Diri-dhaba waa magaalada labaad ee ugu wayn itoobiya, waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu dhan tahay 1213km³ waxay dhacdaa galbeedka deegaanka Soomaalida, waxay caasimada Jigjiga 165 KM. Sidoo kale waxay Addis Ababa U jirtaa 509KM. Waxay magaalada Taariikhiga ah ee Harar u jirtaa masaafo dhan 67 Km. Sidoo kale waxay magaalada Jabuuti u jirtaa 376 KM. Waxay Caasimada gobolka Siti ee Shiniile u jirtaa 10KM. Waa magaalo ku taala marin muhiima oo isku xidha ganacsiyada isaga kala goosha Jabuuti iyo Itoobiya kale dhammaateed. Dire-dhabe waxaa magaalo ahaan loo dagey 1902-dii, intaa wixii ka horeeyey waxaa la sheegaa iney ahayd tuulo yar oo biyo iyo dhir-badan leh, Sida uu xusayo buugga Fatuux Al-xababsh magaca Diri-dhaba waxay magaaladu kula baxdey in magaalada ay daganaayeen beesha Dir oo la macno ah meeshii Dir ku dhaqnaa. Marna waxaa la sheegaa in uu ka yimid magacu duulimaayadii Axmed Gurey mid kamida inuu yidhi halkan waa meesha aan ku galney Dirir-dhaba. Magaalada Diri-dhaba aas-aaskeedu wuxuu ka soo bilowdey markii Jidkii tareenku soo gaadhey magaalada 24-kii December 1902-dii, jidkan oo la doonayey in la gaadhsiiyo magaalada Herar ayaa suuroobi waayey sababo la xidhiidha dhulka jooga sarre leh ee buuralayda ah ee sokeeya magaalada Harar, sidaa ayaa loogu joojiyey magaaladda Diri-dhaba, waxaana loo bixiyey magaca Herertii cusbayd (Addis Herar) balse magacaasi ma hanaqaadin.
Dire-dhabe waxay ku caanbaxdey kolkii ba ganacsi xoog leh, waxayna soo jiidatey ganacsato badan, ganacsigan oo kolkii hore u dhaafi jirey Herar, ayaa ku joogsanayey magaalada, waxayna magaaladu ka faa’iiday Jidkii tareenka ee Jabuuti, sidoo kale waxaana loo soo wareejiyey kastamadii canshuuraha magaaladda Dire-dhabe. Dire-dhabe xiligaa waxaa degay shaqaalihii dhisayey Jidka tareenka, sidoo kale iyagaa injineero ka ahaa dhismayaashi u horeeyey ee magaalada, kadib waxaa soo degay Faranjiyiin, Greeg, Armaaniyiin,Carab iyo reer Yurub badan.sidoo kale magaalada waxaa deganaa xiligaa Soomaali iyo Itoobiyaan(aan la xusin qoomiyadahooda). Magaaladu xiligaa waxay u qaybsanayd laba deegaan dagmo waxaana kala qaybinayey Dooxada ama togga wayn ee Dheetaju. waqooyi-galbeed magaalada waxaa daganaa inta badan ajanabiga sidoo kale koonfur-bari magaalada waxaa deganaa Soomaalida iyo ganacsato Carab ah oo aan badnayn, oo kulahaa ganacsi iyo suuq camiran.1920-yadii dhanka koonfur-beri magaaladu way kobocdey, Labaddii Cusbitaal ee ugu horreeyey baa magaalada laga dhisey, mid shirkada Jidka tareenka dhisayaysey baa fulisey, midna Dowladda 1934. Dugsiyadii ugu horeeyey baa xiligaa laga dhisey magaaladda, sidoo Jaaliyadihii ajanabiga ahaa ee Hindida, Giriiga, Talyaanigii daganaa ayaa dugsiyo ka dhistey. 1917 Jidka Tareenkii waxaa la gaadhsiiyey Addis Ababa, sidoo 1928-dii waxaa la dhisey wadada u dhaxaysa Diri-dhaba iyo Harar, taas oo Diri-dhaba ka dhigtey magaalalo isku xidha Jabuuti, Addis ababa iyo Harar. Bangigii Itoobiya ayaa waax ka furtey magaalada markii ugu horaysey 1931-dii. Sida uu xusayo Qoraaga buugga “The real Abyssinia” CF Rey, Diri-dhaba waxay ahayd Magaalada ugu hormarsan ee ku taalay aaggaa, ee laga heli karayey adeega Korontada, Wadooyinka tayo leh, laydhadh, iyo biyo nadiifaba.
Kadib dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya, Diri-dhaba waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan ee dagaalka, waxay ahayd barkulanka Labada Ciidan ee Talyaaniga ee labada jiho dagaalka kasoo qaadey Soomaaliya Iyo Ereteriya ee ay kala Hoggaaminayeen Badagilo iyo Grazali,wuxuuna Talyaanigu qabsadey magaalada 9-kii May 1936-dii. Waxay guushii kulanka Labadii ciidan ugu dabaaldageen Jidka Tareenka ee Diri-dhaba. Gacan ku haynta Jidka Tareenka waxaa sii hayey Faransiis oo isagu dhisey. Wuxuu Talyaanigu haystey Diri-dhaba mudadii u dhaxaysey 1936-1941. Wuxuu Ingiriisku duqayn ku bilaabay ciidamadii Talyaaniga ee Diri-dhaba fadhiyey June 1940-kii, wuxuuna laga qabsadey magaalada March 1941-dii. intaa wixii ka dambeeyey waxay Diri-dhabe gacanta u gashey maamulkii Ingiriiska, waxa ayna Diri-dhaba ahayd halka looga talin jirey Biritish Reserved Area, Illaa ingiriisku u gacan galiyo Itoobiya sannadii 1947-dii.
1974-kii kacdoonadii dhergiga lagu diidanaa ayaa saamaysey magaalada, dad mudaharaad samaynayey ayaa la toogtey, Yuruubiyaan iyo Carab badan baa magaalada iska cararey! Kiniisadihii Giriiga iyo Armaaniyiinta ayaa iyagana Albaabada loo laabey, shirkado iyo warshado gaar loo lahaa ayay dhergigi qarameeyeen.! Wax yar ka dib waa kii qarney Dagaalkii Caanka ahaa ee Ogaden war ama dagaalkii 1977/78-dii, waxay Diri-dhaba ka ciyaartey door muhiima, Wuxayna Ciidanka Soomaalidu magaalada qabsadeen November 1977 kadib huwanta Ciidamadii huwanta ahaa Kuubaanka iyo raashiyaanka iyo itoobiyaanka ee garabsanayay ayaa ciidamadii Soomaalida dib u riixey, waxaana ka dagaalo silsalado ah oo la magacbaxey Dagaalkii Diri-dhaba.
Kadib dumitaankii Dowladdii dhargiga 1991-dii waxay EPDRF Dire-dawa qabsatey 31-kowdii May 1991-dii, waxaana dagaal kala hortagey Jabhadii IGLF(Issa Gurguraa Libration front) iyo OLF, waxaana dagaaladaa iska caabinta ku dhintey qiyaastii illaa 100 qof. Kadib markii 1993-dii la aas-aasey deegaanka Soomaalida, wuxuu deegaanka Caasimad ka dhigtey magaalada Diri-dhaba. kadib TPLF oo ka cadhaysan dagaalkii ay Soomaalidu kala hortimid ayaa diidey go’aankan. Sidoo kale waxaa iyana diidana Deegaanka Oromada oo ku doodayey in Diri-dhaba Oromia ka tirsantahay. Kadib murankaa, TPLF oo soomaalida ka xaglinaysa waxay go’aamiyeen in Diri-dhabe toos loo hoos geeyo Dowladda Fadaraalka, sidaa na ku noqoto magaalo maamulkeeda La kalaysto (Charter city) waxaana la ansixiyey Taariikhdu markay ahayd 2004-tii bayaanka tirsigiisu yahay 416/2004. Bayaanku wuxuu xusayaa in Duqa magaalada Diri-dhaba ay ku kalaystaan Oromada iyo Soomaalidu, Maamulka intiisa kale ay u qaybsadaan 40 iyo 40-tan, 20-ka soo hadhana qoomiyadaha kale, sidoo kale bayaanku wuxuu xusaya in af-ka maamulka Diri-dhabe yahay Af-xabashi, balse Minaahijta waxbarashada iyo warbaahinta loo isticmaali karo Afafka Soomaalida iyo Oromada. Labada xildhibaan ee heer Fadaraal iney u kala qaataan mid Oromo ah iyo mid soomaali ah. Sidoo kale Diri-dhabe waxay leedahay Gole xildhibaano magaalada u gaara, oo shantii sannaba mar lasoo doorto. 2004-tii illaa maanta sidaa ayaa magaalada lagu maamulaa. Dire-dhaba mudadaa ay jirtey waxaa soo marey 10-maayar, oo todobo kamida Soomaali tahay.
W/Q Ahmednuur Tamaan