Hadii Uu I Jecel Yahay Miyuu I Dhirbaaxo 🤔

Aniga oo fadhiya maqaaxi bunka laga cabo, ayaa waxa aanu maqalnay buuq iyo sawaxan, nin Itoobiyaan ah(Oromo) oo qamuunyaysan, indhihiisana ilmo ka buuxdo ayaa soo galay maqaaxidii, qof dumar ah oo hadallo dhaadheer oo cadho ka muuqato ku hadlaysa, ayaa iyaduna daba socota, oo kolba shaadhka dib u jiidaysa, walow afka ay ku hadlayeen aanan fahmeyn hadana in khilaaf xoog lihi ka dhex jiro ayaa ii muuqday, dumar iyo rag kale oo iyaguna Oromo ah gabadha kolba ka reebaya, oo ka maslaxaya, ninkan gabadhu shaadhkiisa ku dhaganeyd waxa uu miciin soo biday, oo uu maqaaxida ugu yimid ninka makiinada bunka sameysa ee maqaaxida haya, kaasi oo isna Oromo ah.

Kadibna gabadhii maqaaxida lahayd oo soomaaliyad ah ayaa buuqii dhibsatay deetana dibada u wada saartay, halkan albaabka hortiisa ayay istaageen, gabadhan oromada ee ninka ku dhagan mar mar ayay af-soomaali ku hadlaysay, waxaan ka sii xasuustaa hadalladeedii “Isii Warqada…”

In muddo ah markii ay murmayeen kan nin ah ee lagu dhagan yahayna uu oohin miciinsaday, ayaa intayadii gudaha ku jirtay ee bunka cabaysay uu midkaayaba mar yidhi: “Waar Maxay Isku Haystaan?”

Kadib kii maqaaxida bunka u sameynayay ayaa inta uu nagu soo noqday yidhi: “Waa ninkeedii oo i fur oo warqadayda i sii ayay ku leedahay!

Kadib mid halkeer fadhiyay ayaa yidhi “Oo ninku ma wuxuu ka ooyayaa warqadayda i sii” iyo Haa.

Waxyar kadib gabadhii Oromada ahayd ayaa gudihii maqaaxida soo gashay, deetana dadkii bunka cabayay qaarkood ayaa ku yidhi iyaga oo afsoomaali kula hadlaya “Naa Ninkaagu wuu ku jecelyahaye maxaad warqadda ku falaysaa

Kute ma isagaa i jecel iyo hadalo kale oo af-oromo ay ku tidhi iyada oo cadheysan.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxa ay tahay, ninkii bunka sameynayay ayaanu ku nidhi “Waar adigaa fahmayee maxay naagtu ninka ku haysataa?

Kuye waxay leedahay ninkani ima jecla, maxaa yeelay; muddo intaas oo sannadood ah ayaanu is-qabnay, maalin qudha imuu dhirbaaxin !

Gabadhii oromada ahayd meesha ayay weli fadhidaa oo way maqlaysaa, kadibna intayadii meesha bunka ku cabaysay ayaa yaabnay, oo mid qosla iyo mid waxaasi malaha iskuma haystaan yidhaa noqonay.

Gabadhii oo aniga ii dhaweyd, isla markaana mooday in loo garaabay kadib guuxii iyo qosolkii layaabka lahaa ee ay dadku sameeyeen markii loo sheegay waxay ku haysato ninkeeda, ayaa inta ay xagayga soo eegtay tidhi: “Walaalo ninku hadii uu naagtiisa jecelyahay saw inuu dilo maaha!

Anna yaabay oo idhi: “Oo markaa ma wax xun baad sameysay oo uu kaa joojin waayay!

Kute “maya asallanba nin aan weligii i dhirbaaxin miyuu i jecelyahay hadii aan adiga ku weydiiyo?

Mid halkeer fadhiyay ayaa isna isaga oo yaab dhameystay yidhi “Kolkaa adigu waxaad doonaysaa inuu ku dilo saw maaha!

Kute “Haa! hadaa sideen ku garanayaa inuu i jecelyahay… naagaha qayrkay xataa ilkaha ayaa ragoodu ka soo daadiyaan qaarkood !!!

Labadiiba waxa kexeeyay oo u yimid Oromadoodii kale, waxase cajiib ah in ninkii bunka sameynayay oo isna oromo ahaa uu yidhi “Waa dhaqan Oromada ka jira, oo ninku gabadhiisa waa inuu dilo ama garaaco ama dhirbaaxo marar badan, xataa hadii aanay wax dhib ah geysanin, waa inuu isagu sidii inuu ka shakiyay iska dhigo oo deeto ku tunto, kadibna gabadha waa loo hambalyaynayaa ehelkeeda iyo asxaabteeduba iyaga oo ku odhanaya nin wanaagsan oo ku ilaashanaya ayaad haysataaye ilaasho…

Aadbuu iiga yaabiyay dhaqankaasi oo aanan hore u ogeyn, maxaa dunida dhaqan ka jira!

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?