QARRACAN (Uur-ku-taallo)

Lix bilood baa laga joogaa aroortii Qadan dugsiga sare bilaabi lahayd. Lixdaa bilood waxa ay ahayd jaariyad cunnada u karisa weelashana u xasha toban iyo labo walaaleheed ah, afar gabdhood oo ka wayn iyo lix wiil oo ka yaryar. Lixdaa bilood waxaa laabteeda ka oognaa dareen xanuun badan kaa oo ku bilowday maalintii hooyadeed suuqa u kaxaysay walaasheed Khadra oo ay isku subax dugsiga sare bilaabi lahaayeen si ay ugu soo iibso yunifoomkii iyo buugaagtii fasalka koowaad ee dugsiga sare halka Qadan guriga lagu dhaafay si ay qadada u kariso. Galabkii markii Khadra iyo hooyadeed gurigii ku soo noqdeen ayay Qadan hooyadeed waydiisay waxa ayada yunifoomkeedi iyo buugaagteedi ku dhacay laakiin waxaa hooyadeed u sheegtay in aysan sannadkan dugsiga dhigan karin ayada oo ku sababaysay in qoysku uusan awoodin lacagta iskoolka. Markii Qadan baroor iyo qaylo isku dartayna inta qol lagu soo xirtay baa laftay taagtaba la jebiyay.
Tan iyo maalintaa garaacistu waxa ay u ahayd quraac, qado iyo casho. Si walba u baryootayntay, si walba u calaacashay si walbana u barooratay laakiin hooyadeed iyo walaaleheed midna jixinjixin iyo jiidhnax kama ay helin.
Dareenkii maalintaa galay ayaa isa soo tarayay maalinba maalinta ka dambaysa, maankeeduna waxa uu dib ugu celiyay jeer iyo maalintii ay lix ama toddobo jirka ahayd. Waxa ay dib u gocotay hadalladii hooyadeed: hooyo Qadaneey biyaha soo dhaami, Alla hooyo weelasha xal, hooyo Qadaneey cajiinka qoosh jikadana dhaq. Alla hooyo Qadaneey walaashaa Qaali dharka u feeree way kaa wayn tahaye, Qadaneey walaashaa Khadiijo way kaa wayn tahay sariirta u soo hagaaji. Naa Qadaneey wiilasha cunnada u gur faraxal iyo istiraashana u gee.
Markii ay iswaydiisay sababta mar walba keligeed hawsha guriga loogu diri jiray ayada oo afar gabdhood oo ka waawayni joogaan ka dib na ay u gaysay iskoolkii laga reebay, garaacista naxariisdarrada ah iyo in saaka oo ay jaariyad buuxda tahay, waxaa u caddaatay dareen ay marar ismoogaysiisay oo laabteedu u sheegi jirtay: in qoysku uusan dhalin maamo Xaddiyo na aysan hooyadeed ahayn.
Sababahaa dartood baa beryahan oo dhan Qadan dhegtu ayaa u taagnayd. Mar walba oo islaamaha derisku Xaddiyo u yimaadaan albaabka laabkiisa ayaa Qadan ugu dhakataa. Saakana Qadan oo sidii dhegtu ugu taagan tahay oo weelashii quraacda lagu cunay xalaysa qado karisna isku diyaarinaysa ayaa labo islaamood iridda ka soo galeen dabadeedna qolkii fadhiga Xaddiyo la fadhiisteen.
“Qadaneey shaah noo keen,” Xaddiyo ayaa qolka fadhiga ka tannaagootay. Qadan na falaas shaah ah iyo saddex bakeeri inta ay la soo degdegtay bay miis islaamaha hortooda yaallay saartay degdeg u noqotay dabadeedna albaabka fadhiga oo qayb ahaan laaban gadaashiisa isku lammaanisay ayada oo anteenooyinku u fidsan yihiin.
“Ma gabadhii baadida ahayd baa?” mid islaamihii ka mid ah ayaa Xaddiyo waydiisay.
Intaa markii ay maqashay baa qalbigu khalkhalay. Lugihii baa jareeyay. Murqaha xubnaheeda oo dhan baa maliilay. Gacmaha ayaa lalleemooday sidii oday sagaashan jir ah. Gariirka wadnaheeda waxa ay moodday in debadda guriga iyo xaafadaha deriska laga maqlayo.
“Walaaley iskool ma aadan gayn miyaa?” iyo “waan geeyay ee ayadaa diidday oo lagu kari waayay,” ayay si dirqi ah ku maqashay.
Qadan jikada ayay ku carartay oo inta albaabka xiratay baroor jabsaday. Haddana daqiiqado ka dib inta ay ka soo boodday bay qolkeedi hurdada gashay oo calalladeedi bac ku uruursatay dabadeedna ayada oo gacanta ku sidata jikadii ku noqotay. Waxa ay go’aansaday in ay albaabka ka booddo oo cararto haddana nafteeda ayaa ku tiri” sug, sug, wax hubso. Is deji. Sug inta islaamuhu baxayaan ka dib na Xaddiyo waydii halka aad hooyadaa iyo aabbahaa ka heli karto. Hadda haddii aad carartid halkee aadaysaa? Yaad magaalada ka garanaysaa oo aad u ciirsanaysaa?
Markii islaamihii baxeen bay Qadan halkii Xaddiyo fadhiday isku maqiiqday.
“Ma sababtaa ayaad iskoolka iigu diidday oo jaariyad iga ga dhigatay?”
“Naa maxaad ka hadlaysaa?”
“Hal asxaan ii samee. Ii sheeg, halkeen hooyaday iyo aabbahay ka heli karaa?” Qadan oo illintu daamankeeda dariirayso ayaa tiri.
“Naa waad kibirtay ma is tiri oo bariiskaygaa been kuu sheegay?”
“Please hooyo, waan ku tuugaa, aaway hooyaday? Aaway aabbahay? Inteen ka helayaa?”
“Naa wasqaamad yahay soco qadada kari, bax, saqajamaadyad yahay hooyo iyo aabbe midna ma lihide, bax ilmaha qadada iigu kari,” Xaddiyo oo istaag u hilhilatay baa sidaa Qadan ugu jawaabtay.
Qadan inta ay qolkii halhaleel uga baxday oo jikada isku maqiiqday oo bacdii calalladu ugu jireen dhifsatay bay albaabka orod uga baxday. Qac’dii albaabka Qadan naxariisdarrada u laabtay bay Xaddiyo maqashay, markii ay debadda u baxday big iyo bidhaantii Qadan midna Xaddiyo waa arki wayday.
Qadan waa toban iyo afar jir. Nolosheeda aan arag meel dhaafsan guriga Xaddiyo iyo suuqa bartahama Mombasa ku yaal. Sidaa daraaddeed markii iridda guriga Xaddiyo ay ka boodday waxa ay beegsatay meeshii keli ahayd ee ay taqaannay: suuqa. Maalintii oo dhan suuqa ayay dhexwareegaysay ayada oo ka cabsi qabta in qof garanaya ama Xaddiyo aragto. Islaamaha suuqa dharka iyo maacuunta fadhfadhiya ayay hadba mid u tageysay ayada oo ka tuugaysa in ay jaariyad u noqotay. Goor casarliiq ah suuqiina badi albaabada loo laabay ayaa islaan sandaqad yar khudaar ku iibinaysaahi inta ka naxday ku tiri: “maandhey anigu awood aan shaqaale ku qorto ma hayo balse bal ina keen caawo ila hoyo berri ayaan qoys jaariyad u baahan kula goobayaaye.”
Labo beri ka dib islaantii waxa ay Qadan u soo heshay qoys soomaali ah oo jaariyad u baahan. Saddex bilood markii ay qoyskaa la joogtay bay Qadan u adkaysan wayday gacmagacmaynta iyo qashqashaadda wiil labaatan jir ah oo qoyska u joogay. Dabadeedna ayada oo aan qofna u sheegin bay ka carartay. Sidii hore oo kale ayay haddana suuqa maalin u wareegaysay ilaa ay qoys kale ka heshay.
Hal sano gudaheed Qadan waxaa isku dhiidhiibay shan qoys gudaha Mombasa. Qoys walbana waxa ay uga carartay qashqashaad rageed.
Afar sannadood oo gaw ah ayaa laga joogaa subaxdii Qadan iridda aqalkii Xaddiyo ka boodday. Saddex sannadood oo afartaa ka mid ah Nairobi ayay joogtay. Afartaa sannadood waxa ay isku martay oo jaariyad u noqotay toban iyo shan qoys oo soomaali ah. Qoyskii ugu dambeeyay lix beri ka hor ayay ka soo fakatay ka dib markii odaygii reerku muddo ku agmeeraystay dabadeedna islaantii reerku ogaatay dabadeedna Qadan oo islaantii reerku meddi ku eryanayso ayaa iridda halhaleel ku jiirtay.
Afartaa sannadood Qadan waxa ay baylah u noqotay bulsho aan damqasho lahayn, bulsho aan jidh dubaaxiyaahi ku ool, bulsho silica iyo saxariirta jaariyadaha ku gama’da. Waxa kale oo Qadan afartaa sannadood dhibbane u noqotay quruxdeeda. Jooggeeda iyo jamaalkeeda ayaa ku noqday cadow dugaagga u bidhaama. Jidhkeeda dhaylada ah ee dhalaalaya, xubnaheeda kala dhilan, sinaheeda iyo horaaddadeeda, iyo gacmaheeda garaaraha leh ee xaadda miiran ah ayaa cadow u loogay. Sannadihii hore qoys walba oo ay u tagto waxa ay u sheegi jirtay in ay qoyskeedi ka luntay oo raadinayso. Taasina waxa ay u sii baylihisoy rag-lamoodka dugaagga ah. Qadan na markii ay taa ku baraarugtay waxa ay go’aan ku gaartay in aysan qof dambe u sheegin wacaalkeeda. Waxa ayba alliftay sheeko ah in qoyskeedu Xamar iyo Mombasa deggan yihiin.
Qadan shan beri ayay la joogtaa qoyskan Sacuudiga ka soo guuray. Waa qoyskii 16aad ee ay qaddaamad u noqoto. Balse mar horeba qaati ayay ka taagan tahay oo waxa ayba qorshanaysaa in ay qoys kale daydayato. Shantaa beri ee ay qoyskan la joogtay waxaa kax kaga siiyay wiil axmaq ah oo qoysku dhaleen. Xataa qolka hurdada ayuu saqdhexe ugu soo galay dabadeedna qayladeeda ilaa aqallada deriska laga maqlay.
Saakana waa kan axmaqii bilaa rabbaayadda ahaa dalaq soo yiri jikadii oo Qadan quraac ku dubayso, dabadeedna waa kaas naaska bidix ee Qadan si qaabdarro ah u xantoobsaday. Dabadeedna Qadan oo caro kax la ahi waa taa dhabannaano ka soo jiiday. Dabadeed waa la isku booday oo la isla raftay. Qadan oo la wato waa taa suulka bidix ee axmaqii Sacuudiga laga keenay afka gashatay dabadeedna raamsatay. Waa taa hooyadii oo bixitaan u labbisatay maqashay caacda axmaqeedi. Waa taa soo roortay. Qadan markii ay aragtay habartii oo soo maqiiqan ayay jaranjarada hoos ugu cararay. Qoysku waxa uu deggan yahay fooqa afaraad ee dabaqa tobanka biyaano ah.
Qadan oo jaranjarada ku sii ordaysa ayay islaantii ka dabatagtay dabadeedna inta ay laacday bay damacday in ay qoorta ku soo dhagtay laakiin in kasta oo ay ka farabuuxsan wayday haddana ciddiyaheedi dhaadheeraa bay qoorta iyo qadaadka Qadan ku xagatay dabadeedna waxa ay gacanta la heshay saakada Qadan. Laakiin saakadii waa dillaacday waxaa la arkay oo muuqday (qaawismay) ilaa bartamaha dhabarka Qadan.
Waxaa xigay islaantii oo tiri “Alla hoogay! Alla ba’ay! Alla ba’ayeey! Alla ma indhahaygaa mise waa run! Alla ba’ayeey! Dabadeed dhulka ayay ku dhacday. Qadan oo ayaduna dhifashadii islaanta darteed dhulka ku kala go’day baa islaantii soo eegtay, mise islaantii indhaha ayay caddaynaysaa afkana ubur cad bay ka sii daynaysaa. Qadan oo inta soo kacday leh “Alla eeddo maxaa kugu dhacay? Alla eeddo! Alla eeddo maxaa dhacay!” iyo axmaqii dhibta bilaabay baa isku mar iskaantii soo dul istaagay. Qaar kale oo carruurtii islaantu dhashay ka mid ah ayaa ayaguna ka daba yimid. Deriskii oo qaylada iyo buuqa maqlay ayaa ayaguna soo qamaamay.
Baroor iyo qaylo ayaa hal mar isla oogmay:
Alla way dhimatay!
Alla hooyaday bay dishayeey! Alla ba’ayeey! Alla hooyooy! Alla aabboow! Alla hooyaday bay dishay!
Wallaahi anigu ma dilin ee ayaa dhacday, ayadoo i eryanaysa! Wallaahi ma dilin!
Alla ba’ayeey! Alla hooyaday dhimatay! Alla hooyaday bay dishay!
“Waar Ilaahay ka cabsada miskiintani waxba ma dilin anigaa arkayay islaantu ayadaa ayada oo wax eryanaysa dhacdaye,” islaan deriska soo qamaamay ka mid ah ayaa sidaa tiri.
Alla boliiska waca!
Alla waar maydka isku duwa!
Boliiskii iyo aambalaastii ayaa yimid. Qadan shabaqlihii boliiska ayaa lagu ritay maydkii islaanta oo boorsadeedi gacantu weli garabka u suran tahayna dhankii aambalaasta ayaa loo deddaamiyay.
Qadan waxaa la geeyay saldhigga boliiska dabadeedna waraysi ayaa la la yeeshay. “Wallaahi taliye anigu ma dilin, ayada oo gardarro igu eryanaysa ayay kuftay dabadeedna sidaas bay ku dhimatay. Wallaahi taliye anigu ma dilin, bal eeg dhabarkayga sida saakadaydu u dillaacday iyo sida qadaadkaygu u dhiigayo. Waxa sidaa dhiigga iga ga keenay saakadana iga dillaaciyay waa ciddiyihii islaanta,” ayay Qadan ku calaacashay.
Waraysi ka dib Qadan qolka xabsiga ee saldhigga ayaa lagu celiyay.
Intaa ka gadaal askartii waxa ay aadeen qolkii maydadka ee isbitaalka dabadeedna waxa ay DNA ka qaadeen ciddiyaha islaantii maydday. Ka dib waxa ay baareen boorsadeedi gacanta. Alaabihii askartu boorsada islaanta dhimatay ka soo quftay waxaa ka mid ahaa warqad waxa ku qoran askartu yaab iyo amakaag ka qaadeen. Markii ay warqaddii akhriyeen waxa ay ku soo laabteen qolkii Qadan ku xirnayd dabadeedna waxa ay eegeen dhabarka Qadan oo markii hore ee ay baarayeen ay ku arkeen summad aan ahayn dhaawacii ciddiyaha islaantu gaarsiiyeen. Askartii oo foolashooda anfariir ka muuqdo ayaa marna warqadda eega marna dhabarka Qadan. Dabadeed Qadan bay waydiiyeen waxa ay tahay summadda dabka (gubashada) u eg dhabarka uga taalla.
“Ma ogi ayada oo igu taal baan arkay,” ayay Qadan ugu jawaab celisay askartii.
“Aaway hooyadaa?” askartii ayaa Qadan waydiiyay.
“Ma ogi, qoys aan qoyskayga u malayn jiray baa i soo korsaday laakiin afar sannadood ka hor baan ogaaday in aysan i dhalin dabadeedna waan ka cararay,” ayaa Qadan tiri.
“Islaantan goorma ayaad u timid maxaad se isku tihiin?”
‘Shan maalmood ka hor baan u imid si aan jaariyad ugu noqdo laakiin wiilkooda ayaa nafta ii keenay saaka markii aan iska celi maagayna hooyadii baa i eryatay, ayada oo i eryanaysa ayayna jaranjarada ku kuftay sidaa na ku dhimatay.”
Askartii oo yaabban baa Qadan ku yiri “Qadaneey bal qarqaddan akhri.”
Qadan oo amakaagsan waxa askartu arkeenna la yaabban baa warqaddii kala bixisay dabadeedna akhris ku bilowday:
Gabadhaydi Sareedo
Aniga oo ah hooyo Xaliimo Xareed waxa aan la muraaradillaacsan ahay maqnaanshaha gabadhaydi Sareedo Salaad oo ay iigu dambaysay sannadkii 1990. Gabadhaydi Sareedo waxa ay dhalatay sannadkii 1988 waxa aanan ayada iyo walaalkeed Saleebaan u dhalay Salaad Cabdulle oo aan kala tagnay sannadkii 1990. Saleebaan oo dhashay 1985 waxa uu dhintay 1990. Dabadeed aniga oo Sareedo keliya haysta ayaa sannadkii 1990 ninkaygi Salaad naag kale i la guursay ka dib na intaan masayray baan gabadhaydi Sareedo aabbaheed ku xooray ka gadaalna iska furay. Dabadeed sannadkii aan ninkaygi kala tagnayd (1990) sannadkii ku xigay (1991) ayaan Muqdisho ka qaxnay markii dagaalka sokeeye ka qarxay. Annaga oo qaxayna oo lugaynaynna jidka Muqdisho iyo Baydhabo u dhexeeya ayaan ka soo duldhacnay maydka ninkaygi Salaad oo laamiga dhinaciisa yaalla gabadhaydi Sareedo na aysan la joogin. Dabadeed maalmo badan aaggaas ka raadiyay gabadhaydi Sareedo, laakiin raq iyo ruux midna ma helin. Gabadhaydi Sareedo waxa ay lahayd calaamad lagu garan karo. Calaamaddaasi waa summad kaga taal dhabarka, gaar ahaan labada garab hoostooda. Summadaasi waxaa Sareedo gaarsiiyay birta feerada (birta dharka lagu kaawadeeyo) oo sannadkii 1990 uu walaalkeed Saleebaan dhabarka uga dhejiyay. Birta feerada oo kulul ayuu Saleebaan Sareedo dhabarka ka saaray taa oo dhaawac culus Sareedo ku reebtay. Waxa aan hubaa in summadda uu dhaawacaasi Sareedo ku reebay uusan abidkeed ka baabi’idoonin.
Warqaddan waxa aan u qoray in haddii aan dhinto Sareedo lagu baadigoobo.
Ilaahow waan ku tuugayaaye aniga oo nool gabadhaydi Sareedo indhaha ii saar.
-Hooyo Xaliimo Xareed
Qadan ama Sareedo markii ay warqaddii dhammaysay baa miyir ugu dambaysay. Waa taa ayada oo suuxsan oo in ay dhimatay iyo in ay nooshahay aan la kala garan loo deddaamiyay aambalaastii saacado ka hor maydka hooyadeed lagu deddaamiyay.

Waxa Qoray Cali M. Diini

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?