Markii lay sixray.

Markii lay sixray.

Waxaan daawaday muuqaal dad nin sixiroole ah uu baadhay intuu sixray, ninkaas oo hada Booliisku gacanta ku hayaan, waxay isoo xasuusisay qiso igu dhacday 2017, waxaanan jeclaystay in aan idinla wadaago.

Waxa Qoray Maxamed Turki oo sheekadu ku dhacday.

2017 bilawgiisii Waxaan ka shaqaynayay meherad iibisa qalabka Electronic-ga, oo ku taala magaalada Burco gaar ahaan kasoo horjeedka maajidka uu dhisay Badhabadha. Galab aniga iyo saaxiibkay Saleebaan Cismaan Maxamed oo dhex fadhina meherada, waxaa noo soo galay nin degdeg ka muuqdo, oo telefoon ku hadlaya, xilligu waa bacdal casar, ninkii wuxuu i waydiiyay qiimaha telefoonada, waan u sheegay inta uu i hortaagan yahay ee uu wax i waydiinayo, telefoon ayuu ku hadlayaa, oo qof buu hagayaa, oo meherada u tilmaamayaa, kolkii aan qiimaha telephone-nada u sheegay wuxuu igu yidhi “nin dhalinyaro ah baad tahay, oo abti tudhaalaad iiga baahan tahaye telefoonkaa iisoo qabo qiimihiisana iisheeg” waan soo qabtay, waxaan ku idhi waa $190, wuxuu igu yidhi “$210 ayaan ku siinayaa hadii aad wax igu yeelatana waad iga daynaysaa” waxaa ku idhi telefoonku waa $190, Waa caadi ayuu idhi ee $210 ayaan ku siinayaa wixii kalena waad iga dayn, hoo bacdan, telefoonka hayga tijaabin, bacdaa iigu rid, laba kaalkuleetarna iigu dar” wuxuu ii dhiibay bac madaw oo duuduuban, kadibna wuu baxay, wuxuu i yidhi lacagtaan gaadhi halkan taagan kaaga soo qaadayaa.

Waxaan soo qaaday Mobile kii waan tijaabiyay, kadibna waxaan ku riday bacdii uu ii dhiibay, isaga iyo labadii kaakuleetar, waxaan saaray miis xaga danbe ee meherada yaalay, saaxiibkay Saleebaan ayaa igu yidhi ninka Waan ka shakiyay, inyar markaan joognay ayaan meherada kadinkeeda istaagay, oo eegay in uu soo socdo, saa meelna kama soo muuqdo, waxaan go’aansaday in mobile-kii aan kasoo saaro bacdii aan ku riday, oon ku daro mobile-lada iibka ah, maadaama uu soo noqon waayay, waxaan furay bacdii, saa Moobilba kuma jiro, kaaga darane baytarigii Moobilka oo aan markii hore galiyay iyo jaajarkii iyo labadii kaakuleetar bacdiibay kujiraan, Yaah iyo naxdin! maxaa dhacay ayaanu is waydiinay? maskaxda ayaanu dib u celinay, oo xasuusta dib u eegnay, oo isugu markhaati furnay in Moobilka aan bacda kuriday, waanu garawsannay ninku in uu sixiroole ahaa.

Waxaan wacay abtigay Ismaaciil Cumar Calawaash oo aan usheegay waxa dhacay, wuu noo yimi, waxaa kale oo xusid mudan, in gabadhi ay albaabka soo fadhiisatay ninkii sixirawga ahaa markuu saas nooga baxay, gabadhu kolka aanu sheekada ka sheekaynayno way dhoola cadaynasaa, oo kolba way nasoo eegaysaa, kolkii abtigay ismaaciil noo yimid, ayaanu Moobiladii kale iyo Kaambuyuutaradii meesha yaalay tirinay, waanu aragnay in ay dhan yihiin, kolka laga reebo moobilkaa sixirooluhu qaatay, habeen ayay noqotay gabadhiina wali meeshii ayay fadhidaa, goor 8:40Pm habeenimo ay tahay ayaanu meheradii xidhnay, waxaanu u tagnay Abtigay Axmed Muumin oo meel aan naga fogayn Supermarket ku haysta, sheekadii ayaanu uga sheekaynay isaga iyo dhalinyaradii la shaqaynaysay, waanu caweynay kadib waanu isasoo raacnay, aniga, Saaxiibkay Saleebaan iyo labadaydii abti waxaanu kusoo noqonay meheradii oo wali gabadhii hor fadhido, abtigay Axmed Muumin ayaanu tusnay bacdii ninku uu noo dhiibay, oo aanu casarkii meherada horteeda ku tuurnay, wuu qaaday kadib quraan ku akhriyay, kolkii uu saa bacda u qaaday ayay gabadhii kacday, markii uu quraankii bilaabayna sidii qof talaabo dheerayn iyo ruclo orad isku daraya ayay u dhaqaaqday, oo way carartay, markii ay naga libidhay ayaanu is-weydiinay gabadhu maxay ahayd, ilaa galabta meesha way fadhiday, markaa ay gabadhu cararayso waa 11:30 Habeenimo, hal meheradi ma funa.

Intayadii wada socotay waanu iska kala carawnay, subixii kolkii waagu baryay ayaan sidii caadiga ahayd meheradii imid, oon furay, gabadh ayaa ii soo gashay Moobil iib ah doonaysa, waxaan is idhi moobilkii usoo qabo, kartoonkii ay ku jireen noocyada moobilka ay doonayso, ayaan is idhi uga soo saar, saa! bogos kasta oo aan soo qabto waxaa meesha ku jira Baytarigii, jaajarkii iyo eerifoonadii, Moobilkiina wuu maqanyahay, markii tiraba ilaa 3 bogos aan soo qabtay, ayaan dareemay in wax qaldan yihiin, kadibna intaan iska daayay kartoonkii waynaayee moobiladu ku jireen, ayaan khaanad danbe oo aan ku ogaa moobil ah nooca gabadhu ay doonayso, is idhi uga soo saar, saa! isaguna waa la mid oo khaanadii waxaa ku jira kaliya baytarigii jaajarkii iyo eerifoonadii, markaas ayaan xaqiiqsaday in wax wayni qaldan yihiin, gabadhii ayaan ku idhi walaal moobiladaasi way iga dhamaadeen, gabadhii way iska tagtay ana naxdin iyo yaabaa! albaabkii ayaan soo xidhay, aayatu kursida ayaan akhristay, kadibna karaatoontii moobiladu ku jireen iyo alaabtii kale ayaan eegay, saa! way yaalaan marka laga reebo afartii moobil ee aan waayay intii gabadhu ila joogtay, waan soo wayseystay, laba rakcadood baan tukaday, meheradii ayaan iska furtay, waan iska shaqeystay, duhurkii ayaan meheradii xidhay oo ka rawaxay, casarkii kolkii aan dib u furay, ayuun baan is idhi bal moobiladii tiri, saa! bogoskaan kor u qaadaba waxaa ku jira baytarigii, jaajarkii iyo eerifoonadii oo kaliya, oo moobilkii wuu maqan yahay, waan naxay oo wareeray.

Albaabadii ayaan soo xidhay, talaa igu cadaatay, Aabahay ayaan wacay, oo qisada i haysata u sheegay, Aabahay markaa wuxuu joogay Hargaysa, wuxuu igu yidhi meherada iska xidh, adna adkaarta akhriso, ilaa aan kuu imaadana ha furin, sidii baan yeelay, waxaan la hadlay ninkii meherada lahaa, waxaa u sheegay in hawli igu timid, oo aanan ilaa bari shaqada iman kareynin, meheraduna ay xidhnaanayso, Aabahay wuu kasoo baxay Hargaysa, wuu ii yimid aabahay, waa nin Culimo ah, markii uu yimid waanu isasoo raacnay, meheradii ayaanu nimid, aabahay aayadaha sixirka iyo quraan ayaa uu meheradii ku akhriyay, alaabtii ayaanu dib u eegnay, waxaa naga maqnaaday 13-Moobil oo kuwii ugu qaalisanaa ee yaalay meherada ah, Aabahay waxaan u sheegay in lacagta Moobiladaa aan anigu iska bixinayo, ninka meherada lehna aanan waxba u sheegayn, Lacagtii moobilada qayb ahaan ayaan bixiyay oo aan ku diray number kii meherada, qaybtii kalena aabahay ayaa bixiyay, aniguna sidii ayaan shaqadii kaga tagay, oo aan ku fasaxay.

Wabilaahi tawdiiq

Waxa bartiisa facebook ku daabacay Axmed Shaafi – halkan ka sii akhri post-gaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?