Wuxuu yidhi: “Ma kii hebel ayaad sheegaysaa, waar kaasi waa doqon, wuu hurdaa…”
Yacnii; wuxuu u jeedaa, sidaan anigu wax u ogahay, isagu waxba uma oga, bal hadda eeg!
Kadibna, isagii iyo dhamaan intii uu u sheegay in Hebel doqon yahay ba, waxay bilaabeen inay Hebelkii ka xan-qarsadaan, oo geedka talada uga kacaan ama ka eryaan, arrimaha masiiriga ahna ay kala dhuuntaan.
Nimankii ninkii waxay quudhsadaanba, goor aanu wax-ka-qabasho lahayn ayay ku baraarugeen, oo ku hambabareen ninkii oo qaarkoodna boqnaha gooyay, kuwii kalena ku maqan, isagu se uu isla quman yahay, oo u haysto mid hawl wanaagsan oo lagu wada farxi doono ku jira, shidanaaba shidan! Calashaan hadii ay iyagu hore u soo jabeen, kadibna wax badan ogaadeen, isna hadda ayuu is jabinayaa, oo ruugii kiriimka iyo saliid naarajiinta uu marin jiray uu murxinayaa, si uu u qaato title-ka ruug-cadaa.
Dhaqankaa lagu faanayo “waxaan ahay mid wax badan og, oo soo jabay” nimankaasi keli kuma aha, waa dhaqan badi dadkeena ku beermay, oo lagu beeray, Haa! dadka waa lagu beeray, oo lala qabsadsiiyay, kadibna in badani qabatimeen, welina sii badanayaan dadkii qabatimaayay, weliba u haliilayay qabatinkiisa.
Maxaa yeelay; waxa ceeb iyo cay noqotay “nacsaan hurda iyo doqon aan waxba ogeyn”, waxa sidoo kale faan iyo ragganimo noqotay “ninkani waa xogogaal soo jabay, waa rug-cadaa maqiiqan, oo dhuuxu madhay, wax badanna og”
Ma waxa aad aragtay umad dhan, oo qof weliba doonayo, sida uu u soo jabay ama u soo balanbalay, inaad adna u soo jabto, oo qof kastaa doonayo in qofka kale na ceelka guntiisa soo taabto, kana soo waramo, wixii uu ku soo arkay, weliba kaga daranta ay iyagu ku tuurayaan ceelka guntiisa iyo dhibaatada, miyaanay ka haboonayn qofkan isagu sida qadarka ah ugu dhacay, ee Rabbi ka soo badbaadiyay, inuu isagu uga waramo inta kale, oo gunta waxa yaal ee uu soo arkay uu gaadhsiiyo dadkiisa kale, si ay u ogaadaan oo uga feejignaadaan halista halkaa taal.
Bal ka waran; hadii aad balaayadii iyo dhibkii ku qabsaday, ee Raxmaanku kaa samato bixiyay, aad u aragto inaad xariifnimo iyo balaayo-nimadaada kaga baxday …
Kumuu ahaa Abwaankii lahaa:
- Hebel Hadalku Kuma Duxo,
- Doobir Iyo Nasiib Badan,
- Oo Shil Eebe Uga Digay,
- Mooday Inuu Dedaal iyo,
- Dardartiisa Kaga Baxay,
Abwaan Cabdi Gahayr na Alle ha u naxariistee waa kii lahaa:
- Weligayba meel lagu jabaan jiqillo weynaaye,
- Dagaalkii Jidbaale ba ragii joogay baan ahaye,
- Eebahay I jecelaa muxuu jiray arwaaxaygu,
Hadii qofkii barwaaqeysnaa ama hadimada iyo dhibaatooyinka si uun uga fogaa, la yidhaa muxuu og yahay? Ha soo jabo dee horta… ha soo waayo arko horta… kolka ay sidaa noqoto, miyaan loo badanaynin dad soo wada gubtay, oo trauma la wada nool, dibintana wada ruugaya, oo heesta kaliya ee u wada daarani tahay “Maxaa dembi layga galayeey… Maxaan bahal iyo balaayo dugsadayoo lay deyrshayeey…”, markaa maxaa xigee aad filaysaa; miyaan taasi keenaynin in dadkii laga waayo, qayb degenaan iyo tudhaale loogu soo iisho, miyaan laysku wada bogsaneynin, oo aanay ka dhacaynin in laysugu heeso “Nacabka buufi… nacabku derbiyada ha jiidho… nacabku nacabku ha jabo…”
Waxaynu ognahay; qofna isaga oo xogogaal ah ma soo dhasho, dhamaanteen adduunyada ayaynu ugu nimaadnaa xogaha iyo sida ay wax yihiin, ogow intaynu nool nahay qofba meel ayaa laabtiisu u sii deysan tahay, oo uu ku foogan yahay, kolkaa qof weliba halka focus-kiisu u badan yahay, xogogaal ayuu u yahay, wax badanna wuu ka ogaanayaa, qof weliba sidii uu Illaahay u abuuray ayuu ahaanayaa, abuurtiisa iyo dabeecadiisa in lagu khasbo ama lagu kelifo inuu bedelaana ma fiican, qof kasta sida uu yahay uun in inta kalena kula macaamisho, oo wanaagiisa ku raadiso weeyi, wixii xumaan ama dhibaato ah ee lagu arkana looga nasteexeeyo.
Hadaba qof waloowba u gudbi, oo uga dig wixii aad ogtahay ee balaayo ama dhibaato ah inta aan ogeyn, degdegna uga hawlgal, oo ha ka daalin, oo ha ka cadhoon in lagula fahmi waayay, oo ha ka quusan inaad u digto, oo ugu celceliso digniinta iyo gaadhsiinta ilaa dadka ugu badani ku soo gaadhayaan, oo wax u fahmayaan sidaad adigu wax u fahamsan tahay, calashaan sidaad u ogtahay cidda nacabka ah iyo cidda nasteexa ah, inta aan sidaa u kala aqooninna u dadaal inay sidaas u kala bartaan.
Bal ila dhugo Aayadan oo ku jirta suuradda Al-Nisaa 37; in badan ayaan fahamkeeda wakhti geliyay, horena u fahmi waayay xogta Raxmaanku inoogu soo gudbinayo, wakhtiga iyo waayaha ayaa I fahamsiiyay macnaha dhabta ah ee aayadani.
( الذين يبخلون ويأمرون الناس بالبخل ويكتمون ما آتاهم الله من فضله )
Aayaddaa sare aynu ku soo xusnay, waxay ka waramaysaa; dad baraya dadka kale bakhaylnimada, kolka aanad fahamsaneyn, waxaad is-weydiinaysaa (Sidee qof uu qof kale bakhaylnimada u barayaa? Ma qofkii oo arkaya, oo miyirkiisa iyo maankiisuba joogaan, uun baa lagu odhanayaa waxaaga dadka u diid? Miyaanu odhanaynin maxaa kaa galay waxayga, sidii aan doono ayaan ka yeeliye waxaaga u diid? Miyaanu…) weydiimahaasi iyo qaar kaleba inay maskaxdaada ku soo dhacaan ayaa suuragal ah, se sidaa maaha macnuhu, fahamka iyo xogta Aayadu wadaana wuu ka gudo-balaadhan yahay, bal ila eeg:
Marka qofkii aad ahaydeen ehelka ama saaxiibka ama jaarka amaba si kale arrin iyo adduun idiinka dhexeeyay, uu ku weydiisto wax aad haysato ama uu kaa dalbado inaad u qabato wax aad qaban karayso ama …, oo aad awoodo ama karayso waxaasi bixintiisa ama qabashadiisa, isna uu sida kuu og yahay, kadibna aad u diido bixintii ama qabashadii, oo weliba dadka qaarkii maanta meel fog gaadhsiiyaan is-xariifinta, kadib maxaa dhacaya?
Ogow qofkii aad u diiday waxaaga, waxaad ku keliftay inuu isaguna kuu diido wixiisa, xataa hadii uu ahaa qofkaasi mid deeqsi, waxa uu ku khasbanaanayaa inuu kaa goosto, in kasta oo dadku xaga dulqaadka ku kala duwan yihiin, oo laga yaabo in qofkii wanaagsanaa uu muddo dulqaato, hadana kolka la dhaafiyo xadkii dulqaadkiisa, isna kooxdii la baray diidmada ayuu ku biirayaa, waa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah.
Bal u fiirso; maalin ayaa baytariga gaadhigu iga dhacay, kadibna aniga oo gaadhiga ag taagan, ayaa waxa igu soo leexday, oo I soo garab istaagay gaadhi Nooha ah, hada eeg anigu uma yeedhin, wuxuun baan ku war helay, nin dhalinyar ah oo akhlaaq badani ka muuqato, oo igu leh “Walaal maxaa gaadhiga kaga dhacay”, anna waxaan ugu hal-celiyay “Baytariga ayaa iga dhacay…”, kadibna degdeg ayuu gaadhigii u soo kala jeediyay, oo ku beegay halkii uu ugu dhaweyd ee baytarigiisa iyo kaygu isaga xidhmi lahaayeen, markii uu gaadhigii ii istaadhmay, waan u mahadnaqay, oo ku idhi “Jasaaka laahu kheyr”, wuxuu iga dhaqaaqay isaga oo ay ka muuqato inuu diidan yahay inaan u mahadnaqo, yacnii Maxaad iigu mahadnaqaysaa waynu isku leenahay intaa iyo in kabadan bee ayaa wejigiisa iiga muuqatay, waxaan filayaa inuu meel kale ka yimid, oo aanu ahayn inankaasi dadkii wadanka ku barbaaray.
Muddo kadib ayaa aniga oo bas saaran, waxaan arkay inankii akhlaaqda fiicnaa, oo meel waddo ah ay laba nin ku horjoogaan, oo isna uu kolba doonayo inuu ka dhinac wareego, iyaguna ay isku dhigayaan gaadhiga si uu u joojiyo, iyaga oo ka baryaya inuu baytariga ugu qabto gaadhi wadada dhinaceeda taagan, oo qof dumar ahi wadatay, hadalladii inanka oo badh igu soo yar duul-duuleen, waxa ka mid ahaa “Ugu qaban maayo… Waan degdegayaa… tukaanka ka soo iibso dheh baytari cusub…”, muddo kooban ayaa inankaasi ku qabatimay bakhaylnimadii, waa lagu beeray oo la qaadsiiyay, maalinkii uu aniga iigu qabtay waxaan filayaa inuu baroo ahaa inanku, oo uu maalmahaas uun yimid dalka, se markii uu arkay xaalku sida uu yahay, ayuu isna dhinaciisa ka miisay, maxaa la yidhi “meeshii lagu il la’a yahay adna isha ayaa layska ridaa…”
Waa tii ahayd Kheyrku waxba kuma yeelo’e sharka u toogo hay’e, waar hooy qof waloowba wixii aad ogtahay ee balaayo ama dhibaato ah, u sheeg dadka aan ogeyn, xataa hadii ay ka fog tahay, oo aad filayso in aanay balaayadaasi goorahan soo gaadheynin, ugu sheeg habkii kuu fudud ee aad ugu gudbin karto, iyo intii aad gaadhsiin kartoba, hadii aad adigu baahin kari weydona, u sheeg cid aad filayso inay u sii gudbin karto dad badan, iyo cidii kale ee wax ka qaban karaysa dhibaatadaasi ama ka hor tagi karaysaba.
Haa! sidaas ayay dantaadu ku jirtaa, oo ku hurran, ha moodin inaad cid kale ugu badinayso, waa adiga dantaada, wanaagaaga ayaa ku jira, yeeli wayday caduuroow! oo qarsatay wixii aad ogeyd si’I ay kaa tahayba, ogow waxa balaayadaasi kuu iman doontaa, iyada oo aan lahayn indhihii iyo awoodii ay lahayd markii aad gudbin weyday, waxay ku soo gaadhi doontaa, iyada oo aanad iska caabin kareynin, kolkaasay balaayadaasi kaa galaafan doontaa wax kasta oo wanaagsan, oo aad haysato goortaasi, iyada oo qoomamo iyo calaacal mooyaane aanad wax kale sameyn kareynin, ku darso xisaabta inaad u noqon doonto dhibanne iyada oo iyadii ah, hada waa iyadii aad qarsatay, waxa wakhtigu iskaa tusi doonaa adigoo il-miliqle duleysan u ah balaayadii aad ku qarisay dhayalsiga ama axmaqnimada ama ku-xumeynta ama… ama… bal hada ila dhugo tusaaleyaashani.
Tusaale
Weligaa ma ogaatay ama si uun ma ula kulantay qof si xun wax u wada, oo aad arkeyso Rabbinna ku fahamsiiyay, waxa uu qofkani wadaa inuu yahay xumaan iyo hadimo, kadibna markii uu kuula yimid ma ku fahantay, oo ma ka diiday, yacnii nagta ma xarfisay, oo weliba hanjabaad iyo hadal adag ma ugu sheegtay in aanu mar dambe kuula iman edeb-daradaasi “Waar waad edeb-daran tahay, aniga waxaa ha iila imanin, miyaanu waal… mise carruur ayaad na moodeysaa, ha noola iman waxaas oo kale, waar… inyar baan isaga kaa hayaaye walaahi in aan kugu dhufan, naga bax… naga hor dhaqaaq wejigaa gubaye, bal wuxuu noola yimid eeg…”
Bal hadaba caduuroow; halkii ay ka ahayd inaad caroog daba qaadato, oo qofkii uu ula tagoba, adna aad uga digto oo fahamsiiso, waxa uu qofkaasi wadaa inuu yahay wax xun, oo hadimo leh, amaba hadii aad kari weydo inaad daba-gasho ood shaadhka la xidhato, aad u sheegto cidii wax ka qaban karaysa qofkan sida xun wax u wada.
Bal hadaba si’I ay kaa noqotayba inkaaranne, ma iskaga hadhay qofkii xumaanta waday, oo nafta iyo shaydaanku midba wax ma kugu qanciyay “Waar kolley sida aad ugu fahantay ayuun baa loogu wada fahmi doonaa… waar muxuu sameyn karaa waxani ma wax u soconayaa… yaa ka yeelaya… waar iska daa maxaa kaa galay… waar… …”
Kadibna ma ku hambabartay uun adiga oo fadallo-weyne ah 🦶🏃♀️, oo cagba cag dhaafinaya 🦶🦶🏃♀️, oo weliba marba marka ka dambeysa qorshahaaga ugu mudan uu yahay, cagta halkaad ku tuuraysaa inay cagtii hore halkaad dhigtay ay aad ugu fogaato 🏃♀️🏃♀️🏃♀️, ileyn horaa loo yidhi naf baastu orod bay kugu aamintaa, oo fadalka aad jaraysaa yahay, mid biyihiisa ay ka dhergayaan xoollaha iyo xawayaannadu, bagga! Allaa I lehe bagga! waa abaalkaaye cidna ha eersan.
Maxaa dhacay oo aad la ordaysaa caduuroow? Maxaase keenay in fadalkaagu 🦶 ka godniin iyo dherer badnaado, ka dadka kale ee aad is-garab ordaysaan jarayaan 🦶?
Waxa dhacay; kooxdii ama qofkii sida xun wax u waday, ee adiga ku duufsan kari waayay, wuxuu helay boqolaal iyo kumanyaal dadkii ka mid ah oo uu harawsaday, oo wixii aad ogeyd ee xumaan ahaa uu ka soo dhaadhiciyay, inkaarqabuhu siduu ugu qanciyay oo ay uga yeeleen 😱, Mooji! Mooyi! wayse la socdaan oo u camireen wixii uu waday.
Hadda garo cadduuroow! wuxuu wado ee ay iyaguna la wadaan, waa wixii aad ogeyd, se maanta markii aad aragtay uun goor baas ninkii oo weerar ah, baaqiisuna yahay kala doorta “ama xageyga ama xaga aakhiro” yacnii ama anigaad ila wadaysaan waxaan wado, ama colkaa carbisan ee aan wato ayaa aakhiro idiin diraya, cidda uu u baaqayaana yihiin dadka tirada yar ee aan weli isaga raacin, kadibna aad yaqiinsatay show dadkaba inta soo hadhay waa dhowr aad ku jirto, deetana inta aad ilowday halkii iyo wixii aad markaa ku fooganaydba, halhaleel iyo degdeg cagaha wax uga dayday, xafarna ku dhaaftay wax kasta oo aad ku leexan jirtay ama jeclayd, tadhtadhtadh… oo hadana tadhtadhtadh… oo hadana tadhtadhtadh… fadal weynaa!
Ha ila yaabin kumaan caayine, in fadalkaagu 🦶 ka weynaado kuwa kale ma wax la qariibsadaa, eeg! adigu waxaad si qoto-dheer u ogtahay, oo u fahmaysaa inkaarqaboow ninkan isaga ah iyo waxa uu maagan yahay, kolkaa talo iyo go’aan aan ahayn aad uga orod oo yuu ku qaban miyaad haysaa, ma haysid! xaalkaagu cadduuroow maanta waa; tadhtadhtadh… oo hadana tadhtadhtadh… oo hadana tadhtadhtadh… fadal weynaa… xafarka iyo siibashada iyo bariiqashada iyo hawl adduun oo dhan “Ii banee ii banee ii baneee yaan ku jiidhine… ii banneeeeeeeee… wooooooow…”, halkee ayuu orod ku gaadhsiin, waa uun iska naf baastii oo ku kaliftay iyo taladii oo kaa baahday, hadii lagu odhan lahaa naaneys isku bixi maalinkaasi qiyaastii Cago-Baaskiil ayaad isku bixin lahayd , haatan oo uu meeshii qabsaday ninkii aad ogeyd isaga iyo wuxuu maagan yahayba, waxa ku horyaal waa sadex mid uun;
- In cagtaadu ku badbaadiso meel ay ku geysaba,
- Iyo in aad nagta xarfiso sidaadii, oo lagu qabaye, diiday iyo dil u badheedho,
- Iyo in aad ahaato il-miliqle duleysan, oo ku khasban inuu yeelo wixii uu hore u diiday iyo waxaanu dooneyn.
Tusaalahan sare ☝️ inaad garawsataa miyay kugu adkaatay “kkk… hhh… Waar waxan aad qortay waa iska sheeko uun iyo kaftan… xagay ka jirta waxaasi… ma dhici karto…” ma sidaasay kuula muuqataa, bal ma kuu jilciyaa, hakaa daadegee.
Eeg waryaa! Maanta miyaan Soomaali u daadsanayn, oo u daranyaysnayn, sidii uu Maxamed Siyaad Barre ka yeelay ee u kala daadiyay, iyada oo lagu jiro qarnigii 21aad, oo adduunyada qoomiyadaha iyo dadka kale ee inagula nooli badi ku jiraan nolol macaan oo nidaamsan, miyaan Soomaali weligoodba ha is-xariifiyaane xaalkoodu ahayn xaqiiqdii kuwo badi baylahsan, oo boodhka iyo balaayooyinka dhex galgalanaya, miyaan iyagoo wada duleysan oo wada il-miliqle ah aanay isha ka quudaynin markay TV-yada ka daawadaan adduunyada kale ee kala nidaamsan, kan aynu tusaalaha u soo qaadanay waaba maalin wuxuu hawlaysnaaye, miyaan Soomaali nooc ay tahay culimo ahaayaa, caamo noqoyaa, carruur iyo cirrooleba, suldaan iyo waxgarad iyo soomaali badan oo wax is-moodi jirtay, miyaan Maxamed Siyaad Barre iyo colkiisii ku kalifin in ay cagaha wax ka dayaan, oo qof weliba wixiisii iyo wax kasta oo uu ku haystay baradiisa maalin cad orod ku dhaafin, isaga oo aan qofna waxba ka qaadan kareynin hantidiisii iyo wixii uu jeclaa, qof cagtiisa maala iyo qof gaadiidka kala duwan naftiisa kula baxsadaba, miyaan dad sanka taagi jiray, oo wax badan oo aan u qalmin ka sariigan jiray ku khasbanaanin wixii, miyaanu qaxooti iyo silic adduun badin Soomaali badan.
Eeg! tusaalaha aan ku siiyay waa mid nool oo markhaatigiisa haysta, imisaa ogaa oo kas iyo maan u yaqaanay Maxamed Siyaad Barre iyo waxa uu maaganaa, isaga oo aan weli hawlgelin, wey jireen dad badan oo yaqaanay, aniguba waan dhageystay qaar la wareystay, oo sheegayay inay askarinimada wada bilaabeen, oo ku sifeynayay inuu ahaa nin madax-adag, qaarkood ayaa lahaa waxaanu nidhi: “Ninkaa hadii aan imika la qaban meel fog ayaa laga dooni…”, inbadan oo aamusan iyo intaa hadashay ee goor aan goor ahayn ka sheekeeyay Maxamed Siyaad Barre iyo wuxuu ahaaba, wey ogaayeen ninkaasi iyo wuxuu soo wado, waxa se abaalkoodii noqday markii ay shaadhka la xidhan waayeen, oo ka horjoogsan waayeen wixii uu maagannaa, in ay naftu baxsada tidhaa.
Hadii weli tusaalihii sare ☝️ qariib kugu yahay, oo ay kugu adkaatay inaad dhex keento nolosheennan maanta, bal biyahanna iskaga deji; Eeg! argagixisadu dhamaan meel ay joogaanba, kolka ay bilaabmayaan cid ayaa fikirka wareejisa, oo kolba qof ula tagta, oo isku dayda inay dadka ku soo qanciso, maanta imisa qof ayaad akhristoow dhageysatay, oo ka sheekaynaya bilawgii ururrada argagixisada ah, iyo ragga hormuudka ka ahaa oo ay is-yaqaaneen, oo sheegaya in loola yimid fikirkaasi, oo lagu qancin kari waayay, hadii uu isagu diiday oo ay u cuntami wayday wixii loola yimid, sow may ahayn inuu dadkana uga digo, oo juhdi iyo dedaal uu geliyo sidii aanay waxaa qaldan ee uu ogyahay ugu heli lahayn shacab ama dad la hinjiya, markii uu qofkaasi dhayalsaday, inuu dibadaha kasoo warramo sidii ay wax ku bilaabmeen iyo cidii wadday, hadda waa goor fikirkii qaldanaa hirgalay, maxaa faa’iido ah ee ku jira, oon ka ahayn in xil-gudasho la’aantiisii uu Raxmaanku ku khasbay inuu afkiisa ka qirto.
Ogow; siyaasiga ama khaa’inku waxba ma musuqmaasuqo, oo kuma dhiirado inuu wax is-daba-mariyo, marka uu og yahay in la yaqaano, oo dadku xadhkihiisa la socdaan, kamaraduhuna ay hayaan, wuu is-xakameeyaa isaga oo is-waaninaya, oo naftiisa uga digaya khiyaamadaasi kolka lagu qabto, wuxuu kala kulmi doono.
Ogow; tuugu waxba kama xado dadka yaqaanna, ee og wuxuu yahay, meeshii uu maroba in layska ilaalinayo ayuu og yahay, kolkaa basar ayuu yeeshaa, waxaanay u dhaw dahay inuu iskaga tago meeshaasi, amaba uu toos saaxiga u keeno, oo uu hagaago, joojiyona tuugnimada.
Ogow; daalimku waxba ma dulmiyo, marka uu og yahay in la yaqaano, oo dadku ku baraarugsan yihiin dulmigiisa, wuu is-daadraaciyaa, oo filimka wuxuu ku metelaa qof wanaagsan, oo ceeb-ka-saliim ah, ilaa inta uu ka helayo kanshe uu wax ku dulmiyo.
Ogow; sixirooluhu waxba ma sixro, marka ay dadku og yihiin inuu sixiroole yahay, oo dadku ay iska ilaalinayaan gunnimadiisa iyo sixirkiisa, iyaga oo ka fogaanaya agtiisa ama ka fogeynaya agtooda, ilaa masaafo jimanka uu dadka ku dirayaa aanay waxyeeladoodu soo gaadheynin.
Bal u fiirso sheekadan; boqor dagaalyahan ahaa, oo taariikhda soo maray, dagaallo badanna soo galay, ayaa waxa laga reebay xikmad aad u cajiib ah, mar la weydiiyay “Dagaalka iyo arrimihiisa nooga warran?”, wuxuu ku jawaabay “Anigu; kama baqo nin wata ciidan wada libaaxyo ah, waxaanse aad iyo aad uga baqaa, nin wata ciidan wada adhi ah…”
Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii qawadaan boqorka hadalkiisa, iyaga oo is-weydiinaya; ninka ciidankiisu yihiin wada libaaxyada, ayaaba ah in laga cabsado, ileyn waa sooma-jeedsadayaal aan dagaalka ka gabaneynin, kuna hubeysan Muruq, Miciyo iyo Cidiyo adag oo aan laga badbaadeynine, maxaa ciidan wada adhi ah looga cabsanayaa, oo aan Macaac mooyee waxyeelo kale geysanaynin.
Boqorkaasi hadal xikmadaysan, oo ay ka muuqato waayo-aragnimo dheer ayuu ku hadlay, qasdigiisu waxa weeyi ama waxa uu u jeedaa waa: “Ninka wata ciidan ka kooban rag wada waxgarad ah, oo fahamkooda iyo fikirkooduba toggan yahay, isla markaanna aan la harawsan karin, dagaalka aan la galo ninka wata ciidanka ragiisu noocaa yihiin waan aqaan, maxaa yeelay; dagaalkoodu meel uu ka bilaabmo iyo meel uu ku dhamaado ayuu leeyahay, waa dagaal xeer la isla yaqaanno leh, oo gunnimada iyo miyir-wareenka iyo calaacalka iyo tawaawucu ka reeban yahay, lagana sariigto wixii aan ku banaanayn damiirka iyo dadnimada wanaagsan, waxa raggaa dagaalkoodu ka bilaabmaa waa wax weyn, oo ay ka fursan weyday in la dagaalamo, kolka dagaalku xeerkii uu lahaa ka baxana way joojiyaan, oo waan ogahay raggaasi inaanay sii wadaynin, xataa hadii ninka wataa uu ku khasbo ka yeeli maayaan, yacnii waa keeno-diidyo wada xor ah, kolkaa mar hadii la-dagaalankoodana aan ogahay wixii keenayaa inuu wax weyn yahay, yacnii waa dan guud oo ka wada dhaxeysa iyaga iyo ka wata, sida; aniga oo duulaan gardaro ku qaada ama danihii aanu kala lahayn oo iska hor yimid amaba wax kaleeto oo macnihiisa iyo xadhigiisuba muuqdaan, dagaalkaasi waan ogahay inuu yahay mid dhamaad leh, oo nabad iyo wada-hadal ka dambeynayo, muddo uu qaataba, markaa sabab aan uga baqaa ma jirto…
Se ninka wata ciidan wada awr-kiraale iyo dhangegaalayaal ah, oo ka kooban dad aan waxba fahamsanayn, oo si qaldan wax loogu sheegay ama la harawsaday oo bahda lagala wada baxay, kuwaasoo aan diidaydaba afkoodu kareyn, kadibna ninka wataa uu sida xaydhyo-weynta dabka iyo hollaca ugu gurayo si maxaa kaa galay ah, iyada oo weliba dhimashadooda iyo dhaawacooda midna aanu damqasho iyo dareen u lahayn ama aanay qiimo ugu fadhiyin’e xagiisa ka yihiin looma-ooyaan aan loo raacaynin godobtooda, kuna fushanayo danihiisa gaarka ah ama muraadkiisu si uu ugu qumismo ku baneysanaya wadooyinka ka xidhan, iyaguna aanay sidaa waxba u fahamsaneyne, ay moodayaan in ninka wataa si wacan u wado, oo aanay wax-ku-qaadasho iyo baraarug midkoodna u lahayn sida ay wax u socdaan, iyo godadka ay ku dhacayaan iyo waxyeelooyinka layskaga gudbay, ninka wata ragga noocaas xaalkoodu yahay, aad ayaan uga baqaa, maxaa yeelay; dagaalka aan la galo ninkaa iyo ciidankiisu dhamaad ma leh oo waan ogahay, dad iyo duunyona labada dhinac waysla baaba’aan, eeg adigu hadii aad joojin lahayd dagaalka, iyagaan joojinayn, markaa waa inaad difaacaa sidaad ugu jirto, aad isla bes-beeshaan, iyaguna siday kolba isku soo maqiiqayaan ee hollacu u leefayo, ay ku idlaadaan, waxa kale oo dagaalkaasi cabsidiisa ka mid ah, sida uu ku bilaabmayo lama sii saadaalin karo, wax aan wax lagu dagaalamo ahayn ayuu ka bilaabmi karaa, wax aan macno buuran lahayn ayaa sababi kara, bilawgiisu wuu fudud yahay, sidoo kale dagaalkaasi xeer ma leh, waxa ku badan gunnimada, miyir-wareenka, taaha, calaacalka, ciil-wiswiska iyo wixii laga sariigan jiray oo dhan, waa dagaal noociisu yahay kugu-dhimay oo kaa-dhimay, maxaa yeelay; ciidankan aad laynaysaa waxay baraarugayaan, oo xaqiiqada fahmayaan, marka aad birta dul hayso ama marka xabadu ku dhacdo, ileyn waa la soo qaldaye… ”