Nin la yidhaa Mataan Cismaan Aadan baa laga soo weriyey sheekadan:
Waxa la yidhi Libaax baa xanuunsaday, Dacawo ayaa ka dib soo booqatay, oo ku tidhi waar maxaa ku helay libaaxoow.
Wuxuu yidhi waa layga guuray, oo baadi na waan waayey, oo halkaygaasaan iska jiifaaye, orod oo Dayooy bal Bakayle iyo wuxuun bal ii doon.
Waxay Dacawaddii ugu jawaabtay “Nacas, waar waxaan kuu keenayaa ka ugu hilibka badan habar dugaagoo dhan”.
Libaaxii intuu soo hanqal taagay buu yidhi kheyr baad Dayooy sheegtaye bal orodoo waxuun bal ii keen.
Ka dib dacawaddii waxay u tagtay Dameer, kolkaasay ku tidhi: Dameeroow miyaanad ogeyn in boqorkii habar dugaag oo dhami inuu xanuusanayo, oo sakaraad yahay? Waar kaalay adigaa xilka lagagu wareejinayaaye.
Dameerkii intuu Dacawaddii soo raacay ayeey dhinicii Libaaxa u soo kaceen.
Kolkii uu isa soo taagay, ayuu dameerkii is yidhi bal Libaaxa salaan, Dameerkii ayaa madaxa geliyey dhufayskii uu Libaaxu ku jiray.
Kolkaasaa Libaaxii labaddaa dhegood ku dhegay Dameerkii.
Dameerkuna waa xoogge dib buu isu gundhiyey, isaga oo diidan in hore loo sii wado cabsi darteed, kolkaasaa labaddii dhegood Dameerkii ka go’een, oo ay gacmihii Libaaxa ku hadheen.
Halkii baa Dameerkii qaylo ka wadhay isaga oo leh tolaayeey miyaa lays wanjalayaa, oo lays khiyaameeynayaa, naa Dayooy maxaad sidaasi iigu gashay ayuu ku tiraabay, oo calaancal iyo muusanoow badan ayuu dameerkii goobtii ka muujiyey.
Dacawaddii waxay ku tidhi “Waar Dameeroow haddaan dhegaha lagaa jarin, marka hore sidee baa taashka laguu saarayaa!, imika waxa kuu hadhsan oo keliya, waa in lagu saaro taashka nacasyahow badowga ahi.”
Dameerkii oo yaaban, oo is leh yaan lagaa garan badowtinimadda, ayaa isla markiiba Dacawaddii hadalkeeddii madaxa u ruxay, isaga oo muujinaya inuu imika fahmay inay wax wanaagsan la waday, kolkaasaa Dameerkii yidhi: Dayooy bal raalli ahow oo ina mari.
Ka dib Libaaxii buu u galay, kolkaasaa Libaaxii si fiican u kala goostay, oo iska cunay Dameerkii si axmaqnimo leh.
Kolkaasaa Dacawaddii inta ay ka yaabtay anaaniyadda Libaaxa, ayay ku tidhi “waar keligaa ha cunine bal waslad noo soo goo.”
Kolkaasaa Libaaxii oo afku u buuxo, ayaa arrinkii ka biyo diiday, oo yidhi: waxba hay weydiinin Dayooy.
Ka dib waxay ku tidhi: waar bal waayahaye madaxa uun ii soo tuur aan iska feenfeentee.
Ka dib intuu u soo tuuray madaxii Dameerka, ayuu ku yidhi: “Bal haddaba waa kaa madaxiiye, Dayooy maskaxda uun hayga cunin, madaxaa I yara xanuunayee aan isku daweeyee, bal inta kale madaxa cunoo, maskaxdaa uun ii reeb aniga.”
Ileyn waa Dayo’e kolkii ay hilibkii madaxa dhameysay, ayay aayar oo dhalatay maskaxdiina iska cuntay, iyadacoo hadalkii Libaaxa waxba aan ka soo qaadin.
Mar danbe ayuu halkeer ka soo ruqaansaday Libaaxii, kolkaas ayuu yidhi: Naa Dayooy ma ii reebtay maskaxdii.
Kolkaasay tidhi: waar waxaan ku weydiiyey Dameerku ma maskax buu leeyahay horta, adigoo labadda dhegood gooyey ayuu haddana dib kuugu soo noqday, hadduu maskax leeyahay ma dib buu kuugu iman lahaa!!!!
Waxa Qoray: Jamaal Cali Xuseen (Sheekaddii Libaaxa iyo Dacawadda iyo Siyaasadda Maanta)