SIDEE LEYSU BARAA JAHLIGA

Casharkii 1-aad

Aqoonta lagu barto hannaan walba ee waxbarasho waxaa lagu qaataa aqoon uu qofku intifaacsado. Ha ahaato aqoon farsamo ama aqoon aragtiyeed, ha ahaato aqoon dabiicad ama aqoon bilshadeed, mid ay tahayba aqoontu waxay kugu kordhisaa waaya-aragnimo loo kaashado nolosha. Laaakiin aqoonta ah in lays-baro jahliga waa waxbarasho soo jirtey muddo dheer oo leh culumo ku takhasusta, taas oo afka laatiinka lagu yiraahdo (Agnotology). Waa tallaal lagu beerayo ra’yi jaahilnimo baaxad wayn, kaas oo la doonayo in bulshada lagu yeesho saamayn lagaga danaysto iyada oo la marayo manhajka marin-habaabinta.

Haddii horey loo sheegey in aqoontu ay tahay awood, barashada jahliga waa awoodda lagu bur-buriyo awoodda aqoonta. Dadyowga dunida ku nool, tamarta kaga baxda in aadamigu wax bartaan oo ay aqoon ku adeegtaan, tamar ka xoog wayn ayaa kaga baxada in dadka lagu dhex faafiyo jahliga oo au aqoon-darri ku adeegtaan. Dadkaasi jahliga faafinaya waxay diiddan yihiin xaqiiqooyinka nolosha oo aqoonta lagu gaarayo. Sidaa darteed waxaa jira mu’sasaad dowli ah ee xooggan oo ku hawlan in caqliga aadamiga ay kala diriraan garashada iyo aqoonta ama ay ka shaki geliyaan xaqiiqooyinka nolosha. Markaas ayaa casrigii lagu magacaabay casriga aqoonta iyo sancada dadkii waxay noqdeen kuwo cabiid ah iyaga oo aanan is-ogeyn. Haddaba aynu u baxno fagaaraha ay aqoon-yahannada bulshadu kaga sheekeystaan barashada jahliga.

In dadka laga yeelo juhalo maahan oo keliya in aqoonta laga ilaasho, bal waa manhaj maskaxda qofka lagu callaqayo, dabadeed uu ku shaqeynayo. Aqoonta jahliga waa handasada jaahileynta iyo farsamooyinka la diraaseeyey ee saameyntiisa. Taasi waxay raad ku yeelanaysaa qanaacadda qofka ama bulshada iyo doorashooyinka ay ka leeyihiin nolosha. Waa qaab lagula kaco ummadaha si loogu jaheeyo waddada ay ku daciifayaan. Dadkaasi lagu guuleysto in ay bartaan aqoonta jahliga waxay ka fogaadaan dhaqankii iyo anshixii ay qarniyada badan ku soo ceysheen oo ay awoowayaashood ka dhaxleen. Markaas ayaa waxay ku dhacaan shaki iyo xeyraamid, waxaa ku dhasha cabsi ay ka qaadaan dadka shisheeyaha ah.

Erey-cilmiyeedka loo yaqaan aqoota farsamaynta jahliga wuxuu yahay (Agnotology)Waa aragtiyo falsafadeed oo lagu baadiyeynayo dadka. Inkasta oo fahamka aqoonta Agnotolojiydu ay soo af-baxdey sanadihii 1970-aadkii ee qarnigii tegey, misana xilligaas laguma baraarugin jiritaanka barashadan iyo dhawaacyada ay u geysan karto bulshooyinka aadamiga ah. Aqoon-yaanka la yiraahdo Prof. Robert Neel Proctor waa taariikh-yahan u dhashay dalka Mareeanka. Sanadkii 2008-ii ayuu bixiyay magacan ah samaynta jahliga (Making Inorance), taas oo ereybixinteeda aqooneed uu ku sheegey (Agnotology). Aragtidan ah samaynta Jaahilnimada, waxaa uga horeeyey ninka la yiraahdo Iain Boal oo isna ah taariikh-yaan u dhashay dalka Irish.

Aragtida uu xmbaarsan yahay ereyga Agnotology waa mowduuc soo jireen ah oo ay dadka kuwooda xilalka haya kaga danaystaan dad-waynaha ay mudnaanta ka heleen. Gaar ahaan kuwa hiyi-raacyada ah oo maskaxooda ayan ku filleyn in ay fasirtaan sababaha dhacdooyinka nolosha iyo natiijooyinka laga filanayo. Waxaa tusaale nool loo soo qaadan karaa fiisik-yahankii caanka ahaa Galileo Gailei markii uu sheegey in dhulku uu ku wareego qorraxda, waxaa arinkii ka hor-yimid wadaaddadii kaniisadda oo kitaabka ay haysteen xilligaas uu dhigayay in dhulku taagan yahay, qorraxduna ay socoto. Baadarigii kaniisadda Roma ugu sareeyey Pope Urban-kii VIII-aa, si uu u difaaco beentii ku qorneyd kitaabka uu diin ahaaan u haystay, wuxuu beenaale ku sheegey Galilei Galileo. Isla-markaas wuxuu ku xukumey xabsi guri illaa uu ka dhinto.

Dhowr qarni ayaa dad-waynaha Yurub ay kaniisaddu diin uga dhigeysey beentaas.Sanadkii 1992-kii, baadarigii ugu waynaa Vatikaanka Pope Ioannes Paulus PP II-aad ayaa khudbad uu u jeediyay dadyowga raacsan diinta katooligga wuxuu ku sheegey in Galilei Galileo oo ka saxsanaa kaniisadda. Ciqaabtii lagu qaadayna ay ahayd dulmi lagu sameeyey aqoon-yahankaas u dhashay Talyaaniga. Dhacdadan waxay markhaati u tahay sida qarniyo badan ay kaniisaddu u marin habaabisay malaayiin dad ah oo ku raacsanaa khalad ay goor danbe aqoonsatay in ay dadkeeda ku khasbaysay in ay u aaminaan caqiido diineed oo dadka jahli ku abuureysa. Haddii afar qarni horteed uu dadku caynkaas ahaa, maanta ayuu jahligu ka xooggan yahay. Sidaasna waxaa ku hadlay Prof. Robert Neel Proctor oo yiri:

” Waxaanu nool-nahay xilli ay dunidu saamaysay jahli xag-jir ah. Waxaa yaab leh jaad walba oo ogaal xaqiiqa ah in uu ku soo gaarayo iyada oo ku guda-jirta tashwiish badan. In-kasta oo aqoontu ay tahay mid baahsan, taasi macnaheedu maahan in aanu gaarnay xaqiiqadii aqoonta ”.

Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiqm1000@gmail.com

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?