Dukaan weyn ayuu galay si uu wax uga iibsado.
Waxa uu arkay haweenay gees kasta oo uu u dhaqaaqo daba socota.
Wuu istaagay.
Waa uu eegay.
Hooyo maxaa Kuu daran buu yidhi?
Waxa ay ku tidhi raalli noqo, waxa aad u eegtahay wiil aan dhalay oo dhintay.
Erayga “hooyo” ee aad I tidhina dareen gaar ah buu ii sameeyay!
Wuu ka naxay!
Markaas buu daymo naxariis leh buu ku eegay.
Waaba indhihii gabadha oo ilma ku joogsatay!
Iyada oo albaabkii laga baxayay u dhow ayaa ay wiilkii ku tidhi: hooyo I dheh markii ugu danbaysay aan inankaygii xasuustee!
Inta uu dhawaaqay ayuu ugu naadiyey “hooyooy”!
Ma ay soo eegin! Saddex jeer oo kale ayaa uu cod Aad u dheer ugu dhawaaqay “hooyooy” “hooyooy”“hooyooy”!
Wiilkii oo qiiraysan Inta ay soo eegtay bay gacan haadis nabad gelyo ah u taagtay, oo iyana ay albaabka ka boodday!
Markii uu maqalhayihii dul yimid si uu xisaabtii u bixiyo, ayaa lagu yidhi $15 waa adiga, $250 hooyadaa ayaa kugu reebtay! Iyo hooyadee?
Dee tii aad tobanka jeer hooyada haysay! Iyada ayaa tidhi inankayga ayaa bixinaya!
Yarkii wixii maalintaa ka danbeeyay, xataa hooyadiisii dhashay ayaa uu “ habar yar” ugu yeedhaa!”
Waxa Qoray: Cabdiraxmaan Alkheyraat