Soomaalidu markii ay dawlad ahaan u duntay, waxa kale oo raacay, oo isna dumay hanaankii nolosha bulshada, kaasi oo ku dhisnaa nidaamka is-ilma’adeersiga iyo wax-isku-ahaanta, hanaankaa tolnimadu waxa uu ahaa ka keliya ee ay bulshadu ku wada joogeen, iskuna garabsan jireen, ileyn qof keligii is-bixinayaa ma jiro, waa in qof kastaa uu helaa bulsho kala du-duwan oo uu kaashado, isna kaashata, oo uu la noolaado, markaa bulshadaasi waa in uu jiraa dabar isku haynaya wada-jirkooda, oo astaan u ah urursanaantooda ama umadnimadooda.
Hadaba tolnimadu waxa ay u ahayd soomaalida astaanta keliya ee urursanaantooda, taasi oo ka dhigan in qof kastaa ilaashado tolkii, si isagana ay tolkii u ilaaliyaan, iyada oo tolkuna yahay inta is-abtirsi taqaan, ee odeygii ay ka soo tafiirmeen yaqaan, tolka waxa hormuud u ahaa oo hagaamin jiray madax-dhaqameed ku soo baxa dhaxaltooyo, isaga ayaa looga dambeyn jiray talada tolka iyo sida wax loo wadayo, waa ta keentay in reeruhu kala xadaarad bataan, oo reeraha qaarkood oo helay madax-dhaqameed mufakir ah ay guulo badan iyo horumar gaadhaan, halka reeraha qaarkoodna ay ku kala qaybsamaan ama ku duloobaan talo-xumo ka timid madax-dhaqameed aan la badali karin geeri mooyee.
Kolkaa markii uu Ingiriis dhulka yimid, waxa uu sameeyay nidaam ka duwan kii tolnimada, kaasi oo ah mid cid dhexe ay maamulayso, isuna keenay reero iyo qabiilo ku kala oodnaa deegaano u kala calaamadsan, oo aanay isu soo dhaafi jirin, ciddaa dhexe oo noqon karta dad kala abtirsi duwan, Ingiriis wuu yaqaanay habka loo wadayo nidaamkaasi, soomaaliduna way uga dambeeyeen wadistiisa.
Se markii uu Ingiriis baxay, waxa soo baxday in reerihii noqdaan kuwo siman, xataa hadii aanay aqoon ahaan sinnayn, oo kala aqoon badan yihiin, hadana waxa ay ka siman yihiin sooyaalkii nolosha, oo intaad jirteenba waanu jirnay ayaa u ah doodooda goleyaasha ay ka jeediyaan, iyo weliba tirada dadka iyo ta geela oo la isu-tirsado, taasi waxa ay keentay in maamulkii dhexe uu qaadi kari waayo tiro badan oo hadana xafiiltan iyo isu-fiirfiirsasho ka dhexeyso, ilaa iyo maanta tii ayaa ina haysata, oo kolba qofkii xilka qabta waa loo abtirinayaa, oo loo maleegayaa caqabado aanu dhaafi karin, si aan reerkoodu ugu faanin waxqabadkiisa, taasi waxa ay keentay burbur bulsho, waa tii dagaallada iyo colaadaha sokeeye ina gelisay, dadkiina ku kala irdhoobeen.
Markii ay deegaannada soomaalida ka dhismeen dawlado la yidhi waa casri, oo hadana Waraabe-Utaag ah, waxa ka dhashay in xilalkii dawladnimo ee dadka wax loogu qaban lahaa ay soo fadhiisteen, oo buuxiyeen, dad aan lahayn tayadii iyo tilmaantii waxqabad ee laga filayay, taasi waxa ay si dadban u dumisay hanaankii qadiimiga ahaa ee bulshada, kaasi oo aynu ku sheegnay is-ilmaadeeraysiga iyo tolnimada, hadaba qaabka ay u dhaawacday waxa aynu ku tusaaleyn kartaa:
Markii la yidhi dawlad casri ah ayaa la sameeyay, oo leh ciidan u dhex ah dadka, kuwaasi oo cidii dulmi iyo xadgudub sameysa qabanaya, iyo maxkamado dadka loogu gar-qaado, kuwaasi oo si cadaalad ah dadka ugu adeegaya, waxa si aayar aayar ah dadkii u soo cidleeyeen dhufeysyadii tolka, oo dadkii waxa ay joojiyeen si-adag ugu dhegenaanshihii ay tolkood gar iyo gardaraba is-garab taagayeen, se markii dawladii casriga ahayd ay noqotay mid fadhiid ah, oo ku suntan qawda maqashii waxna haw qaban, oo ay curyamiyeen kooxdii bidixda fog, waxa dhacay dad badan in ay la soo deristay dulmi iyo xadgudub ay tirsanayaan, kolkaa qofkii la dulmiyay waxa uu isku qufulayaa tol ma jiro, sow taa lagugu daawanayo dhibka, halka tolkii ay iyaguna is-leeyihiin “dee miyuu ciidanka booliska iyo maxkamadaha la tago” taasi waxa ay keentay irdho iyo kala-tashi dhex yimid tolkii, halkaasina waxa ku furmay dabarkii bulshada isku hayn jiray ee ahaa tolnimada.
Hadaba si looga soo baxo godkii ay colaaduhu inagu rideen, waxa ay ahayd Ileyn Haani Gun Bay Ka Tollantaaye in aynu usoo kacno sadexdan qaab middood:
- Masaajidku inuu inoo noqdo barta aynu ka soo korayno ama fananayno badhaadhaha, waana qaabka ay maanta in badani u bu’ayso, iyaga oon hadana dariiqiisii haynin.
- Qabiilkii oo reer kastaa soo dhisto golihiisii dhaqanka, kadibna dadkii qof kasta uu ku xidhmo madax-dhaqameedkiisa iyo tolkii, kadibna qabiil kasta marka uu gudihiisa soo dhiso, uu reerihii kalena weydiiyo maxaynu wada qabsan karnaa.
- Dawladnimada Casriga ah taasi oo maamul dhexe bulshada hogaaminayo, laakiin tani waa xasaasi, maxaa yeelay; waa in aad looga fiirsado dadka xilka loo dhiibayo, oo loo dhiibo dadka ugu lexo-jeclada badan dad ahaan iyo dal ahaanba, hadii kale waxa ay noqonaysaa ceelka in laga soo baxo iska daaye in toban baac iyo ka badan hoos loo sii dhumbado, oo labada hore ayaaba dhaama marka si loo eego.
Nasiib xumo kolba koox ayaa is qaad-qaada, oo is-xariifisa, oo tidhaa annaga ayaa wax sameynayna, oo soomaali ceelka ka soo saarayna, waxaa ay wadaan ha noqdo mid heer qabiil ah, ama mid heer qaran ah, ama mid heer diineed ahba’e, wuxuun bay ku dambeeyaan sidii Abwaan Xasan Ganay yidhi:
Kolba Duubka Kaan U Dhiibaa, In uu La Ambadaa, Waa Dhaxalgal Dabiici ah.