Shirqoolka Shirkadaha ee Suuqa Macaamiisha !

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa xafiiskeyga iigu soo galay nin, isaga oo yar muusoonaya, ayuu igu boobay hadallo kaftan, bariido iyo salaan isugu jira, si saraaxo ah, sidii laba qof oo aqoon hore ka dhaxeyso.

Kadibna waxa uu i weydiiyay, weydiin u dhigneyd “Halkaa yaa qoday?

Halka uu sheegayaa waa wadada xafiiskeyga hor marta, oo si gudub ah inta laamidii loo jabiyay la qoday, in kasta oo markan uu i weydiinayay la hagaajiyay, oo sabbad ama sibidh iyo jay wada socda lagu shubay, raadkeediina sii muuqdo, se ninkani isagu waxa uu doonayay in uu ogaado sababta loo qoday iyo cidda qodday.

Waxa uu ii sheegay in uu ka tirsan yahay shirkaddaha Iaydhka mid ka mid ah, halkaa la qodayna ay shirkadaasi ugu jiraan xadhkihii laydhkooda ee dhulka hoos marayay.

Waxa aan u sheegay intii aan ka ogaa qoditaanka meeshaasi iyo cidda qodday (Waxa qoday aqalka xafiiskeyga ku dhagan reerka deggan, waxaanay u qodeen qasabadii biyaha oo ka xumaatay, halkaana maraysay, in la qodo la soo saaro, kadibna markii la hagaajiyay dib loo aasay halkii la qoday), inkasta oo aan ku qaldanaa sheegidaasi, hadana waxa aan u arkaayay in aanay wax sii ridan ama macno buuran sameynaya ahayn.

Ninkii isaga oo aan iga rumeysan intii aan u sheegay, oo u haysta in ay qodday meeshaasi cid shirkadooda cadaw ku ah, ujeedada loo qodayna ay tahay in xadhkaha laydhkooda la dhaawaco ayaa uu iga tagay, walow aan isku dayay, oo dhowr goor u sheegay in malaha-xumi aanu fiicneyn, haddana iima garaabine tiisii ayaa uu ku adkeystay.

Muddo kadib; qol aan kireystay ayaan u baahdey in aan laydh soo galiyo, kadibna waxa aan u tagay shirkadii laydhkoodu ku jiray qolka aan kireystay, si ay qofkii hore ee degganaa uga masaxaan, anigana ii diiwaangeliyaan macmiil cusub ahaan.

Bal itixaankani! waxaan ugu dhex tagay xafiiskii shirkada ninkii i weydiin jiray “Halkaa yaa qoday?“, ogow shirkadii laydhka ee magaceeda uu maalintaa ii xusan, iiguna sheegay inuu ka tirsan yahay, iyo tan uu hadda dhex joogaa waa kala laba, qiyaastii basaas ayuu ahaa shirkadan u shaqeeya, oo ku raadgadanayay shirkadaha kale.

Shirkadii laydhka markii aan u tagay sidii aan doonayay igama ay ogolaan, waxa ay ii sheegeen in diiwaankooda aan ugu jirayo aniga oo haysta magaca qofkii iga horeeyay ee qolka ka guuray, oo weliba kaaga daranta ay xisaabtiisa lacag ku taagan tahay aanu bixinin, dayn ayaa ku maqan aanu bixinin, dood dheer kadib toodii ayay noqotay, in kasta oo ay ii sheegeen in muddo gaaban ay hawsha inta hadhay ku soo dhameynayaan, si xisaabteyda magacaygu uga muuqdo, inta hawsha ay wadaanna aan magacaa hore sii haysto, nasiib-daro waxa ay qaadatay in aan sugo muddo sanad iyo dheeraad ah.

Kadibna waxa aan go’aansaday in aan shirkaddaha laydhka ee kale u guuro, mar hadii aanay xisaabteydu ku soo baxaynin magacaygii, dhibkuna yahay in mar kasta oo aan biilkii soo bixinayo la igu bilaabo baadhitaan, sidii oo aan ahay mid khiyaamo sameynaya, maxaa yeelay; lacagta ku taagan xisaabtan aan magaceeda sitto ayay moodayaan in aan ka dhuumanayo bixinteeda, waan la socodsiiyay in aan laydhkoodii iska bedelayo, ugu dambeynna shirkad kale ayaan laydhkii ka soo gashaday.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxa ay tahay, in qoladii laydhkii hore ee aan iska bedelay lahayd ay ka xumaadeen, caqli xumidooda dadku ma kooto ayay ugu jiraan, miyaan qofku xor u ahayn inuu ganacsatada kuu dantiisa ka arko la macaamilo, bal hadda eeg; waxa ay sameeyeen xeelado dhowr ah:

  • Maalintii aan laydhka kale soo gashanayay askar ayay ii soo kaxeysteen, inankii lineman-ka ahaa ee ii soo talaalayay laydhka ayaanay askartii kaxeeyeen, woxogaa kadib ayaa la soo daayay oo uu ii soo talaalay.
  • Qolka aan ku jiro kuwii lahaa ayay ka soo dhex hadleen, oo laydhkii iga wareystay.
  • Xeelladda ugu cajiibsan, oo ah ta aan ciwaanka uga dhigay qormadani ayaa waxay tahay, shirkadii aan laydhkooda soo gashaday ayaan xafiisyadeedii ugu tagay, maamulka shirkadanina war uma hayo shirqoolkaasi loo maleegay.

Ninkii Irbadda la baxsaday, waa kii isagoo oradaya yidhi: “Rag is-gurayee!“, waa sidaase; maxaa jalaafooyin iyo xeelado la soo maleegay suuqa ganacsiga dhex yaalla, oo ganacsatadu isu dhigayaan, waa se iimaan la’aan iyo caqli xumo, in aad aaminto ganacsadaha suuqa kugula jira, hadii aad suuqa ka saarto, xoolo badan ayaa kuu iman ama macaamiishiisii ayaa kuu soo wareegi.

Bal u fiirso; waa koox isku xidhan oo shirkadani laydhka lagu dhex sameystay, waxa ay u diyaarsan yihiin in ay dadka ka eryaan si farsameysan, qofku marka uu ka cadhoodo sida ay kooxdani ula dhaqmeen, shirkada uu u tagayaa waa ta soo labeysa ee suuqa kula jirta, bal eeg hadda; dadka soo erya si ay teena u yimaadaan, kolkaa waa koox labada dhinacba ka gunneysan, oo shirkadan ay dadka ka eryayaanna mushahar ayay ka qaadanayaan, kuwa ay dadka u geynayaanna way ka gunneysan yihiin, oo in laba jibaar la siiyo ayaan filayaa, ileyn hawl weyn ayay u hayaanne.

Yaab ba waa kane; sadex bilood ayaan waayay ninkii saacadda qori jirey, kadibna inta aan saacadii laydhka moobilka ku sawiray ayaan u tagay xafiiskii, Alxamdulilaah; Illaahay ayaa i waafajiyay, bal eeg hadda; markii aan wareystay waxay ii sheegeen, in inankii saacadaha u soo qori jiray ka tagay, ku kalena aanay weli helin, kadibna waxa aan ku idhi: “Saacadii waan soo sawiray halka ay marayso tiradeedu, biilkii u dambeeyayna waa kan“, way ka naxeen, ileyn cid soo qortaa ma jirto ee na sug ayay doonayeen in ay yidhaahdaan, oo billo badan oo kalena is-gaadhaan, iyada oo aan la soo qorin saacadii, mid muuq-wadaadle ah ayaa loo geeyay sawirkii iyo biilkii u dambeeyay, oo ay ka muuqato tiradii u dambeysay ee saacadu maraysay.

Muuq-wadaadle inta uu warqadii iyo sawirkii la galay qol yar oo iga qarsoon, ayaa uu woxogaa kadib soo noqday, oo kii kaashiyeerka ama lacag qabtaha ahaa ku yidhi: “Hebeloow u daabac waan soo jaray biilkiisa’e

Kaashiyeerkii biilkii ayaa uu ii soo saaray, cajiib! waxa ku qoran wax aan la yaabay, bal ka eeg sawirkan hoose!!!

Previous Reading (PReading): 37-unit waa bill-kii bishii u dambeysay ee ay soo qoraan saacadaydu halkii ay maraysay.

Current Reading (CReading): 56-unit waa sawirka aan mobile-keyga ugu sawiray halka ay markan saacadeydu mareyso.

Xisaabteydii saxda ahayd: 37-56 = 19

Markaa sadexdaa bilood ee aanay saacadda soo qorin, waxaan isticmaalay 19-unit, intaasi ayay xaq iigu leeyihiin inaan bixiyo.

Laakiin sida kaaga muuqata sawirka, waxay u xisaabiyeen sidan: 37-56=51

Eesh qiyaasak! waa xisaab uu kala gooyay xariif double-master sita, oo ka soo baxay jaamacadii indho-cadeys university.

Weliba waxa kaaga daran, inankaa xisaabta kala gooyay, marka aad aragto muuqaalka wejigiisa, waxaad is-odhanaysaa Iimaanka ayaa biyo-dhigay, oo jannada geerida uun baa ka xigta, wuxuu xidhnaa khamiis cad oo nadiif ah, woxogaa gadh ah oo daamankiisa buuxiyayna wejigiisa ayuu ku shaqlanaa.

Waa adduun macaankii ka idlaaday, oon cid la aaminaa jirin.

Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e ayaa mar la weydiiyay qiyaamihii waa goorma? waxa uu ku jawaabay:

إذا ضُيِّعَتِ الأمانَةُ فانْتَظِرِ السَّاعَةَ قالَ: كيفَ إضاعَتُها يا رَسولَ اللَّهِ؟ قالَ: إذا أُسْنِدَ الأمْرُ إلى غيرِ أهْلِهِ فانْتَظِرِ السَّاعَةَ

Oo macnihiisa guud noqonayo, marka cid la aamino adduunka laga waayo, waxaad sugtaanba waa saacadii qiyaamaha.

Waxa aan weydiiyay muuq-wadaadle: sidani ma sax baa?

Wuxu iigu jawaabay: sadexdii bilood ayaan biil qudha ku wada jaray.

Waxa aan ku idhi: dee biil qudha hadii aad ku wada jartay, xisaabtu sidan ma saxbay ku tahay, marka la kala jaro tiradii u dambeysay saacadda, ee ku taal biilka aan kuu keenay iyo halka ay imika marayso, ee sawirka moobilka aan kuugu keenay, ma intaa aad soo qortay ayaa kuu soo baxday.

Wuxuu iigu jawaabay: may, sadexdii bilood bil walba waxa aan ka soo qaaday inaad 17unit isticmaashay, kolkaa sadex 17aad ayaan isku geeyay.

Waxa aan weydiiyay: sideed ku ogaatay inaan bil walba 17unit isticmaalay ileyn saacada maad soo eegine.

Wuxuu iigu jawaabay: 17unit ayaa u yar inta aanu lacag ku qabanno, hadii ay ka yar tahayna, 17unit ahaan lacagtood uun baanu qofka xisaabinnaa.

Waxa aan ku idhi: bil walba gaarkeeda iigu jar hadaba, adiga oo iigu qoraya bil kasta intii ay saacadeydu soo qortay.

Waxa uu iigu jawaabay: waa qalad xagayaga ka dhacay ee iska dulqaado.

Waxa aan ku idhi: mar hadii aad qirsan tahay in xagiina qaladku ka dhacay, dee qalad waxa lagu saxaa in masuuliyadiisa ay qaado cida uu ka dhacay, culeyskiisuna isaga fuulo’e, maxaad aniga qaladkii aad sameyseen ii dulsaartay, mar hadii aad bil usoo qori weyday saacada, sadexda bilood dabkii aan isticmaalay ee saacadeydu soo qortay ii xisaabi.

Kuye may, ma noqoneyso sidaa, waxa aan weydiiyay cid kaa sareysa oo arrinkan lagala hadli karo in ay jirto, ma jirto cid kale oo aan kuu gudbinayaa ayuu yidhi, ninkii muuq-wadaadle isaga oo i hiifaya, oo hadalkan iyo doodan aan la galay karahsanaya ayuu iska tagay, iyada oo weli hadalkii aanu wadno, waxa isku soo hadhay ani iyo kaashiyeerkii, kadibna lacagtii ay igu soo dalaceen sidii ay ahayd ayaan u bixiyay, iyada oo aanan waxba ka dhimin, waa se Illaahay mahadii mar hadii ay sadex bilood oo keliya tahay, bal ka waran hadii aanan u tegi lahayn, oo sannadka dhan aan iska sugi lahaa inta ay ii imanayaan, kadibna 12bilood ay bil kasta 17unit i xisaabin lahaayeen, waa sida ay rabeene, ogow oo bisha ugu badan dabka aan isticmaalaa 5unit ma dhaafo.

Bal hadda eeg; bishii ku xigtayna la iima imanne, inta aan sidii hore oo kale saacadii sawiray ayaan u tegay xafiiskoodii, biilkii horena waan sii qaatay, markii ay ii jareen biilkii cusbaa, waxa aan arkay inyar oo hadhaa ah, oo ay yidhaahdeen bishii hore ayay ka hadhay (Previous balance), kii kaashiyeerka ahaa ayaan weydiiyay bishii hore sowtii aan lacagta wada bixiyay, waa maxay hadhaagaa yar ee biilka ka muuqdaa.

Kuye discount-kii ayaan malaha laga saarin,

Oo waar ma discount ayaad ii sameyseen, lacagta intii meesha ku qorneydba sowtii aan wada bixiyay,

Kuye hadaa malaha sarifka lacagtii aad dirtay iyo inta ay iyagu ku doonayeen doolarka biilka ku qoran ayaa kala duwan, waxay $1 ku doonayaan 9000-shillin, adna markii aad moobilke ku dhex sarifatay waxa laguugu sarifay 8600-shillin, markaa halkaa ayaa hadhaagani ay kaa soo raaciyeen, kadibna intii ay bisha soo jareen iyo baaqigii indho-cadeynta ahaaba waan wada bixiyay.

Bishii ku xigtay, sidii oo kale saacadii may soo qoranne aniga ayaa sawiray, oo u geeyay xafiiskoodii, bal inkaartani! biilkii bishanna hoosta waxa kaga qoran inyar oo hadhaa ah, oo bishii hore ayay ka hadhay leeyihiin, intii ay ii jarayeen biilka waxa isna meesha taagnaa nin odey ah, oo aad u cadheysan, kana cabanaya lacag badan oo biilka la socota, wuxuu weydiinayaa lacagtani halka ay ka timid, waxa kaaga daran ninkaa odeyga ah sida ay ula hadlayeen, ee aan qancin iyo qaboojin midna lahayn, laakiin indhacadayn iyo ku-jiqsii loogu jawaabayay, iyada oo laga dhigayo qof lacagta lagu leeyahay, oo is-diidsiinaya, isna waxa uu taagnaa “bishii hore markii aan lacagta bixinayay ma wax iga daaya ayaan idin idhi, ma badh ii reeba ayaan idin idhi, sowtii intii warqadda ku qorneydba aan wada bixiyay, halkay ka timid intan dheeraadka ah ee hoosta ku qorani“, cid qancinaysaa may jirine waxa loogu jawaabayay lacagta waa lagugu leeyahay odayoow’e bixi, mid gaaban oo is-xariifinayay ayaa si kulul u lahaa “Hebeloow ka wada qaad lacagta waa lagu leeyahaye!!!“, odeygii isaga oo yaaban ayuu ka baxay xafiiskii, waxa aan filayaa inuu laydhka shirkaddaa iska jari doono, ta kali ah ee soo labaysaana waa tii aad ogeyd ee iyadu hawshaba wada, maxay xeelad khiyaamo ku dhisan dejisteen.

Kii kaashiyeerka ahaa ayaan weydiiyay: “waar heedhe bishii dhaweyd sowtii lacagta aan kuwada siiyay, weliba sarif may ahayne iyada oo warqad ah miyaanan ku siin, oo aanad baaqigiina ii soo celinin markii aad ka goosatay intaadii, weliba adiga oo baaqiga ii xisaabiyay 8600-shilling, maxay ahayd hadhaagan hadana bishanna biilka ka muuqdaa?“, ninkii isaga oo baala-deymoonaya ayuu igu yidhi: “eeg! bisha dambe hadii aad hadhaa ku aragto, aniga i tuur tuur…”

Bal isweydii; imisa qof oo dumar iyo dad waaweyn oo aan waxba u fiirsaneynin u badan, ayaa sidaa loo khiyaameeyay, oo lacag aan lagu lahayn indhocadeyn lagaga qaaday, markii lagu yidhi koombuyuutarka ayaa ku xisaabiyay, oo been ma sheego, kadibna qofku marka uu waxba fahmi waayo, arkayana in wax qaldan yihiin, cid qancisana uu waayo, xalka kaliya ee u habooni waa inuu meel kale u wareego.

Khiyaamadaa mid la mid ah, ayaa waxa aan ku ogaa, in badan oo reer Hargeysa ahina ku og yihiin, kaalmaha shiidaalka qaarkood, weliba kuwo ay leeyihiin wadaado, marka aad kaalintii shiidaal kaga shubanayso, tusaale ahaan; 10-litir ayaad ku odhanaysaa iigu shub, marka uu marinayo 9.xxx ayuu ka jarayaa, dadka inta u fiirsataa wey yar tahay, ee eegta mishiinka shidaalka tirada ku qoran, lacagtii waxa uu kaaga qaadayaa 10-litir ahaan, laakiin waxa uu kaa reebtay shiidaal lacagtiisu tusaale ahaan noqonayso 3000 shillin ama ilaa 1000 shilling, maalinka oo dhan sida uu kolba qofka uu is-yidhaa u fiirsan maayo uu uga reebanayo woxogaa lacag ah, waxa uu urursanayaa lacag badan, ma garan karo in dadka mas’uulka ka ah kaalmahaasi ay ogyihiin iyo inkale.

Habeen ayay aniga sidii aan ogaa igu sameeyeen, oo uu ka jaray markii ay xisaabtu maraysay 9litir iyo woxogaa, kadibna waxaan weydiiyay “maxaad uga jartay ii dhameystir ileyn lacagta igama deynayside

Kadibna waxa uu yidhi: “Bamka kuma celin karo, oo intaa yar ee kaa hadhay kuma qormayso, litir ayaa ugu yar xisaab mishiinka shidaalka lagu qoro

Kadibna waxa aan ku idhi: “Lacagta intaa qoran ayaan anna bixinayaa, oo 10litir ahaan lacagta u bixin maayo

Isaga oo yar dhoolacadeynaya ayuu igu yidhi: “Waaba laba kune hadii aad iska raacisana waan kuu ducayn“, muxuu khiyaamadaasi dad kaga cunay lacag, berigii aan maqlay in kaalmaha kuwa ka shaqeeyaa khiyaamadaasi adeegsadaan may dhaweyn, ilaa imikana wey wadaan.

Dhowr bilood markii aan laydhkii sidaa yaabka leh u bixinayay, waxa dhacay; muuq-wadaadle iyo kooxdan budhcadda ahi gelinka hore ayay joogaan, maalin aan gelinkii hore mashquulsanaa, ayaan gelinkii dambe xafiiskii laydhka tagay, aniga oo sita biilkii hore, isla markaana sii sawiray saacadu halka ay marayso bishan, kadibna waxaan ugu tagay nin wanaagsan oo isagu gelinka dambe shaqada soo gala, biilkii bishii ayuu ii jaray lacagtiina wuu iga qabtay, mar aan weydiiyay hadhaagii bisha la socday, oo aan ku idhi “Waxaan niyaw rabaa khaanadaa Previous Balance ku inay zero noqoto’e, imika wixii aad igu leedahay oo dhan ii sheeg“, kadibna inta uu igu qoslay ayuu yidhi “ma waxaad u jeedaa layguma laha hadhaagaasi?

Waxaan ugu hal-celiyay “Dee haayoo bil kasta wuu la socdaa, hadana waan bixiyaa isaga iyo xisaabta kaleba

Inta uu biilkii uu ii jaray iga qaaday, ayuu ku dul-qoray lacag uu discount ka dhigay, wuxuu igu yidhi: “Intaa waan kaa daayaye, intaa kale uun bixi…”

Waxaan ku idhi “Lacagta miyaan sarifaa oo inta la iigu sarifo ayaan kuu soo diraa, mise si kale oo aan kuugu diro dollar ahaan ayaad haysaa“, qiyaastii waxaan ka ordayay sarifka caadiga ah ee dawladu soo qorto dhowr goor oo hore ayay iga diideen, oo bishii dambe ii raaciyeen iyada oo Previous Balance ah.

Wuxuu iigu jawaabay “Inta ay kuugu sarifaan uun soo dir

Cajiib! waa nin daacad ah, oo kooxdan budhcadda ah ee gelinka hore joogta ka madax-banaan.

Laba bilood markii aan gelinkii dambe ku soo bixiyay biilkii, ayay kooxdii budhcadda ahayd isoo ogaadeen, ileyn shirkaddii aan laydhkooda ka soo guuray, ayaa ileyn i sugaysa, oo muuq-wadaadle iyo tiimkiisa kula heshiisay noo soo erya, waa sidaan u fahmay’e, bal eeg hadda!

Bishii u dambeysay ayaan gelinkii dambe tagay xafiiskii laydhka, inankii daacadda ahaa oo jooga, laakiin system-kii biilka lagu jarayay laga xidhay, hadda garoo bilihii hore wuu u furnaa, wuxuu igu yidhi “Ii yar dulqaado system-ka ayaa iga xidhane, ninkii furayay ayaan la hadlayaaye…” kadibna telefoonka ayuu kala hadlay, oo u sheegay inuu hore ugu yimaado.

Cajiib! inkaarqabihii muuq-wadaadle iyo mid kale oo tiimkiisa ka mid ahaa, ayaa soo galay, oo show ahaa kuwa system-ka ka xidhay ninkii daacad, markii ay i arkeen indhaha ayuu ku gaabani igu soo gubayay, oo waxa goolaaftan ka muuqday malayni maysid, wuxuu bixinayay muuqaal noociisu yahay “Annagiibay gas na soo siisay, oo intay xilligii noo badashay, xagan kale ka soo wareegtay… baajuuntu… walay ka tahay…”

Muuq-wadaadle ayaa system-kii fadhiistay, oo intuu inankii daacadda ahaa ka riixday isagu furtay, biilkiina ii jaray, bal itixaankani; wuxuu ii jaray biil ay ku qoran tahay xisaabteydii bishani iyo hadhaa $18 ah, oo khaanadda Previous Balance ku jira, kkk ka dar oo dibi dhal! bilihii hore hadhaagay ku soo qoranayeen wuxuu ahaa 0.03 ama 0.10 iyo wixii la mid ah, bishan $18 ayaa Previous Balance ah.

Markii uu muuq-wadaadle jaray biilkaasi cajiibka ah, inta uu koombuyuutarkii ka kacay ayuu albaabka ka baxay.

Inankii daacadda ahaa oo isaguba yaaban, ayaa doonay inuu ii sharaxo sida ay wax u jiraan, woxogaa uu ii sheegayay hadal dejin uun ah, wuxuu iigu soo gaba-gabeeyay “Waxan kale… hadhaagan iyo waxan kale iska illow… imika inta bishan uun bixi… discount-gii bishii hore iyo waxbuu isku dhex qasayoo… aduu bisha dambe khaanadaa Previous Balance oo zero ah ayaad iigu imanaysaa…

Wax walba waynu arki! yaah! adduun caaryaale…

Imika waxay iga haysaa, inaan raadiyo ninkii shirkadaa laydhka ee budhcadaasi lagu dhex sameystay lahaa, oo aan u sheego sida loo galay, waan ogahay in aanu war ka haynin, oo macaamiil badan sidaa lagaga eryaye, iyo bal in aan horta dhowro kooxdani siday wax u wadaan iyo …

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?