Awoodda Odhaahda

Gabadh baa nin jaarkeeda ah ku tuhuntay tuugnimo, kadib maxkamadaa lageeyey ninkii, baadhitaan kadib waxay maxkamadu go’aamisay in aanu dembi lahayn.

Ninkii wuxu maxkamada ku dacweeyey haweeneydii, oo wuxuu ku eedeeyey inay ku been abuuratay, haweeneydii waxay qaadigii maxkamada ku tidhi iyada oo is-difaacaysa “qaadi hadal la iskuma xukumo, oo wax dhib ah ma leh

Qaadigii wuxuu ku yidhi gabadhii: waxaad warqad ku qortaa hadal, kadib jeex jeex oo wadada ku daadi, kadib soo noqo maalin kadib, markii ay haweeneydii soo laabatay, ayuu qaadigii ku yidhi: hadii aad waraaqdii aad googoysay soo ururin waydo, waxaan kugu xukumayaa 1 sano oo xabsi ah.

Haweeneydii waxay ku jawaabtay: qaadi taasi macquul maaha, oo dabayshaa qaadatay, oo kala yaacisay, qaadigii wuxuu ku yidhi: waa sida hadalka aad ninkaas ka sheegtay oo kale, wuu faafay lamana soo qaban karo, sumcad-dilkii aad u geysatay iyo sharaftiisa aad dhaawacday.

Cibrada sheekada .

Hadaba sheekadan waxaan ka faa’iidaynaa yaan la dhayalsan hadallada aan ku hadlayno, sababta oo ah si fudud buu ku ilaawayaa qofka yidhi, laakiin qofka lagu yidhi waxaa laga yaabaa inta uu nool yahay inuu xasuusnaado, hadalkaaguna saamayn noloshiisa ku yeesho.

Abdulahi Haydari

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?