Rakcad Baad I Dhaafiseene Salaama !

Waxa la yidhi nin yara dhoohnaa laakiin aad u cibaado badnaa, ayaa isaga oo salaad subax u socda la kulmay niman bakhaar jabsanaya.

Nimankii oo la dhibban albaabkii bakhaarka ayaa wadaadkan jamaca u degdegaya arkay.

Sheekh kaalay albaabka nala fur ayay ku yidhaahdeen.

Waa nin dhoohan iyo caadkiiye kama uu fikirin xilliga iyo nimanka iyo albaabka midna.

Daacadnimadii iyo samafalkii inta uu ka batay ayuu la furay, oo yidhi: “Rakcad baad i dhaafiseene salaamu calaykum

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?