Culimada hada joogtaa iyaga oo daliishanaya fatwooyinkii iyo shuruudihii culimadii hore, waxa ay xaaraam ku sheegeen Lacagta warqadda ah amaahdeeda in aan dheeraad la soo raacin karin, oo ay ribbo tahay, hadda garo oo culimadii hore may soo gaadhin lacag warqad ah, waxa ay iyagu wax ku kala iibsan jireen dahab ama silver.
Arrinkaasi ama xaaraantimeyntaasi waxa ay horseeday burbur dhaqaale oo qayrul-xad ah, dad badan ayay gaajo iyo macaluul badday, kobocii dhaqaale ee bulshadana way xanibtay, hadda ogow oo lacagta warqadda ahi la mid maaha Dahabka iyo Silverka oo ah lacagta xaqiiqiga ah ee jirta.
Bal ila eeg kala duwanaanshaha iyo weliba sooyaalka, lacagtii qadaadiicda ahayd ee dahabka ama silverka ahayd, ee waagii hore wax lagu kala iibsan jiray, iyo lacagtan warqadda ah ee hadda la addeegsadaa:
Tani (Sawirrada dahabka dhagaxa iyo qadaadiicda ah) waa lacagta xaqiiqiga ah sharci ahaan iyo aqoon ahaanba, qofka haysta waxa uu u adeegsan karaa nooc kasta oo iib ah, isaga oo aan bangiga xidhiidh la sameynin.
Tan hoose (sawirrada lacagta warqadda ah) lacag lama yidhaa sharci ahaan iyo aqoon ahaanba, waxa la yidhaahdaa Kalsooni, oo waxa ay sheegaysaa in qofka haysta, ay xadi dahab ah ama silver ah oo u dhigantaa u yaallo Bangiga, waa marka aynu asal ahaan ka hadlayno bilawgeedii, hadda se isticmaalkeedii oo batay awgeed nidaamkii dadkii sameystay u diyaarsadeen lama mariyo.
Lacagta warqadda ah; waa kalsooni sharci ahaan, waxa qiimaheedu ku xidhan yahay hadba baahida loo qabo, waxa ay maanta leedahay qiime (Present Value PV), halka beri ama mustaqbalkana (Future Value FV) ay qiime kale leedahay, waxay ku qiimeysan tahayna waa qayrkeed, almacnaa caynteedu qiimo ma leh, halka waxyaabaha ribaddu gasho ay si’i ahaantooda ama cayntooda qiimaha ku wataan, weliba qiime rabaaniya, oo aan weligood ka hadhaynin.
Tusaale ahaan; qamadiga ama bariiska ama raashinka la cuno, qiimahoodu waa cunitaanka ama raashinnimadooda, qiimahaasi maaha mid laga qaadi karo, ilaa qiyaamaha laga gaadhayo midhahaasi qiimahaa cunitaanka wey lahaanayaan, halka dahabka iyo silverkuna iyagana qiimahoodu rabaani yahay, se lacagta warqadda ah qiimaheedu waa mid ku xidhan hadba shayga ay ku qiimeysan tahay, waa warqad midabaysan, marbaaba laga guuraa oo nooc iyo nashqad kale loo guuraa, sidii Somaliland sameysay markii ay gooni isu taagtay, ama sidii dhawaan ka dhacday dalka Itoobiya ee ay bedeleen gebi ahaanba lacagtoodii hore, marbaaba deegaan kale aad tagtaa oo tii aad sidatay iyo waraaqaha xashiishku isugu mid noqdaan dadka aad u tagtay.
Kolkaa ribbadu waa dulmi iyo qofkii amaahda doonayay, oo baahida looga faa’iideysanaayo, waxaanay gashaa shayga qiimihiisu aanu ka hadhaynin meel kasta iyo maalin kasta, hadii aad qof ka amaahatay gabdad bariis 50kg ah, 10 sanno kadib ama markii amaahda xilligeedii la gaadho waxaad siinaysaa gabdadii 50kg ahayd, dheeraad ma jiro, maxaa yeelay; bariis waa bariis, oo qiimihiisii cunitaan ismuu badalin, sidii loo cuni jiray 10 sanno ka hor, ayuun baa loo cunayaa 10 sanno ka dib iyo ilaa qiyaamaha, xataa deegaan aan deegaankii aad wada joogteen, ee aad deynta ku kala qaadateen ahayn, hadii aad tagtaan, bariis waa bariis, gabdadii 50kg ahayd ayuun baad siineysaa.
Bal ka waran; hadii qofkii wax amaahanayay la yidhi yaan la dulmiyin, kii abaalka galay, ee wax amaahinayay isagu miyaanu ka mudneyn in aan la dulmiyin, oo aan laba la isugu darin, abaalkii uu galay ee ahaa in lacagtiisu muddo ka maqnaato, iyo in loo soo celiyo deyntii ka maqneyd oo kala dhiman ama qiimo-dhacday.
Waayahay bal ila eeg dhacdadani:
Annaga oo ku gudo-jirna casharkii aanu ka marsan jirnay masaajidka, ayaa markii uu sheekhii woxogaa waday dersiga, uu ku soo dhex daray inyar oo baraarujin ah, waxa uu yidhi: “waxa aan walaalaha ku baraarujin lahaa in bahashii ribbo ahayd ay aayar aayar inoo soo gelayso, kolkaa ha la feejignaado, waxa ay dumarku sheegayaan in ay soo baxeen hay’ado dumarka siinaya $200 ama $300, kadibna lix bilood ama shan bilood kadib raasamaalkii iyo $100 oo dheeraad ah oo aad soo raacisay soo celi lagu odhanayo, xaqiiqatan waa xaraam, waa ribbadii oo la inoo qurxinayo“, intaa baraarujinta ah markii uu sheegay wuu ka gudbay, oo casharkii ayuu sii waday, marka dersigu dhamaado, waxa caado ahayd in sheekha la weydiiyo su’aalo la xidhiidha casharka wixii adkaaday ama arrimaha guud ee bulshada sida ay diintu ka qabto, waxa bilaabmay su’aalihii, xidhiidhiyihii ayaa yidhi:
“Sheekh saa’ilkani waxa uu leeyahay, qof ayaan xilligii dawladii soomaaliya dhisnayd amaahiyay lacag badan, oo xilligaa guri daar ah goynaysa, kadibna dagaaladii ayaa dhacay, waa la kala qaxay, qofba meel ayuu u cararay, kadibna intan somaliland ayaanu qofkii is-helnay, markii aan deyntii weydiistay waxa uu tagay gobolladan bariga oo weli lacagtii waagaa laga isticmaalo, iyada oo loo yaqaano Ha-Isku-Furin, waa kunkii shillin ee casaa, intii waagaa aan amaahiyay, oo aan maanta gabdad sonkor ah jarayn, laakiin waagaa guri daar ah goynaysay, ayuu meel ka soo cantoobiyay, oo yidhi lacagtii aad i amaahisay sow intaa ma ahayn! dee bal ka waran arrinkaasi sheekh”
Sheekhii wuu yar fikiray, ileyn waa su’aal si toos ah xidhiidh ula leh baraarujintii ribbada ee uu sameeyay intii casharka uu ku guda-jiraye, waxa uu si degdeg ah u yidhi:
“Saa’ilkaasi waxa aynu leenahay qofkaasi waxa aad ku leedahay lacagtii aad amaahisay waagaasi wixii ay goyn jirtay waagaasi in le’eg” kadib hore ayuu uga gudbay, oo su’aashii ku xigtay ayuu galay, ileyn hadii uu sii furfuro, waxa iska hor imanaya wixii uu ribbada ku sheegay iyo jawaabta uu qofkani siiyay.
Oo waa sidee? ama sidee ayay isaga hor imanayaan?
Tusaale ahaan; hadii uu qofkaasi waagaa amaahiyay $10000 oo shillin, oo guri goynaysay, maanta gurigii xilligaasi lacagtaasi goynaysay, lacagta goynaysaa bal miyay noqoto 1 milyan oo shillin, inta ay doonto ha noqotee, intaa goynaysa guriga daarta ah, ee la midka ah kii waagaa la dhisan jiray, ayaa uu ku leeyahay, almacnaa; hadii maanta guriga la midka ah lagu dhiso $50000, ka qaadan maayo $10000 ee uu waagii amaahiyaye, waxa uu ku odhanayaa ku soo dar $40000 ee ka dhiman, miyaanay markaa lid isku ahayn labadii hadal ee wadaadkaasi.
Waxa laga yaabaa akhriste inaad is-weydiinayso muxuu qoraagu u jeedaa? ama sidee ayaa uu rabaa in lacagta warqadda ah, loola macaamillo?
Waxa aan aaminsannahay xaqiiqaduna tahay, isla markaana dulmi looga badbaadi karaa, in lacagta warqadda ah ee la kala deynsadaa, marka goorta loo mudeeyay soo celinteedu ay ka badan tahay ama gaadheyso muddo qiimaheedu is-beddeli karto, in la soo raacin karo wixii ka dhinma qiimaheeda.
Hadii aynu hore ugu sii soconno, oo aynu is-nidhaa caddaaladda iyo xaqqa gaadha, waa in marka lacagta la kala deynsannayo, ee heshiiska la kala qorannayo, in lacagtaasi lagu sar-gooyo qiimaha ay suuqa ka leedahay, weliba lagu qiimeeyo waxyaabaha ama ashyaa’ada macruufka ah, ee xaqiiqiyan ribbadu gasho, sida; Dahabka, Silverka iyo Raashinka(bariiska, qamadiga, hadhuudhka, digirta, iwm).
Tusaale;
Lacagta la kala deynsannayaa hadii ay tahay $5000 oo dollar, waa in shantaa kun isla goortaasi xaddiga ama Giraamka dahabka ah ee ay jarayso la soo ogaado, kadibna heshiiska lagu dhigo ama lagu qoro xaddiga dahabka ama silverka ah ee ay jarayso, kadibna sidaasi heshiiska lagu kala saxeexdo, oo qofkii deynta qaadanayayna lacagtii oo warqad ah qaato, qofkii deynta bixinayayna lacagtii bixiyo, qoraalkii heshiiska oo suul, saxeex, damiin iyo markhaatiyoba lehna uu keydsaddo, kadibna kolka xilligii deynta la soo celinayay la gaadho, iyada oo la wada joogo, la soo qiimeeyo $5000 ee amaahda ahayd, in ay jarayso xaddigii dahabka ahaa ee heshiiska ku qornaa, kolkaa hadii ay hoos uga dhacdo, oo qiime ka sareeya $5000 lagu iibinayo xaddigii dahabka ahaa ee heshiiska ku qornaa, waa in qofkii deynta qaatay soo raaciyo inta ka dhiman, hadii $5000 ay weli xaddigii dahabka ahaa ee heshiiska ku qornaa goynaysana, uu deyn-qaatihii $5000 oo kaliya soo celiyo.
Ama taa beddelkeed; in lagu qiimeeyo raashinka aynu cunno, weliba ka local ah ama raashinka bulshadaasi caanka ku tahay, ee ay cunnaan, kolkaa waa in la soo qiimeeyo $5000 dollar imisa gabdadood oo bariis ah ayay goynaysaa maanta, kadibna intaa gabdadood ee ay goynayso tiradooda iyo kg-kooda lagu qoro heshiiska, sidaanna lagu kala deynsaddo lacagtaasi.
Bal u fiirso; marka sidan aynu soo xusnay lacagta warqadda ah loo kala deynsado, xaqiiq ahaan waxa la kala deynsaday waa Dahab ama Raashin, muuqaal ahaanna waxa la kala qaatay waa lacagtii warqadda ahayd.
Bal ka warran; labadii qof ee sidaa aynu soo xusnay wax u kala deynsaday, marka la gaadho xilligii lacagta la soo celinnayay, mid waliba isaga oo faraxsan, raalina ku ah wixiisa ayuu heshiiskii soo xaadirayaa, sida oo kale; hadii iyaga oo jooga wadan kale, ay gaadho xilligii deynta la soo celinayay, waxa la qiimeynayaa uun lacagtii deynta ahayd wixii ay ku qiimeysneyd, inta ay markaa wadanka ay joogaan ka marayso, waa hadii ay isla gartaan sidaasi, hadii kalena dalkii ay ku kala deynsadeen lacagta, ayay soo ogaani halka uu qiimuhu marayo, kadibna sidaasi ayay ku kala qaadan lacagtii deynta ahayd, xataa waxay ku kala qaadan karaan deynta, nooca lacagtii warqadda ahayd ee ay markii hore kala deynsadeen mid aan ahayn, ileyn waxa ay hayaan qiimihii lacagta’e.
Bal haddaba akhriste aan adiga kuu dhiibo’e, waxa aad is-barbar-dhig ku sameysaa, qaabkaa aan soo xusay ee caddaaladda ku dhisan, isla markaanna ka fog dulmi sidaan aaminsannahay, iyo qaabka aynu maanta ula macaamilno deynta, ee ay fatwoodeen wadaad-xumayaasha waayadan ku jira saaxadda wadaadnimo, bal ila eeg qaabkan ay fatwoodeen daalimiinta gadhka la baxday, ee ay ku sheegeen nidaamka Islaamiga ah, kaasi oo maanta dalkeena iyo guud ahaan caalamka Islaamkaba deynta loola macaamilo, waa kane bal qiimee;
Waxa ay yidhaahdeen; dhowr qaab ayaa u furan qofka deynta qaadannaya iyo ka deynta bixinayaba, kuwaasi oo kala ah:
- Muraabaxo: oo qaabkeedu yahay, in qofkii deynta doonayay la weydiiyo waxa uu ku falayo ama ku qabsanayo lacagta, kadibna marka uu sheego waxa uu lacagta ku qabsanayo, kii deynta bixinayay ayaa wixii soo iibsannaya, kadibna qofkii deynta doonayay ayaa lagu khasbayaa, inuu deyn ku iibsado wixii uu doonayay ee uu sheegtay, oo imika uu hayo kan deynta bixinayaa, weliba heshiiska waxa lagu qorayaa qiime aad uga sareeya allaabtaasi qiimaha ay imika suuqa ka joogto, ileyn qofkan deynta doonayaa wuu khasban yahay, oo gorgortan ma geli karo, oo waa laga faa’iideysanayaaye, kadibna allaabtii oo qiimihii sare ku qiimeysan, ayuu qofkii deynta rabbay qaadanayaa, oo uu heshiiska ku saxeexayaa, marka ay muddadii gaadhana qiimihii sare ayaa uu soo celinnayaa, waa sida ay hadda u shaqeeyaan Bangiyada la yidhi waa Islaami, hadii aan kuu tusaaleeyo si aad u fahamto; tusaale ahaan waxaad u tagtay bangigii Islaamiga ahaa, kadibna waxa aad u sheegtay in aad deyn u baahan tahay, waxa ay ku weydiinayaan maxaad ku falaysaa lacagtaasi, waxa aad ku tidhi gaadhi ayaan ku iibsannayaa, kadibna waxa ay ku odhannayaan tag suuqa baabuurta lagu iibiyo, oo soo eego gaadhiga aad rabto, kadibna waad soo heshay qiimihii gaadhiga tusaale ahaan $2000 iyo macradka uu yaallo, xogtaasi ayaad u sheegaysaa bangigii, kadibna bangigii wuxuu macradkii ka soo iibsannayaa gaadhigii, oo uu weliba gorgortan la geli karo, si qiimaha wax uga daayaan, kadibna gaadhigii oo imika bangigii la soo wareegay, ayaa qofkii deynta rabay deyn lagu siinayaa, inta laga saxeexo heshiis wata damiin iyo markhaatiyaba, bal u fiirso; waxa qofkii ay ku deyminayaan gaadhigii qiimihiisu ahaa $2000, qiime aad u sareeya oo laga yaabo inuu gaadho $2500 hadaanu ka badaninba, qofkii deynta rabay ma diidi karo, gorgortanna kama geli karo, weliba waa inuu lacagtaasi ku soo celiyaa ugu badnaan 2-sanno gudahood, bangiyada qaarkoodna waxaabay qofka kula heshiiyaan inuu bil kasta $200 ama $300 soo celiyo, iyaga oo ka ordaya in aan lacagtu ka qiimo dhicin intaa ay ka maqan tahay.
Miyaan qaabkaasi dulmi iyo caddaalad-daro ahayn, maxaa qofka loo weydiinayaa waxa uu ku falayo lacagta, ee xoriyadda looga qaadayaa, ogow waxa sidaa fatwooday rag sheegannaya culimo iyo inay diinta aad u yaqaanaan, waad daawatay ayaan filayaa video-ga aan ku bilaabay qormaddani.
Hadii aan halkaa kaga soo baxo deynta iyo qaababka macaamilkeeda, bal aan ku siiyo xog ku saabsan, deyntu sida ay uga qayb-qaadatay kor-u-kaca noloshan casriga ah iyo horumarka maanta aadamuhu ka gaadhay nolosha.
Waagii hore; dadku waxa ay u qaybsanaayeen laba qaybood oo kala ah:
- Dad hoddan ah, oo ladan, oo ladnaanshiiyahaasi u abtirsadda ka-awaw ka-awaw.
- Iyo Dad caydh ah, oo caydhnimadaasi u abtirsadda ka-awaw ka-awaw.
Dadka hoddanka ahi waxay ahaayeen dadka dhulka iyo hantida leh, tusaale ahaan; xoolo-dhaqatada, beeraleyda iyo warshadaha oo waagii dambe ku soo biiray hantida, dadkaasi hantidaasi ayay kala dhaxli jireen, oo ay u kala ab-tirsan jireen, marka mid dhintaba kuwii uu ka tagay ayaa uga dambeyn jiray.
Dadka caydha ahina waxay ahaayeen dadka bilaa hantida ah, wixii ay helaanna yahay waxa maalintaa ama markaas uun ku filan, sidaasi ayay ku ahaayeen shaqaalaha hantiileyaasha, wixii ay shaqeystaanna u ahaa wax aan cunnadooda dhaafeynin, sidaasi ayay ku dhalanayeen, oo ku dhalayeen.
Markii ay tiro bateen dadkii dabaqadda hoose, ee caydha ahaa, waxa bilaabmay kacdoonno ay sutida u hayso su’aasha ah “Maxaan caydh u ahay ka-awaw ka-awaw?”, kadibna dawladihii ay hogaamin jireen madaxda sida togan u fikirtaa way tashadeen, arrinkiina wey deraaseeyeen si ay xal u helaan, kadibna waxay hindiseen nidaamka deymaha ee casriga ah, nidaamkani oo dalalkii qaatay muddo gaaban ku geeyay xadkii barwaaqada, hadaba waa noocee nidaamkani:
Waxa aynu wada ognahay; barakada kolba meel ayaa Raxmaanku geliyaa, oo hantida ama lacagtu saban walba meelo iyo goobo ay ku ururto ayaa jirta, waa meeshii Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye barakeeyo, se dadkii sida togan u fikirayay waxa Raxmaanku haleeshiiyay, in ay helaan qaab ay u wada noolaan karaan kii lacagtu ku soo ururtay, ee Alle u barakeeyay, iyo kii ay xagiisa ka soo faaruqday.
Waxay nidaamkani odhanayaa ama waajib ka dhigayaa;
- In bangi dhexe oo dawladu maamusho la sameyso, way jiri karaan bangiyo gaar loo leeyahay, se waa in ay siyaasad ahaan iyo nidaam ahaanba toos ugu xidhan yihiin bangiga dhexe ee ay dawladu maamusho.
- Waa in bulshada qof kastaa oo shaqaale ah uu account ama xisaab ka furto bangiga, oo lagu xidho heshiiska shaqaaleysiinta, shaqadaasi ha noqoto mid dawladeed ama mid gaar loo leeyahayba’e.
- Waa in mushaharaadka la dhigo account-yadaasi, si aan loo arag lacag naqad ah oo gacanta ay iska siinayaan labada qof ee kala shaqeystay.
- Iibka iyo dhamaan wixii heshiisyo ah, ee lacag xidhiidh la leh, waa in lagu kala iibsado account-yadaasi uga kala furan bangiyadda, wixii lacagta lagu kala iibsanayaa yar tahay way kala qaadan karaan, xaddiga la ogol yahay waa in dawladu sheegtaa.
- Waa in xaddiga lacagta uu qofku account-kiisa ama xisaabtiisa kala baxi karo muddo cayiman ay dawladu sheegtaa.
- Iyo qodoba kale oo aad u badan, intan ayaa se ugu muhiimsan.
Hadaba nidaamkani wuxuu taray ayaad is-weydiinaysaa? markii ay dawladuhu qaateen nidaamkani;
- Waxay gebi-ahaanba dawladii gacanta ku dhigtay, oo dawladnimadii soo hoos galay hantidii dalkaasi lahaa.
- Waxay dawladii heshay xogtii dhaqdhaqaaqa lacageed ama hantiyeed ee dalkeeda, xogtaasi oo noqonaysa ta laga diyaarinayo siyaasada dalkaasi ku gaadhayo badhaadhaha.
- Waxay dawladii ogaatay iibabka ama noocyada ganacsiga socodkiisu fiican yahay, taasi oo ay dadkeedii ku dhiirigelisay, siyaasadii iyo xeerarkii lagu horumarinayayna ay diyaarsadeen, kadibna ay dad badani ka faa’iideen.
- Waxay dawladii ogaatay meelaha/xarumaha/ganacsiyada ay lacagtu ku ururto ee barakaysan, iyo meelaha lacagtu ka soo faaruqdo ee ku-noqodkeedu yar yahay.
- Hadaba ta u muhiimsan ayaa waxa ay tahay, in dadkii ay jeebkooda ka soo faaruqday lacagtu heleen kanshe ama fursad ay mar kale kaga daba tagaan lacagtii, oo ay ku helaan lacag ay maalgashadaan, yacnii caydh noqon maayaane mar kale ayay access u yeesheen lacagtii, oo dawladii waxa ay sameysay, dadkii ay xagooda lacagtu ku ururtay kamay qaadin, inta ay doonaan ayay xilliga ay doonaan kala bixi karaan xisaabtoodda, se wixii dheeraad ah ee kolayba bangiga ama xisaabta iska dhex ooli lahaa, ayaa ay ku deymisay dadkii u baahnaa deynta.
- Isku soo wada duuboo; dawladii waxay heshay nidaam ka caawiyay, inay dadkeeda iyo dalkeeda u horseeddo horumar iyo barwaaqo.
Bal qaybtaa deynta aynu sii faahfaahinnee; qofkii caydha ahaa ama hantidiisii wada isticmaaley, waxa uu u tagayaa bangigii, kadibna deyn ayuu codsanayaa, iyada oo weliba dawladdu ku diyaarisay bangiga dad aqoon u leh, oo la taliya qofkan deynta raba, si hadii uu maalgelin sameynayo ay ula hubiyaan, in waxan uu maalgashanayaa yahay wax faa’iido leh iyo in kale, ileyn dawladu waa tii haysay xogta dhaqdhaqaaqa ganacsiga’e, lacagtan uu qofkani deynta u qaadannayo, waxa laga soo saarayaa account-yadii ay ku ururtay lacagtu ee barakeysnaa, waxa kii deynta qaatay soo celinayaa lacagtii oo qiimaheedii weli leh, ileyn waxa ay ku qiimeysan tahay shay qiimo leh’e, qofkii laga saaray account-kiisuna kama warwarayo in lacagtiisii oo dhiman uu xisaabtiisa ugu tagayo’e, mar walba xisaabtiisii oo sidii uu ku ogaa qiimaheedu yahay ayuu bangiga ugu tagayaa, miyaanu nidaamkani ahayn mid cajiib ah.
Bal u fiirso; waagii hore qofku inuu taajir kunanle ah noqdo, oo lacag kuman gaadheysaa ku ururto xisaabtiisa, waxa ay ku qaadan jirtay muddo badan, oo qofku gaadho dhamaadka da’diisa ama lixdan jirrada uunbaa la arki jiray dad kumanleyaal ah, se intii nidaamkani casriga ah ee deynta la maalgashannayo bilaabmay, waxa la diiwaangeliyay:
- Dad hantidoodu milyan ama ka badan gaadhay, oo milyanneero ama bilyanneero noqday.
- Dad iyaga oo da’a yar milyaneero iyo bilyanneero ku noqday muddo gaaban, miyaanad arag Elon Musk iyo qayrkii.
- Dad ka soo jeeda qoys caydh ah ama hantilaaweyaal ah amaba qaxoonti ah, oo markii ay keeneen fikir ay hayaan, oo u baahan in deyn loogu maalgeliyo, muddo gaaban oo laga yaabo inay toban sanno ka yar tahay, ku noqday milyanneero iyo bilyanneero, miyaanad maqlin Bil Gate iyo Mark Suckerberg.
Hadaba innaga maxaa ina haysta, oo inoo diiday inaynu gaadhno badhaadhe iyo barwaaqo aynu kaga baxno caydhnimada dadkeenu u badan yihiin, sida dadkaa adduunka inagula noolba u gaadheen? Maxaa inoo diiday in aynu u fikirno, sida dadkaa horumaray u fikirayaan?
Jawaabtu waxa weeyi; dadkeenii waxa haysta mushkilad maamul, oo u baahan in si qoto dheer loo derso, waxa jira boqolaal madaxweyne, oo mid waliba xukun aanu ka fiirsanin, ama aanu u eegin wanaagga iyo waxtarka uu bulshada u leeyahay uu soo saarayo, bal u fiirso; masaajid kasta mid ayaa taagan, kaasi oo waxna mamnuucaya waxna fasaxaya, oo weliba dadkii aakhiro kaga xidhaya waxan uu diidayo ama uu u fasaxayo, ku darso’oo dawlad iyadu magacii dawladnimo sidataana wey jirtaa, boqolaalkaa madaxweyne ee digreetooyinka waxna lagu mamnuucayo waxna lagu fasaxayaana masaajiddada iyo madaariska ayay ka buuxaan, hadii la yidhaa waar dawladda ku biira, oo waxan aad sheegaysaan si loo mideeyo, oo looga fogaado awaamirtan is-wada khilaafsan, ee midiba dhinac u jeedo, oo loo helo hal siyaasad ama hal xeer oo dadka si siman ugu wada dul dhaca, yeeli maayaan, oo dawladaba qaarbaa u yaqaanna meel xun.
Hadaba innaga dhibta inna haysataa waxa weeyi, qofkii jeebkiisa lacagtu ka soo faaruqdaa, mar kale way adag tahay inuu access u helo lacag ku filan oo uu maalgashan karo, maxaa yeelay; dadkii maqalka Rabbi u barkaeeyay, ee ay lacagtu xagooda ku ururtay, ayaa xasestay oo qarsaday, iyaga oo ka cabsi qaba in loo soo celin waayo hadii ay deyn bixiyaan, ama loo soo celiyo iyada oo qiimo dhacday, kadibna dadkaa lacagtu ku ururtay waddamo kale ayay bangiyadooda u xawilaan, ay lacagta soo dhigtaan, qaarkoodna lacagtii waabay fadhiisiyaan, oo waxa ay ku iibsadaan dhul banaan ama dahab aqalka iska dhex yaal ayay geliyaan, waana mushkilad u baahan in dawlad iyo aqoonyahanba loo fikiro, si loo meel mariyo nidaamkaa casriga ah ee deymaha iyo dhaqaalaha lagu maamulo.