Baytullaahiga ayaan ku jabay 🤣

Laba nin oo reer miyi ah, oo walaalo ah, oo weliba geeljirayaal is-nacay ahaa, ayaa lagu yidhi “Magaalada ayaa la idin geynayaaye, isaga yimaada miyiga

Mid wuu diiday, oo wuxuu yidhi “Waar anigu halkanaan la haystaaye, iga daaya magaalo iyo sixmadeeda

Kii kale ayaa la qaaday, oo isagu ogolaaday inuu magaalada u guuro.

Kadibna kii magaalada la geeyay waxbarasho ayaa loo bilaabay, markii uu dhameystayna shaqo iyo ganacsi ayuu bilaabay, magaaladii ayuu dhinaciisa ka galay, oo la qabsaday nolosheedii iyo macaamilkeediiba.

Ninkii oo reer magaal noqday, ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo masaajid aad loo qurxiyay, oo marmar meel kasta la dhigay ku weysaysanaya, ayaa wuxuu ku siibtay marmarkii oo qoyan, kadibna lug ayuu ka jabay.

Markii la soo kabay ninkii, waxa la geeyay aqalkii, oo lagu baxnaaninayay inta uu bogsanayo. 🛌

Kii ay walaalka ahaayeen, ee reer-miyiga ahaa, oo weli qafladii geeljirenimo ku jira, oo aan weligii salaad iyo weyso iyo diinta xageedaba u jeesan, oo wuxuu maqlo iyo wuxuu arkaaba yahay uun kayntaa miyiga, ee ay xoolaha iyo xawayaanada cidoodu haysato, halka cayda iyo dagaalka geeljirayaashuna tahay ta uu ugu xariifsan yahay, ayaa hadaba goor baas loo sheegay in walaalkii magaaladii wax ku noqday, oo aqal lagu baxnaaninayo. 🛌

Kadibna wuxuu go’aan ku gaadhay inuu magaalada yimaado, oo walaalkii soo eego, isaga oo weliba hamuun iyo haliilyo u qaba, cidda wax yeeshay walaalkii, oo isaga woxogaa ka yar weynaa. 🏃‍♂️

Ninkii reer miyiga ahaa, waxa uu yimid magaaladii, kadib aqalkii loogu sheegay in walaalkii yaallo, ayuu baadi-doonkiisa galay.

Wuxuu ninkii raadiyo aqalkii walaalkii yaalay, oo kolba sakad iyo goolad ka laabo, kolna dadka war-wareystoba, goor dambe ayuu soo helay.

Wuxuu dul joogsaday walaalkii oo sariirta dul yaala, oo ay cag duuban tahay. 🛌

Waa nin miyi iyo caadkiiye, waxa uu si cadho leh, oo werwer ka muuqdo u weydiiyay “Waar maxaa ku helay?” 😣

Ninkii jabnaa; isaga oo walaalkii doonaya inuu naxdinta iyo werwerka ka yareeyo, oo hadalka si degan ugu sheegaya ayuu yidhi: “Walaal baytullaahiga ayaan tagay, oo ku jabaye, dhib kale ma jiro…”

Kii reer miyiga ahaa; ma baytullaahi ayuu garanayaa, mase maqlay ereygaasi horta. 🤔

Kuye “Baytullaahiga ku jabiyayna muxuu ahaa? 😣😣😣” malaha qof ayuuba mooday magaciisa la yidhaa Baytulaahi.

Ninkii reer magaalka ahaa, isaga oo weli hadalka u debcinaya, ayuu ugu jawaabay “Walaal gurigii Illaahay ayaan ku jabay…” 😥

Kii reer miyiga ahaa kuye: “Illaahay kii aabahaa dilay miyaanu ahayn?” 😱

Kii reer magaalka ahaa ayaa yidhi: “Mayee wuu yahay” 🤔

Kii reer miyiga ahaa isaga oo cadheysan kuye: “Haa buu ku leeyahay, afka xun day, aduu maxaad ka doontay kii aabahaa dilay gurigiisa, inuu lug kaa jebiyo may ahayne, halkuu aabahaa mariyay inuu ku mariyay ahayd, doqon!” 😣

Kii reer magaalka ahaa, oo yaaban baa yidhi: “Waar malaha ma hagaagsanid dee, ma Illaahay ayaad… waar naga bax badawyahaw… waar tag! qofku sowka nin weyn ah muxuu ku hadlayaa!” 😱😱😱

Kii reer miyiga ahaa kuye: “Waar adaan hagaagsaneyne jiif halkaa, oo weliba mar kalena ku noqo, inta uu ta kalena kaa jebiyo, ha kaa daba geeyo aabahaaye, bal doqoniimadiisa eeg! kuu ogaa ayuu gurigiisii ugu tagay, qoodhaa iyo xeradaa abaalkaa ayuu kaa waraabiyay…” 🤣🤣🤣 deetana albaabka ayuu ka baxay, oo miyigiisii ayuu ku noqday. 🤣

Kan reer miyiga ah, shaw magaca [Illaahay] waxa ugu horeysay maqalkiisa, berigii uu yaraa oo aabihii geeriyooday, ayaa dadku isku lahaayeen ama uu ka maqlayay “Illaahay ayaa oofsaday…, iyo Tii Illaahay ayaa u timid…”, ama marka qof cusubi yimaado reerka, ee uu dadka jinaasada jooga weydiiyo: maxaa sababsaday marxuumka? iyo marxuumka ma gacan baa ku dhacday? kadibna loogu jawaabo Allaa dilaye wax kale ma helin… Ajashiisii ayaa dhamaatay… kolkaa tan iyo waagaa wuxuu aaminsannaa in Illaahay dilay aabihii, laakiin marna iskumuu deyin inuu bal wax ka ogaado Illaaha dilay aabihii.

Reer miyiga weliba kuwa reer-guuraaga ahi, in kasta oo ay waayadan dambe soo yaraanayaan, gurmad diineed ayay u baahan yihiin, waxa dhab ah, oo sheekadani markhaati ka tahay, xadiiskii la inooga weriyay Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e, ee ahaa “Qofka miyiga ku raaga, qalbigiisu wuu engegaa ama qallafaa

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?