Dhibaatooyinka ka yimaadda madax-dhaqameedyada siyaasadda dhex gala

Dhibaatooyinka ka yimaadda madax-dhaqameedyada siyaasadda dhex gala

Caadiyan; sida aynu wada ognahay, reer kasta oo ka mid ah 8-da reer sheekh Isaxaaq iyo dhamaan qabaa’ilka kale ee ku nool dalkeena Somaliland, qabiil iyo reer kastaa wuxuu leeyahay odey guud, oo magaca reerkaasi ku hadla, loona yaqaanno Suldaan ama Ugaas ama Garaad ama Boqor.

Odeygaasi waxa uu u taagan yahay, oo uu astaan u yahay urursanaanta iyo wadajirka reerkiisa, jufo kasta oo reerkiisa ka sii mid ahna waxay leedahay Caaqil.

Caaqilkaasi oo jufada arrimaheeda loogu soo hagaago, isla markaanna loo daba fadhiisto wixii jufadaasi soo gala ama looga baahdo, arrin noqoyaa ama adduun noqoyaaba.

Madax-dhaqameedkaasi mid kastaa waxa uu qabiilkiisa ama reerkiisa u hayaa, shaqooyin iyo hawlo cayiman, oo laysla yaqaanno, oo fulintooda uu damaanad buuxda iyo kalsooni uga haysto reerkiisa ama qabiilkiisa.

Shaqooyinka iyo hawlaha joogtada ah, ee ay madax-dhaqameedku u hayaan reerahooda, waxa ka mid ah:

  • Ka-war-haynta si guud dadkiisa ama xubnaha reerkiisa ama qabiilkiisa.
  • Ku-hadlidda afka reerka meel kasta oo reerkaasi looga baahdo.
  • Ururinta qaadhaannada.
  • La-xaalidda reeraha kale, ee ay reerkiisa qudh ama qooni dhex marto.
  • Ka shaqeynta si guud wanaaga iyo waxtarka reerkiisa ama qabiilkiisa.
  • Iwm…

Hawlahaasi aan soo xusay iyo kuwayaale kaleba, waa shaqooyinka uu madax-dhaqameedku mandate-ka ama fasax buuxa uga haysto reerkiisa/qabiilkiisa, inuu isagu go’aan ka gaadho, oo go’aankaasina fuliyo.

Reeraha ama qabaa’illada qaarkood ayaa madax-dhaqameedkooda guud marka uu gaboobo ama caafimaad-daro lasoo deristo amaba hawshu ku badato, ku xoojiya koox guddi ah, ha noqdaan caaqillada jilibada iyo jufooyinka reerka ama ha noqdaan xubno siyaabo kale loogu soo xulay, oo isla reerka ka tirsan

Madax-dhaqameedkaasi waxay mar kasta iyagu u taagan yihiin, inay ka shaqeeyaan danta iyo wanaagga guud ee reerkooda.

Hadaba maanta maxaa dhacay ee jira?

Waagii hore reer iyo qabiil kasta iyaga ayaa dawlad isu ahaa, oo madax-dhaqameedkooda ayaa hogaamin jiray, laga soo bilaabo tan iyo markii ay burburtay Saldannadii Cadaalada ee Geeska Afrika ka talin jirtay(Halkan ka akhri Saldannadii Adal), taasi oo keentay in qabaa’ilkii iyo reerihii dawladaasi ku mideysnaa, ay kala daataan, oo kala soocdaan arrimahoodii dhaqan-dhaqaale.

Muddo ay qabaa’ilka reer Somaliland gaar-gaar u kala deganaayeen, oo reer kastaa gaarkiisa isu maamulayeen, oo qabiil kastaa taladooda u daba-fadhiyeen hogaankooda dhaqanka, waxa yimid geyiga Somaliland dawladii Ingiriiska (Halkan ka akhriso Imaatinkii Ingiriiska)

Dawladdii Ingiriisku waxay la timid nidaam maamul oo casri ah, taasi oo ay maamul qudha isugu keentay dhamaan qabaa’ilkii reer Somaliland, ee ku kala oodnaa deegaannadii u kala calaamadsanaa, ee aan taladoodu mideysnayn, kadib reer Somaliland wuxuu Ingiriis ku maamulayay nidaamkaa casriga ah, ee mideeyay qabaa’ilkii kala qoqobnaa, muddo gaadhaysa ilaa 80 sannadood.

Markii Ingiriis ka baxay guud ahaan geyiga Somaliland, waxa dadkii reer Somaliland ku soo baxsaday, sii wadida nidaamkii casriga ahaa ee mideeyay qabaa’ilkii reer Somaliland.

Nidaamkani dawladnimo ee casriga ahi, waxa uu khasab ka dhigayaa in la helo dadkii wadayay, kuwaasi oo naaneystooda ama magacooda la yidhaa Siyaasiyiin.

Siyaasiyiintu waa inay noqdaan kuwo dhex ah, oo hab cadaalad iyo sinnaan ku dhisan ugu adeega qabaa’ilka dawladdu u adeegayso oo dhan, habkaasi oo la yidhaahdo Siyaasad.

Siyaasaddu waa habka togan ee loo maamulo arrimaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada, si loo joogteeyo horumarka iyo wanaagga bulshadaasi, loogana hortago wixii bulshadaasi dib-u-dhac iyo dhibaato ku keenaya.

Siyaasaddii waxay keentay; in laga guuro nidaamkii madax-dhaqameedyadu ay dadkooda u maamuli jireen, kaasi oo ahaa mid bulshadu ku kala soocnaayeen, loona gudbo nidaam ay maamulkiisa ku wada jiraan, dad ka soo kala jeeda qabaa’illo kala duwan, iyada oo siyaasadda ay adeegsanayaanna tahay, siyaasad mabaadii’deeda iyo hanaankeedu mid yahay.

Si dad kala qabaa’il duwani hal maamul uga wada tirsanaan karaan, waa in la sameeyo Ururro iyo Xisbiyo siyaasadeed, kuwaasi oo ay isku xulafaysanayaan dadka intii isku siyaasad ah, ee si’i wax u wada wadi karta, iyagaana isa soo doondoonaya, oo qabaa’illada iyo reeraha iskala soo dhex baxaya, ha noqdaan koox saaxiib sheeko-wadaag ah ama ha noqdaan koox isku waxbarasho ah.

Kadibna kooxahaasi isku urursaday habka siyaasadeed, ee ka soo kala jeeda qabaa’illada kala duwan, ayaa u tartamaya talada dalka, iyada oo cidda kala saaraysaanna tahay bulshada guud ee dalka deegaannadiisa kala duwan ku nool, ee qabiil walba leh, marka ay kooxahaa siyaasadda mid waliba u soo bandhigo bulshada, barnaamijka siyaasaddooda guud oo dhameystiran, oo ay ku xardhan tahay siday u maamuli doonaan bulshada marka ay talada ku guuleystaan.

Hadaba mushkiladii ugu weynayd ee nidaamkan casriga ahi waxay noqotay, siyaasiyiintani deegaanku geedaha kamay bixine waxa mid kastaa ka dhashay qabiil, kolkaa dadkii rayidka ahaa ee loo talinayay, ee iyagu ahaa kuwa dooranaya kooxaha siyaasadeed, ee fartooda iyo codkooda ay kooxaha siyaasaddu ku kala hadhayeen, yaa ka dhaadhicinaya ku dooro urur-siyaasadeed aanu ku jirin mid inaadeerkii ah ama ay isku qabiil yihiin.

Guddi-Reereedyadani Maxay Ahaayeen?

Waxa aynu muddooyinkii dambe oo dhan maqlaynay guddi-beeleedyo iyo madax-dhaqameedyo shirar qabsanaya ama kullamo yeelanaya.

Hadaba waxa is-weydiin mudan, guddi-reereedyada ku jira maanta saaxada siyaasada, kuwaasi oo warbaahinta haystay indhoweyd:

  • Maxay qabtaan ama mandate-koodu muxuu yahay?
  • Yaa sameeyay ama dhiirigeliyay sameysankooda?
  • Baahida loo qabo ee kaliftay in la sameeyaa maxay tahay?
  • Ujeedooyin noocee ah ayaa loo sameeyay?
  • Yaa maalgeliya hawlahooda, shirarkooda, kullamadooda?
  • Ma laga yaabaa in cid aan dadka iyo dalka u tudhayn ay inoo sameeyeen?
  • Xubnaha loo doortay guddiyadaa kala duwan ee reeraha, ma la isku dayay in la ogaado xaqiiqadooda iyo waxa ay ku hawlan yihiin noloshooda caadiga ah?
  • Mase laga maarmi karaa guddi-reereedyadaasi, mar hadii ay arrimihii siyaasada dhex galeen iyaga oo reero magacood sheeganaya?

Waa su’aalo laga yaabo in dad badan oo aan ka mid ahay is-weydiinayaan, maxaa yeelay; dawlad marka la yahay, cidda han leh ama rabta in ay dawladaasi si uun uga qayb-gasho hawlaheedu, waa in uu magaca reerka dhigo, oo u gudbo heer qaran, afka uu ku hadlayaana waa in uu noqdo mid dhex u ah dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada dalkeena, qofkaasi markaa waxa uu qaadanayaa ama yeelanayaa magaca Siyaasi.

Hadii ay sidaa noqon weydo, oo reer kasta qof ama koox ama guddi magacoodii sitaa ku hadlo afkooda, waxa imanaysa isku-dhac ama isu-fiirsasho qabaa’il, kolkaa guddi-reereedyadani maxaa loogu qancin waayay in ay siyaasada galaan ama umadda ka fadhiistaan?

Halkaa waxa inooga muuqda gaabis iyo il-duuf ay sameeyeen madaxda iyo hogaanka siyaasada ee Somaliland 30-kii sanno ee aynu jirnay, maxaa yeelay; waxa ay ahayd in mar hore la sameeyo xeerkii lagu maamulayay madax-dhaqameedka, kaasi oo qaabeyn lahaa odeyada dhaqanka mandate-kooda iyo halka lagu ogaanayo arrimahooda.

Bal u fiirso; sida caadiga ah Suldaanka Guud ama Caaqilka jufada, waxa lagu ogaa shaqo kooban, oo aan dhaafsiisneyn qoomaha, qaadhaannada iyo ka-warhaynta guud ee reerka, waa mandate la isla yaqaanay oo reerka oo dhami ku og yihiin odeyada dhaqanka, kalsoonina uga haystaan fulinta iyo ka-hawlgelidda arrimahaasi, se guddi-reereedyadan haatan saaxada soo galay, iyaga oo laga yaabo in reerka badankiisu doorashadoodii iyo ujeedooyinkooda waxba ka ogeyn, waxa dhacda in ay hadana awood u leeyihiin, in ay sawir ahaan isu soo ag-joojiyaan Suldaankii ama Caaqilladii reerka, kadibna baaqyo diraan ku aadan reero kale ama ay shirar ku qabsadaan magacii reerka, kadibna ay soo saaraan go’aamo iyo war-murtiyeedyo laga yaabo in reerka badankiisu qoonsado ama wax aan in badan oo reerka ka tirsan hadii la soo hordhigi lahaa aanay ogolaadeen, waxba se aanay ka qaban karaynin haatan oo magacoodii guddiyadaasi ku shaqeysanayaan, iyada oo weliba laga yaabo in reerkii lagu godobaynayo, oo ciddaa lagu weeraray ama laga shiray u arkayaan, in reerkii reer hebel oo dhami sidaa guddidu go’aanka ku soo saartay ay wada qabaan, oo raali ku wada yihiin, waana meel ka dhac weyn iyo xadgudub lagu sameeyay wada lahaanshihii magaca reerka.

Bal hadda eeg; qofku marka uu siyaasadda gelayo waa:

  • Inuu horta ka soo baxo xayndaabkii reerkooda ama jufadooda, oo u soo gudbo xayndaabka qarannimo, taasi oo ka dhigan in reerka uu ka dhashay iyo reeraha kale ee dalka iyo dantu ka wada dhaxeyso uu si isku mid ah ugu adeegayo,
  • Waa in uu dadka soo hor-istaago, oo kalsooni soo weydiisto,
  • Marka uu hadlayo waa inuu ku hadlayo af guud oo ka baxsan kii reerkiisa, kaasi oo uu ku soo bandhigayo siyaasadiisa, mabaadii’diisa iyo afkaaraha isaga gaarka u ah, ee uu rabbo inuu dadka iyo dalka ku hagaajiyo,
  • Waa in waxa uu galo iyo waxa uu gudo bulshadu ogtahay, hadii kalena uu isagu soo bandhigo,
  • Waa inuu cod shacab ku soo baxo, marka uu xil qabanayo,
  • Waa in uu aqoontii uu ku hawgalayay leeyahay,
  • Marka uu xilqabto awoodiisu way xadidan tahay, waxaana jira la-xisaabtan iyo hay’ado kale oo ay wada-shaqeynayaan ama xilka uu hayo gaadh ka haya.

Bal hadaba is-barbar-dhig siyaasiyiinta caadiga ah iyo guddi-reereedyadan haatan lugna siyaasadii kula jira lugna reerkii kula jira, marka ay wax qaldaan ama xadgudub sameeyaan xidhe ma jiro, maxaa yeelay; xeerarkii siyaasadu ma qabanayaan oo siyaasi buuxa maaha, xeer jajabkii reerkuna ma qabanayo oo waa guddi kalsooni odey dhaqameed haysata.

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?