Madaxweynuhu Sidee Ayuu Ku Soo Baxayaa?

Maamuladii kala dambeeyay ee ay muslimiintu ku mideysnaayeen, waxa ay u sameysmeen dhowr qaab ama dhowr hab oo kala duwan:

Habka 1aad: Kani waa habkii uu Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha Siiyo’e uu u soo dhisay dawladii u horeysay ee ay muslimiintu yeeshaan, markii magaalada Makka oo aheyd bartii uu ku noolaa, ay gaaladii joogtay ku adkaadeen, oo ay u diideen in uu Makka ka dhiso dawladdii Islaamka, waxa uu Nebigu tagay magaalada Madiina, oo uu heshiis la galay dadkii ku noolaa, kadibna magaaladaasi Madiina ayuu ka aasaasay dawladii u horeysay ee muslimiinta.

Qaabkii uu dawladaasi Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e uu u aasaasay waxa ay ahayd, hab noociisu uu gaar ahaa.

  • Nebigu(صلى الله عليه وسلم) wuxu ahaa kii Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu u doortay diinta.
  • Nebigu (صلى الله عليه وسلم) wuxuu ahaa ka kaliya ee garanaya habka dawladaasi ay u dhismayso.
  • Mana ay jirin cid la mid ah Nebiga (صلى الله عليه وسلم), oo la tartamaysay ama isku-dhererinaysay.

Qodobadaasi aynu soo xusnay waxa ay u suurto geliyeen Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabad-gelyo Ha Siiyo’e inuu dhisitaanka maamulkaasi ku keliyaysto, muslimiintii xilligaasi joogteyna ay uga dambeeyaan talada, oo ay ka amar qaataan, kolka habkaasi wuxuu ku soo af-jarmay Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, maxaa yeelay; Nebi dambe oo soo baxayaa ma jiro.

Habka 2aad: Waa habkii uu ku soo baxay Madaxweynihii 2aad ee muslimiintu ay yeeshaan, oo ahaa Abu Bakar Sidiiq, Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha Siiyo’e intii aanu geeriyoon, waxa uu bixiyay tilmaamo laga dhex fahmayo, in uu maamulka muslimiinta raali uga yahay Abu Bakar Sidiiq. 

عَنْ أَبِي مُوسَى قَالَ: مَرِضَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم فَاشْتَدَّ مَرَضُهُ فَقَالَ : «مُرُوا أَبَا بَكْرٍ فَلْيُصَلِّ بِالنَّاسِ » قَالَتْ عَائِشَةُ: إِنَّهُ رَجُلٌ رَقِيقٌ إِذَا قَامَ مَقَامَكَ لَمْ يَسْتَطِعْ أَنْ يُصَلِّيَ بِالنَّاسِ. قَالَ: «مُرُوا أَبَا بَكْرٍ فَلْيُصَلِّ بِالنَّاسِ» فَعَادَتْ فَقَالَ : «مُرِي أَبَا بَكْرٍ فَلْيُصَلِّ بِالنَّاسِ فَإِنَّكُنَّ صَوَاحِبُ يُوسُفَ» فَأَتَاهُ الرَّسُولُ فَصَلَّى بِالنَّاسِ فِي حَيَاةِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم)متفقٌ عليه(

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ فِي مَرَضِهِ: «مُرُوا أَبَا بَكْرٍ يُصَلِّي بِالنَّاسِ » قَالَتْ عَائِشَةُ: قُلْتُ إِنَّ أَبَا بَكْرٍ إِذَا قَامَ فِي مَقَامِكَ لَمْ يُسْمِعْ النَّاسَ مِنْ الْبُكَاءِ فَمُرْ عُمَرَ فَلْيُصَلِّ باِلنَّاسِ. فَقَالَ: « مُرُوا أَبَا بَكْرٍ فَلْيُصَلِّ بِالنَّاسِ». فَقَالَتْ عَائِشَةُ فَقُلْتُ لِحَفْصَةَ قُولِي إِنَّ أَبَا بَكْرٍ إِذَا قَامَ فِي مَقَامِكَ لَمْ يُسْمِعْ النَّاسَ مِنْ الْبُكَاء فَمُرْ عُمَرَ فَلْيُصَلِّ بِالنَّاسِ فَفَعَلَتْ حَفْصَةُ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم : « إِنَّكُنَّ لأنْتُنَّ صَوَاحِبُ يُوسُفَ مُرُوا أَبَا بَكْرٍ فَلْيُصَلِّ باِلنَّاسِ» فَقَالَتْ حَفْصَةُ لِعَائِشَةَ: مَا كُنْتُ لِأُصِيبَ مِنْكِ خَيْرًا)متفقٌ عليه (

Habka 3aad: Waa habkii ay ku soo baxeen Madax-weynihii 2aad iyo 4aad ee muslimiinta waa Cumar Bin Khadaab iyo Cali Bin Abii Daalib, Rabbi Raali Ha Ka Noqdo labadoodaba, Cumar  waxaa uu ahaa ninka kaliya ee xaga fadliga ku soo xigay Abu Bakr kadibna markii uu Abu Bakar dhintay, isaga ayaa loo caleemo-saaray xilkii madaxweyne-nimo.

}حدثنا معلى بن أسد حدثنا عبد العزيز بن المختار قال خالد الحذاء حدثنا عن أبي عثمان قال حدثني عمرو بن العاص رضي الله عنه: أن النبي صلى الله عليه وسلم بعثه على جيش ذات السلاسل فأتيته فقلت أي الناس أحب إليك قال عائشة فقلت من الرجال فقال أبوها قلت ثم من قال ثم عمر بن الخطاب فعد رجالا{ صحيح البخاري

عن أبي سعيد الخدري – رضي الله عنه – قال: قال رسول الله- صلى الله عليه وسلم:- ” بينما أنا نائم، رأيت الناس يعرضون علي وعليهم قمص، منها ما يبلغ الثدي، ومنها ما دون ذلك، وعرض علي عمر بن الخطاب وعليه قميص يجره” قالوا: فما أولت ذلك يا رسول الله؟ قال: “الدين(“صحيح البخاري، صحيح مسلم 

عن ابن عمر – رضي الله عنهما – قال: قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم -: “بينما أنا نائم أتيت بقدح لبن، فشربت منه حتى إني لأرى الري يخرج من أظفاري، ثم أعطيت فضلي عمر بن الخطاب” قالوا: فما أولت ذلك يا رسول الله؟ قال: “العلم” صحيح البخاري، صحيح مسلم

Cali-na waxa uu ka mid ahaa labadii nin ee isugu soo hadhay doorashadii madaxweynihii 3aad ee muslimiinta, oo Cusmaan ku guuleystay, kadibna markii uu Cusmaan Bin Cafaan dhintay Cali ayaa xilkii madaxweyne-nimo loo caleemo-saaray.

Habka 4aad: Waa habkii uu ku soo baxay madax-weynihii 3aad ee muslimiintu, oo ahaa Cusmaan Bin Cafaan, habkani waxa uu u dhacay sidan:

Cumar Bin Khadaab markii la dhaawacay, waxa uu magacaabay gudi ka kooban 6-mas’uul, oo marka ahaa kuwii ugu qiimaha badnaa muslimiinta, waa lixdii la tuhmayay in uu madaxweynaha 3aad ka soo dhex bixi doono, wuxu Cumar lixdaa mas’uul kula dardaarmay, in ay iska soo dhex doortaan madaxweynaha muslimiinta hogaamin doona, waxa ay lixdaa mas’uul kala ahaayeen:

  1.  Cusmaan ibnu Cafaan.
  2.  Cali ibnu Abii Daalib.
  3.  Cabdiraxmaan ibnu Cawf.
  4.  Dalxa ibnu CubeydiLaah.
  5.  Subeyr ibnu Cawaam.
  6.  Sacad ibnu Abii Waqaas.

Kadibna lixdoodii waxa ay shir uu albaabku u xidhan yahay ku galeen guri ka mid ah Madiina, in muddo ah ayaa ay rog-rogayeen arrinka, wareegii 1aad waxa ka tanaasulay tartankii madaxweyne-nimo sadex (Subeyr, Dalxa iyo Sacad), waxa isku soo hadhay Cusmaan, Cali iyo Cabdiraxmaan, hadana wareegii 2aad waxa ka tanaasulay tartankii madaxweyne-nimo Cabdiraxmaan, kadibna waxa ay isla garteen in codka la balaadhiyo, oo dadkii ku noola magaalada Madiina laga soo qayb galiyo, waxa hawsha cod-urrurinta isku xil-saaray Cabdiraxmaan Bin Cawf, waxa uu cod ama afti ka soo qaaday dadkii magaalada, hadii ay yihiin Rag, Dumar iyo Carruurba, waxa uu soo weydiinayay su’aal nuxurkeeda guud ahaa; Cali Bin Abii Daalib iyo Cusmaan Bin Cafaan, kee ayaa aad xilka madaxweyne-nimo u ogoshahay? Kadibna waxa doorashadaa ku guuleystay Cusmaan Bin Cafaan.


Afartaa hab ayaa ay muslimiintu haystaan in ay kula soo baxaan Madaxweynahooda, amaba si guud mas’uuliyad cidii ay u dhiibayaan, hadaba laga soo bilaabo dilkii Cusmaan Bin Cafaan, waxa ay muslimiintu la noolaayeen khilaaf aad u xun oo galaaftay kumanaan muslimiin ah, khilaafkaasi waxa uu salka ku hayaa kala duwanaansho ka dhashay Madaxweynaha Muslimiinta iyo habka uu ku imanayo, maxaa yeelay; muslimiintii aad ayaa ay u tiro bateen, waxa ay qabsadeen oo ay ku tarmeen dhulal aad u kala fog, waxa muslimiintii yeesheen afaf kala gedisan iyo qoomiyado kala muuq iyo midab duwan, waxyaabahaasi iyo qaar kale oo badan, ayaa keenay in ay muslimiintii ku kala aragti duwanaadaan:

  • Qaabka uu Madaxweynuhu ku soo baxayo.
  • Madaxweynuhu tilmaamaha uu kaga soocmayo ragga kale ee laga dhex xulanayo.
  • Iyo Hab-Maamulka deegaanada muslimiintu ay ku kala nool yihiin.

Hadaba guud ahaan nolosha ay dadka muslimiinta ahi ku nool yihiin, waxa ay u qaybsan tahay laba:

  1. Qayb aan is-bed-bedelin (Sida; Guud ahaan Diinta, Gaar ahaan-na Wixii la Xidhiidha Cibaadada), Waxaana taasi u daliil ah:

…}الْيَوْمَ يَئِسَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن دِينِكُمْ فَلَا تَخْشَوْهُمْ وَاخْشَوْنِ ۚ الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا ۚ{… سورة المائدة ٣ 

عن عائشة رضي الله عنها قالت: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: }من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو ردٌّ { رواه البخاري ومسلم

  1. Iyo qayb is-bed-bedelkeedu uu joogto yahay (Sida; Hab-Maamulka Dadka iyo Deegaanka)

Waxaana taasi u daliil ah:

عَنْ أنس- رضي الله عنه- أَنَّ النَّبِيَّ -صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – مَرَّ بِقَوْمٍ يُلَقِّحُونَ فَقَالَ: “لَوْ لَمْ تَفْعَلُوا لَصَلُحَ” قَالَ: فَخَرَجَ شِيصًا، فَمَرَّ بِهِمْ، فَقَالَ: “مَا لِنَخْلِكُمْ؟” قَالُوا: قُلْتَ كَذَا وَكَذَا، قَالَ: “أَنْتُمْ أَعْلَمُ بِأَمْرِ دُنْيَاكُمْ ” أخرجه مسلم في صحيحه ” (رقم/2363)

Xadiiskani waxa uu ka waramayaa, Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, ayaa soo maray dad bacriminaya geedo/dhir, Nebigu Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e wuxuu yidhi: “hadii ay iska daayaan bacriminta ayaa fiicnaan lahayd”, dadkiina way joojiyeen bacrimintii, kadibna geedihii ayaa dhali waayay, markii uu soo maray Nebigu Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e meeshii ayaa uu arkay geedihii, markaas ayaa uu dadkii ku yidhi: Maxaa ku dhacay geed-timireedkiinii? Waxaa ay ku yidhaahdeen: “Markii aad nagu tidhi waxa fiican in aad iska daysaan bacriminta, ayaanu joojinay, kadibna geedihii waa kuwaa dhali waayay”, wuxu Nebigu Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e ugu jawaabay, “Idinka ayaa yaqaan adduunyadiina arrinkeeda…” oo macnaheedu yahay: (idinka ayaa yaqaan,  sida aad u hagaajisanaysaan adduunyada ama aad u habeynaysaane, yeela sidii u fiican adduunyadiina…)

عَنْ مُوسَى بْنِ طَلْحَةَ، عَنْ أَبِيهِ، قَالَ: “مَرَرْتُ مَعَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِقَوْمٍ عَلَى رُءُوسِ النَّخْلِ، فَقَالَ: ( مَا يَصْنَعُ هَؤُلَاءِ؟) فَقَالُوا: يُلَقِّحُونَهُ، يَجْعَلُونَ الذَّكَرَ فِي الْأُنْثَى فَيَلْقَحُ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: (مَا أَظُنُّ يُغْنِي ذَلِكَ شَيْئًا). قَالَ فَأُخْبِرُوا بِذَلِكَ فَتَرَكُوهُ، فَأُخْبِرَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِذَلِكَ فَقَالَ: (إِنْ كَانَ يَنْفَعُهُمْ ذَلِكَ فَلْيَصْنَعُوهُ، فَإِنِّي إِنَّمَا ظَنَنْتُ ظَنًّا، فَلَا تُؤَاخِذُونِي بِالظَّنِّ، وَلَكِنْ إِذَا حَدَّثْتُكُمْ عَنِ اللهِ شَيْئًا فَخُذُوا بِهِ، فَإِنِّي لَنْ أَكْذِبَ عَلَى اللهِ عَزَّ وَجَلَّ) أخرجه مسلم في صحيحه (رقم/2361)

Xadiiskan-na waxa uu ka waramayaa, Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, ayaa soo maray dad dul fuushan geed-timireedka dushiisa, kadibna waxa uu Nebigu waraystay waxa ay sameynayaan, waxa lagu yidhi: Geedka ayay Bacriminayaan, oo geedka labkiisa ayay ku farsameynayaan geedka dhedig, si uu u dhalo, waxa uu Nebigu yidhi: u malayn maayo, in waxaasi wax u tarayo geedka, dadkii geedka bacriminayay, ayaa loo sheegay hadalkani uu Nebigu yidhi, kadibna bacrimintii ayay ka daayeen berrigii dambe, geedihii ayaa dhali waayay, Nebigii ayaa loo sheegay markii laga daayay geedaha bacrimintii, in ay dhali waayeen, waxa uu yidhi Nebigu Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e, hadii bacrimintii ay wax u taraysay, u sheega ha sameeyaan dadku sidii ay sameyn jireen, maxaa yeelay; wixii aan idiin sheegay waxyi muu ahayn, wuxuu ahaa sidii aan wax u arkaayay, laakiin ogaada hadii aan ILLAAHAY Weynaa Oo Wanaagsanaaye wax idiinka sheego, waxaa aan idiinka sheegay sidiisa ku qaata, maxaa yeelay; Anigu marnaba ku been-abuuran maayo ILLAAHAY Weynaa Oo Wanaagsanaaye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?