Waa’a aan dhigan jiray malcaamad-quraankii looxa iyo khadka Qur’aanka lagu baran jiray, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, waxa malcaamadii ka dhacday dhacdo aan marar badan oo kale la kulmay nuxurkeedii, dhacdadaasi waxay u dhacday sidan:
Malcaamadda waxa dhigi jiray laba macalin, oo si talantaali ah u dhigi jiray, midba maalin ayuu iman jiray, beriigii dambee ardeydu badatayna labada gelin ayay kala dhigi jireen, labadaa macalin aad iyo aad ayay u kala dabeecad duwanaayeen;
Mid wuxuu ahaa macalin aad u naxariis badan, oo mas’uuliyadi ka muuqato, ixtiraam iyo tudhaalena u lahaa ardeyda, ardeyduna aad ayay u ixtiraami jireen macalinkaasi, waanay jeclaayeen. ๐
Macallinka kalena wuxuu ahaa nin dhalinyar ah, oo aad u dabeecad adkaa, bilaa naxariis ahaa, ardeydana aad u garaaci jiray, weliba looxa jeexa ah, ee shariiradda la yidhaa oo uu mar walba sidan jiray, ayuu ardeyda fanaxa kala dhici jiray. ๐ฟ
Waxa maalin maalmaha ka mid ah malcaamadii ku soo biiray ardey cusub, wuxuu ahaa ku yar oo farxaan ah ๐, oo aad garato inuu guri wanaagsan ka soo toosay (Awlaad jaceyl lagu dhalay edebtiyo udgoonkaad ku garataa), yacnii wuxuu ahaa bulshaawi yar oo markiiba ay ardeydii isla qabsadeen, oo wada kaftan iyo ciyaar miidhan ah ๐คช, waloow ciyaartiisu aanay ahayn mid dhibaato leh, oo afxumo iyo addin-xumo midna aanu lahayn, oo akhlaaqdiisa iyo dabeecadiisu ba ay wanaagsanayd, hadana fasalka dhexdiisa in lagu ciyaaraa waxay ahayd qalad. ๐คซ
Se isagu wuxuu u baahnaa in sidaa wax loogu sheego, oo laga dhaadhiciyo in aan fasalka lagu dhex ciyaarin, maxaa yeelay wuxuu ahaa dhamaantayona wada ahayn ciyaal imika uun noloshu bilaw u tahay, kolkaa in loo sheego ayuu gar u lahaa, waloow aan ardeyda kaleba loo sheegin hadana ay la haysteen, oo aanu qof qudhi juuq odhan jirin inta fasalka lagu jiro, malahayga ardey kastaa maalinka u horeeya ee uu fasalka soo galo, markuu arko iyada oo la wada aamusan yahay, ayuu sidaa ku save-gareysan jiray in fasalka dhexdiisa aamusku waajib yahay, waa suuragal! ๐ค๐
Ardeygaa cusub maalinkii la soo qoray malcaamadda, waxa qoray oo aroortaasi u lahaa macalinkii naxariista badnaa.
Ardeygii markiiba ardeydii uu ag fadhiistay ayuu kaftan iyo ciyaar ku bilaabay, oo uu qosolka ka dhameeyay ๐คช๐คญ, waxan uu kaga qoslinayay ardeyda ag fadhida, marka ay midhadh ka soo yar duulaan, ee ardeyda kalena maqasho, ayaa fasalka oo dhami qosolka isku wada daraa, oo jaanta la wadhaa ๐คฃ, xataa macalinkii ayaa afkiisa muusood uga taag waayay ๐.
Bal hadda eeg; macallinkii ixtiraamka badnaa ardeyga ciyaartiisii muu shidaysanne, intuu dhoolacadeeyay ayuu yidhi “Saaka waa subax bushaaro, ardeygani cusubi fasalkii nashaad iyo firfircooni ayaabu geliyay…” kadibna casharkii uu dhigayay iyo Qur’aankii uu ardeyda ka dhageysanayay ayuu iska sii watay, ardeygiina isaga oo sidii ugu xaraabaynaya ๐คช kolba inta u dhaw dhaw ee maqlaysa, ayaa xiisadii ku dhamaatay.
Aroortii labaad ayaa waxa yimid macallinkii u lahaa, hadda waa kii naxariista darnaa ๐ฟ, oo sita shariiraddii uu sidan jiray [Shariiraddu waa looxa jeexa ah, ee siliigga ama bilifoonka loogu qabto jiingadda].
Ardeygii farxaan yarena, isaga oo sidiisii farxaan u ah ayuu fasalkii joogaa ๐คช, oo uu ardeydii u xaraabaynayaa, weliba ardeydu u kala dheereynayaan ag fadhiisigiisa, si ay uga maadsadaan ๐คญ.
Macallinkii markii uu xiisaddii bilaabay, oo uu ka-dhageysigii Qur’aanka ardeyda gudagalay, ayuu judhiiba maqlay qosol iyo ciyaar, kadibna wuu soo kacay, isaga oo indhaha sidaa iyo sidaa ula raac-raacaya ardeydii, si uu u arko ciddan qoslaysa ๐ .
Ardeydii kale oo dhami shib ayay yidhaahdeen markii uu soo kacay, xataa kuwii farxaan yare ag fadhiyayna dhehoo, mar kaliya ayaa fasalkii u muuqaal eekaaday, sidii in roob qaaday oo kale shanqadh la’aanta.
Farxaan yare oo weli kaftankiisii wada ๐คช, ayuu macallinkii oo aad u cadheysani isa soo dul taagay.
Farxaan yare kamaba qasna, oo qosolkiisii furnaa ayuu laba ridayaa ๐คช.
Miskiin! ๐ฅบ wuxuu ku dagmay macallinkii wanaagsanaa, ee shalay uu ugu yimid fasalka, kolkaa xisaabta ugu ma bay jirin macallinku wuu kuu cadheysan yahay ama ciyaartaada ayuu ka cadheysan yahay.
Macallinkii markii uu arkay in aanu ka yari wadhaaba u jeedin, oo weli iska qoslayo ๐คช, xaalkiisuna yahay shidanaaba shidan, inta uu looxii dhakada kaga dhuftay weliba si aad ah, oo qawdii aanu wada yaabanay ๐ฑ, ayuu hadana dhagta soo qabtay, oo soo jiiday si uu u soo kaco, wuxuu la tagay halkii uu yaallay kursigii uu ardeyda kaga dhageysanayay Qur’aanku ๐คซ.
Farxaan yare qawdii ka baxday; hadana ma ooyayo’e wuu yaaban yahay, oo weliba didsan yahay, oo u-qaadan-waa ayaa ku dhacay ๐จ, qiyaastii waxaan u malaynayaa inuu is-weydiinayay Muxuu macallinku kugu haystaa, ileyn Qur’aankiina maad garan waayin oo weli kaamaba uu dhageysanne?
Macallinkii naxariista darnaa, kii yaraa oo weli didsan, dhakadana is-haya ๐จ, ayuu ku yidhi “Waabad ciyaaraysaa! yaah! dhig gacanta” ๐
Kii yaraa macallinkii uun sidaa ha u eego, ma si gacanta loo dhigto ayuu garanayaa, ma dhigo gacanta cid ku tidhaa ayuu hore u maqlayba, show ka yari waaba wiil yar oo aan weligii wax lagu dhufto iska daaye, wax ka cabsiiya iyo hadal xun toona hore ba u soo arag, oo ku dhashay kuna koray guri laga jecel yahay, oo aanu dhanna u dhaafin, oo uu dahab iyo dhayman la ilaashado ka dhex yahay.
Macallinkii kuye “Waar dhig dee gacanta… hana soo eegine…” ๐
Kii yaraa ma hadlayo, indho fataatiir noqday oo dibada uga soo baxay, oo yaaban uun sidaa ha ugu eego macallinkii ๐จ๐จ๐จ
Macallinkii waa kaa sii xanaaqay ๐ , ee mooday inuu ka yari diidan yahay usha uu ku dhufanayo, kadibna inta uu gacantiisii laacay, oo uu soo gundhiyay, ayuu shan goor oo degdeg ah looxii kaga dhuftay fanaxa gacanta, oo ku yidhi “ku noqo halkaagii… oo bal waa kaase… car mar dambe hadal aan kaa maqlo…” ๐ฟ
Kii yaraa oo xanuunkii la ilmaynaya, ayaa ku soo noqday bartiisii, se waxa hadana mushkilad ku noqotay, oohintii oo uu joojin kari waayay, ma wax baa helay! waxaanu weligii arag ayaa ku dhacaye, gacantii ayaa hafeefanaysa oo fanaxu duubmay, oo aanu soo-laabid iyo kala-bixin midna kareynin ๐ญ๐ญ๐ญ
Mar hadii garaacis dhacday, oo ardeydii arkayaan sida macallinku wax yidhi, waataa ardeydii cabsi la wada aamustay, fasalkiina uu juuq la’a jabaq la’a noqday ๐ค๐ค๐ค
Kii yaraa oo siduu hiqda u hayay hiin-raagay, oo taaga is leh yaanu ku maqlin macallinku ee naqaska isku celi, ileyn haatan wuu ogaaday waxa lagu garaacay in ay tahay ciyaartii iyo qosolkii badnaaye, ayaa kolba fasalkii oo ardeydu shib wada tahay, midhadh dhawaq-oohineed ahi ka baxsadaan “Hiq… Hiqhiq… hiiiii…” ๐ฅ๐ฅ๐ฅ, markaasaa ardeydu xagiisa soo wada eegaan, isna afka gacanta ku qabtaa, oo qari oohinta is-yidhaa ๐คซ๐คซ๐คซ
Markii uu dhowr goor macallinkii maqlay hiimhiimsigii oohintiisa, ayaa macallinkii inta uu cadho la kacay, oo looxiina sii qaatay, uu la dul tagay ardeygii, oo labadii indhood iyo sankuba hoorayaan, wejigiisiina wada qoyaan noqday, waa kaa looxii la dhacay ee madaxa iyo dhabarka iyo garbaha iyo meeshii uu kala gaadhaba kaga dhuftay ๐ญ๐ญ๐ญ
Macallinkii intaa uu looxa ku garaacayo ardeyga, wuxuu ku celcelinayaa “Waar maxaad la ooyaysaa? Waar maxaad la ooyaysaa? Maxaa ku haya eed la ooyaysaa? Maxaad… “
Kii yaraana, markii uu u adkeysan kari waayay looxii uu macallinku ku garaacayay, ayaa uu dibada u cararay, dibna umaanu arag ardeygii, oo malcaamadii dib ugumuu soo noqon ๐ญ๐ญ๐ญ
Subax dambe oo aanu malcaamadda ku jirnay, oo weliba maalintaasina uu noo lahaa macallinkii naxariista badnaa, ayaa macallinkii qof albaabka kala hadlay, kadibna wuu u baxay, waxaanu maqlaynay qof cod dumar leh, oo aad u qaylinaysay, oo hadallo wada adag oo cay iyo hanjabaad u badan ku dhawaaqaysay, woxogaa kadibna macallinkii ayaa fasalkii ku soo noqday isaga oo yaaban, ileyn waa la soo caayay oo loo soo hanjabay, qiyaastii wuxuu noqday sakaaradii budka la kulantay, waxaan u malaynayaa qofkaa qaylinaysay, inay ahayd kii yaraa hooyadii ama qof ehelkiisa ka mid ahaa.
Sheekadan waxa igu kelifay qoritaankeedu waxa weeyi, waxaan marar badan waayaha iyo waaqica bulshadeena ku dhex arkay, dhacdooyin badan oo u muuqaal eeg.
Bal eeg; markii uu macallinku ardeyga usha ama looxa la dhacayay, wuxuu ku celcelinayay Waar maxaad la ooyaysaa? sow may ahayn.
Markii uu su’aashaasi macallinku ku celcelinayay, aniga iyo dhowr ardey oo kale oonu is ag fadhinay, waxa nagu soo boodday weydiimo falsafadeed, oo xaaladdaa iyada ah ka dhashay, oo aanu is-weydiinay badhkaayoba badhka kale, waxa ka mid ahaa weydiimahaa falsafiga ahaa:
- Muxuu macallinku ardeyga u weydiinayaa waxa uu la ooyayo, sow ka og ushii uu fanaxa kaga dhuftay in ay ka oohisay, oo xanuunkeedii uu la ooyayoโ
- Ma wuxuu is-leeyahay khasab ku aamusii oo garaacistani kaga jooji oohintaโ
- Se suurogal ma tahay, in qofka lagaga joojin karo oohinta khasab iyo garaacisโ
- Mar hadii ushii uu fanaxa kaga dhuftay ay ka oohisay, miyaanay garaacistan dambena aanay damqashada iyo oohinta uun ku sii kordhinaynin, ileyn waa isla ushii uuneโ
- Ushii ka oohisay ardeyga markii uu fanaxa kaga dhuftay, inta uu isla iyadii ku aamusiinayo, miyuu waayay tab iyo xeel kale oo uu ku aamusiiyo ardeyga, oohintana uga joojiyoโ
Ma jiraa qof tuulka ama qalabka uu sitaa yahay dubbe ๐จ, oo hadana doonaya inuu furfuro, oo hagaajiyo kursigii ๐บ lagu fadhiisanayay, ee screw-yada iyo baloonadu ku xidhnaayeen, waxaynu ognahay qofkaasi hadii uu dubbahaa kursiga la dhaco, kursigii wuu jajabayaaye hagaagi maayo, ileyn dubaha shaqadiisu waa in wax lagu garaaco si loogu riixo ama loogu kala jabiyo, musbaar lagu garaacyaa ama wax kale lagu garaacyaaba.
Kolkaa qofku marka uu doonayo inuu hagaajiyo kursigii baloonnadu ku xidhnaayeen, ee lagu fadhiisanayay, waa inuu soo qaataa qalabkii ku haboonaa ee uu ku furfuri lahaa, si aan qaybihii kursigu ka koobnaa u dhaawacmin ama u jajabin, qofkaasi qalabka ama tuulka saxda ah ee uu u baahan yahay, waa dismis iyo baanad iyo wixii kale ee la mid ah, ee lagu soo bixin karo screw-yada iyo baloonada.
Waxaan uga socdaa; kooxahan faqashta wada ah (daalimiintii hore iyo kuwan maantaba) oo marka aan la yaabo sida ay wax leeyihiin, ay igu soo dhacdo Aayaddan (ุฃูุชูููุงุตูููุง ุจููู ุจููู ููู ู ููููู ู ุทูุงุบูููู) macnaheeda guudna noqonayo “Inkaarqabayaashu miyay xumaanta isu sii dardaarmaan, oo midba mid ayuu kaga sii tagaa naceybka, xiqdiga iyo xasadka”, yacnii Abeeso iyo dhasheed miyaa ๐ฆ!
Faqashtaas oo marba meel iyo geed inoogu soo gabbata, mar ay Soomaalinnimada gabbaad ka dhigtaan iyo maanta oo ay diinta ku raad-gadanayaanba, oo xijaabyo waaweyn iyo khamiisyo inoo soo xidheen, waa daalimiin iyo damiir-laaweyaal is-urursaday, oo dhuuxa ka silloon, weligoodba Allaahu Akbar ta ha hayaan ama Tasbiixda iyo Tahliisha ha kala rogtaan, raggooda iyo dumarkoodu isma dhaamaan, waa wada silloon si’i ay yihiin aynaan garanaynin.
Eeg; wixii ay dadka badeen ee dhibaato ahaa iyo xaaladihii ay dadka ku kalifeen, ee ay iyagu abuureen, sababteedana ay iyagu leeyihiin, ayaa ay hadana dadkii mustakrihiinta ku ahaa xaalladdii lagu kelifay, ee qof kastaa ku jiray Dillema-da ama xaaladdo kala daran kala doorankooda, oo qof kastaa ku dirqiyan yahay waxan uu ku foogan yahay xumaan iyo samaan kuu yahayba, ayay hadana daalimiintii isla-saxanayaasha kaligood-islaamka ahaa ku caayaan ama ku ceebeeyaan dadkii mustakrihiinta ku ahaa, oo masaajiddadii iyo meel walba la soo taagan yihiin.
- Dibjirtii iyo akhlaaq-xumadii ayaa badatay…
- Sakhaariintii iyo daroogadii ayaa inagu soo batay…
- Macsidii ayaa dadkii ku badatay…
- Fisqigii ayaa batay…
- Gaalnimadii ayaa soo badanaysa…
- Gaalladii ayaa lala heshiiyay ama bidaanno laga dhigtay…
- Bararrrraaa… Babbbaaaaa… iyo tororog bilaa ujeedo ah.
Bal eeg hadda;
- Hadii akhlaaq-xumadii, macsidii, fisqigii iyo xumaan oo dhami badatay, oo dad badani ay ka boodeen ama ka talaabsadeen xeerarkii iyo wixii inoo xeernaa ama inoo dhexayn jiray, oo ay dhex dabaasheen wax badan oo laga sariigan jiray ama ay ahayd inay ka joogsadaan, milgihii iyo magacii la ilaashan jirayna ay buus iyo dooni mayno yidhaahdeen, ogow faqasheey; waxa sababay hoos-u-dilka iyo dagaalka qarsoon ee aad dadkan kula jirtaan ee xag walba leh, iyagu dembi kuma laha oo qofku wax uu ku dirqiyan yahay ama lagu kelifay dembi looga qori maayo ayay diinteenu tidhi, idinka ayaa se dembigaasi oo dhami dushiina fuuli doonaa Inshaa’a Allah, Allena waa inna arkaa.
- Hadii gaallo lala heshiiyo ama lala heshiiyay ama aynu isu soo kaxaysannoba, iyo hadii aynu galno xabsiga dusha ka furan ee la sheegayo, oo la inoo waayo sidii loo waayay qabiilkii Xarla ahaa iyo qabaa’il kaleba, ee aan maanta loo haynin meel ay ku dambeeyeen iyo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, raq iyo ruux toonna, kuwaasoo beri beryaha ka mid ah geeska afrika ka ahaan jiray, qabaa’illadii ugu magaca weynaa, Alle inaguma keeno’e hadii ay dhacdo ba, ogaada faqasheey; idinka ayaa sababay, oo dhaawacay wada-jirkii iyo wax-isku-ahaantii bulshada ka dhexeysay, oo si qarsoon iyo si muuqataba bulshadii u kala irdheeyay, oo qabiil ahaan u kala fogeeyay, oo caqiido ahaan u kala fogeeyay, oo dadnimo ahaan u kala fogeeyay, idinka oo halhays ka dhigtay “Waxba igama gelin bini-aadame Illaahay ayaan raali-gelinayaa“, faqasheey been-abuuradka ka daaya Illaahay, beentu kollay waa idiin shaqo oo kama diqootaane, ogaada Raxmaanka laguma raaligeliyo waxyeellada dadka’e, waxtarka bini-aadamka ayaaba lagu goostaa naxariistiisa,
- Hadii wixii lagu sakhraamayay iyo daroogadii inagu soo bateen, ogow faqasheey; waxa sababay diiqa iyo culeyska ka dhashay xaalladaha cakiran ee aad abuurteen, oo gunnimo-dagaalanka iyo dullinimo-shaqeysiga ibleysku idiin qurxiyay ugu horeeyaan, kolkaa dad badani stress-relief iyo waxay diiqa aad abuurteen iskaga yareeyaan, ayay balwadda iyo daroogadda ka dhigteen, ileyn la idin la qasan kari maaya’oo sixir iyo xumaan liidata ood dadka ku shiidaan ayaa hub idiin ahe.
Ninkii yidhi Cirkaan soo ridayaaye isaga yaaca, markii loogu jawaabay Soo Rid, ee uu weydiiyay Halkeed ka galaysaan?, waa tii loogu jawaabay Halkaad ka gasho ayaanu ka geliye soo ridoo waxba ha la hadhin.
Kolkaa faqasheey; ka daaya idin odhan mayno’oo horaa la idiin kala quustaye, waxaad yeeshaan wixii aad ka badin weydaan, waxaad ka heshaanna waxba ha naga siinina’e, aad cantuugada uga buuxsada labada can, annana Allaanu leenahay goor iyo goob kastaba.