Wuxu yidhi: wadamada dibada ayuu kasoo iibsaday cadar iyo toosh, dadkii uu waagaasi la noolaana waxa ay ahaayeen badaw ama reer miyi, may aqoon udgoon weel ku jira iyo toosh ama shay iftiin sameeya,
kadibna waxa uu dadkii muxaadiro ugu sheegay: “Awliyada waxaa lagu gartaa Udgoonka iyo Iftiinka…”,
kadibna inta uu cadarkii soo marsado, ayaa uu go’ huwadaa habeenkii, tooshkana hoosta ayuu gashadaa, dadkii markii ay arkeen isaga oo udgoon ka soo urayo, waxna ka soo iftiimayaan habeenkii, waxa ay isku-qanciyeen, inuu yahay Awliyo-Alle,
xeelad ayuu ku harawsaday reer-miyigii.