Wuxuu yidhi:
Nin muqayil weyn ah, oo weliba abu-jeerimiintii daydayga ahayda, ayaa waxa tashkiiliyay koox odeyo u badan, oo tabliiqiyiin ah.
Odeyadu ninkan wey garanayeen, oo waa isku xaafad, markaa maalin ayay gelinkii dambe ugu tageen halkii mijiliskiisu ahaa isaga iyo muqayiliintii kale, oo jilbuhu u laaban yihiin.
Kadib wacdi qiiro leh ayay gaw uga siiyeen, sidii caadada u ahayd ee tabliiqiyiinta lagu yaqaanayna waxay u soo bandhigeen kooxdii mijiliska ku qayilaysay inay khuruuj u baxaan, weliba ninkii isaga ahaa ayay odeyadu aad ugu adkeeyeen inuu baxo 40-cisho, isna kamuu diidine isaga oo odeyadii ixtiraamaya, maadaama oo ay ahaayeen culimo bulshada sharaf ku dhex lahayd, wuu ka aqbalay inuu khuruujka u raaco.
Ninkani; waa nin aad u cadho badan, oo dagaal badan, oo cay badan, odeyaduna wey og yihiin xaaladiisa, oo waaba sababta ay isaga u bartilmaameedsadeen, iyaga oo doonayay inay ninka qalbigiisa soo hagaajiyaan, oo khuruujkaasi habdhaqankiisu ku soo bedelmo Inshaa’a Allaah, isla markaana xaaladan qalafsan ee uu ku jiro uu kaga soo baxo.
Kadibna maalinkii bixitaanku ahaa, ayaa ninkii loo geliyay khamiis aanu weligii intuu noolaa xidhanin, oo uu hore ugu yaqaanay diracii dumarka oo kale, cumaamadna inta madaxa loo soo huwiyay, ayaa labadeedii dacal midba dhinac ka yaalaa wejigiisa, bal may duubkii jihaadiga ahaa ama kii khaliijiga ahaa ee quruxda badnaa ugu duubaan cumaamada 👳, mooyaan! kaaga daranta ninkanoow gadhna ma leh, wallow uu yahay nin da’diisu 40-ka dhaaftay, hadana waa dadka abuur ahaan aan uba dhalanin timaha gadhka ka soo baxa.
Ninku waa nin dheer, khamiiska loo xidhayna waa mid dheer, oo aad garato sida loogu qiyaasay, in saacado badan ay odeyadii uga soo dhex baadhayeen bundadii jimcaha la furayay ee Cadceed-Supermarket.
Ninkii markii uu aqalkiisii yimid si uu u qaato go’ii iyo cawdii uu ku seexanayay, ee uu aqalka soo galay, ayaa uu inankiisii arkay, kadibna inankii inta uu hooyadii u yimid ayuu ku yidhi “Hooyooy waxa yimid Aabo oo aanad ka garanin islaantii Koos Daahir”
Ninkii oo la moodo islaantii Koos Daahir, ayaa raacay jameecadii lagu daray gaadhigii ay wateen, isaga oo khaati ka taagan khamiiskan loo xidhay, oo kolba khamiisku dabrayo, oo turaanturoonaya, ileyn wuxuu ahaa abu-jeerin calaa dhinac u socon jiray, oo socodkiisu talaabo dheere yahaye.
Ninkii iyo jameecadii uu la socday waxay gaadheen masaajidkii Markiska, halkaasi oo qorshahoodu ahaa inay ku nastaan dhowr cisho, kadibna la is-qaybiyo oo odeyada mid mooyee inta kale way soo noqonayeene, ay ku hubsadaan ninkan khuruujka, oo la raaciyo jameeco 40-cisho u baxaysay meel magaalada ka durugsan.
Dhowrkii cisho ee Markiska lagu nasanayay ayaa ninkii qiyaamihiisu kacay, ileyn waa nin balwad lahaaye, xaraaradii ayaa indhihiisa ilmo ka keentay, oo noqday sidii mid xasaasiyad ku kacsan tahay, maalinkii koowaad labadii gelinba wuu is-adkeeyay, oo xataa lagama dareemaynin waxba, wallow uu istiilayay, hadana waa nin adage isaga oo ixtiraamaya culimada iyo jameecooyinka is-dhaaf dhaafaya masaajidka, wuu adkeystay.
Maalinkii labaad waa kaa hamaansi bilaabay, ee labada gacmood iyo afkiisii kala dhamaan waayeen, ileyn adkeysigii waa gabaabsi, oo itaal baaska waxa uu is-leeyahay bal yaan lagu arkin uun afkan aad kala waaxayso, ee hamaansanaya.
Maalinkii sadexaad hamaansigii wuu sii batay, wooooooooooooow… xataa cod iyo shanqadh ayuu yeeshay, oo qofka fadhiya dibada ayaa maqlaya marka uu hamaansanayo codka uu sameynayo, weli se ismuu dhiibin abu-jeerinkiiye intaa dadaal ayuu ku jiraa, iyo raaligelin uu inta ag-fadhida ama u dhaw-dhaw uu ku marxabeysiinayo.
Maalinkii afraad keenada ayuu dhigtay, oo adkeysigii wuu ka wada dhamaaday, cadhadii badneyd ee uu caanka ku ahaanna wey soo haysaa, isaga oo isku canaanaya inuu soo raacay ama ka aqbalay odeyadu khuruujkan ay ula yimaadeen, waxa uu hoos isugu leeyahay “Waar dee aduu maad ahayn nin khuruuje… baajuumahan inaad is-dhaafiso ayay ahayd… adigoon caayin miyaad waayi lahayd cudurdaar aad sheegato oo ay kugu daayaan… waar waad ku degdegtay oo ixtiraamkoodii ayaa ku qaaday… naga daa…”
Ninkii Koos Daahir u eekaa, isaga oo yaaban, oo cidiyo gurtay, oo faraha fiiq fiiqaya goor casar gaaban ah, oo dhex taagan deyrkii weynaa ee masaajidka, ayaa waxa arkay Odeygii lagaga tagay, ee lagu sii balamiyay.
Odeygii inta uu soo garab joogsaday, ayaa isaga oo doonaya inuu ninka yar diiriyo, uu hadalka ku gubay oo yidhi “Waar maxaad sidii wax waalan faraha la fiiqfiiqaysaa, orod oo Quraan akhriso… oo ka qaybgal kheyrka gudaha ka socda ee jameecooyinku xalqad-xalqadda ugu fadhiyaan… hee… dee… maxaad imika leedahay… xalay shuuradii ma ka qayb gashay… bayaankii ka waran miyaan qalbigu ku dhaqaaqin… dee hadal… yaah…”
Odeygu waa nin weyn, oo wuu fahmayaa xaalada ninku ku jiree, se wuxuu doonayaa inuu dhiirigeliyo oo aanu is-dhiibin ninku.
Ninkii intaa uu hadlayo odeygu juuq ma leh, waxaad moodaa in kooraankii ka go’ay, hii iyo haa midna laguma oga.
Kadibna odeygii inta uu dhabarka ka yar dhirbaaxay, ayuu xagii masaajidku ahaa u tukhaantukhiyay, isaga oo ku leh “Orod soo dhageyso xalqadaha kheyrku ka socdo, halkan ha u taagnaan sidii wax waalane…”
Kadibna xagii masaajidka ayuu u dhaqaaqay, isaga oo cadheysan, oo jiq ah, meel dhexe isaga oo sii maraya, ayaa koox dhalinyar u badan, oo baco iyo jawaano u sii walwaalaya xaga hudheelka ah, ee habeenkii cuntada lagu cuni jiray, uu mid ninkii Koos Daahir garabka qabtay si adag, oo yidhi “sheekh nala qaad baarakalaahu fiik, nala qaad sheekh, oo kolna cumaamada soo gundhiyay, kolna khamiiska soo jiiday“
Koos Daahir ma nafbaa ku jirta, waa meyd socdee, tiisiibuu qaadi kari la’a yahay, oo ay hadimo iyo gujana ugu darayaan, waa kaa is hayn kari waayay, ee furka ku tuuray “Na sii daa Ho… Baajuun yahay…” dirqi ayuu isaga qabtay inuu feedho ama gacan u qaado.
Nimankii dhallinyarta ahaa iyaga oo yaaban ayay waxoodii iska sii walwaasheen, iyada oo qaarkood hoos isu-weydiinayaan “sheekha maxaa helay? Ma… Malaha waa kuwii…” 🗣️😒😒
Deetana markii hadalladoodaasi ku soo yar duuleen, gartayna inay ku tuhmayaan caafimaad-daro, ayuu hadana is-hayn kari waayay, inta uu kabta la baxay, oo xagoodii ula orday, isaga oo khamiiskiina sidii dumarka faraqa hoose gacanta kor ugu soo laabay, si aanu orodka uga dabrin, oo doonaya inuu kabta mid ku dhufto, ayuu cod dheer ku yidhi “Hooyadiin baa waalan… baajuumayahow…” 🙃
Dhalinyartii xafar iyo orod hal-haleel ah ayaa midba meel kula cararay 😱🏃♂️
Kadibna Koos Daahir kabtii oo uu la seegay, ayuu ka daba tagay oo soo qaatay, isaga oo intaa caytamaya, oo kaaga daranta codkiina ka dalacmay, ileyn intii uu is-adkeynayay, ee uu ixtiraamka muujinayay, codkiisa weyn wuu ilaalinayay, oo sidhinka hoos ayuu u hayay, imika se mooyaan! Wuu is-ilaaway, oo cadhadii ayaa ka tan badatay 😕
Odeygii ayaa loo sheegay in Koos Daahir uu dhalinyar kala xaraasay, kadibna inta uu u yimid ayuu ku yidhi: “Waryaahe… ma taasaad keentay… orod bal soo maydho 🚿, oo soo weysayso, laba rakcadoodna tuko… waar ma I maqlaysaa…”
Kadibna odeygii wuu ka dhaqaaqay, isaga oo cadho muujinaya iyo inuu ka xun yahay waxa uu sameeyay 😣😣😣
Koos Daahir haatan wuu dareemay inuu qaldamay, oo uu yar taraaraye, odeygii si wanaagsan ayuu ula hadlay, oo taladiina wuu ka qaatay, kadibna inta uu caagad shan litir ah dhaansaday 🧺 ayuu suuliga la galay, oo ku soo maydhay 🚿, oo soo weysaystay, oo masaajidkii galay, laba rakcadoodna inta uu tukaday, ayuu tiir la fadhiistay Quraan akhris 📖
Marka salaada cashaa’I laga baxo, waxa masaajidka markiska lagu qabtaa wacdi ay yidhaahdaan Bayaan, marka wacdigaasi dhamaado weli waa fiid goortu, laakiin jameecooyinka masaajidka jooga badankoodu waa xilliga ay seexdaan, oo markaasi ayaa boosaska fiican ee xaga gulucaha aan dhaxanta lahayn xiga ama roogu yaallo la sii kala qabsadaa, waa sidii uu berigaasi ahaa, imika masaajidka roogu wuu wada gaadhsan yahay, se berigii hore qaybta hore ayuu roogu yaalay, inta dambe qayb ahaan caw ayaa ooli jirtay, halka in badan oo kalena uu marmarkii oo nadiif ahi muuqday.
Hadaba ninkii Koos Daahir marka bayaanku dhamaado, ileyn weli waa fiide, isagu inta uu dibada uga baxo masaajidka, ayuu intan deyrka dhexdiisa kolba meel iska yar fadhiistaa, oo ku soo caweeyaa, wuxuu soo noqdaa masaajidkii oo khiikhda iyo khururuftu is-qabsatay, oo khuurada la isugu jiibinayo, kadibna halka ugu sokeysa, ee markaa banaan ugu muuqata ayuu cawdiisa yar iska dhigan jiray maalmihii hore.
Maalinkan laga cadheysiiyay, ayaa isaga oo cadhadii ka degi la’adahay, uu go’aansaday inuu gelin horeba iska seexdo, kadibna iyada oo weli bayaankii socdo ayuu meel guluc ah, oo dugsoon uu dhigtay cawdiisii, intii bayaanku socday dhegtana wuu kala socday, indhahana wuu isku hayay.
Kadibna markii bayaankii dhamaaday, isaguna uu seexdayba goor hore, wallow aanu gama’asanayn hadana ay indhihii aad isugu dhageen, ayaa waxa soo dul-joogsaday koox jameeco ah, oo qudhoodu dhallinyar u badan, kolba mid ayaa meel ka taabtay, qaarkoodna wey guj-gujinayaan si uu u tooso.
Markii uu soo hambabaray, ee uu arkay dadkan la hadlaya ee hareera jooga, waxa uu si yaaban u weydiiyay “Waar waa maxay dee?”
Kuye: “Sheekh halkan aad seexatay waa booskii jameecadayada, anagaa halkan qabsannay?”
Waa runtoodoo; sida imikaba maalinka jimcaha iyo masaajiddada casharrada lagu dhigto, ay cumaamada iyo kitaabka ama tusbaxa u sii dhigtaan, kadibna uga tagaan, ayaa Markiskana ay u sii qab-qabsan jireen makhribkaba ama goor ka sii horeysa, oo kutub iyo caw, ama mid ayaa ay sii fadhiisiyaan aaggaa ay doonayaan inay seexdaan caawa, oo jameecada wada socotaana in isku dhaw-dhaw oo isu muuqata ayay wada seexdaan.
Koos Daahir naftu shalay maahe doraad waa taa ka baxday! Wuuuuuuuuuuuuuuuuuw… 😣😠👿
Hurdadii lagu badhjaray iyo cadhadii hore ee uu qabay iyo, waxbaa isugu wada biiray, ninkii oo kolba mid isku maqiiqaya, oo qoorta maroojinaya, mid gacanta maroojinaya, mid kor u baacinaya, mid xuurto ku bakhtiinaya, waar ninkii oo jameecadii ku dhex dhacay, oo kolba mid saloolanaya, ayaa odeygii gurmad loogu doonay.
Odeygii markii uu dagaalkii ka soo kaxeeyay, hadalkiiba umuu badinine wuxuu ku yidhi: “Waar orod oo soo maydho 🚿, oo soo weysayso, laba rakcadoodna tuko, halkan ay kugu haystaanna isaga fogow oo halkaa dambeba cawdaada iska dhigo… ma meelbaa bilaa hurdo ah… meel walba waad ku gam’aysaaye…”
Koos Daahir cadho ayuu jiq yahay, inta uu ka baxay masaajidkii oo uu woxogaa yar warwareegay deyrka weyn ee masaajidka, ayuu goor dambe caagadii shan litirleyda ahayd dhaansaday 🧺, oo ku soo maydhay 🚿, dhaxan badannina may jirinoo iska diirimaad ayuu habeenkaasi ahaa, kadibna wuu soo weysaystay, oo laba rakcadood ku tukaday cidhifka ugu dambeeya masaajidka, markii uu salaadii dhameystayna, isla bartii inta uu cawdiisii la kala baxay ayuu is-laabay, oo seexday.
Hada ogow; waa maalinkii afraad oo ay naftii ku sii daba yar tahay, dagaallana uu galay.
Maalintii shanaad; oo odeygiina weli uu raadinayo jameeco ku haboon ninkan, oo uu ku daro, ayaa goor duhurkii ah ay hadana Koos Daahir is-khilaafeen qof kale, kadibna uu la dagaalamay.
Odeygii markii loo sheegay sidii hore oo kale, inta uu bartii khilaafku ka dhacay ka soo kaxeeyay, oo uu woxogaanna yar waaniyay, ayuu ku yidhi “Waar wax yar baaba inoo hadhayoo, weynu ka guuraynaa masaajidkan kugu adkaadaye, orod soo maydho 🚿… oo soo weyseyso… oo tuko… kadibna iska seexo waaba duhure…”
Koos Daahir xagaa iyo xagaa toona isaga oo aan eegin, ayuu shan litirleydiisii qaatay 🧺, oo soo maydhay 🛀, oo soo weysaystay, oo tukaday, kadibna woxogaa inta uu cadceedda isku yar dhigay, ayuu goor casarkiiba soo dhaw yahay is-yidhi seexo, ma hurdaa u imanaysa.
Wuu qaadireysan yahay, oo wuu xaraaroonayaa, oo wuu cadheysan yahay, oo kol baajuumihii niicda ula yimid ayaa shaydaanku tusayaa, oo is-leeyahay ma ku kacdaa, oo la soo dagaalantaa, hadana wuu is-qabanayaa, waar ninkii oo madaxiisii noqday kaantroolkii CCTV-ga, oo tobaneeyo shaashadood mar u wada furan yihiin, oo qadaadka u jiifa, ayaa go’aan ku gaadhay inuu meeshan iskaga baxo.
Kadibna albaabkii deyrka weyn inta uu degdeg uga soo baxay, ayuu u soo lugeeyay maqaaxiyihii oo u jira woxogaa, waagaasi masaajidka Markisku waxa uu ahaa dhismayaasha ugu bariyeeya, waxa maalmahaasi la dhisay guriga quruxda badan ee Ina-afdiinle, imikana Hospitalka laga dhigay, oo masaajidka isna ka sii bariyeeya.
Koos Daahir maqaaxiyihii inta uu ka iibsaday mijin qaad ah iyo baakidh sigaar ah, ayuu si fiican isaga fadhiistay, oo khamiiskiina inta uu kor u duuduubay, uu sidii shaadhka oo kale ka dhigtay, cumaamadiina dhexda ku xidhay, halka hoostana uu ku deystay surwaalkii khamiiska oo kaliya, ninka ma wax baa helay! waxaan yareyn baa ku dhacaye 😎
Odeygii oo baadidoonkiisa ku jira, oo waashmaankiina u sheegay in salaadii casar uun waxyar kahor uu albaabka ka baxay, ayaa yimid maqaaxiyihii, ileyn waa nin weynoo filinkiisa oo dhan ayuu fahmayaaye.
Kadibna maqaaxidii uu fadhiyay ayuu soo galay odeygii, oo isa soo dul taagay Koos Daahir oo aanay kaba qasnayne, si fiican lugtu ugu laaban tahay.
Odeygii hadal wuxuu ku soo koobay: “Waaryaahe… soo kacoo ina mari…”
Koos Daahirna wuxuu ugu hal celiyay: “Sheekh geedkaasi uun aan qaniinee I yar sug, walaahi tel baan ahayoo far ma dhaqaajin karayee…”
Odeygii inta uu xagii albaabka maqaaxida u dhaqaaqay, ayuu yidhi: “Waar soo kac… waxaa iska daayo…”
Koos Daahir ismuu sii adkeyne wuu soo kacay, qaadkiina intii u hadhsanayd inta uu duuduubay ayuu caloosha geliyay, oo dulacii surwaalka ku adkeeyay, khamiiskiina ku sii daayay, kadibna wuu ka daba yimi odeygii oo meel halkeer ah sii socda.
Markii uu soo gaadhay odeygii,
Ayaa odeygii hadlay oo yidhi: “horta bushaaro! waxaan inoo soo helay jameeco xaafadeenii u badan, oo beri subaxa hore baxaysa, labadeenuba weynu raaci doonaa, kolkaa imika isa sii diyaari, oo sii maydho 🚿, oo salaadii casarna ka daba tag weli way joogtaaye, intaan gabbalku kaa dhicin…”
Koos Daahir; oo show ninku indhawaydba wuu yaabanaa, isaga oo hadalka yar kala reebaya, ayuu odeygii ku yidhi: “Sheekh… dee… dee… haaye… waxaan garan laayahay… waxan igu ba’ay ee aad iga meydhayso🛀?”
Inta uu kolba labadiisii gacmood gees ka eegay, oo kolna sii jeediyay kolna soo jeediyay, kolna maradii sidaa uga xayiigay, isaga oo aad ugu fiirfiirsanaya gacmihiisa, ayuu hadana hadalkii isaga oo sii wata yidhi “Waxan igu dheggan… ee… een… iga go’I la’a… ee aad iga meydhayso 🛀 ayaan garan la’ahay…”
Isaga oo weli labadiisii gacmood eeg-eegaya, oo kolna cagaha khamiiska ka feydaya, oo iyagana eeg-eegaya ayuu hadana yidhi: “shalay casarkii waadigii igu yidhi maydho, ee aan maydhay, xataa qurus saabuun 🧼 ahna waan ku maydhay, hadana waadigii habeenimadii fiidkii igu yidhi maydho, ee aan maydhay, hadana markii waagu baryay wadigii duhurkii markii aanu is-dilnay ninkii igu yidhi maydho, ee aan maydhay, imikana… dee… dee… waxan igu dhegan muxuu ahaa… een… yaah… anagaa wax aragnay… Illaahbaa igu og! sidii aan biyaha ugu dhex jiray ayaan biyo soconaya noqday, oo aan da’ayaa… ilaa iyo markii aanu masaajidka nimid biyuun baanu ku dhex jirnaaye, maxaa sheekh igu yaala ee aad iga maydhaysaa?”
Odeygii inta uu yar qosley, oo hadana hadalka isna ku gubay, ayuu ku yidhi: “Waar is-qabooji ayaanu ku leenahay… si cadhadani kaaga ba’adee… maa… ma waxbaa kugu yaalla, sowdigaa nadiifta ah, bal wuxuu nagula hadlayo eeg… marka aad biyo isku shubto, ee aad weyso iyo salaadna ku darto, sow ma qaboobaysid, oo cadhadii iyo shaydiinkii ku saarnaaba kaa degi maayaan, waar orod oo soo maydho imika ayaanu ku leenahaye hadalka joojiyoo…”
Haatan waxay u dhawaadeen masaajidkii, markii ay galeenna, Koos Daahir isaga oo xagaa iyo xagaa midna aan eegin ayuu shan litirleydiisii soo biyaystay 🧺, oo suuligii la tagay, si uu u soo maydho 🚿.
Ujeedooyinka Sheekadani Aanu U Soo Qornay waa:
- Qormadani waxay si guud uga waramaysaa berri hore iyo wixii ina soo maray, sideedaba qofku marka uu yaqaan halka uu ka yimid, waxa uu yaqiinsadaa sooyaalkiisa nololeed xawaaraha uu ku socdo, waxa uu isbarbar-dhig ku sameyn karaa halka uu ka yimid iyo halka uu hadda joogo, waxa u dhadhama halka uu joogo marka halkii uu ka yimid ay dhaanto.
- Qormadani waxaad ka dhex ogaanaysaa in xidhashada khamiiska xilliyada qaar la qariibsan jiray, maantana waxa aynu markhaati ka nahay, in khamiisku ka mid yahay dharkeena caadiga ah, kaasi oo ay xidhaan badi raggu yar iyo weynba, iyada oo aan la qariibsanin xidhashadiisa, sidii hore u dhici jirtay.
- Qormadani waxaad ka ogaanaysaa saameynta ay balwaddu ku leedahay qofka, iyo sida ay qofka wanaagiisa u legeddo marka uu xakamayn waayo.
- Qormadani waxaad ka ogaanaysaa in culimadii hore ay dadkooda miyirqab iyo tudhaale kula socdeen, oo culimadii hore ay kolba sida ugu haboon ee wanaaga diinta dadka loo gaadhsiin karo ay yeeli jireen, halka maanta aynu markhaati ka nahay, in culimada joogta badankoodu aaminsan yihiin, in dadka diinta lagu khasbo.
- Qormadani waxaad ka ogaanaysaa koboca iyo baaxada magaalada Hargeysa, oo waagaasi masaajidka Markisku ahaa ka ugu bariyeeya ama bari ugu xiga, maantana degsiimooyinka iyo dhismayaasha magaaladu aad u gaadheen una dhaafeen masaajidkaasi.
- Qormadani waxaad ka ogaanaysaa in culimadii hore ay dadku ixtiraami jireen, oo aad u sharfi jireen, xataa dadka aan ehlu-diinka ahayn ayay agtooda haybad ku lahaayeen, oo hadalkooda iyo go’aanadooda ku soo celin jirin may iyo diidmo, halka badi culimada maanta saaxadda diinta ku jirta aynu ognahay heerka ay bulshada ka joogaan, waxa loo sharfi waayayna tahay wax iyaga laga arkay.
- Iyo wax badan oo qofba si ugu muuqanaya…