Waa culimadii u tafa-xaytay, in ay habeeyaan, oo hagaajiyaan, hab-fahamka aayadaha iyo axaadiista Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e.
Waxa ay Aayadihii iyo Axaadiistii u habeeyeen qaab la fahmi karo, oo la jaan-qaadaya nolol-maalmeedkii dadka.
Waxa ay culimadani uga tageen muslimiinta dhaxal aan duugoobaynin(انشاء الله) “Rabbi Naxariistii Janno Ha Ugu Deeqo Dhamaantood…”
Imaam Shaafici
- Taariikh Nololeedkiisu waa Hijriya 150 ilaa 204.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Muxamed Bin Idriis Bin Cabaas Bin Cusmaan Bin Shaafici.
- Waxa uu ka dhashay qabiilka Banii Madalib > Qureysh.
- Waa iimaamka ay ku ab-tirsato mad’habta Shaaficiyada, oo ka mid ah afarta Mad’hab ee ahlu-sunuhu qaateen.
- Waxa uu bartay, oo uu yaqaanay cilmiyada ay ka mid yihiin:
- Cilmiga Fiqi-ga.
- Cilmiga Qiraa’aat-ka.
- Cilmiga Usuul-sha.
- Cilmiga Xadiiska.
- Afka Carabiga.
- Gabayga.
- Qoraalada iyo qormooyinka uu qoray aad ayaa ay u badnaayeen, waxa laga sheegay Axmed Bin Xambal inuu yidhi: “Ma jiro qof haysta qormo uu cilmi ku qoran yahay, oo aan qormooyinka Shaaficina wax ka haysanin…”
- Waxa uu ahaa nin aad u degan.
- Waxa uu mad’habtiisa ku fidiyay Xijaas iyo Ciraaq, kadibna waxa uu u soo guuray Masar taariikhdu markii ay ahayd 199H, oo uu iyana ku fidiyay mad’habtiisii, uu kuna dhintay.
- Kutubta uu qoray imaamku waxa ka mid ah:
- Al-Um: waa kitaab fiqiga ka hadlaya.
- Al-Risaala: waa qormadii u horeysay ee lagaga hadlo usuul-sha fiqiga.
- Al-Axkaam Al-Qur’aan.
- Al-Ikhtilaaf Al-Xadiis.
Imaam Axmed
- Taariikh-Nololeedkiisu waa Hijriyah 164 ilaa 240.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Axmed Bin Maxamed Bin Xanbal Shaybaani.
- Kunyadiisa ama Naaneystiisu waa Abu Cabdilaahi.
- Qabiilkiisu waa Banii Dahl Bin Shaybaan.
- Waa ninka ay ku ab-tirsato mad’habta Xanbaliya, oo ka mid ah afarta iimaam ee ahlu-sunuhu qaateen madaahibtooda.
- Waxa uu asal ahaan ka yimid meesha la yidhaa Marwa, laakiin waxa uu ku dhashay Baqdaad.
- Waxa uu kala kulmay imtixaan adag, in uu ogolaado, oo uu yidhaahdo Qur’aanku waa Makhluuq sida dadka oo kale loo abuuray, laakiin wuu diiday arrintaasi, waxa ay aheyd xiliyadii ay xukumayeen dawlada muslimiinta Ma’muun iyo Muctasim, kuwii waxaa sheegayayna Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye wuu uga hiiliyay.
- Waxa uu qoray Kitaab ay ku qoran yihiin 30,000 oo xadiis, oo la yidhaahdo Musnad Axmed.
- Waxa kale oo uu qoray kutub ay ka mid yihiin:
- Al-Masaa’il.
- Al-Ashribah.
- Fadaa’il Al-Saxaabah.
Imaam Abuu Xaniifah
- Taariikh-Nololeedkiisu waa Hijriyah 80 ilaa 150.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Nucmaan Bin Saabit Bin Kaawis Bin Harmis.
- Waxa xoreeyay, oo uu ku ab-tirsadaa qabiilka Tiim.
- Waxa la yidhi asalkiisu waxa uu ahaa reer faaris.
- Waxa uu ahaa Faqiih, Mujtahid, Muxaqiq, Imaam.
- Waxa ku ab-tirsata mad’habta Xanafiyada, oo ka mid ah afarta mad’hab ee ahlu-sunuhu qaateen.
- Waxa uu ku dhashay, oo uu ku barbaaray Kuufah.
- Waxa uu ka ganacsan jiray “Khis”, cilmigana wuu baran jiray kadibna waxa uu u go’ay bixinta fatwada iyo dhigida diinta.
- Imaam Maalik waxa laga hayaa isaga oo ka yidhi: “waxa aan arkay nin(Abu Xaniifah) hadii aad ku tidhaa ma ka dhigi kartaa Saariyadani dahab, waxa uu la istaagayaa in uu la yimaado daliilkii uu kaga dhigi lahaa… ”
- Imaam Shaaficina waxa laga hayaa isaga oo ka yidhi: “Dadka fiqiga yaqaanaa waxa ay ciyaal u yihiin Abu Xaniifa”
- Abu Xaniifa waxa uu qoray kutub ay ka mid yihiin:
- Musnad: waxa uu ku ururiyay axaadiista Nebiga(scw).
- Al-Makhaarij: waxa uu ku ururiyay Fiqigiisa.
- Fiqi Al-Akbar: waa risaalat isaga loo tiiriyo, oo caqiidada ah.
- Al-Caalim Wal-Mutacalim: iyaduna waa risaalad.
Imaam Maalik
- Taariikh-Nololeedkiisu waa Hijriyah 93 ilaa 179.
- Magaciisa oo dhameystiran waa Maalik Bin Anas Bin Maalik, Asbaxi, Ansaari.
- Waxa uu ku dhashay, kuna dhintay Madiina.
- Waa ninka ay mad’habta Maalikiya ku ab-tirsato, oo ka mid ah afarta iimaam ee ahlu-sunuhu qaateen madaahibtooda.
- Waxa uu cilmiga ka qaatay:
- Naafic Mawlaa Ibnu Cumar.
- Al-Suhiri.
- Rabiicatu Ra’ayi.
- Iyo Ragaasi Aragtiyahoodii.
- Waxa uu caan ku ahaa Sugnaanshaha iyo Dadaalka.
- Aad ayuu ugu dadaali jiray xadiiska werintiisa iyo qoridiisaba.
- Wixii aanu garaneynin kamuu cabsan jirin in uu yidhaa “Ma Garanayo”
- Waxa laga hayaa in uu yidhi: “Fatwo maan bixinin ilaa ay todobaatan Sheekh iiga markhaati kaceen, in aan ehel u ahay bixinta fatwada”
- Waxa uu caan kaga dhex noqday magaalada Madiina ku-dhaqanka iyo fahamka uu fahmay Kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo Sunaha Nebi Muxamed Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e.
- Waxa uu ahaa nin Haybad ama Sharaf leh.
- Waxa la sheegay in Amiirka magaalada Madiina uu ku dhuftay in ku dhow ilaa Boqol Jeedal.
- Madaxweynihii muslimiinta wakhtigaa Rashiid ayaa u yeedhay, si uu ugu akhriyo diinta, kadibna Maalik wuu diiday inuu madaxweynaha ugu tago halkiisa, waxaana laga hayaa isaga oo yidhi: “Cilmiga waa loo tagaaye, looma yeedho”, kadibna madaxweynihii ayaa u yimid, oo soo hor fadhiistay Imaam Maalik, sidii ardeyda oo kale.
- Waxa uu qoray kutub ay ka mid yihiin:
- Muwada’a: waxa uu ku ururiyay axaadiista Nebiga.
- Tafsiir Qariib Al-Qur’aan.
- Al-Maduuna: waxa uu ku ururiyay Fiqigiisa.
- Radu Calal Qadariyah.
- Al-Risaalah: oo uu u diray Lays Bin Sacad.
t1qfxy