Waa Nin Balaayo Ah = Ninkani Diinta Wax Badan Ayuu Tarayaa!

Waa Nin Balaayo Ah = Ninkani Diinta Wax Badan Ayuu Tarayaa!

Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye waxa uu Qur’aanka inoogu sheegay qofka tawbad keena, ee Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye u-noqda marka uu dembi ka dhaco, in Raxmaanku ka aqbalayo tawbadaasi hadii ay dhab ka tahay, ileyn Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye quluubta ayuu arkayaa, oo midka ka been sheegaya iyo ka ay dhab ka tahay wuu kala arkayaaye.

 فَاَمَّا مَنْ تَابَ وَاٰمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَعَسٰٓى اَنْ يَّكُوْنَ مِنَ الْمُفْلِحِيْنَ

Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e markii uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye weydiistay inuu labada Cumar (Cumar binu khadaab iyo Cumar ibnu hishaam “abu jahal”) uu mid u soo sakhiro, oo islaamka ku xoojiyo, Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ducadaasi waa kii ka aqbalay Nebiga, ileyn Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e waxa uu lahaa duco la aqballo, Cumar Ibnu Khadaab ayaa u soo islaamiyay, Cumarna waxa aynu ognahay sida uu diinta kor ugu qaaday, ee ay muslimiintu u mahadiyeen.

Hadaba waxa ay budhcad-diimeedku sameeyaan tan iyo xilligii ay bilaabmeen, in ay bulshada ka dhex baadhaan dadka dabeecad ahaan kulul ama wax sameyn kara, ee la yidhaahdo way dhiig-diiran yihiin, kuwaasi ayay tashkiiliyaan, oo wax kastoo ay ku qaban karaanba sameeyaan, kadibna muddo gaaban inta dawro(Intensive Course) degdeg ah loo galo, la yidhaa waa ku kaase diinta difaac, oo u adeeg.

Waxa laga yaabaa mid dibjir ah, oo dad-dil ahaa, oo balaayo iyo baas gudaha ku qaba, oo khiyaamada iyo wax-is-daba-marinta balo ku qaba, oo kolkiisa horeba cadaawadda iyo buqdigu biyo-dhigay ay tashkiiliyaan, kadibna uu dusha muuqaal wadaad ka yeesho, halka gudahana uu raran jiifo, oo dhimbiilo ka duulayaan, hadii aad u fiirsato ragga iyo dumarka saaxadda diinta ku jira badankooda, waxa aad indhahooda iyo wejiyadoodaba ka akhrisan kartaa sida ay u dabeecad xun yihiin, oo aanay naxariis iyo nasteexo midna u lahayn, dibjirkii gadhka la baxay marka uu is-yidhaa wacdi jeedi ama diinta ka hadal ama cid u nasteexee, waxa uu u hadlayaa sidii oo uu dadka ka wada fiican yahay, oo uu u faanayo weliba si adag, kol uu dhoosha uga soo qoslo iyo kol uu yidhaa “waxaasaa diintii kharibaya“, dee qofkiina waa kaa u arkaya liidid iyo shakhsi-weerar, kadibna difaac ayuu u galayaa kii is-lahaa nasteexo ayaad u wadaaa, ileyn qofka marka aad u nasteexaynayso ama wax dantiisu ku jirto u sheegayso, waa in aad u muujisaa lexo-jeclo aad ka qabto qofka, iyada oo aanad qofka wax ka-soo-noqod ah ka rabin, aad wax ugu sheegtaa si fiican oo degan, oo jaceyl iyo naxariisi ka muuqato.


Maxaa dibjir gadhle muxaadareeya ama masaajid ka khudbeeya ama xaraf-macneyn afka baarkiisa ah kutubta ku dhiga ama madarasad ku karbaasha caruurta ileyn col direys wadaad lihi naxariis ma lehee, waar hooy diini waa dhaqan, oo inta dabeecadaada la fal-gasha ee joogteynteedu kuu hagaagto ayaa uun baad ku leedahay, wixii afka baarkiisa ahi waa beentaa Allena wuu ku arkaa, imisa ayaynu maqalnay mid cunaha iyo dhagahaba gasku buuxo, guntiguna boqnaha joogo, oo la yidhi bakhaar baa loo dhiiboo wuu la baxsaday hantidii, imisa ayaynu maqalnay mid malcaamad ama madarasad ku dhibay ardey, imisa ayaynu maqalnay mid qof bini-aadmi ah oo gacantiisa ku jira gawracay, isaga oo xabad ku dhufan karaya ama si kale oo ka fudud, se silciska ayaa agtiisa sharaf ka leh, hada ogow oo Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e isaga oo xoolaha gawracoodu xalaasha yahay u naxariisanaya, ayuu ina yidhi midida aad ku gawraceysaan afeeya, oo lisa si aanay u kir-kirin, bal qof bini-aadmi ah, oo ku hadaaqaya “Ha i dilin! Iga daa!” ka warran, kan sidan sameynaya ee naxariis daradu heerkaa ka joogto, ee aan damqaneynin muqaalka qalbigiisu leeyahay ama fahamkiisa diineed bal isku day in aad sawirato.

Hore ayay Soomaalidu ugu maahmaaheen [WAANO DHALLAAN BAA KA ADAG]

Abwaankii waxa uu yidhi:

  • Bahal duur-gal ah timaha guf ihi, qabasho way kaga go’aane,
  • Dabeecadu se kama guurto, iyo goonjabkuu qabay.

Haa! Qofku wixii uu doono ha soo ahaado ama dhaqan kasta oo hore ha soo lahaado, tawbaddu way furan tahay, oo sida Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ku sheegay aayada aan kor ku soo xusay, qofku dadka guuleystay wuu ka mid noqon karaa hadii uu is-dabaqabateeyo, se arrinku waxa uu yahay in dadka uu qofba meel ku wanaagsan yahay, oo hadii qofkii meel aan ku habooneyn la geeyo ama isagu uu is-geeyo, isaga oo qofku iskaba wanaagsan ayaa uu hadana kharibi karaa meeshaasi, bal akhri qormadani oo aan ka diyaariyay arrimahaasi.

Hadii aad u kuur gasho kuwa sida arxan-darada ah u laaya dadka, ee la socda jabhadaha diinta yidhaa waanu u dagaalamaynaa, waxa kuu soo baxaya in intooda badani ay yihiin, dadkaa la soo tashkiiliyay ee hore u dabeecad iyo dhaqan xumaa, ama waa dumar iyo carruur aan qiimeyn kareynin ficilka ay sameynayaan saameynta uu reebayo, iyo sida uu u kharibayo dad ama diin ama duunyo, hadhow kolka ay ogaadaan wixii ay sameeyeen foolxumadiisana oohin iyo maan moodeyn miciinsada.

Kolkaa fikirkaasi ama fahamkaa hal-ku-dhigiisu yahay “Qofkani diinta wax badan ayuu u tarayaaye aynu tashkiilinno…” aad ha looga fiirsado, oo qofkii la soo tashkiiliyay inta uu radayo, ee ay diintu biyo-dhigayso, yaan arrimaha ka-soo-noqodkoodu saameynta weyn ku yeelanayo diinta markaaba loo dhiibin.

Ma ogtahay diinta islaamku inta ay ku faaftay dabeecada iyo dhaqanka wanaagsan ee muslimiinta qaarkood ay ka badan tahay, inta ay ku faaftay seefta iyo dagaalka, oo qofkii markiisa hore dabeecad wanaagsanaa, marka uu dhaqankii Islaamkana raacsado, dadka u soo hamuumaya la macaamilkiisa, ee u soo hiloobaya jaceylkiisa iyo la joogiisa ayaa badanaya, ileyn waa qof wada macaan oo meel la tuuro aan lahayne, halka qofkii dabeecadda adkaa muslimba ha noqdee, dhimbiilaha uu tuurayo iyo hadalladiisa ad-adag iyo ficiltankiisa laga fogaannayo, kolkaa qofba meeshii uu ku soo baxayo in lala raadiyaa diinta Islaamka waa u dahab, si aan diintan macaan looga firdhane loogu soo farxo.


Waxa sida oo kale jirta in dalkan Somaliland aad looga isticmaalo hal-ku-dhigyada ah:

  • Ninkaasi waa balaayo
  • Waa nin adag
  • Waa nin qorigiisa soo dhacsanaya
  • Waa nin aan maneeno aqoonin
  • Iyo qaar kale oo badan

Dhamaan ereyadaasi hal-ku-dhiga noqday cidda loola jeedaa waa dadka kulul, ee aan naxariis iyo dulqaad midna lahayn, se halkan Somaliland aad looga qadariyo, maxaa yeelay; dhulkan ayaa ah mid colaadeed, oo dabinno iyo shirqoollo la isu maleegayo, markaa qof tilmaamahaa sare leh ayaa uun baa ugu dhex noolaan karaya cabasho la’aan.

Se taasi waxa ay si aayar-aayar ah u lumisay kalsoonidii ay bulshada qaarkood ku qabi lahaayeen dawladooda, oo marka qofkii shacabka ahaa uu dawladii ku dhex arko mid uu hore u yaqaanay, oo xumaan iyo dhibaato mooyee aanu wanaag ku ogeyn, waxa uu isku qancinayaa “Kan kuwa soo xushay iyo kuwa uu la joogaaba waa la mid uun“, deetana dawladii waxay noqonaysaa mid ay ku yar tahay kalsoonidii fulinneed, ileyn waxa isku xidhan Legitimacy-ga ama Kalsoonida ay shacabku dawlada siiyaan iyo Authority-ga ama kalsoonida fulineed ee ay dawladi leedahay, kolka ay dawladi haysato Legitimacy ka badan %70 waxa ay fulin kartaa waxyaabo badan oo xataa dadka qaarkood dhalliilo culus u soo jeediyaan, halka marka Legitimacy-gu uu hooseeyo aanay wax kaleba iska daayoo cashuurta urursan karin dawladu, bal akhri qormadan oo aan ka diyaariyay tiirarka siyaasadda iyo waxa ay yihiin.

Kolkaa qofka xil ka qabanaya dawladda, xilkaasi ha noqdo mid sare ama mid hoosee, waa in lagu soo xushaa heerka lexo-jeclada uu ka qabo dadka iyo dalka, oo uu noqdaa qof dadkiisa iyo dalkiisa jecel, oo horumarka iyo wanaaga bulshadiisa jecel, isla markaana aan sooyaalkiisa nololeed lagu ogeyn xumaan iyo dhibaato bulsheed, bal dhacdooyinkan ila eeg:


Wuxuu yidhi: odeygii hebel ee imtixaannaa ta maanta ku dhacday !!!,

Oo maxaa helay ayuu ugu hal celiyay.

Wuxuu yidhi: sow saaka muu tegin xafiisyadan dowlada mid ka mid ah, si uu cashuurtii mise warqad uga soo saxeexdo, mooyaan! waan ilaaway xafiiskaa uu tagay dantii uu ka lahaaye, sow markii uu xafiiskii galay ugumuu gelin kii inkaarnaa ee hebel hebel oo kursigii soo dangiiga, hadda waa kii ay berrigii maryaha dhiiga leh kala furteen, dee muxuu odhan, hadalba waa kaa kula dhici waayay ee iskaga soo noqday.

Markii uu aqalkiisii yimidna, sow muu arkin inankiisii oo ooyaya, oo la soo garaacay, oo kuwo dibjir ah oo ciyaal-xaafad ahi inta ay dhexda ka heleen ay ku soo tunteen, meel aan xaafadiisa ka fogeyn, deetana inankii oo dakhran, oo wejigu wada bararsan yahay aqalkii ugumuu imanin, kadibna sow odeygii saldhiga muu tagin, inta uu inankii kexeeyay.

Markii la wareystay inankii ee uu sheegay kuwii soo dilay, taliyihii saldhiggu sow mid la joogay kumuu odhanin iigu yeedh askartii, kadibna dhowr askari xafiiskii taliyaha may soo gelin, inta uu taliyihii sadex askari magacyadoodii xusay kumuu odhanin odeygan raaca, oo nimankaa inanka dilay soo qabta.

Cajiib! sadexdan askari waxa ku jira kii hebel hebel ee berigii ay odeygan iyo reer hebel dhulka isku qabsadeen gacanta ula tagay odeyga, ee hidhka la dhici jirey, berrigii uu odeygu koomada galay miyaadan xasuusan, kuye haa! ina helbelku ma Indhacasaa mise kii ka yaraa? waar kii odeyga la dagaalamay anigu garan maayo magaciisa’e.

Deeto odeygii markii uu arkay sadexda askari ee la raaciyay inuu ku jiro hebel, sow odeygii kumuu odhanin taliyihii ma kuwan ayaad i raacinaysaa? taliyihiina sow ugumuu hal celin Haa! waa niman balaayo ah, imika ayay dibjirtii inanka dishay soo wada qabanayaan, oo halkan innoogu keenayaan, isaga oo taliyuhu weliba farta ku fiiqaya hebel hebelkii aad ogeyd.

Odeygii inta uu yidhi waa runtaa taliye oo anaa kuu huba in ay Belaayo yihiine, se raali iga ahaw anigaa Illaahay ku hadhayoo waan saamaxaye, kadibna albaabkii sow kamuu soo bixin isaga oo isla hadlaya, oo ku tiraabaya “Ma hebelkaan ogaa ayaa dhiiga inankeyga wax iiga tari, inna mari aabo tii Alley tegiye…


Tanna bal ila eeg iyanna :-

Annaga oo joogna suuqa xusbiga ee imikana loo bixiyay gobannimo, ayaanu maqalnay gabadh qaylinaysa, oo cod dheer ku leh meeyay saldhigii boolisku, waa bilawgii ama horaantii sannadihii 20.. kadibna gabadhii waa loo tilmaamay saldhigii oo ku dhex ooli jiray dhismaha dundunsan ee xusbiga qayb ka mid ah.

Waxay la kulantay taliyihii saldhiga oo sii baxaya, albaabka gaadhiga isaga oo iska furaya ayay hadalkii kula gaadhay, waxa ay degenayd xaafadaha xaga koonfureed ka xiga xusbiga, waxay ka cabanaysay kuwo dibjir ah, oo aqalka kaabadiisa u soo fadhiistay, kadibna diiday inay ka kacaan oo cay iyo hanjabaad isugu daray, qaarkoodna aqalka ay soo shiideenba, oo sida ay sheegaysay weli kaabadii aqalka fadhiya, kadibna gabadhii iyada oo weli cabashadii wada ayaa uu taliyihii hadlay:

Wuxuu yidhi “Waar hebeloow, hebeloooow” ayuu cod dheer ku yidhi.

Kadibna qof ayaa gudaha ka yidhi “Hee taliye

Taliyihii ayaa yidhi: “Soo bax oo hubkaagana soo qaado, shaqaan kuu dirayaaye“, wuxuu taliyuhu intaa raaciyay isaga oo gabadhii xanaaqsaneyd qaboojinaya: “Waxaan ku raacinayaa nin belaayo ah…

Wax yar kadib waxa soo baxay askari dhallinyar ah, oo xidhan direyskii hore ee buluugga madaw ahaa, isaga oo shaadhka badhamada sare xidh-xidhaya, qorigiina degta ugu jiro.

Cajiib! gabadhii markii ay aragtay wejiga askarigii, inta ay kolba dib u yar guratay, oo talaabo talaabo dib u socotay, waa taa orod isa sii deysay, iyada oo kolna kufaysa kolna kacaysa ileyn orodka talaabo dheeraha ah iyo diraca ay xidhan tahay isma qabanayaane.

Taliyihii waxa ka soo hadhay “Gabadha maxaa helay? ma jiman bay leedahay?” isaga oo yaaban!

Dadkii aanu ka midka ahaynna qof qosla iyo qof sida taliyaha u yaababa waa la yeeshay, kadibna annagiina waannagaa ka daba cararnay, oo waagaa dhallinyar xaafadaa goljano degenayd ayaanu ahayn, gabadhii waxa ay garaacday aqal dhaadhaca koonfureed ee xusbiga ku yaalay, iyada oo aad weliba u garaacaysa, oo magacyadii dadka aqalka ku jira kolba mid u yeedhaysa “Heblaayo iga fur albaabka, Heblaayo iga fur albaabka…

Kadibna dumar ayaa furay albaabkii oo soo wada baxay, gabadhii oo hadalkeedu u muuqday in ay ahayd qurbe-joog, waxa ay kolba dumarkii mid kula hadlaysaa af-ingiriisi iyo soomaali isku dhex jira, waxa aan ka xasuustaa hadalladeedii “Isra believe me waxaan tagay xaruntoodii, halkan ayaa laga soo diraa, believe me taliyahoodii ayaa igu yidhi waxaan kuu badalayaa kii hore…

Yaab badannaa! show markii uu taliyuhu ku lahaa waxaan ku raacinayaa nin balaayo ah, ee ay aragtay ninkii la raacinayay oo hore wax u dhex mareen, waxa ay u qaadatay in taliyuhu ku leeyahay kuwan ama dibjirtan kaabada idiin soo fadhiisatay hadii aad ka cabateen, kii hore ayaan idiin soo celinayaa, oo ku sii raacaya imika.

Hadaba askarigan ay ka soo carartay ayaa markii jaarkooda iyo ciyaal-xaafadkii halkaasi aanu wareysannay, waxa ay noo sheegeen in askarigaasi berri dhoweyd uun askarta lagu daray, intii ka horeysay waxa uu ahaa budhcad intaa suuqa xusbiga iyo xaafadahaa ku hareeraysan aad looga yaqaanno, oo weliba aad looga baqo maadaama oo uu dagaalka iyo feedhka ku ba’naa, kadibna markii uu jeelka kaba bixi waayay, oo marka uu qof soo dhacco ama soo xadaba ay boolisku soo xidhaan, ayay dawladu xal u aragtay in ninkani dhibta uu dadka ku hayo ku dayn karo uun marka isaga mas’uuliyad la saaro, oo malaha hadii ciidanka laga dhigo dhibkani wuu ka joojini dadka ayay is-yidhaahdeen.

Show intii uu budhcadda ahaa ayaa uu gabadhanina wejiga wax kaga dhuftay, isaga oo doonayay inuu ka qaato wax ay sidatay, kolkaa mar walba mid ay iska ilaaliyaan, oo intan aqalkooda agagaarkiisa ku badnaa ayuu ahaa, intan uu askariga noqday ayay ka nasteen.

Kolkaa dibjirtii ay cabashadooda u timid saldhiga iyo askarigan markii hore budhcadda ahaa iyada waa isugu mid, waxa ay u qaadatay markii ay saldhiga ku aragtay kii wax ku dhuftay, in kuwan imika ay ka soo cabatayna halkan askar ka yihiin, oo laga soo diro.

Sheeko Hore Weeyi iyo Berrigii Dalka Iyo Dawladuba Aadka U Liiteen

Masaajidka Xasan-Rakuub ayaanu salaad duhur ka soo baxnay, kadibna waxa aanu ku aragnay dibadda masaajidka askari jooga, oo aan qori sidan laakiin direyskii ciidanka xidhan.

Askarigii wuxuu la hadlay qaar meel halkeer ah taagnaa, show wuxuu weydiinayay odeyadii masaajidka qaarkood, oo iyagu ahaa kuwii ka dalbaday saldhiga askariga, markii odeyadii loo tilmaamay waxa ay u soo sheegeen nin meel maqaaxi ah oo masjidka u dhow fadhiya, askarigii inta uu ninkii u tagay ayuu doonay inuu kaxeeyo.

Askarigu qori muu sidan; ninkii waa kaa ka diiday askarigii, inuu kaxeeyo iska daaye in uu shaadhkiisa taabto, marka uu kaladhka qabtaba wuu iska furfuraa, walow askarigu itaal ahaan ka xoog roonaa ninka uu qabanayay, hadana kan nin ahi mitid ayuu noqday, askarigiina wuu dhaqaajin waayay, in muddo ah markii ay kolba dhinac isu jiiteen, dadka intii masaajidka hareerihiisa ku soo hadhay, iyo dad kale oo waxna xaafada deganaayeen, qaarna wadada ka soo leexdeen si ay u eegaan dhacdadani, weliba odeyadii askariga soo kaxeeyay markiiba askariga may dirine, intii masaajidka laga kala faaruqayay ayay sugayeen.

Kii nin ahaa cay iyo hanjabaad ayuu miciinsaday, oo askarigii sutida ayuu u qabtay, askarigiina xoog inuu ku kaxeeyo ayuu doonay, laakiin wuu kari waayay dadkiina cidi ugamay soo bixin la qabataa, markii ay dadkii wax qosla iyo qaar yar guuxaba yeesheen, waa kaa isna furka tuuray, cay iyo dhirbaaxo waa kaa kala daalay ninkii, ninkiina weli waa mitid oo in askarigu jiido ama ka dhaqaajiyo inyar halka uu taagan yahay wuu diiday, deetana odeyadii waa kuwaa soo dhaqaaqay ee is-yidhi ninka yar waaniya, oo “Adeer askariga raac… iyo askariga aad la dagaalantay dembigu wuu kugu sii badanayaaye ogow iyo…” odeyadii kolba midi erey ka soo tuur meel halkeer ah, ileyn gacan ula tagi maayaan oo waa nin dagaalamaya’e.

Kolkii askarigii ninkii dhaqaajin waayay, oo dhirbaaxo iyo feedh iyo si walba oo uu ka yeelay ninkii mitid noqday, askarigii waa kaa ka laydhiyay, ee inta ay cadho iyo xanaaq indhuhu casaadeen bilaabay diin iyo nebi cay, oo hidhka iyo feedh-jilibkana darandoori ugu dadajiyay, halka ninkiina intaa mitid yahay, oo diidan yahay in uu raaco.

Halkaa marka xaal marayo, askarigiina dhowr goor diinta caayay (subxaan allaah), ninkiina sanka iyo wejiga meelo ka mid ahi dhiigayaan, ayay odeyadii hoos isula hadleen, iyaga oo qaarkood leeyihiin rabshad uun baynu soo korodhsannaye askariga innaga fasaxa, ninkan inkaar-qabaha ahna wuxuu doono ha sameeyo, waa yeelkiiye… deetana odeyadii midkood ayaa askarigii oo weli xarbigii ku jira shaadhkii dib u soo yar jiiday, oo ku yidhi “Adeer inaga sii daa…“, askarigiina iska gundhi, oo halkii ka sii wad qabashadii iyo caabintii ninka, hadana odeyadii kale ayaa mar askarigii gacmihiisa midba meel qabtay oo yidhaahdeen “Adeer innaga sii daa liibaane…“.

Askarigii waa kaa yidhi “Maxaad leedihiin! isaga oo hiinfaadhaya...”.

Kuye odeyadii “Waanu saamaxnay ninka’e iska sii daa…

Askarigii yidhi “Yaa! maxaad saamaxdeen…

Odeyadii “Ninkan wixii aanu ku haysannay, ee aanu saldhiga u tagnay, waanu ka saamaxnaye iska sii daa…

Askarigii oo naftu ku daba yar tahay, kuye “Bal baajuumahan eeg, maxaad hadaa waxaas oo dhib ah noo gelinayseen, hadaad iska saamaxaysaan, miyaad marka horeba saamaxdaan, hadii waxa aad ku haysataan yahay wax intaas ku eeg?

Odeyadii “Adeer ninkani dhiig nagamuu gelin, xoolana nagamuu dhicin, se caydan diinta iyo nebiga ee aad adiguba dhowrka goor ku celcelisay ayaanu ku haysannay, oo uu masaajidka ka ag yidhaahdo markii ay qof is-qabsadaanba…

Askarigii inta uu sii daayay ninkii, oo uu xagii saldhiga u dhaqaaqay ayuu yidhi: “Waar naga taga xoolayahow baajuumaha ihi…“, isaga oo shaadhkiisa labadii badhan ee ku hadhay midba daloolkii uu lahaa la raadinaya.

Sheeko Hore Weeyi iyo Berrigii Dalka Iyo Dawladuba Aadka U Liiteen

Wuxuu Yidhi Abwaankii:-

  • Bahal duur-gal ah timaha guf ihi, qabasho way kaga go’aane,
  • Dabeecadu se kama guurto, iyo goonjabkuu qabay.

Maxaa dawladda ka buuxa oo xil ka haya, abu-jeerin sakadaha iyo suuqyada dadka dhex eryan jiray, oo hidh iyo feedh dadka ku dhibay, maxaa mid dhib badnaa, oo sooyaalkiisa nololeed ay ku xardhan tahay qaybo badan oo tacadi bulsho ah, uu hadana dawlad iyo xildhibaan u yahay kuwii uu dhibay ee rajeynayay in uu ka gar baxo ama ka aarsan lahaa, miyaan la joogin xilligii aynu ka gudbi lahayn “Hebel waa nin balaayo ah…“, miyaan la gaadhin xilligii aynu dadka inoo wadaya dawladda halbeeg uga dhigi lahayn lexo-jeclada uu bulshada ka qabo iyo sooyaalkiisa nololeed oo wanaag iyo waxtar ku xardhan yahay.

Ujeedkayga qoraalkani maaha in ay jiraan dad mar walba quman, oo aan qalad ka dhicin, se ujeedkaygu waa in inta dawladda inoo noqonaysaa noqdaan kuwa inoogu naxariista iyo lexo-jeclada badan, dhibkooduna yar yahay, halka qofkii dhibkiisu badan yahay si kale bulshadu uga faa’iideysan karto, oo meel uu ku wacan yahay, oo aan cid kale oo loo dhaafiyaa jirin loo heli karo, maxaa yeelay; bulsho kasta oo deegaan isku mid ah ku nool, waxa Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ka dhigaa in is-dhameystiraysa, oo qof kasta waxa Illaahay u sakhiraa wax inta kale marti uga noqoto, oo ay u baahan yihiin, sidaasi ayaa qof waliba ku noqdaa mid bulshadiisa ixtiraam iyo qadarin ku dhex jooga, bal u fiirso Aayadani ku jirta Suurada Huud:

وَأَنِ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِ, يُمَتِّعۡكُم مَّتَٰعًا حَسَنًا إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى, وَيُؤۡتِ كُلَّ ذِي فَضۡلٖ فَضۡلَهُۥۖ

Waxa Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye yidhi: (Hadii aad Illaahay dembi dhaaf weydiisataan kolka aad geftaan, oo xagiisa u noqotaan, waxa aydin heli inta aad nooshihiin nolol wanaagsan, oo qof waliba wixii uu ahaa kaga dhex muuqdo bulshada inteeda kale, isaga oo sharfan)


Tannina waa midde bal iyana ila eeg :-

Isaga oo ku faanaya gabood-falladii iyo tacadigii uu u geysan jiray bulshada ayuu yidhi: “Ciyaalnimadii; markaanu xabad ciyaalo xaafad ah, oo hooyadii gaastii faynuuska u soo dirsatay, dhexda u galno oo qabanno, kadibna yar bukaasno almacnaa feedh iyo laag ku garaacno, ayay sida xildhibaankaa odhan jirtay xabaddaasi, shoodhe axmato ayaan ahaye ha i dilinna…

Dadkii uu bukaasi jiray iyo kuwii ogaa inuu bulshada dhibo, hadii ay arkaan isaga oo xil sare ka haya dawlada bal ka warran, ma aaminayaan in uu caadi noqday, oo uu dhibkii bulshada uu ku hayay joojiyay, mase laga yaabaa in ay bulshadii uu bukaasi jiray kalsooni siiso dawladda uu ka mid noqdo, ogow kalsoonida shacabku ay dawlada siiyaan inta badan maaha mid la taaban karo, kalmad xun ama xaqiiqo jirta se taban, oo qofku uu dawlada ka sheego ayaa bulsho badan ku kalifi karta in ay dawladda u hogaansami waayaan, halka erey wanaagsan oo qofkii dawladiisa ka sheego, isaga oo bulsho badan dhex joogaa, ay keeni karto in dad badani dawlada iyo amaradeeda u hogaansamaan, ogow oo dadkeenu hadalka ayay wax ku kala qaataan, oo si kasta oo ficil iyo wax-qabad u jirro haddana hadalku saameyn weyn ayuu bulshadeena ka dhex leeyahay, waadiga arkay gabayga iyo heesaha iyo dhacdooyinkii hore daliishigooda sida dadka loogu kiciyo ama loogu hanuuniyo.

Ninkaasi facebook-giisa ayuu sidaa ku soo qoray, isaga oo ku faanaya, waana mid bulsho badani ku xidhan tahay, oo aad loo dhageysto…

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?