Sheekh Cabdiraxmaan waa nin dhallinyar ah, oo aniga wax yar iga weynaa, waxa aanu isku baranay baraayfatka, oo aanu luuqada Ingiriisida ka wada dhigan jirnay waagii aanu yaryarayn, wuxuu ahaa xaafidul-Qur’aan diintana aad u dhex galay, oo marka aad aragto da’diisa iyo aqoontiisa diimeed aanay isu kaa qabaneynin, sidoo kale waxa uu ahaa nin aad u degan, oo akhlaaq fiican, marka uu kula hadlayo codkiisa qofka kugu xigaa maqli maayo, dhacdadani ama sheekadani waa beri hore iyo wixii jiray.
Walow sheekha aannaan isku xaafad ahayn, xaafada uu magaalada ka deganaana aqoon u lahayn, hadana saaxiib ayaanu ahayn inta aanu private-ka wada joogno, badanka waanu is-ag fadhiisan jirnay, konfarsayshankana waanu isu camiri jirnay, fahankiisu cajiib ayuu ahaa, oo casharka marka la dhigayo ayaa ku filnayd, naqtiin ama inuu habeenkii soo akhriyo sida ardeyda kale umuu baahan jirin.
Sheekh Cabdiraxmaan baraayfatkii markaanu muddo wada dhiganaynay, ayaa midba meel kale u kacay, oo aanu kala baadnay, waxa noo xigtay maalin aan ku arkay masaajid xaafadahayaga ku yaalay, isaga oo salaadii ku tukanaya, kadibna markii aanu is-aragnay ayaanu isku soo cararnay, oo isu soo boholyownay, ileyn waanu kala baadnaye.
Meel maqaaxi ahayd oo masaajidka u dhawayd ayaanu u shaah doonannay, intii aanu sheekaysanaynay sh. Cabdiraxmaan hadalkiisii waxa uu u batay yamxeero iyo hadallo taban oo niyadjab ka muuqdo, si aan u weydiiyo waxa helayna garan waayay, sheeko kasta oo aanu bilawno wuu soo gaabiyaa, ama shoodh baabu igu celiyaa, waan ka waayay bashaashadii aan ku aqaanay iyo, afkiisii mar kasta qosolka iyo dhoolacadeynta badnaa, ee wada kaftanka ahaa.
Kadibna waan aamusay, isna aamus, woxogaa markii aanu kala aamusnayn, oo midkaayaba shaahiisii firiqsanayo, ayuu isagu hadlay oo yidhi “Niyaw inaan wax ku weydiiyo ayaan doonayaa ee ila tali, mise waan iska daayaa niyaw garan maysidoo nin yar baad tahee?“, kolkaa xilligan muuqaal ahaan waa nin aad iiga weyn, oo gadh woxogaa ah iyo jidh xoogan ayuu leeyahay, anna weli bilaa gadh ayaan ahay, waagii aanu barayfatka wada dhigan jirnay midkaayana gadh muu lahayn.
Markii uu hadalkaa yidhi, ee uu hadana gocashada raaciyay, waaniga kula booday hadal ee idhi: “Dee ha iska deyne na weydii, wixii aanu garanno waanu kuu sheegiye…”, aniga oo markaa hamuun u qaba in aan ogaado, waxan uu la niyadjabsan yahay saaxiibkay.
Kadibna woxogaa inta uu aamusnaa, oo uu hareeraha kolba dhinac eegay, isaga oo u muuqda mid gudaha ka tashanaya, ayuu hadalkii bilaabay, wuxuu yidhi: “Waar niyaw adigu… waan kuu sheegiye… berigii aynu barayfatka wada dhigan jirnay, habeenkii waxa aan Qur’aanka u dhigi jiray reer aanu jaar nahay caruurtooda, inbadan ayaan carruurtaa wax u dhigi jiray, kadibna beri dhawayd ayaa reerkii ii soo bandhigeen in aan inantooda guursado, anna waan ka aqbalay oo waan guursaday inantii, imika waxaanu is-qabnaa muddo ilaa sannad ku dhaw, niyaw sanadkaaba waan u dulqaadanayay, oo khaati ayaan ka joogaa inantii, waxay iga haysaa inaan furo iyo inkale, niyadjab ayaan subax kasta ku soo toosaa, hadana ku hoydaa, aniga oo ka sii warwaraya aqalkii iyo qoftii aan xaaska ka dhigtay, niyaw maxaan sameeyaa! ma iska furaa tolow?“
Markii uu hadalkaa yidhi, aad ayaan uga naxay, aniga oo wax aan ku hadlo garan waayay, ileyn sidan uu sheekhu u niyadjabsan yahayna wax loo dulqaadan karo maaha, oo waxay kugu kalifaysaa inaad tidhaa “Haaye… Haaye… iska fur inkaar-qabtada farxadii kaa lumisay…“, marka aad qiimeyso qoys dhisnaa oo muddo sannad ah wada-joogeyna inaad burburkooda dhiirigelisaa, maaha wax lagu dhiiran karo.
Cajiib! doondoonay oo doondoonayoo… si aan u helo hadal ku haboon, oo waxan ay u geysatay ku weydiiyoba, waanigaa soo saari waayay, kadibna anigoo hadalka kala xadaya, oo kala reebaya, inta aan indhaha isku qabtay, ayaan iska soo jaray: “een… een… hmm… oo markaa ma jadh bay keentay…“
Sh. Cabdiraxmaan wuu igu qoslay, oo ereyga “Jadh” ayuu fahmi waayay, oo uu i weydiiyay, qudhaydu se miyaan garanayaa, waxaan ka maqlaa uun dhallinyarta oo isku leh: “Jadh buu keenay iyo… Jadhbay iila timid iyo waxaasi…“, sheekhu waa nin qunyar-socod ah, oo aan saaxiib la ahayn ciyaal-xaafaddada ama dhallinyarta aan ehlu-diinka ahayn, kolkaa afsoomaaligiisa waxa ku yar qaybta suuqiga ah, oo inbadan wuxuu ku weydiinayaa “ereygaa maxaad uga jeeddaa? ama waxaa aad tidhi muxuu ahaa?“, mararka qaarkood ayuu ku odhanayaa “Aar! miyaad na cayday, waa maxay waxaa aad tidhi weligay ma maqale?“
Aniga oo aan uga jawaabin ereygii “Jadh” ee uu i weydiiyay, ileyn anba garan maayo’e, ayaa intaan hadalkii ka dhex galay hadana weydiiyay: “Haaye… Haaye… maxay kugu haysataa ee aad u geysatay… ma meherkii ayay kugu haysataa…“, inta uu yar dhoolacadeeyay, kuye: “Sanad ayaanu is-qabnaa ayaan ku idhiye meherka maxaa meesha keenaya…“, hadana mar kale iska baadhbaadhay weydiin aan ku godlo’oo, waxaan ku idhi: “Hadaa miyaad is-disheen?“, kuye “Alla Alla maxaa dil keenaya, miyaanay xaaskeygii ahayn…“, kadibna wuu aamusay isaga oo aad garato in murugtii ku soo noqotay, bal hadda eeg! qiyaastii waxa i qabsaday shoodhadh habaw ah, oo aan loo meel-deyin, anigu xilligaa ma waxaan garanayaa xaasasku waxyaabaha ay isku qabsadaan, ama waxyaabaha khilaafaadkooda keena inta badan, may! garan maayo! waxa se muhiim ii ahayd, oo aan doonayay inaan ogaado, waxa uu ku furayo xaaskiisa.
Shoodhkii hore aniga oo aan kasoo kaban, ayaan hadana woxogaa kadibna iska soo jaray “… Dee waayahaye maxaa idinku dhacay, maxaad u fureysaa?“, intuu hareeraha eeg-eegay, oo afka ii soo dhaweeyay kuye “Dee hoos u hadal, maxaad la qaylinaysaa…“, waa runtiiyoo codkaasi wuu iga yar dalacmay, ileyn waxaan la gagabsanaa shoodhadhkii habawga ahaa ee uu igu celiyaye.
Kadibna waan iska aamusay, shaaheygii oo aan mar hore heemiyay, ayaan goror ka baadh-baadhay, intaan koobkii afka jajabnaa kor isugu soo foorariyay, oo ffiiffffff-da iyo carabka oo aan kolba geerkii koobka mar-marinayo isku mashquuliyay.
Woxogaa markii uu aamusnaa sh.cabdiraxmaan, ayuu igu yidhi “Niyaw berigii aynu barayfatka dhigan jirnay, ereyga [Baby] mxxx… miyuuna… een… een..“
Isaga oo hadalkii ku mer-merganaya, oo aan si fiican u wada odhan, ayaan ka boobay hadalkii oo ku idhi “Baby-du miyaanu ilmihii yaraa ahayn… ilmaha yar ee muujada ah…“
Kolkaasuu sh.cabdiraxmaan la soo booday “Sow maaha… walaahi weli ingiriisidii berrigii waan sii hayaa...” kadibna wuu aamusay, oo hareeraha ayuu iska eeg-eegay, calashaan wuu is-mashquuliyay.
Anna markii aan arkay inuu is-mashquulinayo, oo aanu diyaar u ahayn inuu dhameystiro hadalkii kala dhinnaa ee ereyga “Baby” ku saabsannaa, waan iska aamusay, oo sidiisa ayaan hareeraha eeg-eegay, ma shoodh kale ayaan taag u hayaa! may.
Woxogaa kadib, sh.cabdiraxmaan isaga oo yar dhoolacadeynaya ayuu isoo eegay, wuxuu igu yidhi “Warsamoow bal ka warran hadii qof kugu yidhaa Baby… maxaad u qaadan lahayd?”, inta uu hadana hadalkii iga hororsaday, ayuu yidhi “…een! een… Wixii hore iskaba ilawoo… reerkaygii iyo wixii aan kaaga sheegayoo… bal hadii qof kugu yidhaa Baybi… maxaad u fahmi lahayd?”
Qiyaastii wuu kala-hadlayay, oo raad-gadasho ayaa uu hadalkiisu u muuqday, cilmi ayuu doonayaa inuu igala baxo, anna waan arkaa, oo u ujeedaa, intaa wuu qoslayaa, oo dhoollacadeyntii wuxuu u badalay qosol ikikiii iyo ahahaaa miidhana, laakiin mushkilladiisu waxay noqotay, hadalba iima ogolaanayo, kolkuu mid soo tuuraba inta uu qosol gaagaaban dhex raaciyo, ayuu hadana mid kale ka daba keenayaa, anoo kii horeba wada fahmin ayuu hadana mid kale odhanayaa, se; alxaasil gunaanadkii hadalkiisu waxa uu ku soo dhacay “Hadii qof kugu yidhaa Babi maxaad u fahmi lahayd?”
Aniga oo isleh intaanu hadalka sidiisii kaa boobin, oo aanu mid kale kaa hor keenin kaga horee, ayaan is-xariifin ku idhi “Dee! Ciyaal baad tahay… nuunuu ayaad tahay weeyaan…” ileyn nin ingiriisida sadex baraayfat ka soo dhigtay ayaan ahayoo, calashaan ku-wadh-wadhay bahalka’e, Alloow Alle! Xaqiiqdu se waxay tahay; maxaan baraagtiiska ka dhuuntay, oo marka baraayfatkii Al-Imra baalaha layskaga rifayo samuurada hoosteeda, aan ka gabbaday eegmada macallinka, oo isku beegi jiray innamada feedhaha waaweyn, si aan macallinku ii arag, oo ii odhanin soo kac adigu, Illaahayoow aqoon-darrona ha nagu cadabin eexna hanagaga tegin, ayay dadkeenii hore odhan jireen.
Shakhsiyan; inkasta oo aan waxbarashada jeclaa nooca ay doonto ha noqotee, fahamkeyguna Illaahay mahadii wacnaa, hadana waxan aan ka gabbanayay, ee aan diidanaa waxa uu ahaa, qaab-darradii waagaa dadka wax loo bari jiray, qolyaha bareefadadu waxay sameyn jireen, inta ay wiil iyo gabadh isku soo kiciyaan, oo samuuradda hoosteeda la istaajiyo, iyada oo fasalka laga yaabo inuu qiyaastii tirada ardeydu gaadheyso 50 ilaa 80 ardey, ayaa labada qof ee samuurada joogaa isku qaylinayaan, calashaan midba midka kale ayuu cod dheer ku waajahayaa, oo faraha iyo indhahaa la isku weerarayaa, oo mararka qaarkood la isku soo muruxsanayaa, oo la is-waa-waabinayaa, iyada oo midba midka kale u diidan yahay inuu ka cod dheeraado, la isma dhageysanayo, labada qofba way qaylinayaan, kolkaasaa qofkii dabeecad xumi marka laga cod dheeraado, dhowr goorna la waabiyo ama laag lagu dhufto, uu dagaalamayaa oo gacanta la isula tagayaa, ogobeey; waxan ay labada qof akhrinayaan, ee mid waliba codka dheer ku leeyahay, maaha hadal waaqica ka turjumaha, oo ay kala roganayaan sheegidiisa, casharadii uu hore macallinku u dhigay, ee curisyada ahaa, tusaale ahaan; curis ama cashar mawduuca uu ka waramayaa yahay waxbarashada iyo qiimaheeda, mid kale oo caafimaadka ka waramaya, mid xoolaha ka waramaya, iyo qaar kaloo badan oo hore loo soo dhigtay, ayaa ardey waliba dhakada ka soo qaybayaa sidii Qur’aanka, kadibna maalintaa quarrel-ka ama murranka loo leeyahay, kolba labadii ardey ee macalinku isku soo kiciyo, mid waliba casharadii hore inta uu qaybsan yahay ayuu dareerinayaa, oo codka dheereynayaa, mid curiskii waxbarashada ka hadlayay ayuu dudubinayaa, halka qofkii kalena curiskii caafimaadka ka waramayay uu dudubinayo, waa yaan lagaa cod dheeraan, ama lagaa xanaajin, dad-weynaha wadada marayaa marka ay arkaan labada ardey ee isku qaylinaya iyaga oo ingiriisida dudubinaya, ayaa dumarka iyo inta aan fahmeynin odhan jireen: “Maashaa Allaah! maxay wax barteen, ingiriisidii ayay isugu hanjabayaan…”, weliba marka laba ardey iyaga oo quarrel-kii ku jira, uu midi arko qof waayeel ah ama dadweynaha ka mid ah oo dibada ka soo daawanaya, ayuu isasii xariifin jiray, oo waabinta iyo gujada uu ku badin jiray qofka kale, Yaa Kariim!
Aan ku soo noqdo’e; markii aan Baybi ugu micneeyay “Nuunuu ama ciyaal muujo ah ayaad tahay…” Sh.Cabdiraxmaan inta uu hadalkii haw la soo yidhi, isagoo weli qosolkii gaa-gaabnaa wada, ayuu hadana yidhi “hhhh… bal hadaba ka warran hadii gabadh ama naag ay ku tidhaa Baybi… hhiii… bal ka waran horta…”
Intaan aamusay woxogaa, ayaa hadana naftii iyo shaydaankii dhibka badnaa igula taliyeen “Hays liidin waad taqaan ingiriisida’e, u sheeg waad taqaanaaye…” is-xariifintii iyo waataad ingiriisida dhigataydii intay I qaadday, ayaan si quman u idhi: “Hadii naag kugu tidhaa Baybi… Alla! Dee! Dee… Way ku caydaye… Ciyaal baad tahay ayay ku leedahay…”
Shaw ileyn burkaba bahal kama filan! Oo maxaad iila yaabi, ereygaasi [Baby👶] si’ ahaantiisa mooyee suuqdigiisa miyaan maqlayba, Alloow eexna ha nagaga tegin Aqoondaranna ha nagu cadaabin, Aaamiin.
Ninkii Sh.Cabdiraxmaan; waa kaa mar keliya wejigiisii is-badalay, ee qaroof iyo giir iska kiciyay, indhihiina ay casaadeen oo xinjir dhiiga noqdeen, waa kaa madaxa meermeeriyay, ee kolba doc deymooday, intaa wuu isla hadlayaa, oo hadallo aan maqlayo se aanan fahmeynin, codkiisa oo gaaban awgeed ayuu leeyahay, mar kac ayuu is-yidhi oo hinqaday, hadana wuu fadhiistay, qiyaastii orbitkeygiiba wuu ka baxay, oo firikuwensigii aanu ku wada jirnay wuu ka wareegay, qaabka uu u dhaqmayaa waaba ka’anna in aanay cidiba la joogin, ee uu keligii yahay.
Aniga oo yaaban; waxan ku soo kordhayna garan la’a, ayaan garabka ka yar taabtay, ileyn dhowr goor oo aan la hadlay, nuu iyo naa midna kama heline, isaga uun baa isku maqnaa, taabashadii waxaan u raaciyay hadal aan si hoose u idhi “Cabdiraxmaan maxaa ku helay… waad hadlaysaa hadana waxan aad ku hadleyso xabad kama fahmayo’e…”
Isaga oo dibinta cunaya ayuu xageyga soo eegay, oo yidhi: “Waar waan iska furayaa… aniguba sidaasi ayaan u fahmay… ma haysanayo… waan furayaa… waan furayaa…”
Anigii oo noqday Caduur dhawdhawdu uma dhacsanna, ayaan hadal hambabar ah ku idhi: “Maxay dee… maxaad ka hadlaysaa ee baas… maxaad furaysaanna…”, oo akhristoow maxaanan u yaabeynin! sowkan kolba mawjad ii geeyay, ee kolba badweyn ila galay, ee ii dabaal-joogteynaya, qiyaastii dhiishka ayuu I dhaqaajiyay, sheekadii xaaskiisa uu furayay waxay ku beegnayd markii aanu salaada casar ka soo baxnay, ee aanu maqaaxida shaaha ka dalbanay, sheekadaasi inyar ayay socotay, haatan oo salaadii makhrib waxyar ka hadhsan tahay, waxaanu ku jirnaa oo aanu wada wadnaa sheekooyin kale, oo kala wada madax banaan, sheekadii u horeysay ee gabadhiisa uu furayay iyo wixii ku saabsanaa oo dhan, goor hore ayaan ilaaway, sownagii markan u dambeysay wada wadnay Ingiriisidii waayo-waayo, oo aan xasuus ku daawanayo, xilliyadii baraagtiiska la sameyn jiray iyo macalimiintii iyo ardeydii kala du-duwanayd ee aanu wax wada dhigan jirnay iyo, waa maxay hadana jadhdhan uu keenay, xaqiiq dhiishkii ayuu I dhaqaajiyay.
Inta uu hadalkii isagu ku ceshaday, isaga oo baalla-deymoonaya, oo hadalka hoos u dhigaya, ayuu yidhi: “Markay baybi igu leedahay, sow ima yasayso… ihi… oo ima liidayso, ciyaal baad tahay saw maaha… Illaahay baan kugu dhaarshee miyaad haysan lahayd qoftaasi Warsamoow… waar saaxiib nabadgelyo tan hawsheeda waan iska soo gabagabeynayaaye, inteen u dulqaatay…”, kadibna waabu istaagay, oo gacanta ii soo fidiyay salaam ahaan, isaga oo isu diyaariyay inuu dhaqaajiyo.
Anna inta aan istaagay, oo gacantii uu iigu soo fidiyay salaanta maca-salaameynta ahna ka gudoomay, ayaa maan sii deynin gacantiiye, aniga oo gacantii salaanta ku xejinaya weydiiyay: “Ma xaaskaagii aad lahayd waan furayaa, ayaa kugu tidhi Baybi?”
Kuye “Haa! Aniguba waan garanayay in Baybigu yahay ilamaha yare muujada ah, oo berigii aynu ingiriisida dhigan jirnay, anigaaba kaaga fahan fiicnaa, oo kaa weynaaye, waxaan waxaas oo dhan kuu weydiinaayay, waxaan is-lahaa bal inuu jiro si kale ama wax kale oo Baybi loo yaqaan… markaa qofta sidaa ii liidaysa… bal warsamoow Illaahay baan kugu dhaarshee… maxay u jeedaa? Sow maaha bahdilid? Miyaanay ninnimadeydii wax ka sheegeyn?”
Aniga oo yaab dhameystay, oo hadalka kolba inyar u soo tuuraya sidii qasabad naqas ku jiro, oo ileyn dabin ayaan ku jiraayoo, is-xariifinteydii ahayd ingiriisida ayaan aqaannaa waxay haatan maraysaa, in ay reer dhisan galaafato’e, sheekhii oo aan weli gacanta ku dhagannahay, isna uu doonayo inuu iska kay furfuro oo tago, ayaan ku idhi: “Maxaad u fahantay adigu?”
Kuye: “Dee ma fahanbay u baahan tahay, sidaa ereygu yahay ayaa macnihiisuna yahay…”
Hadana waxaan ku idhi: “Armay da’da u jeedaa… waar waan kaa weynahay ayay ku leedahay… iska daa… anigaa fahmaye inantu saw kaama weyna?”, aniga oo woxogaa nafis ah yar dareemay, ileyn god aan ka naqdiyo fahamkiisa ayaan helaye.
Kuye: “Weyni’aa… waar anaa toban goor ka weyn… ta yari waa carruur… hadii aan qiyaaso da’deydu way ku soo libinlaabmeysaa da’deeda…”
Waanigaa hadana ku idhi, aniga oo weliba helay god kale oo aan hadalka ka dhiibto, oo uu isagu ii furay: “Dee… haddaa mar hadii ay caruur tahay, miyaanay iska ciyaareynin, hadalkeedu ma wax kasoo qaad ayuu yeelanayaa…”
Kuye: “Waar Dee… caruurnimo sidaa usii yar maahee… sowtan xaaska ah ee aanu qabnoba… waar niyaw anigaa fahmaya dee… saw ma aqaan, oo ma fahmayo kitaabkeeda iyo khawaadkeeda oo dhan, eeg way ii sarbeebaysaa, oo gogosha kuma fiicnid ayay I leedahay, oo u jeedaa, diinteeda oo dhan baan fahmayaa, saw wax qurbaha iyo xagaggaa gaalada laga keenay maaha… kolka horeba anagaa degdegnaye mid aan rag hore soo arag, oo nadiif ah ayaan halkeenan ka heli lahaaye, waan degdegay… Islaanta reerka mas’uulka ka ah oo qof wanaagsan ahayd ayaan walaahi diidi kari waayaye, guurba diyaar umaan ahayn…”.
Waa ka doonay gacantii oo aan weli ku dhaganahay inuu igala baxo, anna inta aan labadeydii gacmood isugu geeyay, oo xajiyay si aanu iiga muruxsan, ayaan hadana hadal kale ku tuuray, oo ku idhi: “Waar haaye sheekhna waad tahay, oo cafiska iyo dulqaadka wanaagooda waad taqaanne… een… een… ma hadalkaasi uun baa mise dagaal iyo wax kalena way la socdaan…”
Kuye: “May! May! Oo hadii wax kale ii raaci lahaayeen, sannadkaaba maanu wada joogi lahayn, dhibkeedu waa hadalkaasi uun oo walaahi aad ii damqay, kana adkeysan kari waayay, waar sannadkaa dhan murrugo iyo ciil ayay ii ahayd… laakiinse; maxay kaaga taallaa oo cafis iyo dulqaad kuu tari, mar hadiiba ninnimadaadii la diidan yahay, oo ciyaal baad tahay lagu yidhi, dee horta ma joogid bay leedahay halkaasi… ileyn raggu runta ayay wax ku yihiinne… Warsame! Eeg! Meesha Qur’aan uguma dhigo, nin iyo xaaskii ayaanu isu nahay, nin iyo xaasna waynu garanaynaa waxay ku wada joogaan, ninkuna waa inuu ninnimadiisa kula joogo, gabadhuna ay… dee horta saw maaha! Ileyn waa la isu garaabaaye?”
Sh. Cabdiraxmaan oo haatan xaraaradiisu cirkaa isku shareertay, oo garnaqsaday, naftiina ay bes ka tahay, ayaan weli gacantii ku dhagannahayoo xajinayaa, waxaan si cod hoose ah ugu idhi: “Oo markaa… een… een… ma mar bay kugu tidhi? Mise mar kasta sidaas ayay kuu caayaysaa, imisa goor ayay ku tidhi?”, ileyn haatan hadalkii badnaa iyo su’aalihii wey iga dhamaadeen, oo isagiibaa ila garnaqsanaya sidii oo aan iyadii ahay, kolka aan hadal is-idhaa, wuxuu ii soo eegayaa sidiiyoo aan dhibkaa uu sheeganayo la doonayo inuu ku sii jiro.
Inta uu si cadho leh ii soo eegay, ayuu igu yidhi: “Ma mar bay kugu tidhi… ihi… haday mar kaliya nagu tidhi miyaanu kuu sheegi lahayn? Waar tan iyo maalintii aan la aqal-galay, caydaasi waa ii joogto… Baybi quraacdii way taallaa! Baybi dharkii waan maydhay! Baybi tukaanka ayaan wax kasoo iibsanayaa! Baybi… baybi… baybi… ufff… khaatibay iga dhigtay qoftaasi… bahdii bay igala baxday, oo mar kasta oo aanu aqalkii iska soo horbaxno, waa inaan foorarsadaa, oo is-gembiyaa, bal si ay inuun iiga naxdo ama ii ixtiraamto, oo cayda iga deyso, marka ay afkaba kala qaado ayaa meeli I go’daa, ileyn waxay soo dawo ayaan ogahaye, imika lixdii bilood ee u dambeeyay, subaxii sida aan aqalka uga baxo habeenkii uunbaan soo hoydaa… itixaan baanu aragnay…”
Isaga oo weli hadalkiisii sii wata, oo yar qiireysan, oo aad garato inuu xasuus hore dib ugu soo maaxinayo maskaxda, ayuu yidhi: “Waan xasuustaa walaahi hadalkii ugu horeeyay ee ay I tidhaa, waxa ay igu salaantay Baybi ma fiican tahay, kolkaasaa hooyadeed oo daba socotay iyo dumarkii kale ee ay walaalaha ahaayeen igu wada qosleen, bal eeg hadda waa markii u horeysay ee wejigeeda la I tusayay, aqalka may joogi jirin, intaa aan caruurtooda wax u dhigayay maan arag, maalmahaa ay guurkeeda ii soo bandhigeen ayaan u malaynayaa in lala hadlay oo dibada laga soo dhoofiyay…”
Cadduuroow! waa aniga’e goormay dhawdhawdu kuu dhici, oo aad wax fahmi, bal Illaahay mahaddii hadalkiisaa u dambeeya waxbaa iiga baxay, oo Alle iiga ifiyay, hadalkii ka horeeyayna waxbaa isna iiga baxay, waa hadalkii uu kaga jawaabay su’aashii ahayd “Ma mar kaliya ayay ku cayday mise marar badan”
Waxa aan isweydiiyay maskax ahaan “Hadii ay yasayso ama liidayso, miyaan hadalku u dhignaadeen Baybiyoow quraacdii way taallaa… laakiin Baybi quraacdii waan diyaariyay weliba mar kastana ereyga Baybi ay dhoolacadeyni la socoto, waa sida uu isagu sheegaye, dee malaha xumaan ugama jeeddo, hadii ay caayayso miyaanay wax kale oo caydii la yaqaannay ahna raaciseen, ama mar uun ka maqleen cay kale… bal waayahaye marka uu leeyahay maalinkii u horeysay, ee wejigeeda la itusayay ayay igu bilawday Baybi, mabay aqal-geline siday ku ogaatay inuu ciyaal yahay… malaha waad gaaban tahay ayay uga jeeday, ileyn waakan sheekhu gaabnida u dhashaye…”, intaa anigaa hoos isula hadlaya, oo gudaha iska weydiinayay su’aalahaasi.
Kadibna su’aal kale ayaan weydiiyay, oo u dhignayd “Waar niyaw inantan fasaxa ku weydiisanaysa, ee tukaanka tegidiisa kaaga fasax qaadaneysaa, qof xun inay tahay ilama aha, inaad u sheegto ayay ahayd, oo hadalkaa ama ereygaa xun iga daa ku tidhaa, waxa laga yaabaan inaanay dib kuugu tidhaahdeene, bal weli ma ku tidhi iga daa cayda? Ama cay aan taa Baybi ahayn iyadu ma kugu tidhi?”
Kuye: “Horta waa runoo, sideeda kale waa qof yar oo wanaagsan, oo walaahi aan jecelahay, oo weligay baybi-daasi mooyee hadal kale oo xun kama maqale… se sawtaa… waar iga daa…”, kadibna inta uu xoog isaga kay furfuray ileyn wuu iga gacan weynaayoo, nin gaaban oo xoog ah ayuu ahaa, kadib inta uu xagii masaajidka u jeestay, oo dhaqaajiyay ayuu yidhi: “Waar inna mari aynu makhrib ka gaadhnee, yaan laynaga hor geline, anna ma weyso qabo’e…”
Bal amarka Illaahay, kolkii sidaa uu u sii jeestay, ee uu woxogaa iga durkay, ayaa waxa aan wadadii ku arkay, ku yaroo dhallinyar ahaa, oo ciyaal-xaafadka ku soo biiri jiray, kolka uu qurbaha ka soo xagaa-baxo, kubadana nala ciyaari jiray, kadibna waan u yeedhay inankii qurbe-jooga ahaa, kadibna si hal-haleel ah oo degdeg ku jiro, ayuun baa afkii iiga xaday “Baby ingiriisida maxaa lagu yidhaa, waadiga qurba-jooga ahe?”.
Ninkii Sh. Cabdiraxmaan aad iigama foga, oo wuu maqlayaa su’aasha aan weydiiyay inankan qurbe-jooga ah, kadibna inta uu sheekhii si kulul oo huruuf iyo hiifid ku lamaan tahay ii soo eegay, ayuu istaagay oo socodkii joojiyay.
Inankii qurbe-jooga ahaa su’aashii aan weydiiyay, wuxuu u fahmay inaan jirrabayo, oo aan ku leeyahay “Jaceylka iyo haasaawaha ma taqaanide badaw ayaad ka tahay!”, inta uu kolba dhinac isu qaloociyay, oo hadalka iyo dhaqdhaqaaqiisa uu is-raacraaciyay, calashaan waxan uu sheegayo ayuu xiiso iyo soo-jiidasho u yeelayaa, waa kaa yidhi: “Baybi; waxa isku yidhaa dadka is-jecel, ama lamaane ha noqdaan ama saaxiib, marka qofku ku yidhaa jaceylkiisa Baybi, waxa uu uga jeedaa; [Waxa aad iiga dhigan tahay xabiibi ama aan kuu ilaashanayaa, sida hooyada iyo aabuhu ay Ilmaha yaree ay dhaleen u ilaaliyaan, ugana dhowraan dhib oo dhan, farxadiisana u joogteeyaan, heerkaasoo kale ayaad xabiibi ii joognaa weeyi macnaha ku qarsoonni]…”
Markuu kii yaraayee qurbe-jooga ahaa intaa yidhi, ayaa isagoo yar khajilsan, oo jaceyl iyo lamaane iyo waxan uu ka hadlay ka xishooday, oo qosol iyo dhoolacadeyn xishoodka iskaga biinaya, uu orod igu dhaafay, oo uu kalmado kalena meel shishe igaga soo tuur-tuuray, qiyaastii aan u fahmay inuu u jeedo “anigu badaw jaceyl ma ihiye waan aqaan jaceylka…”
Sheekh Cabdiraxmaan oo halkeer iiga soo muuqda, isla markaana isu kaaya dhageysanayay su’aasha aan weydiiyay inankii qurbe jooga ahaa, iyo bal waxa uu iigu jawaabo, yaa haatan afkiisii qosol iyo muusood uga taag waayay, inta uu igu soo cararay, kulahaa “Kkkkk… miyaanan ku odhan waa wax yar oo wanaagsan, oo intaa mooyee meel kaloo la tuuro ma leh… kkkkkkkkk waar waa runtii walaahi inanku sidaa uu sheegay, waxa aan ka garanayaa in hadalkiisu run yahay, mar kasta oo xaaskeygu ay igu odhaneyso Baybi, way xishooneysaa oo yar dhoolacadeynaysaa, yaah… yaa! Waar warsame! Ka sheekeedee… horta qofku marka uu ku caayayo saw inuu cadheysan yahay, oo xanaaq ka muuqdo maaha… dee horta sow maaha… hadalloo…”
Anna idhi: “Mayee! Way tahay…”
Kuye: “Taa yaree aan qabo, weligay wejigeeda oo cadho ka muuqato maan arag intaa aan qabay, xataa dadku marka ay hurdada lagu badh jaro, ee ay soo toosaan ama la kiciyo, saw iyagoo xanaagsan lama arko, walaahi hadii aan ku idhaa ka waran, habeenkii maalmaha qaarkood oo aan soo hoydo iyada oo seexatay, marka aan aqalka ku garaaco anigoo cadheysan, waxay iga furta iyada oo iska faraxsan, oo aniga I weydiinaysa ama iiga naxaysa dhaxanta {Baybi ma hore ayaan kaaga furi waayay, dhaxanta ayaan Baybi kugu eegay, Baybi iga raali ahaw}”
Sh. Cabdiraxmaan intaa uu hadlayo, qosolka uu ku xaragoonayo iyo muusoodka wejigiisa ku dahaadhan, ee aan ka kala go’a lahayn malayni maysid, waxa kale oo iyana layaabka ka mid ah, ereygii Baybi ee uu waxyar ka hor dhihitaankiisa dhibsanayay, isla markaana uu afka ka dhawrayay inuu ka soo baxo, imika waxa uu ugu celcelinayaa, sidii arday qaybaya shanti aayadood ee beri macalinku ka dhegeysanayay, calashaan hadda ereygii Baybi wuu u dhadhamayaa, oo weliba dhihitaankiisa macaansanayaa.
Inantii uu waxyar kahor furitaankeed u degdegsanaa sh. Cabdiraxmaan, hadeer wanaageedii ayuu ii tirinayaa, oo liis ahaan u taxayaa, isaga oo faraha kolba mid laabaya, oo hadana wanaag kale marka uu ku sheego, farta ku xigta laabaya, kolka ay tobanka farood wada laabmaanna, iyada oo madxigii iyo wanaagii Baybigiisa uu iiga sheegayay ka dhamaanin, ayuu hadana farihii uu laabay kolba mid kor u taagayaa, imisa goor ayuu wada laabay, oo hadana wada taagay, oo hadana wada laabay, oo hadana… dhowr iyo toban ayaan ku qiyaasay madxigii uu Baybigiisa iiga tiriyay, isaga oo aan weli dhameynine wada, ayaa salaadii makhrib oo shaw goor hore la galay, aanu maqalnay salaama-naqsigeedii, kadibna isaga oo sidii caruurta kolba lug ku boodaya, oo farxadi hadhaysay, ayuu ilaa aqalkiisii isa sii daayay, anigana igu maca-salaameeyay salaan iyo gacan-qaad ay la socoto bashaashadii iyo weji-faraxsanaantii aan Sheekh Cabdiraxmaan ku aqaanay, waagii aanu ardeyda wada ahayn, farxaddani oo sida aan qiyaasayo muddo sannad ah ka maqneyd haatanna u soo noqotay, waxaan u rajeynayaa in farxadaasi u waarto sh. cabdiraxmaan, oo imika inbadan aannaan isarag, war iyo wacaalna ka haynin halka uu joogo ama ku sugan yahay.