Waxyi

Waxyiga marka la sharxayo, waxa lagu macneeyaa in uu yahay:

  • Habka uu RABBI Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu u gaadhsiiyo anbiyadiisa, wixii uu doonayo in uu u sheego ama ay ogaadaan, sida shuruucda samaawiga ah iyo wararka xaga sare uga imanaya, iyada oo habkaasi uu yahay mid dadka kale ka qarsoon.
  • Waxa uu u qaybsamaa waxyigu dhowr nooc, sida ay sheegayso Aayada 51aad Ee ku jirta Suurada Ash-Shuura

وَمَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُكَلِّمَهُ اللَّهُ إِلَّا وَحْيًا أَوْ مِن وَرَاءِ حِجَابٍ أَوْ يُرْسِلَ رَسُولًا فَيُوحِيَ بِإِذْنِهِ مَا يَشَاءُ ۚ إِنَّهُ عَلِيٌّ حَكِيمٌ

Waxa ay kala yihiin noocyadaasi:

  • Ilhaam: waa in Nebiga qalbigiisa lagu soo tuuro wararka iyo ogeysiisyada RABBI xagiisa uga imanaya, isaga oo Nebiguna aanu ka shakiyaynin warkaasi, ee uu si xaqiiq ah u qaadanayo, maxaa yeelay; inta aan Nebiga waxyiga lagu bilaabin, waxa la tusaa Aayado ama Mucjisooyin loogu sheegayo in uu yahay Nebi RABBI Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ka doortay dadka dhexdiisa…
    • Ilhaamku Nebiga wuu ugu yimaadaa jiifka iyo soo-jeedka labadaba…
    • Ilhaamku waa ka inta badan loo yaqaano waxyiga, maxaa yeelay; noocan ayaa ku badan Anbiyada.
  • Hadal Toos ah oo RABBI Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu warka iyo ogeysiisyada ugu soo gudbiyo Nebiga, iyada oo Nebigu aanu arkaynin muuqaalka Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye…
  • In RABBI Weynaa Oo Wanaagsanaaye wararka iyo ogeysiisyada uu ugu soo dhiibo Nebiga cid kale, gaar ahaan Malaaígta sida; Malaku Jibriil.
    • Malagu marka uu u keenayo Nebiga wararka iyo ogeysiisyada, waxa uu ula kulmaa sadex nooc:
      • Inuu ugu yimaado muuqaalkiisii dhabta ahaa, ee uu malagaasi RABBI u abuuray.
      • Inuu ugu yimaado muuqaal kale, sida mid ka mid ah dadka Nebiga ka ag dhaw, iyada oo Nebiguna aanu ka shakiyaynin, laakiin uu ku qanacsan yahay malagga.
      • Inuu ugu yimaado si qarsoon, oo aanu Nebigu muuqaalka malaga arkeynin, laakiin uu codkiisa iyo hadalkiisa uu maqlayo.

Waxyigu waxa kale oo uu u qaybsamaa laba nooc, oo kala ah: Quráan Iyo Xadiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?