Wuxuu yidhi: “waxaanu jaar ahayn gabadh muddo badan xanuun hayay, jidhkeedii wuu dhamaaday, waanu soo booqan jirnay, waxa ay nooga warami jirtay meelaha ay ka xanuunsanayso, aad ayaa xanuunku ugu adkaa, waxa kale oo xaafada deganayd, gabadh u shaqayn jirtay Hay’ad, oo aqoonyahanad ahayd, waxa lagu soo dooni jiray gaadhiga hay’ada, laguna soo rawixin jiray, aad ayaa ay u barwaaqeysnayd, maalin ayaa aqalkii aqoonyahanadda laga qaylyay, waanu ku yaacnay, waa gabadhii oo aad u xanuunsanaysa, xanuunkeedu waa kii aanu ku arki jirnay gabadhii xanuunsan jirtay, ee iyaduna xaafada deganeyd… … markii aanu u soo duceynay, ee aanu ka soo baxnay, waxa aanu aragnay gabadhii xanuunku muddada badan hayay, oo aqalka kaabadiisa soo fadhida, way sheekeynaysaa, oo way soo qoslaysaa, waxaabad moodaa in aanay weligeedba xanuunsanin, jidhkeeda oo madh-dhay, oo isha lagu arkayo in uu daciif yahay mooyaane, hadalkeeda lagama dareemayo xanuun, hada marka aanu booqano, waxa aanu u tagi jirnay iyada oo taahaysa, waxa dumarkii soo ogaadeen, in xalay habar la joogtay ay waxani sameysay, oo ay u kala badashay, Intii aanu waagu beryinna ay baxsatey Illaahay Amarkii!