Waa goor casar gaaban ah, salaadii makhrib ayaa soo dhaw, sidii aan u dhex lugaynayay, ee aan kolba luuq iyo sakad uga laabayay, ayaan daalay oo u baahday cabitaan qabow iyo weliba wax aan cuno.
Wadada aan markan socdaa waa faras-magaalaha Addis-ababa, waxaan go’aansaday inaan iska socdo, oo eegmada ku raadiyo maqaaxi haboon, oo aan ku nasto waxna ka cunno, sidii aan u socday ayaan isha ku dhuftay goob ay dad woxogaa ahi fadh-fadhiyeen, oo qaarkoodna cabitaano bun iyo shaah u badani hor yaalaan, dadka qaarkoodna ay cunayeen cuntooyin fudud sida; wax saanwayj iila muuqday iyo haambeegar, kadibna miis yaalay meel koone ah ayaan isha la helay, xagiisana u leexday si aan u fadhiisto. 😋
Markii aan kursigii sidaa u fadhiistay, ayaan hareeraha eeg-eegay, aniga oo isha ku raadinaya shaqaalihii maqaaxida, kadibna waxa soo baxday inan xidhan shaadh cad, oo uu ku xardhan yahay magacii maqaaxida oo af-xabashi iyo ingiriisi kala hooseeya ah.
Inantii aniga oo aan u yeedhin, sidii ay u soo socotay, ayay iskay soo dul taagtay, oo af-xabashi igula hadashay, qiyaastii waxay i weydiinaysay cunno ama cabitaan midkaan rabo.
Kadib si halhaleel ah ayaan ugu idhi “Shaah duqur iyo Saanwayj ii keen…“
Waxay iga daba tidhi: “Shaa duqur… Saanwayj…“
Anna madaxa ayaan kor iyo hoos u ruxay, aniga oo uga jeeda “Haa… sidaa weeyi… wakaa dalabkaygu…“
Inta ay woxogaa aad ii soo eegtay, iyada oo qiyaastii u muuqatay mid is-weydiinaysa su’aalo badan oo laga yaabo inay kamid yihiin “Miyaanu Itoobiyaan ahayn… muxuu af-xabashi kuugula hadli waayay… miyuu is-nasakhayaa…“, mooyi! waxaa ay is-weydiinaysay, ee keenay inay igu dheygagto.
Kadib inta ay iga dhaqaaqday, oo u kacday xagii maqaaxida, ayay waxogaa kadib ba i soo hor dhigtay koob dheer oo biyo kulul ku jiraan, caleentii shaahuna seesarka u dul taalo iyo Saanwayj noociisa aanan hore u arag, laakin markani noqonayo markii labaad ee aan cuno, aadna u dhadhan macaanaa.
Shaaha gartay, laakiin Saanwayjku waxa uu ka kooban yahay Furin/Roodi dhexda ka qalan, oo la dhex dhigay wax tuunbo la moodo, oo hilib u muuqaal eeg, se ka dhadhan duwanaa.
Aad ayaan cantuugada labada can uga buuxsaday, oo kolba koobka dheer ee shaaha iskaga dejiyay, ileyn intii aan magaalada kormeerka iyo dhugashada nooceedu yahay yaan lagaaga sheekeynta ku gaalabixinayay, ayaan ku soo daalayoo, waxan laguu keenay muxuu yahayba maan xasuusan. 😋
Cuntada noocan ah; markan markii ka horeysay ee aan cunay, waxay ahayd mar aan dayuurad raacay, intii aanu hawada maraynay, ayaa cuntadii rakaabka loo qaybiyay ahayd noocan oo kale.
Hadaba markii aan koobkii shaaxa ahaa iyo Saanwayjkii macaanaa isku dhuftay, oo weliba inta aan u yeedhay xabashiyadii yareyd aan ku idhi “Andhi Wahaa…” micnaheeduna yahay xabad/hal biyo ah, deetana ay iigu hal-celisay dhowr wax oo ay is-raacisay, se aan ka fahmay uun Andhi Litir, kadibna kadaba idhi Andhi Litir, aniga oo u fahmay inay i weydiinaysay nooca iyo xadiga caagadda biyaha ah, ee ay ii keeni doonto. 😋
Markii aan caagaddii biyaha ahayd iyana isku qabtay, ee aan nafisay, ayaan si fiican kursigii ugu fadhiistay, oo dib u tiirsaday, ileyn intii hore daalka iska reeb ayaa ii darneyde. 😎
Woxogaa markii aan halkii fadhiyay, salaadii makhribna qiyaastii eedaankeeda afka lagu hayo ama waxyar oo minito ahi ka hadheen, ayaa waxa dhinacayga soo fadhiistay laba nin, miiska iigu soo dhow laakiin woxogaa iga yar durugsan.
Inantii maqaaxida ka shaqeynaysay, oo iyada shaqadeeduba tahay kicitaanka iyo soo-fadhiisiga dadka inay la socoto, ayaa labadii nin dul istaagtay, oo af-xabashigii kula hadashay.
Nimankii mid ayaa kor u hadlay, oo yidhi “Midhinaw… maxaa yaal?“
Hadana kii kale oo isagu ka yar hadal gaabnaa, ayaa isna si hoose u yidhi “Menu… Menu…”, oo sida aan u fahmay uu uga jeeday noo keen warqaddii ay ku qornaayeen cuntooyinka aad haysaan
Labada ninba waa Soomaali, waxaanay u muuqdaan kuwo ku cusub magaalada sidayda oo kale, weliba lahjaddooda marka aan qiyaaso waxay ahaayeen reer Hargeysa ama Burco.
Ninka hadalka dhaadheer tuurayay, marka aad u fiirsato dhiiranaantiisa iyo kalsoonida uu hadalka dhaadheer ku ganayo, waxaad ku qancaysaa inuu ahaa ciyaal-xaafadkii cuslaaday, yacnii abu-jeerin aan filayo inuu dagaallo soo galay ama daydaygii hore ahaa.
Inantii xabashiyadda ahayd iyadu af-xabashigii ayay weli ugu jawaabaysaa, marka kasta oo ay la hadlaan, oo ay fara-taag iyo hadallo cod dheer ku baxaya ku tuuraanba, iyadu way is-bihinbihinaysaa, oo ugu jawaabaysaa hadal qabaw oo u muuqda xaalad dejin, taasi oo aad ka dareemayso luuqadda ay ku hadlayaan gacmaheeda iyo wejigeeduba, qiyaastii inantu waa shaqaale tababaran, oo la soo baray aqoonta macmiil qancinta ama daryeelka macaamiisha loo yaqaan (Customer Care)
Markii ay woxogaa isla dawakheen, oo is-fahmi waayeen, kii nin ahaa ee hadalka dheedheeraana uu cadho kax noqday, isaga oo hareeraha eeg-eegaya, oo kolna inta uu faraha u taago xaga inanta, uu ku leeyahay “Waar! waxan yaa noo af-garta… naa! maxaa yaal? hana dul taagnaane…“, ayaa waxaan go’aansaday inaan u dhawaaqo nimanka, oo ku idhaa “Waar saanwayj iyo shaah ama bun dalbada… intaa way garanaysaaye… anba hadalka uma badine intaas ayaan ku idhiyoo way i fahantaye…“
Hadalkii dheh aan is idhi, welise aanu afkaygii ka soo bixin, ayaa show kii nin ahaa ee hareeraha eeg-eegayay, uu isha la helay qof markaas uun loo keenay Saanwayj-kii anna aan cuni jiray iyo koob shaah ah.
Kadibna inta uu inantii gacanta iyo shaadhkii ay xidhnayd uu isku qabtay, weliba si adag, oo xagii uu ku arkay cunnada uu u jeediyay, ayuu farta ugu fiiqay, hadalna u raaciyay isaga oo leh “Naa… intaasi oo kale noo keen… habaar kugu dhacye…”
Weli gacantii iyo shaadhkii ayuu isku hayaa inantii, oo kolba farta ayuu ugu fiiqayaa miiskii uu ku arkay cunnada, iyana muuqaalka wejigeedu bixinayaa wuxuu sheegayaa inay dhibsanayso sidan uu u hayo, dhowr goor oo ay gacantiisa is-tidhi iska furfurna, way kari wayday.
Markii ay aragtay miiska iyo cunnada uu u tilmaamayo, ayaa inta ay soo jeesatay ay qosol dhoola-cadeyn ah iyo hadal noociisu ahaa Ishi… Inshi… tidhi, ayay hadal kale oo af-xabashi ah ku tidhi, iyada oo weli dhoola-cadeynaysa.
Ninkii inta uu faraha murdisada iyo far-dhexada taagay, isaga oo inanta tusaya, hadana farta ku fiiqay halkii ama miiskii uu cuntada ugu tilmaamayay, ayuu hadal ku yidhi “Intaasi oo kale… labadayada…“, hadana hadal kale ayuu ka daba geeyay “Laba nafar… labadayada… midba mid… haa…“, qiyaastii wuxuu ka shakiyay in ay mooday inay labadoodu Hal-Nafar wada guulayaan.
Ninkii hadalka dhaadheeraa; isaga oo haatan ay ka muuqato woxogaa nafis ah, oo qiyaastii ka dhalatay markii uu fahamsiiyay wixii uu doonayay ama uu arkay, ileyn waa kuwii is-fahmi waayaye halkii ay iskaga kici lahaayeen meesha, bal ugu yaraan inay wax uun ka cunaan, ayaa inta uu ku jeestay kii kale isaga oo qosol dhaadheer laba ridaya uu ku yidhi “Waaryaahe! dee… maxaynu sameyn… hadii aynaan sidii dhagoolaha faraha wax ugu sheegin… yaah… kkkkk…”
Inantii iyada oo weli dhoolacadeynaysa, inta ay u jeesatay xagii ama miiskii ay u tilmaameen, fartana ku fiiqday sidiisii oo kale, oo ay hadana ninkii ku soo jeesatay, ayaa inta ay jeebka kala soo baxday warqad yar oo gobol ah iyo qalin, oo sidiiyooy wax qorayso qalinkii dulqabatay warqadii, ninkii ku tidhi “Ishiii… Andhi Hot Dog… Andhi Bunnaa Wataat…” deetana warqadii ku xar-xariiqday qalinkii.
Hadana kii kale inta ay eegtay, iyada oo qalinkii dul haysa warqadii, ayay af-xabashi kula hadashay, qiyaastii waxay ku lahayd “Saaxiibkaa dalbaye adna maxaan kuu keenaa…“
Labadoodiiba way fahmeen, deetana kii hadalka dhaadheeraa, ayaa inta uu hadalkii ka hororsaday kii kale ee ay inantu la hadlaysay yidhi “Labadayadaba… haa… intaasoo kale… same same…” isaga oo faro-fiiqna u raaciyay.
Iyana way fahantay faro-fiiqii, oo ah in ka kalena doonayo intii kii hore dalbaday oo kale, kadibna inta ay kii wax loo dalbayay eegtay ayay tidhi “Inshii… Andhi Hot Dog… Andhi Bunaa…” weliba dhowr goor ku cel-celisay Andhi Hot Dog Andhi Bunaa, qiyaastii waxa ay rabtaa inay isaga afkiisa ka qaado, si aanu hadhaw isku bedelin.
Halkaa marka xaal marayo, ee ay inantii doonayso inay ka kalena u qorto dalab noociisu yahay “Andhi Hot Dog… Andhi Bunaa…“, ayaa ileyn waatan dhowrka goor ku cel-celisay Hot Dog-ge, nimankii oo yaaban ayaa kii hadalka dhaadheeraa yidhi “Hot Dog… Hot Dog…”
Inta uu kii kale ku jeestay ayuu ku yidhi “Hot Dog… oo kaalay Dog-gu maanu ahayn Eygii…“
Kii kale ee hadalka gaabnaa ayaa ugu jawaabay “Dee mayee wuu yahay… Dog-gu waa Eygii oo af-ingiriisi ah…“
Kii hadalka dhaadheeraa ayaa isaga oo yaaban daymooday miiskii uu inanta u tilmaamay, ee uu cuntada ku arkay, deetana inta uu kii kale ku soo jeestay, ayuu ku yidhi “hmm… oo markaa ma waxaa kuwaasi cunayaan ayaa Ey ah… hilib Ey weeyaan… waryaah…”
Kii kale ayaa isna yidhi, isaga oo isna aad u eegaya miiskii ay cuntada ku tilmaameen, oo qofkii dalabkaasi lahaa uu markaasi uun saanwayjkii is-mariska ahaa hal rudhmo goostay “Waar… eeg… eeg! waxaa maanad arkayn furinka dhexda kaga jira… eeg dee… waxaa dheer ayaa hilibkii Eyga ah dee…“
Kii kale “Yaah… Waaryaa…“
Inantii oo intaaba dul taagnayd, warqadii iyo qalinkiina is-dul haysa, oo isku dhageysanaysa labadii nin, oo kolba ka hadlaya xagiisa eegaysa, walow aanay fahmayn waxa ay ku hadlayaan, hadana ujeedada ay weli u taagan tahay ahayd, iyada oo weli ka sugaysa jawaabtii dalabka ka kale, oo aan weli u xaqiijin in isna uu ku adkeysto in loo keeno Andhi Hot Dog Andhi Bunaa, inantii ayaa markii ay cabaar taagnayd inta ay eegtay kii ay dalabkiisa sugaysay kor u tidhi Andhi Hot Dog Andhi Bunaa, kadibna waata sii jeedsatay, ee u dhaqaaqday xagii maqaaxida.
Ninkii hadalka gaabnaa ee ay inantu la hadashay, oo naxsan ayaa yidhi “Walaahi wataa Eygii inoo doontay…“
Qiyaastii waxay sawirteen ama u sawirmay sidan hoose oo kale
Hadana isla isagii ayaa ereygii labaadna u dhadhamay, oo kolkii hore Dog-ga uunbay fahamkiisa xooga saareen, se haatan ninkii hadalka gaabnaa naxdintii waxay u horseeday inuu ereyga Hot-na isweydiiyo, oo yidhi “Hot… Hot… waaryaah!!! Hot-tuna miyaanay ahayn kuleylkii… yaah…“
Ninkii hadalka dhaadheeraa ayaa ugu hal celiyay “Mayee walaahi way tahay! Hot waa kuleylka…“
Kii hadalka gaabnaa ayaa si dhiiran u yidhi “Ey kulul ayaa la inoo keenayaa… waryaah… hhhhh“
Isaga oo hadalka sii wata ayuu hadana yidhi “Iska daa waynu tijaabiniye… wixii aan ku cuninba waa la cunaa sow tii ahayd… kkkk“
Kii hadalka dhaadheeraa ayaa inta uu qosol ku dhuftay, isaga oo qosol hadlaya yidhi “Hilib Ey oo weliba kulul dheh… daray ah… oo imika la soo qalay… kkkk… xaniid baa Ey la inooga soo jarayaa… kkkkkk“
Kadibna inta uu si degdeg ah, oo halhaleel ah qaylo ku dhuftay, isagoo u baaqaya inantii oo sii galaysa albaabkii maqaaxida, wuxuu cod dheer oo maqaaxida oo dhan laga wada maqlayo ku leeyahay, oo weliba ku celcelinayaa “Nayaa… Nayaaaaa… kkkk… hhhhh…. Anchiiii Anchiii… Anteeee… Naa kaalay nayaa… kaalay naaa….“
Inantii ayaa maqashay hadalka dheer, kadibna xagoodii soo jaleecday.
Markii uu arkay inay soo eegayso, ayaa inta uu inantii u gacan haadiyay, hadana cod dheer ku yidhi “Naa kaalay wasakhadyahay… hhh… anaga Ey ha noo doonine… kaalay waanu badalanaynaaye…”
Kii hadalka gaabnaa ayaa ka hoos leh “Waar bahalka aynu dhadhaminee daa… kkk… eeg! ileyn ku dhiman maynee… sow kuwaa kuwaasiba cunaya… hhh“
Isaga oo qosol hadlaya, ayaa intuu kii kale oo fadhiya hoos u soo deymooday ku yidhi “kkkk… kkk… adigu weligaa baad sakaarooyinka iyo mulacyada daban jirtay… kkk… maadaa wiswisba yaqaan kkk…“
Inantii oo haatan dhoolacadeyntii deysay, oo cadho ka muuqato, iyo weliba hadallo afxabashi ah oo aad garato inay cadho-hadlayso, ayaa soo noqotay oo u timid, deetana hadalkii inta ay ku boobtay, oo u dedejisay, ayay ku tidhi Andhi Hot Dog Andhi Bunaa… Andhi Hot Dog Andhi Bunaa… iyo hadallo kale oo cadho ka muuqato, iyada oo kolba mid eegaysa, oo aan u fahmay inay u jeeday ama leedahay “Waar buuqa yareeya… waxaad noo dirateen sow maaha laba nafar, sow ma doonaysaan midkiinba inaan u keeno Ey Kulul iyo Bun, dee buuqa naga yareeya badawyahay… meesha macaamiil ayaa noo fadhidee… waa maxay dadkan waalwaalan ee noo yimid!“
Abu-jeerinkii qaylo dheere oo weli sidii u taagan, ayaa markii ay inantii sidaa cadhada leh u hadashay, inta uu laacay oo garabka soo gundhiyay, isaga oo haatan gaagaabsanaya, ileyn dadkii maqaaxida fadhiyay oo dhan ayaa xagooda soo wada eegaya, oo dadkii xabashida u badnaa mid yaaban iyo mid cadheysanba indhaha ayaa lagu soo wada daawanayaa.
Kadibna isaga oo inantii weli garabka haya, ayaa wuxuu ku yidhi “Naa eeg! Hot Dog-ga… naga daayoo maxaa kale yaalla… ”
Ninkii wuu arkayaa in aanay afsoomaaliga fahmayn, Hot Dog wax kale oo uu raaciyo waa kaa garan waayay, ee inta uu kii hoos fadhiyay ku jeestay yidhi “Waar maxaynu nidhaa dee…“
Kii kale kuye “Laa dheh dee… Hot Dog laa… No no…“
Intii uu kii hadalka waday, kan kalena inanta ku dhaganaa, ayay inantii aad u sii cadhootay, hadalladii cadhada ahaana sii badisay, oo ay iska gundhisay garabkii uu ku hayay gacantiisa.
Waa ta inta ay dib u booday, oo difaac gashay tidhi “Andhi Hot Dog Andhi Bunaa” ee hadana kii kale eegtay ee ku tidhi “Andhi Hot Dog Andhi Bunaa“
Isna waaka ku yidhi “Hooyadaa baad u sheegaysaa… baajuun yahay… bal wasakhadan eeg! nagu khasbaysa Eyga… dooni mayno… waar meeshan inaga kaxee, kkkk… walaahi Ey baad sheegaysaaye in Dameer la inoo keeniye, ama mid Orom ahoo suqaar laga soo dhigay ayaa safaari la inoogu keeni… kkkk… waar inaga kici meesha… kkk…“
Kii kale qosol waa kaa jaanta wadhay ee yidhi “Walaahi waa runtaaye imikaynu dhawnahaye… meesha aynu iskaga tagno… kkkkk“
Inantii cadhadu kolba way ku sii kordhaysaa, oo hadaladeedu way sii kululaanayaan.
Kii oo weli sidii u taagan, ayaa markii uu arkay in inantii xanaaqday, oo dagaal u diyaargarawday, dadkii meesha fadhiyayna ay soo wada eegayaan, oo xaaladii cirka isku shareertay, ayuu hadana is yidhi inantii deji, oo inta aan talo faro ka haadin, inanta gacanta soo qabato, oo hoos ula hadal.
Kolkii uu xageedii u dhaqaaqay, isagoo ku tiraabaya “Eeg! dee walaal… eeg! anchii ha nagu khasbin waxaanaan garanayne… bal kaalay horta soo dhawoow, aanu hoos dalabkayaga kuugu sheegnee, ha cadhoone kkk iska badaw baanu nahayoo kkk… dadkiina waa kuwan nala yaabane… kaalay horta is-dejiyoo…”, markii uu laacay, isaga oo doonaya inuu gacanta soo qabto, waata dib uga booday, ee doon-doonatay wax ay ku dhufato ama iskaga celiso.
Ninkii inta uu kursigiisii ku noqday, oo saaxiibka iska ag fadhiistay, ayuu yidhi “Naa anuu dooni maayo Ey, ama soo kulayli ama seeko ka soo dhig… wallay ka tahay… sidaasaa ban anigu imika wiswis ku sii qaaday… waaryaa…“
Inta uu yar eegay kii kale oo is-gamaarinaya kursigiisii, ayuu hadana ku jeestay inantii oo halkii ka soo dhuryamaysa, oo weliba haatan ay u soo gurmadeen laba kale oo shaqaalaha ka mid ah, isaga kamaba qasna, kolna wuu hamaansanayaa, kolna madaxuu gacanta marmarinayaa, wuxuu si kaftan ah u yidhi “Naa kan u keen… kanaa rageedii ahe… kkk… anigu wiswis socdaan ahaye…“
Isaga oo weli hadalkii yaabku ka muuqday sii wata ayuu yidhi “Waaryaahe… weligay tanoo kale… Ey Kulul… Hot Dog… haaye hilib Ey uun may tidhaahdo… yaah… Dhog Mayd…“, inta uu kii kale ku jeestay isaga oo hubsanaya saxnaanshiiyaha hadalkiisa, ayuu yidhi “Hilibku sow Mayd muu ahayn?“
Kii kalaa u saxay oo yidhi “Miit… miit dheh… Dog Meat…“
Isagii oo yaaban kuye “Dog Meat maxay u odhan weyday? oo Hot Dog u tidhi? yaah… way kugu cunsiinaysaa dee… way ku qurxinaysaa… macnuhu waa imikaa dabka laga soo qaaday…“
Kii kale kuye “hhhhh… Baarixi maaha… imikaa laguu soo qalayaa… imikaa laguu dubayaa ama shiilayaa… kkk“
Labadiiba waa kuwaa ku dhuftay qosol dhaadheer, iyagoo midba mid riixayo ama gujinayo, yacnii way yaab dhameysteen.
Anigiina waataa aan jidhidhicooday, ee hadalkiiba uu igu gudhay, ileyn waxaan ahay nin isagu Ey Kulul mar horeba cunaye, waxaan hoos isku weydiinayay “Oo kaalay saanwayjkuna ma magacyo ayuu sii kala leeyahay… yaab badanaa… yaah… farta dalqada ma iska gelisa sidii Abubakar Sidiiq, oo ma iska soo matajisaa… yaah… bal itixaankani! ” 🤮
Kadibna waanigaa degdeg iyo halhaleel intaan ula soo baxay mobilkeygii, oo aan Internet-kiina furtay, is idhi bal baadh cunada magacan leh xaqiiqadeeda.
Iyada oo aanan weli si fiicanba u sii baadhbaadhin, ayaa xaaladii labada nin iyo inantu cirka isku shareertay, kadibna ku jeestay iyagii.
Marka xaal halkaa marayo, waxa soo kacay nin odey aad u da’a weyn ah, oo xabashi ah, oo ka mid ahaa dadkii maqaaxida fadhiyay, wuxuu u tagay inantii oo bartii difaac kaga soo jirta, oo soo dhuryamaysa, kolna labadii shaqaalaha ahaa ee u yimid wax u sheeg-sheegaysa, odeygii inta uu inantii si fudud gacantiisa dhabarka uga saaray, oo u soo dhaqaaqay xagii nimanka, iyana gacantii ku soo yar riixay, fahantay iyana inuu xagii nimanka u wado, ayay talaabadii la soo qaaday.
Markii ay labadoodii oo wada socdaa dul yimaadeen miiskii ay labada nin fadhiyeen, ayuu inantii afxabashi kula hadlay, qiyaastii wuxuu weydiinaayay “Maxaa dhacay? Sidey wax u jiraan?”
Inantiina waa taa si kulul afxabashi ugu hadashay, iyada oo labadii nin kolba mid farta ku fiiqaysa, oo waxa laga fahmayaa keliya tahay Andhi Hot Dog Andhi Bunaa.
Deetana markii ay dhowr goor ku celcelisay Andhi Hot Dog Andhi Bunaa, ee kolba mid farta ku soo fiiqday, iyada oo hadalkii wada, ayaa uu ninkii hadallo dheere hadalkii ka dhex galay, oo inta uu hore u soo fadhiistay, oo miiska gacmaha dul saartay, qiyaastii odeygan dhexdhexaadinta ku jira ayuu ixtiraamayaa, uu yidhi “Eeg! waxaad ku tidhaa Hot Dog-gan ay sheegayso noo badal, cunto kale miyaanay oolin…“
Deetana odeygii; ayaa intuu gacantiisii ka qaaday inanta dhabarkeeda, oo u soo dhaqaaqay xagii nimanka, weliba aad ugu soo dhawaaday, isaga oo hadalka debcinaya, oo qiyaastii damaciisu yahay si maangal ah ula hadal nimanka, ayaa afxabashi wax aanay fahmin ku yidhi, kadibna nimankii waa kuwaa indho caag ah ku eegay, isna fahan in aanay xabashi ahayn, oo fahmaynin afxabashiga, hadana odeygii oo hadalka sii wata ayaa yidhi “Both of you ordered Hot Dog and Buna… right… as she said…” deetana wuu aamusay odeygii, isaga oo xagooda soo eegaya, oo wejigiisu bixinayo muuqaal muujinaya inuu jawaab ka sugayo labada nin.
Nimankii; kii hadalka gaabnaa ayaa hoos u yidhi “No dheh… noo badal Eyga Kulul…“
Ninkii hadalka dheeraa ayaa isagoo la hadlaya odeygii yidhi “Eeg! Hot Dog waanu dalbanay laakiin maanu garanayn wuxuu yahaye, noo badal ku dhex inanta, ileyn warqadda uunbay ku qortaye miyaa la sameeyay…“
Kii kale ayaa hadana hoos u yidhi “No hot dog“
Kii kale ayaa isna kor u yidhi “No… no no hot dog… no…“
Odeygii ayaa isna yidhi “But you already ordered it, why? hmm… hmmm… why? hmmm… why you…” ayuu dhowr goor ku celiyay, inta uu gacmaha kala fidiyay, oo midba jiho u fidiyay, qiyaastii waxaan u fahmay “Hadii aydaan dooneynin Eyga Kulul, waaba la idiin soo qalay, oo inta saantii laga rogay, la soo kariyaybee, maxaad u dalbateen? maxaad inanta u khasaarinaysaan?“
Kolkaa waxay u muuqataa inay inantu been sheegtay, oo odeyga ku tidhi “Dalabkooda waaba la diyaariyay…“
Ninkii hadalka dheeraa; markii uu arkay in odeygii xagooda uun soo eegayo, oo iyaga uun jawaab ka sugayo, oo ay kaga dhagtay Why? inantiina hadalladeedii u bateen Hot Dog… Hot Dog… oo weliba marba marka ka dambeysa ay inantii indhaheeda ilmo kasoo buuxsamayso, oo iyadoo qamuunyaysan ay hadlayso, ayaa ninkii hadallo dheere inantii ku jeestay, oo si debecsan u yidhi “Naa eeg! hadalkan badan inaga joojiba… waxan aad la ooyayso… anuu cidan ku dishay garan maayo’e, wuxuunbaynu kala iibsanaynay, anana in aanu wax cunno ayaanu meesha u soo fadhiisannay, adna inaad wax iibiso ayaad meesha u furataye… eeg! lacag waanu sidanaa, ha moodin in aanu ku dhacayno ama kaala baxsanayno… eeg! Eyga Kulul naga daayoo Sac Kululba noo keen… hilib lo’aad noogu badal… ma ceebbaa?“
Kii kale ayaa ka hoos yidhi “Kaaw kaaw… dheh… Hot Cow… dheh…“
Cod dheere inta uu kan hoos u hadlaya eegay kuye “Yaah… Waar Axmato… dee miyaanay sidaa ahayn… noo badal ma ceebbaa? miyaan lays odhan jirin?“
Kii kale ayaa isaga oo hadalkiisii hore u sii saxaya yidhi “Haa… haa… mayee waa sidaa aad tidhi… Hot Cow noogu badal uun… waaba intaa…” inta uu kii kale ku jeestay ayuu raaciyay “Hot Kaaw dheh… kaaw dee waa saciiye… hilibkii lo’da… kaaw… kaaw…“
Cod weyne oo haatan fahmay waxan uu saaxiibkii kaawda hayo, ee uu uga jeedo, ayaa inantii xageeda eegay, oo si dhiiran ugu yidhi “No Hot Dog… No no… Hot Cow… haa Kaaw…“, deetana isaga oo dalabkii imika inanta u saxaya, ayaa inta uu kolna isagu farta isku fiiqay kolna saaxiibkii farta ku fiiqay uu yidhi “Hot Cow… Hot Cow…“
Kii kale ayaa isaga oo u nacamleynaya, oo ta’kiidinaya hadalka saaxiibkii ama muujinaya inay labadoodaba sidaasi go’aan ka tahay, sidiisii guux hoose ku yidhi “Waa sidaa… hadalkan badan iyo buuqaba inaga soo yareeya…“
Odeygii xabashiga ahaa oo yaaban, oo labadoodii kolba midka hadlaya eegaya, oo aad ugu fiirfiirsanaya muuqaalkooda guud, ayaa yidhi “Midhinaw Hot Cow…“, qiyaastii odeygu nimankan dhinac uu u qaado ayuu garan la’a yahay, ileyn muu maqal weligii recipe ama nooc cunto ah, oo la yidhaa Hot Cow.
Ninkii hadal dheere ismabuu dhibine, isna aayar uun buu intii hore ugu celiyay “No Hot Dog… no… Hot Cow… yes yes…” deetana inta uu kii saaxiibkii eegay ayuu isna ku yidhi “Meeshan nac… aynu nimid maxay ahayd? ma iskaga kacnaa niicdani? yaah… waar axmato!!!“
Odeygii xabashiga ahaa, oo aan filayo inuu ahaa aqoonyahan gaamuray, wuxuu nimankii uu aad ugu fiir-fiirsado, oo u dhuuxo waxan ay wadaanba, haatan way u dhacday, oo wuu fahmay qasdigooda, wuxuu dareemay ama garawsaday waxan ay nimanku diideen, ee ay dalabkooda u bedeleen, inuu yahay Dog-ga, ileyn waa kuwan halkii Dog-ga ahayd uun ku badalay Cow’e, Hot-dii labadii meeloodba way ugu jirtaa, Dog uunbay ku bedeleen Cow.
Kadibna odeygii inta uu ninkii hadal dheere xagiisa eegay ayuu ku yidhi “Muslim… “
Kolkaasay labadoodiiba yidhaahdeen “Haa…” iyaga oo xataa madaxa ruxay, ileyn inaanu Haa fahmayn ayay haatan dareensan yihiine.
Odeygii xabashiga ahaa, hadana wuxuu ku yidhi “Somali… Not Itoobiyaan“, malahayga markan wuxuu gartay, in aanu dhaqankan rabshadda u badan, ee kalsoonida qayral-caadiga ahi la socotaa, ka jirin Itoobiya ama aanu hore u arag.
Kolkaasay hadana sidii hore oo kale is-raaciyeen “Hiihi… Haa…” iyo madaxa oo ay ruxeen.
Kadibna odeygii xabashiga ahaa; inta uu ka dhaqaaqay, ayuu tagay miiskii uu markii hore ka soo kacay, oo ay fadhiyaan koox dhalinyar iyo odeyo isugu jira, waxbuu ugu sheegay afxabashi, isaga oo kolna labadii nin soo eegaya, kolna afxabashigii sii wata.
Kadibna kooxdii uu afxabashiga kula hadlayay, ayaa mar kaliya qosol aan kala go’o lahayn ku wada dhuftay, iyaga oo kolba labadii nin soo eegaya, oo isku soo tilmaamaya, ilaa xad qosolkii wuxuu qaarkood gaadhsiiyay intay fadhiga ama kursiga ka kacaan, ay dhinac ula baxaan iyaga oo beerka is-haya, intoodii kalena kolba dhinac isugu dul dhaceen qosol dartii.
Xataa inantii qamuunyaysnayd kolkii dhawayd, ee indhaheeda ilmadu ka buuxday, ayaa iyana qosol ku dhufatay, markii ay maqashay hadallo ka soo duulduulayay kooxdii odeygu u warramay intii ay qos-qoslayeen, kadibna ay duulduulkaasi ka fahantay waxa kooxdu ku qososhay.
Waxaan u malaynayaa qiyaastayda in odeygu ku yidhi kooxda, oo uu kaga qosliyay sidan “Waar bal labadan warab ee badawda ah eega, waxay ku leeyihiin muslimiin baanu nahay, oo hot dog-ga ma cunayno’e, hot cow noogu badala, badawnimadooda waxay Hot Dog moodayaan in hilib Ey uu yahay…“
Labadii nin markii ay arkeen in iyaga lagu soo qoslayo, ayaa kii hadalka dheeraa uu fikiray, oo yidhi “Waar meesha inaga kici, tuush baynu cararnee, kaawdii baa la diideye…” kadibna wuu kacay, oo dhaqaaq is-yidhi.
Kii kale ayaa ku dhagay faraqa, oo soo fadhiisiyay isaga oo ku leh “waar… naga fadhiiso hayna ceebayne, yaan la moodin inaynu tuug inanta dhacaysay ahayne, meesha ma halkeenii ayaad moodeysaa… walaahi in bahbahdaasi aan xabashidu aqoonin, naga fadhiiso yaan alambaqa layna geyne! halka xaal ku dambeeyo ayaynu eegiye…“
Kolkii hadal dheere arkay in saaxiibkii ay ka dhab tahay, ayuu kursigiisii ku soo noqday.
Kii kale oo hadalkii sii wata ayaa yidhi “waar… walaahi waan hubaa… cow waa sacca… wax kale ayay ku qoslayaane sug aduu… iyagu ha ina kiciyaan… oo ha ina eryaan… intii la ina eryan lahaa…“
Mr hadal dheere oo haatan hadalkii dhaadheeraa hoos u dhigay, ayaa yidhi “Hadaanay Cow-da ahayn, hadaa maxay baajumahaasi ku qoslayaan… hilib Ey dooni maynee hilib Lo’aad noo keen… maxaa qosolee ku jira? mise kii cadka ahaa ayaa ina wanjalay? kii aynu moodaynay inuu inanta ina dhexdhexaadinayo ayaaba ina wanjalay malaha? yaah… xabashidu diin ma haystaane… walaahi isagaa inna wanjalay… iska daa… markii uu u tegay uun miyaanay wada qoslin? yaah… bal baajuuntaas eeg!“
Kii kale ayaa isaga oo yaaban, oo hadana yar khajilsan yidhi “Waar waa runtaaye meesha ma isaga kacnaa… sow kuwan maada inaga dhigtay maaha… kkkk… dhidid baabay igaga keeneen xabashidii… kkk…“
Ma waxaanu khajilin, oo dhididin baa, ileyn waatan xagooda uun la soo wada eegayo, oo weliba wixii uu odeygu kooxdii u sheegay, miisaskii kalena gaadhay, oo badi dadkii meesha fadhiyay ku soo wada eegayaan labadii nin indho yaaban, iyo wejiyo qaarkoodna qosolka isku celinayaan, halka qaarna ay midkoodba midka kale qosolka ka joojinayaan, calashaan nimanka ha ka xanaajinina ileyn waa kuwan weli fadhiya’e, ee arkaya in iyaga lagu maqan yahaye, halka dadka qaarkood, oo dhalinyar iyo dumar u badan, uu qosolkii weli ka go’i la’a yahay.
Abu-jeerinkii hadallo dheere ayaa sidaa u eegay saaxiibkii, oo wejiga uu ka saar-saaran yahay dhidid aad dhibco roob moodo, deetana intuu kursigii ka kacay, ayuu yidhi “Waar meesha inaga mari hooyadoodna ina qaban maysee, maxaynu ka cunay ee ay inoo raaci…“
Kii kale ayaa isna kacay markii uu saaxiibkii dhaqaajiyay socodka ilaa dhowr talaabo, isaga oo yar muusoonaya, oo dadkii ku soo qoslayay isna raacinaya qosolka, ayuu talaabada hoosta ka xaday, oo si dhuuban oo degdeg ku jiro u gaadhay saaxiibkii hadallo-dheere, oo isagu xayndaabkii maqaaxida mar hore dhaafay, oo meel halkeer ah sii socda.
Kadibna markii ay isa soo gaadheen, ee ay woxogaa u socdeen xagii wadada weyni maraysay, se weli hadalkooda badankiisu igu soo duul-duulayo, ayaa uu Mr. hadalo dheere oo show weli maskaxdiisu rogrogayso, oo baadhayso waxa dadku ku qosleen, uu hadalladiisii dhawaqa dheeraa ku yidhi “Waar Cow-da weeyi walaahi… anaa gartaydee… eeg! kaawda ayaan ahayn kaawda aynu moodnay… kkkk… waar! waad i hor dhigtaye iska daa! adna… kkk… anigii baad kubad dhagaxa ii dhigtaye… oo faruhu i laabmeen… eeg! kaawda ayaa xabashidu wax kale u taqaannaa… anuu sidaa waan dhaafin waayay…“
Sidii ayaanay ku libdheen, iyada oo dadkii maqaaxida fadhiyay qaarkood ay weli sii hadal hayaan nimankii, oo qosolkii iyo ka-sheekayntoodii weli wadaan, kana fahmayay tilmaanta ay isku tilmaamayeen halkii labada nin ka kaceen, iyo inantii oo kolba miis looga yeedhayo, oo kolka ay wax u sheeg-sheegto, qosol jaanta la wadhayo.
Aniguna markii ay xaraaraddii go’day, ee qosolkii badnaa joogsaday, waanigaa degdeg ugu jeestay moobilkeygii, oo sidii aan markii Internet-ka u furay ku ilaaway, dabka moobilka oo iga sii dhacayayna, uu u dhaw yahay inuu is bakhtiiyo, waanigaa baadhid qoto-dheer ku bilaabay Internet-kii, aniga oo doonaya inaan ogaado Hot Dog waxa laga sameeyo.
Alxaasil; horta waxaan ogaaday in aan cunnadani Hilib Ey ku jirin, sababta loogu bixiyayna tahay Naanays uun, siday ugu baxday taariikh dheer ayay ku sheegayeenne, halka magaca labaad ee loo yaqaanaana yahay Tube Steak, waxa kale oo iga farxisay markii aan ogaaday in cunnadani ka sameysan tahay hilib iyo khudrad kala duwan, oo la isku farsameeyay.
Sidii aan u baadhayay; markii aan ogaaday in aan Eygu magaca mooyee meel kale ka soo gelin, naxdintii badnayd way iga ba’day, waxaa se hadana shaki igu abuuray, markii aan ogaaday in Hilibka ku jiraa nooc kasta noqon karo, ha noqdo hilib-lo’aad ama hilib-digaag ama hilib-doofaar.
Waxaan mar is-idhi; inantii intaad u yeedho, ma weydiisaa “Horta markii dhaweyd wixii aad ii keentay muxuu ahaa? hadii ay ku fahmi weydana toos ugu dheh, Hot Dog-gii aad ii keentay een anna caloosha u dhaadhiciyay Alle ha ii shifeeyee hilibkiisu muxuu ahaa?“
Hadana markii aan tashi dheer dib iskula noqday, waxaan nafta ku qanciyay “Waar adiga oo sidaadaa u mooganaada ayaa laguu qaatay, wixii dambena ka dhaarta uun cuntadaasi ileyn waad barataye, bal eeg! imika waad shakisan tahay uun, laakiin ma hubtid in wixii aad cuntay uu doofaar ku jiray, hadii se aad weydiiso, oo ay kuu xaqiijiso ka waran, sow wiswis ku dili maayo… waar aayar isaga kac meesha, yaan sidii nimankii xabashidu kaa xaraabaysanne...”
Kadibna albaabka ayaan ka soo booday, oo degdeg kaga soo baxay maqaaxidii.