Somaliland waxa sanadkan bilawgiisii ku bilaabmay dagaallo toos ah, oo u muuqda kuwo muddo badan laga soo shaqeynayay, oo qorsheysnaa, walow kuwa dagaalka wadaa ay sida muuqata ku sababeeyaan ama warbaahinta ka sheegaan in tabashooyin keeneen dagaaladdani, hadana tuhunka ah in daaha dabadiisa ay ku jiraan, cid kale oo aan kuwan muuqda ee dagaalka wada ahayni waa 100% marka xaaladaha jira iyo sida ay wax u socdaan u fiirsanno.
Duulaankani aniga aragtidayda waxa soo qaaday laba kooxood, oo mabda’a ahaan kala duwan, se xasadkay inoo qabaan iyo waxyeelada Somaliland ay u geysanayaan ka mideysan, Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye waxaynu ka baryaynaa, inuu shar-wadayaashaasi doonaya in ay dadkeena iyo dalkeena fitno ka dhex abuuraan uu inagaga filnaado, oo dhibkooda iyo dabka ay hurinayaan uu biyo bakhtiiya inagaga shubo Idamka Alle, Aamiin.
Labadan kooxood waxa ay kala yihiin:
- Kooxaha budhcad-diimeedka ah oo iyaga aanay dantoodu ku jirin kala go’a ama gu’itaanka somaliland, maadaama kooxdoodu ka kooban tahay qabaa’illada soomaalida badankooda. ka akhri halkan
- Iyo Koox sheeganaysa in ay midnimo soomaaliyeed u socdaan, oo raadinayaan, se aanay dhab ka ahayn ee xasad somaliland-nimo ay ku hoos qarinayaan. ka akhri halkan
Qaybta 1aad
Hadii aynu ku horeyno Kooxda 1aad ee budhcad-diineedka, waxa aynu odhan karnaa hawshoodu waa mid qorsheysnayd ilaa iyo sagaashameeyadii iyo ka horba, waxaanay doonayaan in talada soomaalidu gacantooda ku soo dhacdo, si ay u meel mariyaan wax aan weli qeexnayn, oo barnaamij-siyaasadeed sugan aanay u sameynin, kuna soo koobaan Dawlad-Islaam.
Kooxdani guud ahaan geyiga soomaalidu degto waxa ay uga hawlgalaan garbo-siman, iyaga oo aan is-qabiil-raacin ama aan deegaan ku wada socon, se waxa mideeya yahay mabda’aa qalooca badani ku jiro inta inooga muuqatay ilaa hadda, soomaalina ay dhiiga badan kaga daadiyeen.
Hadaba si ay u gaadhaan ama u xaqiijiyaan himilladoodaasi, qiime kasta oo ay ku kacaysay way u badheedheen, xataa aakhiro-seeg, fircoonnimo iyo midigtood-go’day ayay ula gashay, mooyaan in ay qoomamaynayaan iyo in aanay kaba dareen qabin oo ay joogaan Caduur Dhawdhawdu Uma Dhacsana, qaarkoodbaa Kitaab Qur’aan ah baallaha ku jaray dhaaro, kadibna aayar ka baxay cahdigii iyo ballannadii ay dhaarta ku adkeeyeen, qaarkoodbaa sixir iyo shayaadiin adeegsaday si ay u legdaan cid ay is-diideen ama ay u arkeen cadaw, qaarkoodbaa qabaa’il ama deegaanno nabad iyo wanaag ku wada jooga ka dhex aloosay fitno iyo irdhow kala geeyay, oo colaad iyo dhibaato abuuray, si qarsoon iyo si muuqataba waxay u fuliyeen dhagar ay u soo qoolleen dad soomaali ah oo aan waxba u geysan, se waxa kaliya ee ay ku haystaan yahay, kaca oo la diriri kuwa aanu cadawga u naqaan amaba khasab annaga hawshayada ku taageera, oo weliba u dhinta ama u dhaawacma.
Mabda’aasi ama sheegashadoodaasi ayaan rabaa in aan is-dul taago, maxaa yeelay su’aalo badan ayaa ka soo baxaya ama ka imanaya sheegashadaa ah “Dawlad Islaam ayaanu raadinayanaa, oo rabnaa in aan dhisno…”, hadaba waxa aynu is-weydiinaynaa:
- Dawlad Islaam maxay uga jeedaan?
- Dawladda Somaliland miyaanay dawlad Islaam ahayn?
- Dawladi ma waxa ay Islaam tahay marka ay iyagu ka dhex muuqdaan oo keliya?
- Ma sameeyeen, oo dadka ma u soo bandhigeen qaab-dhismeedka dawladan ay rabaan iyo xeer-nidaamiyaheeda guud(dastuurkeeda), si loo arko waxa ay tahay iyo sida ay bulshada ugu adeegi doonto, mise waa mid maankooda ku dhex dhisan, oo kolka ay talada qabtaan uun ay u fikiri doonaan sida ay noqonayso?
- Inta ay u xusul duuban yihiin in ay dawladda xoog ku ridaan, kadibna bilaw ka soo qaadaan mid cusub, maxay tan hadda jirta ugu biiri waayeen, oo wixii ka qaldan u sixi waayeen? hadii laga diido ileyn dadku wada cawaam maahee, miyaanay sidaasi shacbiyad badan ku heleen?
- Iyo Qaar kale oo badan…
Weydiimahaasi iyo kuwa badan oo kaleba waa suuragal in ay ku hor yimaadaan, jawaab se aad u weydo, maxaa yeelay; kuwii ka jawaabi lahaa ayaa far ku dhuumanaya, oo dhuumasho dhabarku muuqdo inagula macaamilaya, iyada oo hawshoodii iyo sida ay wax u wadaan la wada arkayo, ayay hadana ku dhiiran kari la’a yihiin inta ay ummada soo hor istaagaan, in ay yidhaahdaan “waar kuwaasi ayaanu nahay… waxaana waanu rabnaa.. sidaana wax waanu u wadnaa“
Marka aynu qiimeyno sida ay hadda u nool yihiin, iyo qaabka ay hawsha u wadaan inta inooga muuqatay ilaa hadda, waxa anniga ii soo baxday in dawlada ay rabaan tahay noocan hoose:
Mayd uu Mayd u Talinaayo !
Sida caadadeenu tahay, maadaama oo aynu bulsho muslim ah nahay, ilmuhu isla marka uu hadalka barto, waxa aynu kula cararnaa malcaamada ama masaajidka, si garaadkiisu ugu koro qur’aanka iyo macaanka diinta.
Hadaba waxa iyana jirta in kooxaha diinta u adeega ama ka shaqeysta ee madarasadaha leh amaba muxaadirooyinka iyo wacdiga u go’ay, in badan oo ka mid ahi aanay ku habooneyn ama ay ka araddan yihiin wax-sheegii tognaa, oo aanay damiir ahaan ama aqoon ahaan u diyaarsanayn in ay is-waafajiyaan waxyiga iyo waayaha nolosha bulshada, waxa laga yaabaa waxyiga qayb ka mid ah oo aan xilligii ay ku habooneyd joogin, inuu wacdi ahaan bulshada ula wadaago, deetana waxyigii iyo qowlkii Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu yeesho indho kale ama dhibaato ka timaado dareen ahaan ama duunyo ahaanba.
Bal u fiirso qofkii muslimka ahaa ama ilmihii malcaamada loo geeyay in diinta uu ku ababo ayaa waxa loogu bilaabayaa in adduunyada la nacsiiyo:
- Adduunyo qiimo ma leh…
- Adduunyo garab kaneeco way ka liidataa…
- Adduunyo inagu ma lihin gaalada ayaa leh…
- Adduunyo inagu ma dhisayno ee aakhiro ayaynu dhisaynaa…
- Adduunyo nin geed hoos fadhiya ka ahaw…
- Adduunyo ha isku rogrogin hadii kale aakhiraad seegi…
Qofkii laga soo bilaabo carruurnimadiisii ilaa iyo gabawgiisa, waxa maqalkiisa ka buuxa nac adduunyo, ha noqdo talooyinkii iyo waanadii macalimiintiisa ama wacdi uu mid masaajid la dhex joogsaday ama muxaadiro la qorsheeyay oo uu qofkii kaga qayb galay goobtii lagu qabtay’e, qofkii muslimka ahaa waxa uu la korayaa qab la’aan (dismoral), maxaa yeelay hadalladu saameyn ayay ku leeyihiin qabka qofka, oo mar kasta oo qofka qabku ka daciifaa waa mar kasta oo qofku gaabiyo halgankii nolosha iyo si-wacan-u-noolaanshihii.
Dul-ka-sheekhyada qaarkoodbaa aaminsan in qofka barwaaqeysan, aanu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye jeclayn, waxay ku odhan “Hadii uu Illaahay jecel yahay muxuu u dili waayay ama u dhibaateyn waayay“, Subxaan Allaah! waa dadkii oo la nacsiinayo Rabbigood fanacuudu bilaah, in dadkii loo sawiro in astaanta lagu garto jaceylka Illaahayba tahay dhibaatada Subxaan Allaah, Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye waa Xakiim oo qof waliba sida uu mudan yahay ee ku haboon ayaa uu arrimaha uga yeelaa, kama dhigna in dhibaatada oo kaliya muujiso jaceylka Rabbi, waxaan xasuustay gabadh Oromo ah oo tidhi “Hadii uu i jecel yahay miyuu i dillo…“ malaha kuwan ayaa u fatwooday.
Ogow oo adduunyada ama noloshan hore qiimaheeda waxa kaaga filan in Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ku xidhay nolosha dambe ee aan dhamaadka lahayn, tan wixii aad kala tagto ayaa ku gaadhsiinaya ama aad ku goosanaysaa wanaaga aakhiro ama aad ku aakhiro seegaysaa, naxariistii Rabbina waa mid meesha ku jirta iyana, waxa kale oo qiimaha adduunyo aad ka dhex arki kartaa In Malaa’iktu ay ka masayreen kolkii Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu u sheegay in adduunyada uu wakiil ka noqonayo Nebi Aadam Rabbi Ha U Naxariistee, ogow oo hadda Malaa’igtaasi waxa ay ku sugan yihiin caalamka sare, kolkaa hadii ay adduunyo meyd ka noqo tahay, aakhiro wanaageed la inooguma miisaameen adduunyada iyo waayaheedii, Malaa’igtii caalamka sare ku nooleydna may u hanqal taageen in ay iyagu wakiil ka noqon lahaayeen, waloow halkaa ama hadalkeyga qaybtan dambe uu gef iigu muuqdo, oo ah in aan Malaa’igta oo dhan aanay ahayn kuwii ka masayray go’aankii Rabbigeen Weynaa Oo Wanaagsanaaye, se uu ahaa inkaar qabihii ku dhex jiray ee Ibliis, hadana in aynu hadalka wadar ama hab guud u sheegno, waxa aan u arkay in ay baraarujin u noqon karto qaar dadkeena ah, oo aan sidaa wax u ogeyn.
Aynu ku sii soconno’e; waxa qofkii nac-adduunyeedka laga dhaamiyay weliba intaa u raaca, boqolaal muxaramaad ah oo wada qiyaas ah, oo noloshii isbaaro looga dhigay, kan ha sameyn… kan kale ha sameyn… kan kale ha sameynin… kadibna qofkii muslimka ahaa oo macaankii iyo dhanaankiiba ka idlaadeen, lagana idleeyay, oo seed dhanaantaa ku hadhin ayaa adduunka dul tukubaya, qiyaastii waa meyd socda, oo aan irbad dhuub galinayn, ileyn qofku waxa uu ka nool yahay waa gudaha, oo yididiilooyinka iyo xiisaha ayaa qofka dhaqdhaqaaqiisa kobciya, oo horumar iyo hiigsi wacan u horseeda’e.
Markii meydadka lugaynayaa bateen, iyaga oo da’a walba leh, waxa ay keentay carruur aan weli 20-jirsan inta ay miino isku xidheen in ay is-qarxiyaan, halka adduunyada kale dadka lagaga cabsiiyo amaba si looga fogeeyo wax loo diidan yahay, lagu yidhaa waxaa waad ku dhimanaysaa, kadibna qofkii ka fogaanayo wixii, ileyn nolol ayaa uu doonayaaye, halka kii ay budhcad-diineedku dhanaanka ka idleeyeen uu ku faraxsan yahay marka la yidhaa waxaa waad ku dhimanaysaa, meeshan inkaarta qabta kol uun aan ka tago ayaa gudaha ugu qarsoone, hadii ay nolol qiimo leh haystaan, kumay dhiiradeen in ay geeridooda u sii milikhsadaan.
Kaaga daranta waxa nac-adduunyeedkaa wacdiga lagu sheegay, boqolaalkaa muxaramaadka ah iyo fatwooyin fara badan oo kaleba uga tagay wadaaddo boqolaal sanno kahor dhintay, oo aan odhaahdoodii dib-u-eegis iyo kaabis midna lagu sameyn kareynin, doodna aanay ka furnayn, dee yaad la doodi kii mas’allada fatwoodayba waa meyd, kan sheegayaana waxa uu ku odhanayaa anigu sheekh fulaan oo aan ogahay Waracnimadiisii, Suhdigiisii iyo tobanaan astaamood oo kale oo loo xusay waxba ku darsan maayo, waa sheekhaygii isagaan uga dambeynayaa cilmiga, dee sheekh isagu waa meyd innagaa noole aynu arrinka ka tashano, oo adigu arrinkani wax ka dheh, annana aanu kaala doodno, hadii wax ka soo noqdaanna dib-u-eegis iyo kaabisbaa ka furan, si wanaagii loo gaadho, wuxuu ku odhani Sheekh fulaan ayaanad garanayne horta isaga aan taariikhdiisii dahabiga ahayd kuu dulmaro, kolka uu majdigii iyo maalmihii wadaadkaa meytida ah uu dhowr xalqadood kaga nuuxnuuxsado, waxa uu kuugu soo gaba-gabeynayaa Dahaba Sheekh Fulaan ibnu Fulaan Raximahulaahi raxmattan waasicah wa askanahu fasiixa janaatih… kadaa wakadaa… Intahaa Kalaamuhu… sababta wadaaddada nooli ay u daliishadaan wadaaddada meytida ah, waa laba mid uun:
- In ay doonayaan in aan arrinkaasi dood la gelinin, oo waxaasi hadii uu wax la xaaraantimeeyay yahay uu sidaa u bannadnaado, ama aan khilaaf firqo ka imanin, iwm..
- In wadaaddada nooli ay ka cabsi qabaan, hadii ay iyagu arrinkaa uga hadlaan si shakhsi ah, in ay wax kaga soo noqdaan, kadibna wixii ka soo noqday iyaga loo raaco, kolkaa dhib iyo dheef wixii fatwadaasi keentaba meydkaasaa loo tiirinayaa, oo wadaadkii noollaa wuxuu u dhigayaa hadalka; sheekh fulaan fatwadiisii ayaan kuu soo naqliyay.
Haa, oo cibaadada iyo sida aynu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ula xidhiidhayno wixii ah waa lama taabtaan, doodna lama gelin karo, in aynu inagu qurxino ama isku kalifnana Illaahay ayaa inaga xil-qaaday, oo inoo diyaariyay, culimo wanaagsan oo soo taxneyd ilaa iyo xilligii uu geeriyooday Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e ayaa soo kala dhaxlayay, diyaarinta iyo u-dhigidda habkii ugu toolmoonaa ee jiil walba oo muslim ahi u fahmi lahaa, ilaa iyo laga soo gaadho maanta oo aynu kutub ku hayno Xeerkii Dahaarada, Xeerkii Salaada, Xeerkii Sakada, Soomkii, Xajkii iyo acmaal kaleba, iyaga oo u diyaarsan hab xeer dhameystiran ah, oo aynu mahadinnay.
Qaybta aan ka hadlayo, ee aan leeyahay fatwadii culimadii hore ee geeriyootay yaan lagu maamulin, ee kuwa maanta nooli ha ka tashadaan, waa arrimaha adduunyo iyo wixii dhaqmaati la xidhiidha, ee isla bedbedalaya waayaha iyo maalmaha kala dambeeya, arrimahaasi hadii la yidhaahdo wadaaddadii aakhiro tegay ayaynu ka qaadanaynaa halis inteeda leeg ayaa ka soo baxaysa, waxaynu ognahay in Sheekh Shaafici ama Iimaam shaafici oo ah mad-habta shaaficiyadu ninka ay ku abtirsato, inuu markii uu ciraaq joogayna arrimaha qaarkood si u fatwooday, markii uu masar yimidna uu si kale u fatwooday, waa hadda isla isagii oo weli nool, bal maxaad u maleyni isaga oo boqolaal sanno qabriga yaalla, arrimihii uu isaga oo nool laba siyood oo kala duwan uga fatwooday, isaga dabadii imisa goor ayaa waayuhu is-bedelay, oo hadana kuwii Shaaficiyada ku abtirsanayay amba Xambaliyada amba Xanafiyadu ay weli taagan yihiin intii sheekh shaafici ama xambali ama xanafi sheegay ayay noogu dhan tahay, kuwaasi dadka ay culimada u yihiin culeys intee le’eg ayaa haysta, bal qiyaas!
Halkan kala soo deg kitaab ka kooban laba mujalad(volume) oo lagaga waramayo isbadallada xaga fatwada ee sheekh shaafici –> Kitaab Al-Quduum Wal-Xadiis Fii Fiqh Shaafici
https://feqhweb.com/vb/threads/2991/
Aan kuu tusaaleeyo, culimada hada joogtaa iyaga oo daliishanaya fatwooyinkii iyo shuruudihii culimadii hore, waxa ay xaaraam ku sheegeen Lacagta warqadda ah amaahdeeda in aan dheeraad la soo raacin karin, oo ay ribbo tahay, arrinkaasi ama xaaraantimeyntaasi waxa ay horseeday burbur dhaqaale oo qayrul-xad ah, dad badan ayay gaajo iyo macaluul badday, kobocii dhaqaale ee bulshadana way xanibtay, hadda ogow oo lacagta warqadda ahi la mid maaha Dahabka iyo Silverka oo ah lacagta xaqiiqiga ah ee jirta.
Tani (Sawirka Sare ☝️); waa lacagta xaqiiqiga ah sharci ahaan iyo aqoon ahaanba, qofka haysta waxa uu u adeegsan karaa nooc kasta oo iib ah, isaga oo aan bangiga xidhiidh la sameynin.
Tan (Sawirka Sare ☝️); lacag lama yidhaa sharci ahaan iyo aqoon ahaanba, waxa la yidhaahdaa Kalsooni, oo waxa ay sheegaysaa in qofka haysta, ay xadi dahab ah ama silver ah oo u dhigantaa u yaallo Bangiga, waa marka aynu asal ahaan ka hadlayno bilawgeedii, hadda se isticmaalkeedii oo batay awgeed nidaamkii dadkii sameystay u diyaarsadeen lama mariyo.
Lacagta warqadda ahi waa kalsooni sharci ahaan, waxa qiimaheedu ku xidhan yahay hadba baahida loo qabo, waxa ay maanta leedahay qiime (Present Value PV), halka beri ama mustaqbalkana (Future Value FV) ay qiime kale leedahay, waxay ku qiimeysan tahayna waa qayrkeed, almacnaa caynteedu qiimo ma leh, halka waxyaabaha ribaddu gasho ay si’i ahaantooda ama cayntooda qiimaha ku wataan, weliba qiime rabaaniya, oo aan weligood ka hadhaynin, tusaale ahaan qamadiga ama bariiska ama raashinka la cuno, qiimahoodu waa cunitaanka ama raashinnimadooda, qiimahaasi maaha mid laga qaadi karo, ilaa qiyaamaha laga gaadhayo midhahaasi qiimahaa cunitaanka wey lahaanayaan, halka dahabka iyo silverkuna iyagana qiimahoodu rabaani yahay, se lacagta warqadda ah qiimaheedu waa mid ku xidhan hadba shayga ay ku qiimeysan tahay, waa warqad midabaysan, marbaaba laga guuraa oo nooc iyo nashqad kale loo guuraa, sidii dhawaan ka dhacday dalka Itoobiya, marbaaba deegaan kale aad tagtaa oo tii aad sidatay iyo waraaqaha xashiishku isugu mid noqdaan dadka aad u tagtay.
Kolkaa ribbadu waa dulmi iyo qofkii amaahda doonayay, oo baahida looga faa’iideysanaayo, waxaanay gashaa shayga qiimihiisu aanu ka hadhaynin meel kasta iyo maalin kasta, hadii aad qof ka amaahatay gabdad bariis 50kg ah, 10 sanno kadib ama markii amaahda xilligeedii la gaadho waxaad siinaysaa gabdadii 50kg ahayd, dheeraad ma jiro, maxaa yeelay; bariis waa bariis, oo qiimihiisii cunitaan ismuu badalin, sidii loo cuni jiray 10 sanno ka hor, ayuun baa loo cunayaa 10 sanno ka dib iyo ilaa qiyaamaha, xataa deegaan aan deegaankii aad wada joogteen, ee aad deynta ku kala qaadateen ahayn, hadii aad tagtaan, bariis waa bariis.
Bal ka waran; hadii qofkii wax amaahanayay la yidhi yaan la dulmiyin, kii abaalka galay, ee wax amaahinayay isagu miyaanu ka mudneyn in aan la dulmiyin, oo aan laba la isugu darin, abaalkii uu galay ee ahaa in lacagtiisu muddo ka maqnaato iyo in loo soo celiyo deyntii ka maqneyd oo kala dhiman ama qiimo-dhacday.
Waayahay bal ila eeg dhacdadani:
Annaga oo ku gudo-jirna casharkii aanu ka marsan jirnay masaajidka, ayaa markii uu sheekhii woxogaa waday dersiga, uu ku soo dhex daray inyar oo baraarujin ah, waxa uu yidhi: “waxa aan walaalaha ku baraarujin lahaa in bahashii ribbo ahayd ay aayar aayar inoo soo gelayso, kolkaa ha la feejignaado, waxa ay dumarku sheegayaan in ay soo baxeen hay’ado dumarka siinaya $200 ama $300, kadibna lix bilood ama shan bilood kadib raasamaalkii iyo $100 oo dheeraad ah oo aad soo raacisay soo celi lagu odhanayo, xaqiiqatan waa xaraam, waa ribbadii oo la inoo qurxinayo“, intaa baraarujinta ah markii uu sheegay wuu ka gudbay, oo casharkii ayuu sii waday, marka dersigu dhamaado, waxa caado ahayd in sheekha la weydiiyo su’aalo la xidhiidha casharka wixii adkaaday ama arrimaha guud ee bulshada sida ay diintu ka qabto, waxa bilaabmay su’aalihii, xidhiidhiyihii ayaa yidhi:
“Sheekh saa’ilkani waxa uu leeyahay, qof ayaan xilligii dawladii soomaaliya dhisnayd amaahiyay lacag badan, oo xilligaa guri daar ah goynaysa, kadibna dagaaladii ayaa dhacay, waa la kala qaxay, qofba meel ayuu u cararay, kadibna intan somaliland ayaanu qofkii is-helnay, markii aan deyntii weydiistay waxa uu tagay gobolladan bariga oo weli lacagtii waagaa laga isticmaalo, iyada oo loo yaqaano Ha-Isku-Furin, waa kunkii shillin ee casaa, intii waagaa aan amaahiyay, oo aan maanta gabdad sonkor ah jarayn, laakiin waagaa guri daar ah goynaysay, ayuu meel ka soo cantoobiyay, oo yidhi lacagtii aad i amaahisay sow intaa ma ahayn! dee bal ka waran arrinkaasi sheekh”
Sheekhii wuu yar fikiray, ileyn waa su’aal si toos ah xidhiidh ula leh baraarujintii ribbada ee uu sameeyay intii casharka uu ku guda-jiraye, waxa uu si degdeg ah u yidhi:
“Saa’ilkaasi waxa aynu leenahay qofkaasi waxa aad ku leedahay lacagtii aad amaahisay waagaasi wixii ay goyn jirtay waagaasi in le’eg” kadib hore ayuu uga gudbay, oo su’aashii ku xigtay ayuu galay, ileyn hadii uu sii furfuro, waxa iska hor imanaya wixii uu ribbada ku sheegay iyo jawaabta uu qofkani siiyay.
Oo waa sidee? ama sidee ayay isaga hor imanayaan?
Tusaale ahaan hadii uu qofkaasi waagaa amaahiyay $10000 oo shillin oo guri goynaysay, maanta gurigii xilligaasi lacagtaasi goynaysay, lacagta goynaysaa bal miyay noqoto 1 milyan oo shillin, inta ay doonto ha noqotee, intaa goynaysa guriga daarta ah ee la midka ah kii waagaa la dhisan jiray ayaa uu ku leeyahay, miyaanay markaa lid isku ahayn labadiisaa hadal.
Kolkaa qaladka waxa keenay waa adeegsiga “Dahaba Sheekh Fulaan ibnu Fulaan Raximahulaahi raxmattan waasicah wa askanahu fasiixa janaatih… kadaa wakadaa… Intahaa Kalaamuhu…” iyo in meytidaa fatwadoodii lagu maamulayo nolol wax badan ay iska bedeleen.
Qisadani Waa Dhacdo Dhab Ah Oo Aan Anigu Goobjoog U Ahaa…
Kolkaa kooxdan budhcad-diineedka ahi, waxa ay u soo ham iyo digleynayaan, waa nidaamkaa dadka qab-jabinaya ee meydka ka dhigaya, taladoodiina meytida hoos geynaya (Meyd uu Meyd u Talinaayo), kaaga daranta kooxdani uma dul-qaadan karaan kala-duwanaanshaha faraha badan ee bulshooyinka Illaahay ku abuuray, way ku dilayaan cidii waar ka daaya tidhaahdana, ileyn qof uun baa qaladka ka garaaba, oo gobbay caaddadeed tahaye, bal ma waxa aad aragtay koox dhan oo wixii ay kharibeen ee hore inay sii balaadhiyaan heegan ugu jira, oo kaligood-saxanayaal kaligood-islaam ah, oo ku taggan in ay bulshada khasbaan, oo aayahooda meel daran ka tuuraan.
Waxa ay ka garaabi la’a yihiin dawladnimada casriga ahi in ay ummada xal u tahay, oo ay ta kaliya ee maanta nabad iyo wada-noolaansho lagu heli karo, oo xataa khilaafka firqooyinku inagaga yaraan karaan, bal u fiirso xassanoow:
Nidaamka dimoqraadiga hadii aad si fiican u daraaseyso ama u barato, waxaad ogaanaysaa in %90 uu yahay nuxurka waxa ay diinteena Islaamku ina farayso, %10 na waa wax ku dhisan waayo-aragnimo ka timid sooyaalka nolosha, iyo duruufaha ku xeeran bulshada ee waayaha iyo maalmaha kala dambeeyaa keeneen, halka Muslimiintu ay maanta magacii Islaamka oo inta badan gudo-madhan ay ka haystaan.
QODOBBADA MUHIIMKA U AH DIMUQRAADIYADDA AMA NIDAAMKA TALOWADAAGGA | DIINTA ISLAAMKA AYNU KU DHERERINNO QODOBBADA DIMUQRAADIYADDA MUHIIMKA U AH |
---|---|
Dawladu waa in ay tahay mid ku dhisan heshiis bulsho, oo dadku iyaga oo aan la khasbin ogolaadeen qaab-dhismeedkeeda, xeerarkeeda iyo madaxdeedaba. | Qodobkani waxa uu ka muuqdaa ama ay ka eegteenba, dawladii uu Nebigu ka dhisay Madiina, taasi oo uu Nebigu scw heshiis la galay dadkii reer Madiina (Heshiisyadii Caqaba 1 & 2), kadibna iyaga oo dadkii ogol uu dhisay Nebigu scw dawladaasi xeerarkeedii iyo madaxdeediiba. |
Qofka dadka madaxweyne u noqonayaa, waa in isaga iyo rakaabkiisu ay hor yimaadaan bulshada, oo ay weydiistaan talada, una sheegaan sida ay wax u wadi doonaan muddada xilkooda. | Heshiiskii Nebigu uu reer madiina la galay ayuu ugu sheegay dadka, waxa uu doonayo iyo sida uu wax u wadayo, sida oo kale Nebi Yuusuf ayaa Qur’aanka inoogu qoran, isaga oo xil dalbanaya, aqoonta uu u leeyahayna raaciyay. |
Madaxweynuhu waa in uu lahaado muddo xilleed, kolka ay bulshadu u arkaan inaanu sii wadi karin ama uu ceebo yeesho, si ay u helaan fursad ay qof kale oo ku haboon madaxnimada u doortaan. | Qodobkani waxa markhaati inooga ah, sooyaalkii bulshada muslimka ah afartii khaliif kadib, imisa goor ayaa xilka muslimiinta uu qabtay, mid aanay dadka badankiisu ogoleyn, oo dhib badan, oo hadii ay dadku kanshe u heli lahaayeen doorasho, ay ridi lahaayeen. |
Dadku waa in ay talo ku yeeshaan; sida loogu talinayo iyo xeerka loo adeegsanayaba, iyada oo la sameynayo wakiillo, mid waliba wakiil ka yahay qayb bulshada ka mid ah, kuwaasi oo xukuumadu sida ay wax u wadayso iyagu jidaynaya, marka dadkii soo wakiishay ay la soo tashadaan, isla markaa tabashooyinka iyo cabashooyinka ay dadkaasi qabaanna wakiil kastaa waa inuu xukuumada kala doodaa, una gudbiyaa. | Heshiisyadii labada ahaa ee Nebigu reer madiina la galay, waxa dadkii reer-Madiina ku matalayay, wakiilo ay dadku ogol yihiin, oo ay doorteen, wakiilladaasi oo wixii ay Nebiga scw isasoo yidhaahdeen, soo gaadhsiinayay dadkoodii reer-Madiina, xeerka loogu talinayana in la weydiinayo dadka, waxa inooga markhaati ah, markii dagaalku uu Madiina ku soo dhawaaday, Nebigu scw waxa uu sida la yeelayo toos u weydiiyay reer Madiina, isaga oo iska dhaga-mariyay talooyinkii saaxiibadiisii muhaajiriinta, maxaa yeelay; go’aanka Nebigu scw ka qaato dagaalkaasi, waxa uu si toos ah u saameynayay dadka madiina ku nool, iyagii ayaanu taladii u celiyay, oo wakiiladoodii ama madaxdoodii (Sacad ina Mucaad) ayaa u jawaabay Nebiga scw. |
Dhamaan qaybaha nolosha bulshada, waa in xeer loo sameeyaa lagu hagaajinayo, xeerkaasi oo aqbalaya wax-ka-bedel iyo kaabis, mar kasta oo gaabis ama ceeb uu yeesho, xeerarkaasi inta ay jideynayaan ayaa xukuumaduna ku eeg tahay fulintiisa, wixii xayndaabka xeerka ka baxsan, shacabku way diidayaan, xeerarkaasi waxa ugu muhiimsan, looguna hor sameynayaa Xeer-nidaamiyaha Dawlada, kaasi oo sheegaya; dawladu nooca ay noqonayso, qaybaha ay ka koobnaanayso, qayb kasta awoodeedu ilaa halka ay gaadhsiisan tahay, xubnaha qayb kastaa sida ay ku soo baxayaan, mabaadii’da guud ee dawlada, si bulshooyinka kale ama dalalka kale ee adduunka kula nooli u ogaadaan qaabka ay ula macaamilayaan dawladaasi, iyo wax kasta oo u baahan in dawladda laga sheego qaab-dhismeedkeeda guud. | Ma ogtahay; In Nebi Muxamad Rabbi ha siiyo naxariis iyo nabadgelyo’e uu sameeyay, isla markaasna uu dhaqan-geliyay fulintiisa, Dastuurkii ama Xeer-nidaamiyihii u horeeyay ee loo sameeyay Reer-Madiina, oo ahaa bulsho kala diin ah, oo kala qabaa’il ah, waxa kale oo iyana xusid mudan; in bulsho xeerar yeelataa waa sunne Rabbaani ah, waxaan uga jeedaa waa mid aynu ka dhex akhrisanayno waxyiga iyo qaabka adduunyada uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye u maamulo, waxyiga waxa aynu ku haynaa xeerar inoo jideynaya waajibaad iyo awaamir, iyo kuwo inaga joojinaya waxyaabo jira, bal u fiirso xayawaannada duurjoogta ah qaarkood ayaa markii saynisyahannadu u fiirsadeen, la ogaaday in ay leeyihiin xeerar ku abuuran maankooda, kaasi oo ay u raacaan si aan ka baydh-baydh lahayn, halka xayawaanada qaarkood ay kali kali iyo fawdo ku joogaan kaynta, kolkaa inaguna in aynu nolosha qaybaheeda kala duwan qayb kasta u sameyno xeer lagu nidaamiyo, oo la isla ogol yahay, si looga baaqsado in qofba sidii uu u arko u dhigto, kadibna isku dhac iyo khilaaf ka soo baxo. |
In nimcooyinka iyo gallada eebe ee bini-aadamku haystaan, oo ah xuquuq ay leeyihiin oo Rabbigood siiyay, ay u haystaan xorriyad buuxda, oo ay ugu tasarufi karaan inta qofba ka gaadho macaansiga xorriyaddaasi ama xayndaabka xuquuqdaasi leedahay, macaansiga ama tasarufka xorriyaddaasi oo ku eeg ama xuduudeedu tahay ilaa inta aanay u gudbaynin ama ku xadgudbaynin xuquuq uu leeyahay qof kale, ama aanay ka hor imanaynin xeer bulshadu dhigatay oo la isla ogol yahay, iyada oo aan weliba xuquuqdaasi macaansigeeda lagu hor istaagi karin nacayb ama kala duwanaansho fikir. | Rabbigeen Weynaa Oo Wanaagsanaaye dhamaan nimcooyinka uu aadamaha ku manaystay, ha noqdaan kuwo qofka la abuuran iyo kuwo uu kawnka ama adduunyada Rabbi inoogu diyaariyayba, waxa uu qofku u haystaa xorriyad buuxda inuu ku tasarufo, waxa kaliya oo uu ka tagayaa inta waxyiga ku xusan ee diidmo ku soo aroortay, balse maanta waxaynu aragnaa iyada oo dul-ka-sheekhyadu ay taagan yihiin adduunyada innaga la inooma abuurin, waa in qofka muslimka ahi ka saahidaa, oo ka fogaadaa, iyada oo ay taxriimiyeen ama fatwo been ah ku horjoogsadeen waxyaabo badan oo Rabbi ku manaystay aadmaha. هُوَ الَّذِي خَلَقَ لَكُمْ مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا أي: خلق لكم, برا بكم ورحمة, جميع ما على الأرض, للانتفاع والاستمتاع والاعتبار. وفي هذه الآية العظيمة دليل على أن الأصل في الأشياء الإباحة والطهارة |
Hadii aan u soo noqdo xaga Somaliland iyo kooxdani farta ku dhuumanaysa, anigu waxaan islahaa markii doorashada gollaha wakiilada somaliland la furay, way ku soo biiri doonaan, oo way isa soo sharixi, si ay sharci-dejintii uga qayb-galaan, una saxaan wixii ay u arkaan in qalad ama gef diini ahi ku jiro, ma dhicin oo maynaan arag waaweynkooda mid isa soo sharaxay, hadana waxaan is-idhi malaha sadexdan xisbi ee jiray ayaa dibjirtii iyo faasiqiintii ay sheegi jireen uga ureen, waxa ay doonayaan xisbi ama urur ay xubnaha ku jiraa dhamaantood mabda’ooda haystaan, waa tii ururada la furay, ee la yidhi cidii talada dalka hungureynaysaa ha soo diiwaangashato ururkooda, kiina maynaan arag iyaga oo ka soo qayb galay, dee maxay doonayaan hadaba ee aan ahayn meel ay xoog iyo khasab ku haystaan, oo ay kama-degayaal ka yihiin ay bulshadu u af-duuban tahay, oo sidii daaquudkii Fircoon ay sixir iyo shayaadiin ku maamulaan, cidii ay doonaanna sida ay doonaan ka yeelaan, bal maxay isla qarinayaan ama u qarinayaan waxa ay rabaan? miyaanad arag kooxda ka dagaalanta koonfur, tan iyo markii ay halkaa ka bilaabmeen wejiga ayaa u duuban, oo waxa keliya ee dhinacooda la arkaa waa dhalinyar cadheysan iyo ficilka ay sameeyaan, oo ah qarax ama dagaal gaadmo ah, oo ay ka fuliyaan meel bulsho aan waxba u geysani ku nool yihiin, waxaan mararka qaarkood is-weydiiyaa, isqarinta ma waxa ay u arkaan in wedka ay ka baajinayso? oo sowkuwa akhrista ee qaarkood sheegaan in ay qaybsan yihiin Kitaabka Qur’aanka, oo Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu inoogu sheegay (أَيْنَمَا تَكُونُواْ يُدْرِككُّمُ ٱلْمَوْتُ وَلَوْ كُنتُمْ فِى بُرُوجٍۢ مُّشَيَّدَةٍۢ ۗ), mise sidii Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e inoo sheegay “Xumaan waxa la yidhaa wixii aad dhibsaneyso in dadku kugu arko, ee aad ka qariso“, waxa ay og yihiin in sidan ay wax u wadaan tahay si xun oo aan wanaagsaneyn, markaa inta aanay ujeedadii ay ka lahaayeen ku gaadhin, go’aankoodu waxa uu yahay in wejiyadooda ay qarsadaan, si aan kaadhku uga guban marka ay bulshada dhex yimaadaan? mooyi mooji!
Waxaase gurmad u baahan dhengagaalayaasha iyo dadka dhoohan ee ay mar walba sukhrufal qawlka iyo hadallada sixirka aad moodo ku harawsadaan, kadibna u adeegsadaan sidii hangoolkii marka dan laga leeyahay uun muska lagala soo bixi jiray, kolka lagu hawl-dhameystana isla muskii lagu riixay kolna lagu jiidayay lagu dhex rido, ismoogtaasi oo ay ama ka dhex hadlaan sidii jinka, ama dabka ku guraan sidii xaydhyo-weynta, oo ay ka dhigtaan gaashaankii ay iskaga difaacayeen wixii ku soo maqan, inta hawshan wadaa ee waaweynka ka ahi in xagtini soo gaadho ma ogolo iyaga iyo inta u dhawdhawba, maxaad xagtin ka sheegi in wejiyadooda la arko ayaanay ogolayn, oo is-daadraacinta iyo boodh-isku-qarinta ayaa u ah dhaqan ay qabatimeen, bal u fiirso sheekadan mahadhada ah, imisaa sidaasi ku dhacday, oo markii hore lagu harawsaday sukhrufal qawl, markii ay la dumiyeen ama la dileenna kadib ogaaday in xumaan loo adeegsaday.
Haatan sida la sheegayo waxay galeen gobolkii sool oo muddo badan ay dhiig ku daadinayeen, waxaanay kaga dhawaaqeen dawlad loo doortay gudoomiye baarlamaan iyo hogaamiye, kolkaa waxa meesha ka baxaya sheegashadii aaya-ka-tashiga dhulbahante ee qabiilka ahaa, oo qalasyadii, kooxihii hiil-harti iyo dhamaan dadkii hurinayay colaadda laascaanood waxa ay ku soo idlaatay in ay u gogol-xaadhayeen maamul ay kooxdaa budhcad-diineedku ka dhistaan halkaasi, bal weynu eegi doonaa sida ay wax yidhaahdaan, inay nidaamkii mayd uu mayd u talinaayo ay ka gadaan dhulbahante iyo in ay sameeyaan dawlad fur-furan oo talo-wadaag ah, xeerar-bulsho oo wax-ka-badal iyo kaabisba aqbalayana ku shaqeysa, isla markaana xeer uu dastuurku ugu muhiimsan yahayna leh.
Xaga garsoorkana daah-rognaan iyo caddaaladi jirto, oo cidii la soo eedeeyo, loo ogolaanayo inuu is-difaaco, ilaa inta xaqiiqada laga gaadhayo, marka xukunku soo baxana si daah-rognaan ah loo fuliyo, oo xeer leh, aan meel qarsoon iyo si qarsoon oo miyir-wareen lagu ciil-wiswisay loo fulinin xukunkaasi, maxaa yeelay; intan ay dhuumashada dhabarku muuqdo inagula joogaan, qofka inta ay eedeeyaan isaga oo aan is-ogayn, kol ay yidhaahdaan Internet-ka ayuu wax ka daawaday ama waa basaas ama iwm, ayay faasiq ama murtad ku xukumaan isaga oo aan weli is-ogeyn, kadibna fulin ku sameeyaan isaga oo aan weli is-ogeyn, oo qofkii ku dhuftaan sixir ama si’ kale, oo qofkii budkaa ku dhacay aanu garayn cid ku dhufatay iyo meel laga raacay toonna.
Kooxdan buurta gacan-libaax gashay iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo ka socda guud ahaan dalkuna, waxa ay u muuqdaan kuwo sidaa Laascaanood oo kale loogu gogol-xaadhayo kooxdan budhcad-diineedka ah, waynu se eegi bal halka ay wax ku dambeeyaan, sidii khayr leh allahayoow adigaa wax walba oge, noo door allahayoow arrimaha adaa doori yaqaannee.