ERAYO BADANAA LA ISKU QALDO.
#RAAS: meesha aqal soomaaligu ka dhisan yahay ama cabbir dhuleedka uu aqalku ku fadhiyo.
#SABO: agagaarka guriga ee maqashu soo hadh gasho maalintii. wax badan xeryaha kama sii durugsana, guriga haddii marka ay xooluhu soo hoyanayaan ama dareerayaan uu siigo miidhan noqdo waxa la yidhaahdaa waa guri sabo xun.
#KAMBAL: agagaarka guriga siiba meelaha ay maqashu daaqdo gurigana aan ka durugsanayn, marka guriga la joogana maqasha daaqaysa la arki karo.
#DEGEL: meel marka aad aragto aad garan karto in beri hore reer deganaan jiray oo laga sii arki karo raadkii xeryaha iyo ardaayada. Degelka lama degi karo badanaa waayo sida jabadka malaha doog badan oo ka baxa agagaarkiisa.
#GURI-CAS: guri dhawaan laga guuray oo aad ka garan karto xeradiisa cusub, raaskii oo muuqda iyo dambaskii xaabada wax lagu karsaday ka hadhay.
#JABAD: guri laga guuray oo xeryihii baaba’een se la degi karo oo saba fiican leh. Jabadka waxa ka baxa caws fiican sababtoo ah digadii adhiga ayaa nafaqaysay oo waa meel nagaar badani ka baxo.
#GUBAD: guri xeryihiisii ku yaallay la gubay sababo dhawr ah dartood. Tus: si aanay reero usoo degin ama in uu noqday meelo halaq galeen ah.
#YAGLEEL: reerku marka uu guuro haddii uu waayo guri laga baxay oo sabo fiican badanaa meel bannaan ayuu degaa oo markaas baa xeryo cusub laga sameeystaa meesha la degayo waxa la eegaa in ay tahay meel qormo ah.
#QORMO: waa meel leh sabo fiican oo reerka la dejin karo. Badanaa ka hor inta aan guri la yagleelin waxa la eegaa in ay meesgu qormo tahay.
#GURI: Waxa la isku yidhaahdaa meesha la deggan yahay ee ka kooban, xero, ardaa, raas, jabad kambal iwm.
#AQAL:dhismaha kor u taagan ee udbaha, dhigaha, hararka, kebdahq iyo aloolka ka samaysan
Waxa qoray @RASHIID KHADAR