Cadawga Gudaha

Cadawga Gudaha

Alle Ha U Naxariistee Abwaankii Ibraahim Gadhle waxa uu yidhi: “Midigtaadu yay noqon mid tolkeed u muruq-weyn…”

Abwaankii kalena waa kii lahaa: “Uma baran bahdey iyo inaan biiyo beledkee, Shisheeyaha kolkaanu baratannaan badin aqaannaa…”

[Cadawga Gudaha] Kelmadaasi mar kasta oo aan maqlo waxaan xasuustaa, oo maskaxdeyda dib ugu soo maaxda, dhacdo aad iiga yaabisay, oo aan la kulmay berri hore.

Waa xilligii aynu dagaaladii sokeeye ka soo yar doogney, ee dadka inbadan oo ka mid ahi u jeesteen xaga horumarka iyo waxbarashada, waagaasi waxbarashadu aad ayay dadka agtooda qiimo ugu lahayd, qofku wuxuu doono ha barto ama darajada uu doono ha ka joogee, mar hadii uu wax bartay naaneystiisu waxay ahayd Jaamici, xataa qofka luuqad aan Soomaali ahayn yaqaannaa Jaamici ayuu ahaa, kolkaa marka la gaadho imtixaanka, ereyada wuu gudbay iyo wuu waayay dhadhan nololeed oo aan wax loo dhigaa jirin ayay gudbin jireen, saameyn weyn oo raadka ay ka tagtaa duugoobinna way ku reebi jirtay maanka qofka.

Hadaba xilligaasi ayaa annaga oo ku jirna fasalkii 8-aad ee u dambeeyay dugsiga hoose/dhexe Gacma-Dheere, isla markaana isu diyaarinayna gelitaankii imtixaanka GCSE-ga oo waagaasi Hargeysa laga bilaabay, ayaa ardey aad u xariif ahaa, oo fahamkiisu aad u fiicnaa, oo aanu isku fasal ahayn, maalmahaasi murugo iyo cadho xad-dhaaf ah aan ku arkay, waanu isku kursi xignay, kadib waxa aan weydiiyay waxa ku soo kordhay.

Inkasta oo uu iga diiday inuu ii warammo, maadaama oo arrinku yahay mid qoyskiisa gelaya oon gadaal ka ogaan doono, haddana ii warran dhowr maalmood kadib, oon malahayga is-idhi wuu soo tashanayay, go’aanna wuxuu ku gaadhay inuu iiga warramo waxa ku soo kordhey, ileyn waa tii la yidhi: “Intuu uurku ku buki lahaa afku ha ku buko’e…”

Goor nusasaacihii ahayd annaga oo fadhinna barxadii dugsiga Gacma-Dheere, qiyaastii meel geedaha qudhacyada ah ee nusasaacaleydu fadhiistaan u dhaw, ayuu ii bilaabay warkii.

Wuxuu hadalkii iiga bilaabay: “Warsamoow Adigu cadaw dibadda ah ayaad leedahay sow maaha…., hadaba anigu cadaw gudaha ah ayaan leeyahaye ka waran bal!

Cabbaar intaan aamusnaa aniga oo wejigiisa eegaya, oo isleh malaha wuu kaftamayaa ayaan idhi: “Maxaaad uga jeeddaa cadaw gudaha ah ayaan leeyahay?

Isaga oo weli wejigiisa cadhadii iyo warka uu ii soo wado weynida uu maankiisa ku leeyahay ka muuqato, ayuu yidhi: “Waar walaahi been kuu sheegi maayo’e cadaw gudaha ah ayaan leeyahay, oo ka xun kaa dibada…

Wuxuu ii raaciyay hadalkii, isaga oo farta ku fiiqaya ardeyda mid ka mid ah oo meel noo muuqata sii socda: “Imika baajuuntaasi hadii ay afka kula soo gasho, sow inta aad gagabiso, oo aad far-dhaqaaqda u diido isaga tegi maysid, miyay dib dambe maraato iyo af-xumo kuula imani, sow markaad garaacdo amaan ka heli maysid oo sidaa kugu nabadgelin mayso…

Aniga oo weli yaaban ayaan weydiiyay: “Imika maxaad ka hadlaysaa, anigu weli kumaan fahmin…?

Isaga oo aad aragto inuu hadalka kala reebayo, hadana carabku ka xadayo ereyada qaarkood, ayuu yidhi: “Waar… Waar… Hooyadii… garacii Hebel ayaan isaga taag la’ahay, walaahi in aan dilo iyo in aan wadanka uga tago labadaasi mid bay noqon…

Yaab iyo af-kala-qaad ayaa uu hadalkaasi igu noqday, waanu ii cuntami waayay, maxaa yeelay; ninka uu sheegayaa waa inaadeerkii ruma, laba walaalo ah ayaa kala dhalay, oo weliba kaaga daranta ninkan uu sheegayo aabihii, oo isagana adeerkii ruma ahi wuu dhintay, waxa ka sii daran waxa ay ku nool yihiin laba guri oo isku dhagan, ninkan ii waramaya aabihii ayaa labada reerba imika u ah mas’uul, inkasta oo ninkan ii waramaya iyo ninka inaadeerkii ee uu ka cabanayaa ay da’a ahaan isku dhaw yihiin, hadana kan ii waramaya ayaa dadka oo dhami u yaqaanaan inuu mas’uul yahay, oo wixii ka xumaada kaa kale loo soo sheegaa.

Markii uu i arkay in aan su’aalo badan is-weydiinayo, oo aan u qaadan la’ahay waxan uu sheegayo iyo hadallada kulul ee ay ka mid tahay cayda darandooriga ah ee uu inaadeerkii ruma ku leeyahay, wuxuu igu yidhi: “Bal inna mari anaa wax ku soo tusi’e, oo indhahaaga ayaad ku soo arkiye…

Isaga oo gacanta igu dhagan, oo weliba diidan in aan iska furfuro si aanan uga hadhin ayuu fasalladii dugsiga xaga galbeed kaga yaalay iila kacay, waxa fasaladaasi dhigan jiray ninkan ay ilmaadeerka yihiin, oo aanu isku lod ahayn, isna ku jira 8-aad, oo aanu imtixaanka u wada diyaar-garoobayno, se ninkani wuxuu ahaa ciyaalo-baadhi aan waxbarashada siinin dedaalkii ay uga baahneyd.

Meel dhexda ah markii aanu marayno ayaa uu i sii daayay gacantii, qiyaastii ujeedkii uu lahaa ayuu gaadhay, kadibna hore ayuu u socday, meel aan waxba iga fogeyn isaga oo maraya, ayaa ninkii ay ilmaadeerka ahaayeen meel uu ka soo kacay garan maayo’e aan arkay isaga oo xagiisa u sii socda, markii uu ag-marayay ayuu wax ku yidhi, maan maqlayn laakiin ninkii ii waramayay oo maxaad igu caayaysaa leh ayaan arkay, kadibna aniga iyo ardeydii kale ee u dhaweydba kala kaxaynay.

Ninkii ayaanu isa soo raacnay, kadibna waxa aan weydiiyay: “Waan arkayay inuu hadalka isagu kugu bilaabay markii uu ku agmarayaye muxuu kugu yidhi…

Ninkii oo ciil-ciishoonaya, oo hadalku ka soo bixi la’a yahay ayaa yidhi: “Hooyaday ayuu caayay?

Anigu ileyn ma maqleynin hadalka laakiin inuu wax ku yidhi waan arkayay, maskaxdeydii waxa ay qaadi weyday ninkaas oo aan garanayay, oo iila muuqan jiray mid af-gaaban, oo xataa aan hadalka kor u qaadine xishooda, kii ayaa cay sidaa u xun ku odhanaya ninkan ay ehelka yihiin, iyada oo aan wax uu ku sameeyay oo markaa noo muuqday jirin, wax aan idhaa waan garan waayay, se ninkiina u caqli celiyay halkii uu fasalkayagu ahaana u kaxeeyay.

Maalin kale ayaan u fiirsaday, meel masaajid ah annaga oo ka soo baxnay, oo aanu wada soconno ninkii ii warrami jiray, kii kalena aan ogaa in uu nagaga dambeeyo masaajidka, oo aanu ka soo cag-horeynay, ayaa markii aanu woxogaa soconnay uu naga daba yimid, deetana anigu muraayad-haadda ayaan kala socdaa, oo bal waxa uu sameeyo ama yidhaa aad aragtid ayaan is-leeyahay, dhinicii uu xigay ayuu maray, isaga oo iska dhigaya mid ordaya, kadibna garbin iyo laagid wax aan u kala garan-waayay ayuu ninkii ku dhuftay ilaa uu ninkii xageyga u soo ciiray, kiina hore ayuu isku tuuray, isaga oo iska dhigaya mid cagta loo dhigay oo kufay.

Ninkii oo cadhadii hore ee uu qabay, iyo caydii uu ii sheegi jiray maalintii aanu iskuulka joognay iyo garbintani haddu isugu biirtay, ayaa intuu kii oo boodhka iska tumaya, oo weliba kaaga daranta leh maxaad lugta iigu dhigaysaa… isku maqiiqay dhirbaaxo wejiga kaga dhuftay, tu labaad umuu raacin oo intayadii u dhaweyd ayaa ka qabannay, isna is-xakamee, oo malahayga kolkii gacantu ka dhacday ayuu miyirsaday.

Ninkii la dhirbaaxay waloow aanu itaal leekeyn inaadeerkii, oo ay bisad iyo jiir isku noqonayeen, weliba ay u raacdo in aanu horena wax dagaal ah u gelin, oo sida uu feedhka u duubanayo marka aad aragto, kolkaaba aad ka qiyaas-qaadanayso in aanu weligii dagaalamin, hadana ninkii waa kaa qaylo iyo cay isku daray, xaafadihii nagu dhawaa oo dhan laga soo wada bax, dhulka ayuu isla dhacayaa, igu sii daaya ayuu leeyahay, kolba dhagax weyn oo aan gacantiisuba qaadi kareynin iyo loox ayuu kula soo ordayaa, mar lagu sii daayay wuxuu ku dhufanayay wax aan u kala garan waayay tantoomo iyo dhirbaaxo, oo ay isaga gacantu wax noqotayba sida uu isula kala jiidayay axmaqnimada, ninkii oo aanu qaban kari la’ nahay ayaanu xagii aqalkoodii u kaxaynay, markii uu aqalkii gaadhay waa kaa meyd iska dhigay, ee ciida iyo boodhka madaxa iskaga keenay.

Labadii aqalba waa laga soo baxay, oo hablihii iyo hooyooyinkii way soo baxeen, hablihii ay ninkani dhirbaaxay walaalaha ahaayeen sida uu u caayayo, iyo noocyada cayda uu ku leeyahay waa la yaabay, inkasta oo sidii markaa ii muuqatay labada qoys xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay intooda kale, oo dhibku ninkani uun yahay, hadana khajilaad ayaa hablihii uu caayay ay aqalkoodii dib ugu carareen, hooyadii ayaa kolba dhirbaaxo tii hore ka daran ku dhufanaysa, oo naga aamus ku leh, miyuu aamusayaa miyuu qayladii iyo cayda deynayaa, waar ninkii oo loo taag la’ yahay, reerkoodii iyo dadkii jaarkuba wax ay sameeyaan garan la’ yihiin, ayaa uu yimid odeygii adeerka u ahaa, ee labada reerba mas’uulka ka ahaa.

Xataa adeerkii ayuu ixtiraami waayay oo uu hadallo aan qaban ku lahaa, waa marka dadkii ku urursannaa oo dhami isaga kala dareereen, iyaga oo ka quustay sida uu wax leeyahay, ileyn intii hore waxay moodayeen in dhib weyni qabsatay’e, aduu ninkii adeerkii aqalkii geli, annana ka nimid.

Waxa talo-ku-ciirtay kii wax dhirbaaxay, oo qadhqadhyada iyo gariirka jidhkiisa aanad maleyni karin sida uu u cabsanayo, halkii masaajidka agtiisa ayuu markii nagaga hadhay, doondoonid kadibna waxaanu ugu tagnay isagoo laagta Goljanno dhex marta meel wada tiin iyo ciin ah dhex kambadhuudha, oo isla-sheekeysanaya, aqalkii inuu tago wuu diiday, ileyn waxan ayuu ogaa, oo inbadanoo kale oo naga qarsoon ayaa jirtee, marbuu igu yidhi maxaad igaga eegaysay adaa ii dhawaaye miyaad na qabatid, naga tag…

Ninkii wuxuu nooga sheekeeyay arrimo cajiib ah, wuxuu yidhi: “Waar ninkani aniga ayuu ila tartamayaa, cagta ayuu cagta ii saaray, hadaan hindhiso isna waa inuu hindhisaa, hadii aan suuqaa shaadh ka soo iibsado, isna waa inuu mid soo iibsadaa, oo weliba ila soo hor maraa isaga oo i hiifaya ama i caayaya, calashaan sideed iigala hor martaa wax iibsiga, waxa ay iigu daran tahay marka habeenkii ay dumarka iyo hooyooyinku ay meelahan aqalka ku caweynayaan ee ay magacayga soo qaadaan, xataa hadii waxaa la igu sheegayaa yahayba wax xun, isaga naftuba way ka baxaysaa, oo weerar cir iyo dhul ah ayuu igu soo qaadayaa, calashaan sidee magaciisa u soo qaadaan, oo keyga looga tagaa, waxa kale oo iigu daran hadii aan sameeyo wax aanu sameyn kareynin ama aan helo wax aanu heli karin, waxaasi waa in aan waayo ama uu iga xumeeyo ama dhibkaa aad arkeysaan ayaa dhacaya…

Mid dhallinyarta ka mid ah ayaa isagu yidhi: “Waar ninkan hebel anagaa isku fasal ahayn, oo saaxiib ahaan jirnay, goortaan ka quustay waxa ay ahayd maalintii uu iiga kaa sheekeeyay, ee naaneysta aqalka lagaaga yaqaanno iyo jidhkaaga ceebaha ku yaala uu ii kala sheegay, xataa maalin aad na hor maraysay ayaa uu igu yidhi naaneystaa wuu ka xanaaqaaye ku dheh, aynu ka xaraabaysannee, waagaa ayaan ka hadhay saaxiibnimadiisii iyo la sheekeysigiisaba…

Kii wax-dhirbaaxay wuxuu hadalkii noogu soo gunaanaday: “Imika waxan uu ninkani sameynayo sow lama yaabanidin! waxa uu intaa isla xariifinayaa waa Imtixaankan dugsiga ee inagu soo socda, isaga waad taqaanaan oo waa ninkaa aan diyaarba u ahayn waxbarasho, wuxuu doonayaa in aan anna dhaco imtixaanka, ama aanu wada baasno, kolkaa bal ka warama hadii aan idin idhaahdo buugta aan wax ku dhigto saqafka ama siliiga aqalka ayaan ku qarsadaa, hadii uu helo buugteyda xaashiyaha casharadu iigu qoran yihiin oo dhan ayuu ka jarjarayaa, hadhawna odhanayaa yuu ahaadee isagoo dagaalamaya, hablaha tii sheegta waa maraqeeda, wuu dilayaa ama caayayaa… dee niyow ila taliya oo maxaan sameeyaa?

Innamo kale oo iyagu soo wareystay kii la dhirbaaxay, ayaan ka maqlay iyaga oo leh, ninkii ayaanu weydiinay: “Maxaad inaadeerkaa u colaadinaysaa, isagaaba ehelkaa ah, oo dadka aad isugu xigtaanne… dadka kale ayaa lala tartamaa oo lala ficiltamaaye, maxaa inankiinii uun ku daba dhigay?”

Wuxuu ku jawaabay: “Anigu aqoontii kuma fiicni, wax kale oo aan ku fiicanahayna garanmaayo, dadaalkeyguna ma fiicna, aqalka marka aan tago, hooyo iyo dumarku waxa ay igu odhanayaan Nacasyahaw inta hebel sidaa sameynayay adigu ma dhagax baad tahay, waar wax isku fal oo qof nool iska dhig… qofka ay tusaalaha iigu soo qaadanayaan ee ay ila tartansiinayaan waa ninkani, kolkaa inaan nacaskaa la sheegayo noqdo, oo laabta u sii daayo, iyo in aan inaadeerkay hebel la soo dego, oonu isku barbar-dhacno mar kasta, labadaasi ayay ii joogtaaye ka soo talo-bixiya?

Ninkii sidii uu bilawgii go’aanka ku gaadhay ayaa arrinkiisii u dhacay, waa kii igu odhan jiray “ama waan dili ama dalka ayaan uga tegi…“, waagii dambe oo dhan waxaan arki jiray isaga oo Itoobiya ku laba noqonaya, oo khadbuu sugayaa la leeyahay, aakhirkiina wuu dhoofay, xataa waxa aan filayaa in aanu imtixaankii dugsiga dhameysanine uu ka tagay.

Dhacdadii labadaa nin arrinkooda ayaan beryo dhan keliday ka fikiri jiray, oo is-weydiin jiray; bal sidee gartooda loo naqi lahaa ama xal loogu heli lahaa wada-noolaanshahooda! horta gar-cadaawe in loo galo kuma kala baxayaan, oo hadii mid kasta la yidhaa dawga uu leeyahay ha la mariyo, oo mid walba diintiisa farta ha loo saaro, in ay wax ku sii xumaadaan mooyaane waxba ugumay hagaageen aragtideyda, waxa se mudadaa aan ka fikirayay ii soo baxday in gartoodu ku soo baxaysay oo qudha sulxi, oo in dumarkan isku lisaya labada nin caweyska laga badalo, kol TV la daawadsiiyo caweyskii iyo kol hawl kale oo lagaga mashquuliyo magacyadaa inamada loo helaba, in labada nin iyo labada reerba la yar kala fogeeyo, si wax ugu kala qarsoonaadaan, in… in… in…

Kolkaa sheekadan waxa ay inoo xaqiijinaysaa in cadawga guduhu jiro, weliba hadii aan xalkiisa iyo maareyntiisa hore loo helinna, ay isku xidhmi karaan cadawga dibada, oo dadka ama cid aan kuu tudhayn oo shisheeye ahi hadii ay arkaan in qofkaagii kugu kacsan yahay, way ka faa’iideysan karaan, oo halka uu kaa soo weerarayo iyo xeeladda uu kuu adeegsanayoba wey lasoo qorsheynayaan, kadibna si fudud ayaa cadawgii shisheeyaha ahaa kuu legdayaa isaga oo adeegsanaya qaybtaadii ama qofkaagii ama ciddaadii.

Cadawga Guduhu waxa uu sameysmaa marar badan, isaga oo ka dhasha tabasho jiitantay oo hore wax looga qaban waayay ama xaalad soo korodhay oo mugdi ama shaki gelisay yididiilada dadka qaarkood.

Cadawga Guduhu waxa kale oo uu sameysmaa kolka aad noqoto Jug-Soo-Dhacay, tusaale ahaan; adiga oo wax soo bartay, xoolo badanna soo shaqeystay, ayaad timid tuuladaadii, deeto ilmaadeeradaa oo tuuladu ay u shidan tahay, ayaad ku soo dhex dhacday, iyagu aqoon iyo aragti weyn midna ma leh, se waayaha waxa ay ku maareeyaan tab iyo xeel, kolka aad aqoontaadii iyo xoolihii aad sidatay la soo baxdo, kuwii tuulada ama magaalada kaaga horeeyay, ee wax isugu beegbeegnaayeen, waxa ay kugu noqon karaan cadawgaaga gudaha, hadii aanad si fiican u maareynin, oo aanad u muujinin in aad iyaga uun xoojin u tahay, oo wixii u sii habeysnaa uun aad adna la sii habeynayso.

error: Fadlan Lama Ogola !!