Xikmadda Suugaanta Caalamka bal aynu eegno maanta

Sida ku soo aroortay sheeko xariirada qaybta ka ah suugaanta dalka Czech Republic:

Mid ka mid ah kaymaha dalkaasi, ayaa waxaa ka banaanaday boos shaqo, oo loo rabay Bakayle.

Waraabe bilaa camal ahaa, ayaa soo samaystay waraaqo caddaynaya inuu Bakayle yahay, sidii ayuuna shaqadii ku bilaabay.

Muddo ka dib wuxuu ogaaday, inuu jiro Bakayle ka shaqeeya shaqadii Waraabaha, oo haysta waraaqo muujinaya inuu Waraabe yahay.

Waraabuhu markuu ogaaday, in shaqada Waraabuhu ay ka lacag badan tahay ta bakaylaha, ayuu dacwad xeraystay, si uu shaqadaas u helo, Bakayluhuna tiisa u qaato.

Guddi Shabeello ah, ayaa gartii loo xilsaaray, waxayna gartii ku gooyeen, in Bakayluhu Waraabe yahay maadaama uu waraaqo muujinaya haysto, Waraabuhuna Bakayle yahay…

Waraabihii oo la filayay inuu rafcaan qaato, ayaa iska diiday.

Xayawaankii kale ayaa weydiiyay, sababta uu u diiday rafcaanka?

Waraabihii ayaa yidhi: Markii aan arkay guddida Shabeelada ah, ee garta qaadaysaa, in ay dhammaantood yihiin, Dameero haysta waraaqo muujinaya inay Shabeello yihiin, ayaan ka quustay oon gacmaha dib u laabay.

Bal adba.

Houssein Barre ayaa inoo soo turjumay – source

Waxa Qoray Jamaal Cali Xuseen

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?