Shit!! Laydh Waynaa 😎

Waxa ay tidhi:

Habeen ayaa aniga iyo ninkaygu is khilaafnay, sidii aan u doodaynay ayuu khilaafkii nala sii fogaaday, dabeeto inta aan ka xanaaqay ayaan damcay inaan qolkaba uga baxo.

Markii aan kadinka kasii baxaayey, ayuu xaga danbe ee dirica isoo qabtay.

Anna maan eegine waxaan ku idhi “Isii daa niyow farahaaga iga qaad, waan kaaga baxaya guriga wallaahiye isii daa, waar ma rabbo hadalkaaga inaan dhagaystee farahaaga iga qaad, waardee masoo fadhiisanayaan ku idhiyee maad isii dayn.”

Markaan saacad dhan buuqayey ayaan xagga danbe eegey.

Waxaan arkay ninkaygii oo halkii uu fadhiyey aan kaba soo kicin.

Markaasaan eegay wixii igu dhagsanaa.

Shaw markii aan sii baxaayey ayuu handaraabka albaabku diricayga qabsaday, anna waxaan moodayey isagii oo i maslaxaya.

Shit!! Laydh Waynaa.

Intaan handaraabkii iska furay, oo aan qoslay, ayaan iska soo ag fadhiistay.

#Xigasho

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?