyo shirqoolladu, kadibna ay ka arradmaan is-jaceylka iyo naxariista, oo xadhiga keliya ee isu-haya ama ay ku wada-joogaan noqdo magac ama mansab ama makaan.