Waa culimadii u tafa-xaytay, in ay ururiyaan Xadiiska Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, waxa ay uga tageen muslimiinta dhaxal aan duugoobaynin(انشاء الله), Rabbi Naxariistii Janno Ha Ugu Deeqo Dhamaantood…
Bukhaari
- Taariikh Nololeedkiisu waa Hijriya 194 ilaa 256.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Maxamed Bin Ismaaciil Bin Ibraahim.
- Kunyadiisa ama Naaneystiisu Waa Abu-Cabdulaahi.
- Waxa uu ku dhashay meesha la yidhaa Bukhaara.
- Waxa uu ku koray Agoonnimo.
- Waxa uu ahaa qof degan, oo xiftigiisu aad u fiican yahay.
- Waxa uu socdaal u galay sidii uu u soo baran lahaa Xadiiska Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e.
- Waxa uu Xadiiska Nebiga ka dhageystay macalimiin ay tiradoodu qiyaas ahaa gaadhayso ilaa kun sheekh, oo kala jooga Khurasan, Shaam, Masar, Xijaas iyo Meelo kale.
- Waxa uu xiftiyay, oo uu culimadaasi ka soo ururiyay ilaa 600,000 oo xadiis.
- Waxa uu Kitaabkiisa Saxiix Al-Bukhaari ku koobay intii uu u arkay in ay yihiin kuwa gaadhay heerkii lagu daliishanayay.
- Rag baa inta ay ka yaabeen xiftigiisa, yidhi aynu tijaabino in xiftigiisu sax yahay iyo in kale, kadibna waxaa ay is-weydaariyeen sanadka(سند) axaadiista qaarkood, Bukhaari waxa uu sheegay xadiis kasta sanadkii uu saxda ku ahaa.
- Kitaabkiisa Saxiix Al-Bukhaari waa kitaabka ugu horeeya kutubta Xadiiska Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e lagu ururiyay.
- Bukhaari waxa kale oo uu qoray Kutub kale oo ay ka mid yihiin:
- Taariikh, Adab Al-Mufrad, Ducafaa’a Iyo Qaar Kale…
- Shardiga Bukhaari adeegsaday marka uu xadiiska cid ka soo warinayaa, waxa uu ahaa: Labada qof ee xadiiska kala werinayaa isku-xili ama isku-casri ma ahaayeen.
Muslim
- Taariikh Nololeedkiisu waa Hijriya 204 ilaa 261.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Muslim Bin Xijaaj Bin Muslim Qashiiri.
- Waxa uu ku dhashay meesha la yidhaa Niisaabuur.
- Waa culimadii xiftiga xadiiska ku fiicneyd.
- Waxa uu barashada xadiiska Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e u tagay Shaam, Masar iyo Ciraaq.
- Waxa uu wax ka soo dhigtay macalimiin ay ka mid yihiin.
- Axmed Bin Xambal iyo Lodkiisii.
- Maxamed Bin Ismaaciil Bukhaari-na aad ayuu wax uga soo dhigtay.
- Waxa uu culimada ka soo ururiyay ilaa 300,000 oo xadiis.
- Waxa uu kitaabkiisa Saxiix Al-Muslim ku koobay 12000 oo xadiis.
- Saxiix Muslim ayaa ku xiga Kitaabka Saxiix Bukhaari.
- Kutubta kale ee uu Imaam Muslim qoray waxa ka mid ah:
- Musnad Kabiir.
- Kitaab Al-Cilal.
- Kitaab Su’aalaat Axmed.
- Awhaam Al-Muxadasiin.
- Shardiga Muslim adeegsan jiray, marka uu xadiiska cid ka soo warinayaa, waxa uu ahaa: Labada qof ee xadiiska kala werinayaa ma kulmeen.
Tirmidi:
- Taariikh Nololeedkiisu waa Hijriya 209 ilaa 279.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Maxamad Bin Ciisa Tirmidi.
- Waa culimadii xiftiga xadiiska Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e ku fiicnayd.
- Waxa uu ahaa xaga xiftiga mid tusaale loo soo qaadan jiray.
- Waxa uu ka mid yahay dadkii ku noolaa meesha la yidhaaTirmid.
- Waxa uu ardey u ahaa Maxamed Bin Ismaaciil Bukhaari.
- Waxa uu ka soo wariyay Axaadiistiisa qaarkood culimadii uu Bukhaarina ka soo wariyay.
- Waxa uu soo ururiyay axaadiistii Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, waxa uu axaadiistaasi ku qoray kitaabkiisa Jaamic Al-Kabiir ama Sunan Al-Tirmidi.
- Kitaabkaa Sunan Al-Tirmidi waxa uu ka mid yahay Lixda Kitaab ee Ahlu Sunuhu ka qaataan Axaadiista Nebiga.
- Kutubta kale ee uu qoray waxa ka mid ah:
- Shamaa’il Muxamadiya: Waa kitaab uu ku qoray dhamaan axaadiistii ka waramayay Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e.
- Taariikh.
- Al-Cilal
Abu Daa’uud:
- Taariikh Nololeedkiisu waa Hijriya 202 ilaa 275.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Sulaymaan Bin Ashcas Bin Bashiir.
- Naaneystiisa ama Kunyadiisu waa Abu Daa’uud.
- Waxa uu ka mid ahaa dadkii ka yimid meesha la yidhaa Sijistaan.
- Waxa uu ka mid yahay culimada xadiiska loo daba-fadhiisto.
- Waxa uu soo ururiyay ku dhawaad nus milyan xadiis.
- Waxa uu ku qoray Kitaabkiisa Sunan Abii Daa’uud, axaadiis tiradoodu gaadhayso 4800, waxa uu kitaabkani ka mid yahay lixda kitaab ee ahlu-sunuhu ka qaataan xadiiska Nebiga.
- Waxa ay saaxiib ahaayeen Axmed Bin Xambal.
- Waxa uu berigii dambe u soo guuray magaalda Basra, si uu xadiiska uga dhigo, magaaladaasi ayaanu ku dhintay.
- Kutubta kale ee uu qoray waxa ka mid ah:
- Al-Maraasiil.
- Al-Bacsi.
Nisaa’i
- Taariikh Nololeedkiisu waa Hijriya 215 ilaa 303.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Axmed Bin Cali Bin Shucayb, Nisaa’i.
- Waxa uu ka mid ahaa dadkii ka yimid Khurasaan.
- Waxa uu u kala gooshay caalamka Islaamka, waxa uu la kulmay culimo badan, isaga oo doonaya in uu soo barto, oo dhegaysto Xadiiska Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, ilaa uu heer sare ka gaadhay.
- Waxa la sheegaa in shardiga uu adeegsado, marka uu xadiiska ka soo warinayo qof, uu ahaa mid ka adag shardigii ay adeegsan jireen Bukhaari iyo Muslim.
- Waxa uu tagay magaalada Dimishiq, kadibna kuwa halkaa joogay ayaa wax ka weydiiyay Mucaawiye Bin Abu Sufyaan, wuu ka aamusay weydiintaasi, kadibna way soo garaaceen, oo way ka soo saareen magaaladii, wuu ka yimid, isaga oo doonaya in uu tago magaalada Makka, kadibna dhexda ayaa uu ku sii dhintay, magaalada Ramla ee ku taal Falastiin.
- Waxa uu soo ururiyay axaadiistii Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, kadibna waxa uu ku qoray Kitaabkiisa Sunan Al-Nisaa’I, waxa uu kitaabkani ka mid yahay lixda kitaab ee ahlu-sunuhu ka qaataan xadiiska Nebiga.
- Kutubta kale ee uu qoray waxa ka mid ah:
- Al-Mujtabaa.
- Al-Ducafaa’a.
- Khasaa’isu Cali.
- Fadaa’ilu Saxaabah.
Ibnu Maajah
- Taariikh Nololeedkiisu waa Hijriya 209 ilaa 373.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Muxamad Bin Yasiid Rubci.
- Kunyadiisa ama Naaneystiisu waxa ay ahayd Ibnu Maajah.
- Maajah waxa la yidhi waxa uu ahaa naaneystii Aabihii, waxa kale oo la sheegay in Hooyadii la odhan jiray Maajah.
- Waxa uu cilmiga ama Xadiiska u doontay Basra, Baqdaad, Shaam, Masar, Xijaas iyo Riy.
- Waxa uu soo ururiyay xadiiska Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, waxa uu ku qoray kitaabkiisa Sunan Ibnu Maajah, kitaabkani waxa uu ka mid yahay lixda kitaab ee ahlu-sunuhu ka qaataan xadiiska.
- Kutubta kale ee uu qoray waxa ka mid ah:
- Tafsiirka Qur’aanka.
- Taariikhda Qaswiin.