Muuse Googo’ay 🚌

Muuse Googo’ay 🚌

Nin odey ah, oo ka mid ahaa basasleyaashii hore ee Hargeysa, se muddo hore ka baxay shaqadii basaska, ayaa nin dhallinyar ah, oo uu dhalay, u soo iibiyay bas.

Inanku waa nin iska miskiin ah, calashaan dadka aan dagaalka, rabshadda iyo dhibaatada ku fiicnayn, oo ku soo koray meel aan rabshad laga aqoonin.

Sida aynu ognahay; dirawallada basaska iyo innamada ka shaqeeya ee loo yaqaanno Kirishbooyaddu, waa dad badankoodu dabeecad adag, soo-jeedkooda oo badan iyo balwaddaha kala duwan oo badi ay qabatimeen ayaa dhaqankoodii la xumaaday, kolkaa dagaalkoodu wuu badan yahay, khiyaamooyinka ay isku dhigaan waa joogto, midka jaanis yar laga helo hadh looma jiidayo, cagaha ayaa la isugu dhufanayaa, waxa ay ku nool yihiin nolol ay iyagu la qabsadeen, laakiin qofka ku cusub aanu u adkeysan karin.

Ninkii odeyga ahaa ee basaslayaashii hore ahaa, wuxuu tagay istaankii basaska, waxa uu soo raadiyay ragii uu ku yaqaanay basaska, halkii ay waaweynka basaslayaashu fadhiisan jireen, ee uu ku ogaa ayuu ugu yimid, iyada oo ay fadhiyaan qamaamuurtii basaslayaashu.

Kolkii ay arkeen, waa kuwaa u wada kacay, ee salaan iyo soo-dhaweyn ku qaabilay, isna ka gudoon salaantii iyo soo-dhaweyntiiba, kadibna fadhiga la isku wareysay. 🤝🤝🤝🤝🤝🤝

Odeygii ayaa hadlay oo yidhi: “Waar niyaw kii yaraa ee Muuse ayaan bas u soo iibiyay, waxaan doonayaa inuu soo shaqo galo, kolkaa inaad gacan-qabataan, oo ka war-haysaan ayaan idiinku imid…

Ragii basasleyaasha mid ka mid ah, oo isagu garanayay caruurtiisa, ayaa isaga oo ka naxay inanka yidhi: “Ma Muusaa! Alla maad ka deysid! halkan ku soo bixi maayee! inanka meel kale u raadi…” 😮😮😮

Mid kale oo basasleyaashii kamid ah, oo isagu nin weyn ahaa ayaa yidhi: “Dee muxuu ka deyni! sowkan ku yidhi baskii waan soo iibiyayba, miyuu celini baska! niyaw caqli-xumidaa…” 🤐🤐🤐

Baslihii hore ee ka naxay hadalka odeyga ayaa yidhi: “Dee mayee Muuse yare ayaan aqaannoo, noloshan basaska iyo dadkan lama joogi karayo! wuu ku dhex dawakhiye…” 🥺🥺🥺

Basle kale oo isna qamaamuurtii ah, oo isagu waxgarad ahaa, ayaa isaga oo diidan inuu odeygu ka niyadjabo hadalka ninkani inanka ku durayo, ayaa yidhi: “Hebeloow soo dir inanka! anagaa arrinkiisa dabari doona’e! annaga nagu daa!” kii inanka durayayna inta uu xagiisa eegay, isaga oo hadalka iyo indhahaba ku gubaya ayuu ku yidhi: “Waar inanku saw nin maaha shaqeysanaya, waxaynu qabno uunbuu inala qabi…” 🤫🤫🤫

Kii inanka durayayna hadalkaa kulul, wax ka dhex fahan, oo in odeygan inanka dhalay yahay mid ixtiraam ka mudan gollahan, oo wixii uu la yimid gollaha aan lagu celine, wixii lala qaban karo uun lala qabto ah. 👍👍👍

Ragii basasleyaasha ahaa indhaha iska wada fahme, deetana kolba mid hadal dhiirigelin ah kasoo yidhi meel halkeer ah. 👌👌👌

Mid baa yidhi “Inanku wuuba ku adkaan doonaaye!“, 👌

Mid kale ayaa isna yidhi “Waar ha shaqeysto inanku, nin ha noqdo, odey hebeloow si fiican ayaad yeeshay, oo aad ugu talisay...” 👌

Ninkii odeyga ahaa cabaar markii uu la fadhiyay, waxa uu kaga tagay, inuu beri inankii oo baskiisii wata soo diri doono, tilmaantana soo siin doono, iyagana baska iyo noociisa ayuu u sheegay, oo ay woxogaa ku dheeraadeen, iyaga oo basaska iyo noocyadooda ku kaftamaya. 👋👋👋🙋‍♂️🙋‍♂️🙋‍♂️

Markii uu odeygii ka tagay, ayay iyagii isku jeesteen, kii inanka durayay ayay kolkiiba wada maageen, oo yidhaahdeen: “Horta sidaad tahay, waar dee dadka lama niyadjabiyo“,

Isna u sheeg wixii uu inanka ku durayay, halka qaar kale oo aamusnaa se iyaguba ogaa in inanku sidaa uu ku sheegayo yahay, ayaa iyaguna qiray in aanu inankan Muuse basle noqon kareynin.

Mid baa meel halkeer ah ka soo yidhi: “Muuse hadii uu yahay kaan moodayo, ninkaasi aad ayuu miskiin u yahay…“, calashaan nin qabow oo aan dagaalameynin hadiiba uu dagaal qabsado.

Mid kalaa yidhi: “Waar baajumahan anagii aanu difaaca kaga jirno, ee hadii aad inyar ka fogaato gaadhiga, wax ka furanaya ee kooda ku xidhanaya, ayaa spareparts ahaan uga furfuran doona’e…

Ku kale ayaa yidhi: “Waar kirishbooyada ayaa walaahi gebigiisaba ka qaadi, aduu basle wax ka furta oo spartpart ka dhigta ayaad sheegaysaaye…

Baslihii odeyga niyada u dhisi jiray, ee waxgaradka ahaa ayaa yidhi: “Waar heedhe! waxaa aad sheegaysaan oo dhan, weynu isla wada ognahay, xal baa se la inooga baahan yahaye, xal keena…

Waa kuwaa kolba mid meel ka soo yidhi: “Dee ma xal bay tani leedahay, sawdigaa arkaya waxa istaanka ka dhacaya…

Woxogaa ayay aamusnaayeen, oo mid waliba qaadkiisii inta uu ku jeestay, iska qayilay, halka kolba hadallo goo-goos ah uu mid mid soo tuurayo, hadal niyadjabka uun sii xoojinaya.

Kadibna baslihii waxgaradka ahaa, oo isagu aad u fikirayay, aamusnaana intaa ay kuwan kale cantarabaqashta qubayeen, ayaa yidhi “Anaa haya fikrad!

Isaga oo sii wata hadalkiisii ayuu yidhi: “Halkan imika imisa ayaynu ku fadhinnaa!

Wey is-wada eeg-eegeen, iyaga oo indhaha uu mid waliba ka tirinayo, alxaasil waxa ay noqdeen dhowr iyo toban nin.

Baslihii waxgaradka ahaa wuxuu yidhi: “Waar inteennaa mid waliba qaadkiisa ha qaato, oo ha tago maqaaxiyahan ay kirishbooyadda iyo basaslayaasha kale ku qayilayaan…”

Iyaga oo ka guraya sheekada ayay weydiiyeen kadibna?

Wuxuu yidhi “Inanka balaayo ayaynu ka dhigaynaa, kolkaa mid kastaa maqaaxida uu tago ka dhex sheego in nin balaayo ah, oo Muuse-Googo’ay la yidhaa basaskii ku soo biirayo beri, oo qaraxyo iyo balo iyo baas aynu ku sheegno, oo hadii uu xanaaqo inaan la qab-qaban kareyniniyo…, ka uu feedh ku dhuftaa in waadhka la dhigayo, oo uu dagaalyahan yahay ha sheego, iyo wixii kale ee aad ku sii dari kartaanba ku dara…

Basasleyaashii fikradaasi qaarkood way u bogeen, halka qaarna ay aad ugu qosleen, oo la yaabeen, iyaga oo weydiiyay “Kolka la ogaado inaanu sidaasi ahaynna saw sidi aynu sheegaynay ku danbeyn maayo, miyaynu lugoynaa inanka…!

Ninkii waxgaradka ahaa; isaga oo ka xanaaqay kuwan weydiinta ka keenay fikradii, ayuu si cadho leh ugu yidhi “Miyaad wax kale haysaan oo aynu sameyno?”

Kuye “May

Isna yidhi “Hadaba sidaa aanu idin nidhi yeela, oo mid walawba maqaaxi ama meel ay ku urursan yihiin tag, oo ka dhex sheeg intii aynu isku ogeyn, aadna u buunbuuni, kadibna ka tag halkaasi, hadana meel kale fadhiiso intii ka sheeg, ilaa caawa waa inaynu basasleyaasha iyo kirishbooyada oo dhan wada gaadhsiinnaa… xagga inankana aniga ayaa soo dhameynaya’e igu daaya!

Haye iyo Haye ayaa lagu kala tagay.

Midbaa inta uu maqaaxi galay, kuye “Waar kii Muuse googo’ay ayaa inoo yimiye… maad maqasheen? walee qaar badan way ka tegi doonaan halkan…

Kuwii oo yaaban weydiiye “Muuse Googa’aygu muxuu ahaa?

Isna waa intuu doonayaye, usii balbalaadhi “Shan goor ayuu gaadhigu la qalibmay, oo madaxa waxbuu ka qabaa…” calashaan madaxuu ku socdaa iska ilaaliya

Ku kale ayaa isna maqaaxi ay kirishbooyadu ku badnaayeen tagay, oo si argagax leh uga dhex yidhi: “Waryaa ma i maqlaysaan… waar na soo eeg Hoo*** kalab yahaw, si fiican ii dhageysta, Muuse Googo’ay ayaa beri inoo imanaya, ninkaa qof la hadla ha yeelanina, hadii kale idinkaa yaqaan wixii idinku dhaca, nin la qaban karayo maaha, rabshadiisana lagama fadhiisto, imikaba idiin sheegay…

Iyagoo kuwii yaryaraa yaaban, oo hoos u guuxaya, ayaa kolba midi meel si gunuus ah uga soo yidhi “Muuse Googo’aygu muxuu ahaa?”

Nimankii basasleyaashu sidii ay ku heshiiyeen maalinkii oo idil istaankii ku wareejiye sheekadii Muuse Googo’ay, badi wixii istaanka joogayna way gaadhsiiyeen fariintii.

Baslihii waxgaradka ahaa, ee isagu inankii Muuse isku qoray dhankiisa inuu soo tabaabusheeyo, ayaa isna diyaargaroobay, oo subaxii horeba inta uu xagii aqalkooda uga sii horeeyay, markii uu inankii soo baxay ayuu soo raacay, intii ay xagii istaanka u soo socdeen ayaa uu u sii waramay, isaga oo ku leh “Waxaan adeer kuu sheegayaa, dadkan basaska la joogaa waa dad dhib badan, kolkaa waxaan kuugu imid, inaan kaala taliyo sidii aad shaqadaadana u wadan lahayd, dhibkoodana uga badbaadi lahayd, aabahaa oo aanu aad saaxiib u ahayn ayaa igu kaa dardaaray

Muuse aabihii wuu u soo sheegay raga uu ku soo hagaagayo’e, wuxuu weydiiyay “Ma Hebel ayaad tahay…

Isna ku yidhi: “Mayee hebel halkii istaanka ayuu kugu sugayaa, oo aad ugu tagiye, anigu Hebel ayaan ahay…

Taladii iyo tabaabusheyntii ay soo qorsheeyeen ayuu u sheegay, waanu la dardaarmay, kadibna sidii ayaa uu inankii ku yimid istaankii, isaga oo haatan ah Muuse-Googo’ay.

Muuse Googo’ay qorshihii ay u dejiyeen wuu u shaqeeyay, iyada oo istaankii iyo dadkii joogayba sidii u dhaqan xun yihiin, isna uu sidii Illaahay u abuuray ee miskiinnimada ahayd uu yahay, ayaa hadana qorshihii cajiibka ahaa keenay, in Muuse ku dhex shaqeysto meeshaa xaaladeeda iyo dadkeedaba aynu ka soo warannay.

Berri dhawayd oo inankii Muusena uu weli Muuse-Googo’ay yahay, sidaana lagu wada yaqaanno, ayaa isaga oo aad u ordaya, oo lambarkii baska aad hore u soo qoratid isleh, ayaa waxa uu maqlay cod dheer oo loogu yeedhayo Muuse Googo’ayoooooooow… Aaa Muuse Googo’ayooooooooooooow… Aaaaa Muuse Googo’ayooooooooooooooooow… waa cod aad u dheer, inta uu baskii biriiga si kedo ah cagta ula helay, oo rakaabkii baska saarnaana ay hore u wada hantaaqmeen, cay iyo habaarna ku miiseen “Iimaanka laga qaad siduu gaadhi leeyahay, miyaanu dadka saaranba arkaynin…

Muuse Googo’ay xagii looga yeedhayay waa ka deymooday, mise waa ku yar oo ka mid ahaa kirishbooyadii basaska, oo shaw inta uu baskii isagu soo kaxeeyay shil ay wada galeen gaadhi Tukhaan ah, kadibna dadkii meesha joogay gartii ay isaga ku foorariyeen, oo isaga qaladkii lagu wada xukumay, ileyn dadku basasleyaasha dabeecad xumadooda ayaa khaati ay ka joogaane, walow kirishbooygu aanu qaladka isagu lahayn, hadana lagu xukun, deedna markii uu arkay nin rageedkii Muuse Googo’ay ayaa farxadi gashay, oo uu is-yidhi u yeedho Muuse Googo’ay kuwan isugu kaa tagay ha kaa dhiciyee.

Muuse Googo’ay inuu gaadhiga ka soo dago may ahayn!, xaqiiqatan inuu ka soo dago iska daaye, inuu gaadhiga joojiyaba may ahayn, waana wixii baslihii waxgaradka ahaa uu berigii kula dardaarmay, bal hada eeg; waxa uu Muuse Googo’ay jebinayaa qodob ka mid ah qodobadii sababta u noqday inuu basle noqdo, isaga oo xaaladiisa aynu ka soo warannay, qodobkaasi waxa uu odhanayaa “Ha dhex galin muran iyo rabshad meel ka dhacaysa, waxa ay doonto ha ahaatee!

Muuse Googo’ay isaga oo calaa dhinac u socda, oo duudka dhogor ka kiciyay, sidii waraabe raba inuu roorsado xoolo xero ku jira, ayuu soo dhex istaagay halkii shilku ka dhacay, kadibna kii yaraa ee kirishbooyga ahaa, oo wada nafis iyo naruuro miidhan noqday, ayaa isaga oo ciil hadlaya, ileyn waa nin aan qalad gelin hadana gartii lagu foorariyaye yidhi “Aaa Muuse-Googo’ayoow bal shilkaa eeg labadaa gaadhi imika kee qaldan, bal waxay baajumahaasi iila imanayaan eeg! ee ay isugu wada markhaati furayaan! Aaa Muuse Googo’ayoow bal eeg! wayyyyyyy… aaaaaaaaaa… iiiiiiiiiiii…” kii yaraa ee kirishbooyga ahaa isaga oo labada indhood ka hoorinaya ilmo, ayuu hadalladaasi la garab socdaa Muuse Googo’ay.

Muuse Googo’ay isaga oo socod talaabo dheere ah, oo aad moodo joomitir loo diray inuu beer ka soo gooyo dantii guud u socda, ayaa uu kolba dhinac ka soo joogsaday labadii gaadhi oo isku hoos jira, kii yaraa ee kirishbooyga ahaana wuu ku daba naban yahay, oo talaabada ayuu la dhigayaa, isaga oo kolba meel u tilmaamaya, oo fara fiiq iyo taabasho wax ugu sheegaya, dadkii meesha taagnaa iyo tukhaanlihiina way wada aamusan yihiin, oo ninkan magaca balaayada ah wata bal wuxuu la shir yimaado dhowra ayay isleeyihiin.

Muuse Googo’ay wuxuu war-wareego oo kolba dhinac soo istaagaba, inta uu socodkii joojiyay ayuu xagii inankii kirishbooyga ahaa eegay, weliba indho kulul oo cadheysan ku eegay, waaka kirishbooygii halhaleel ku yidhi “Aaa Muuse googo’ayoow bal eeg! sow ma arkeysid qaladkaa cad! ayaa hadana aniga la I saaray… Aaa iiiii uuuu

Muuse Googo’ay inta uu kii yaraa ee kirishbooyga ahaa hadalka ku gubay ayuu yidhi “Aaa naga tag baajuun yahay…” kadibna wuu iska dhaqaaqay oo xagii baskiisu uu yaalay ayuu u dhaqaaqay.

Kii yaraa ee kirishbooyga ahaa inta uu kor u qaylyay ayuu yidhi “Aaa Muuse Googo’ayoow bal waa kaase kaayagee qaldan….”

Muuse Googo’ay inta uu talaabadii dib u soo celiyay ayuu yidhi “Adigaa qaldan bffffffff, naga tagggggggggg!

Kii yaraa ee kirishbooyga ahaa, oo durba ilmadii indhihiisa ka hooraysay qalashay naxdin darteed, ayaa hadal uu cod hoose ku yidhi, ku weydiiyay “Oo maxaan ku qaldannahay?”

Muuse Googo’ay isaga oo si kulul u hadlaya, ayuu cod dheer ku yidhi “Dee waad ka weyn tahay! bufffffff….”, qiyaastii Muuse-Googo’ay waxa uu la yaabay, gaadhigan weyn ee baska ah, ee dhakada ka saaran ama dul fuushan gaadhigan yar ee tukhaanka ah.

Muuse Googo’ay oo hadalkii kululaa sii wata ayaa yidhi “Bal intaad le’eeg tahay eeg! eed dusha ka kortay waxaa yar! bffffffff

Kirishbooygii oo haatan niyadjabay, ayaa si hoose u yidhi “Dee sownigan anigu haadkeygii ku jira, isaga ayaa ka soo baxay haadkiisii, oo iigu yimid halkii aan marayay, mida kale shilalka ma waxa loo eega sida ay gawaadhidu u kala qolof iyo mishiin weyn yihiin, mise yaa sharciga ku xadgudbay ayaa la yidhaa…

Dadkii meesha joogay iyo xataa tukhaanlihii isagu qaladka lahaa, ayaa mar kaliya qosol ku dhuftay, iyaga oo la yaabay, xukun-qarbooshkan ninkii magaca balaayada ah lahaa uu ciwaanka uga dhigay shilka “Waad ka weyn tahay

Muuse Googo’ay isaga oo tunka taagaya, oo qosolkaa ay dadku ku dhufteen moodaya in xukunkii uu riday loo bogay, ileyn waakan kii u yeedhay ku jiifsadaye, ayuu dhabarka tiiriyay, oo xagii gaadhigiisu yaalay u kacay, kadibna isaga oo is-xariifinaya, inta uu mar kaliya kileeshkii iyo biriiga wada qabtay, oo uu hadana geerkii iyo saliida mar kaliya is-raaciyay, waa kaa gaadhigii xafray, iyada oo meel fog laga soo maqlayo taayirka dhulka xoqaya, ee aan dhaqaaqaynin, kadibna waa kaa geer-5 ku gujiyay, xawaare sarena madashii ku maca salaameeyay, Muuse Googo’ay taariikh qosol reebtay buu ka dhigay dhacdadaasi.

Kirishbooygii isaga oo hoos isula hadlaya, ayaa waxa uu leeyahay “Muuse Googo’aygu kii aan moodayay maaha! mise madaxii la lahaa nabar ayaa kaga yaala ayaanu waxba la garaneynin! Mooyaan Mooji

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?