Nin Hindi ah, oo dukaan weyn Berbera ku laahan jiray beri hore, ayaa wuxuu shaqadda qoray nin u ilaaliya dukaanka, oo hor seexda, si ay tuugtu uga gabato.
Ninka Hindiga ahina gudaha tukaanka ayuu seexan jiray.
Hadaba ninkii shaqadda la qorey ee Waashmanka, ama Waardiyaha ahaa, ayaa wuxuu lahaa Khuuro aad u xun, oo qaylo dheer.
Hindigii baa habeenkii hore ka seexan waayey khuuradiisii, kolkaasuu intuu toosiyey ninkii ku yidhi; “Jiib noom taani” oo af carabi ah, micneheeduna noqonayo “Khuuro kale keen!”, isaga oo u jeedda Xaaji khuuradani kaa mari maysee, mid kale la kaalay, ileyn waanigan ka gam’i waayaye.
Sheekadani berigii danbe dadkeena halqabsi wacan bay u noqotay, kolkuu qof kuula yimaado arrin aan ku maraynin, oo aad la yaabto.
Waxa Qoray: Jamaal Cali Xuseen