Waxa ay ahaayeen laba hablood oo da’a yar, qiyaastii aan ka weynayn 25-jirro, way iga soo hor-baxeen, kadibna markii aanu isku soo dhawaanay, way isku kay soo beegeen, waxa aan moodayay in ay yihiin kuwo haasaawe-doon ah, kadibna waan ka yar leexday, markii aanu is-weydaaranay, waxa aan dareemay in ay is-taageen, oo ay wax sameynayaan, laakiin maan eegin, oo waxa aan weli moodayay in ay Haasaawe rabaan, kadibna mid ayaa tidhi: “Naa Miskiinka Ka Daa… …” kadibna waan eegay, waxa aan arkay iyada oo ay midi isa sii malmalayso, sidii oo inta ay wax sameysay, kadibna wixii ay dhameystirtay, markii aan ka dhaqaaqay, waxa meel dhinaca midig igaga beegan, ka soo kacday dabayl si dhuuban u wareegaysa, oo cirka isku shareertay, kadibna sidii ay u soo wareegaysay ayay igu soo beegantay dabeyshii, waxaan is idhi ka leexo ama ka carar, laakiin waan ka gaadhsiin kari waayay, dabeysha wareegeedii ayaa I soo gaadhay, oo dhexda ayaa aan u galay, in ilaa dhowr il-bidhiqsi ah ayaa ay igu wareegaysay dabayshii, markii ay I dhaaftay, waxa aan dareemay wadno-gariir, jidhidhico badan iyo kabuubyo, oo dhinaca bidix gaar ahaan lugta iyo gacanta bidixda ayaa aad ii kabuubyooday, oo aan is-idhi malaha dareenkiiba wuu ka tagay, laakiin al-xamdu lilaah woxogaa markii aan socday ee aan tasbiixda & takbiirta badiyay, way iga ba’day kabuubyadii.