Hashu haddii ay Cabaad-dheerayso, Afku-xuublayso ama inta ay cidlo ku foolato, ay bashiishido deedna neefkii yaraa ka dhinto, si ayna u gudhin geeljiruhu neef kale oo ayna dhilin ayuu ku tolaa. Waxaana hashaa loo yaqan sidig ama hooto. Tolidda qaabkan ah waxaan u bixiyay tolidda qabaw ama tolidda sabaalaynta. Ujeedka aan magacan ugu bixiyayna waa falsafadda ku gedaaman habka hasha neefka ayna dhalin loo oggolaysiinaayo, iyada oo aan la xanuujin dhibaatana aan la dareensiin. Runtii waa aqoon aad u xeeldheer, geelyaqaan kastaana aanu farsamadeeda keeni karin.
Hasha sidii toliddii xanuujinta iyo qasabka ahayd looma tolaayo, ee si dagid iyo sabaalo ku jirto ayaa loo tolayaa. Geelyaqaanka aan doonayn inuu xanuujiyo hasha, waxa uu sameeyaa; hasha Cabaad-dheeraysay ayaa inta indhaha laga xidho, laga hoos qadaa neefkeedii dhintay. Neefkale oo bil ama laba jiray ayaa la soo xidhxidhaa, lana soo dhigaa halkii neefka dhintay laga qaaday. Xabkii iyo mandheertii neefka dhigtay ayaa dusha lagaga dalliiga, madaxa illaa dabada ayaana laga mariyaa.
Nafakan la soo xidhidhay afka ayaa laga xidhaa si aanu u yuusin oo hashii dhashay ayna ugu iman. Markaas ayaa hasha indhaha laga furaa, marka ay dhaacato ee ay ku foorarsato waxa ay ka urinaysaa xabkeedii waxayna moodaysaa ilmaheedii. Cabbaar marka dhaacato, haddii ay ku reento geeljiruhu waxuu gartaa in ay ku godlatay. Sidaa ayayna ku oggolaanaysaa neefkii ayna dhalin.
Habkan tolliinka qabaw, waa hannaan falsafad iyo aqoondheeri ay ka buuxdo. Iyada oo aan hashii wax dhibaato iyo xanuujin ah aan loo gaysan, ayaa si nabdoon lagu oggolaysiiyay neef ayna dhalin. Waa xeeldheeri aqooneed oo aad u qotodheer, geelyaqaankana inyar ayaa taqaan habkan qabaw ee fudud.